Barnaamijka Dunida ka yaabiyay ee Qays iyo Qalbii Idma'an ( قلبي اطمأن )

 


Waxa kalkii 5aad socda barnaamij jaadgooni oo dunida aad looga soo dhaweeyay. Barnaamijka magaciisa waxa oa yidhaahdaa " Qalbi Idma'in.' Waxa soo saara Qays oo ah wiil dhallinyaro ah oo aan wejigiisa la arag. Waxa maalgeliyay ururka Bisha Cas ee Imaaraadka.
Barnaamijku wuxuu si taxane ah u socdaa sannadkii 5aad. Sannadkasta waxa uu soo baxaa bisha Rabadaan. Halkii kal ama sannad ba waxa uu ka koobanyahay 29 ama 30 xalqadood.
Dadka waxa uu ka caawinaya qofkastaa baahida uu qabo. Waxyaabaha uu qofka ka caawiyo waxa ka mid ah: Waxbarashada, caafimaadka, shaqala'aanta, hoyla'aanta, xeryaha qaxootiga dadka ku nool, qof la mastaafuriyay oo aan dalkiisii joogin, agoomaha, macallimiinta bilaa mushaharka ah IWM.
Barnaamijku waxa uu u dhacayaa qaab ah in Qays soconayo oo dal tagayo, ka dib dalkaas uu ka raadinayo qof baahan oo waxyaabo badan tebaya. Isagu wejiga wax buu ku xidhanyahay oo wuu dadanyahay, lamana garanayo. Qof meel meherad yar ku haysta, qof gaadhi maydhaya, carruur xero qaxooti ku ciyaaraysa, qof xanuunsanaya oo gurigiisa niyadjab la jiifa ayuu u tegayaa. Ka dibna qofkaas ayuu noloshiisa ka waraysanayaa, marka qofkaasi u warramo, ayuu la muraaqoonayaa Qays. Ka dibna wuu caawinayaa. Inta uu Boorsada uu dhabarka ku sito furo ayuu kiish ay lacag iyo wax kale ku jiraan soo saaranayaa. Ka dibna wuu siinayaa. Qofkii baahnaa ee miskiinka ahaa ayaa farxaya. Farxad iyo u qaadanwaa ayuu qofkaasi la ooyayaa, ka dibna wuu marxabbaysiinayaa oo laabta ayuu gelinayaa.
Lacagta uu Qays siinayo qofkaas baahani waa mid duruuftiisa wax ka taraysa. Haddii uu guri u baahnaa waa mid u dhisaysa, haddii uu waxbarasho la'aa waa mid waxbarasho ka bixinaysa, haddii uu cunto haysan waa mid cunto u goysa, haddii uu caafimaad u baahnaa waa mid caafimaad u goyn karta, adigu alxaasil qofkasta baahidiisa ayay u daboolaysaa.
Waxa aan isku dayi doonaa Xalqadaha qaarkood inaan soo koobo oo iyaga oo Af Soomaali ah HALKAN idin kula wadaago inta Rabadaanta, Insha Allah.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?