Safiya Bintu Cabdimuddalib: Nebiga Eddadii: Taariikhda Haweenkii Saxaabiyaatkii Nebi Muxammed SCW: Xalqaddii 2



Safiya, garoonnadii Jihaadka doorar badan oo waxku’ool ah ayay ku lahayd, oo taariikhdu way xustay, haddaba maalmahaas adkaa ee jihaadka lagu jiray kaalinta ay Safiya kaga jirtay laba dhacdo oo waawayn aynu soo qaadanno: Dhacdadii maalintii Uxud, iyo dhacdadii maalintii Khandaq.
Dagaalkii Uxud, Safiyay waxa ay raacday koox Ciidamadii Muslimiinta ka mid ah, iyada oo rabta inay jidka Alle u jihaadaan. Safiya biyaha ayay dhaaminaysay, dadka harraada ama ooma ayay waraabinaysay, leebka iyo qaansada ayay u hagaajin jirtay, kana caawin jirtay. Sidoo kale, ujeeddo wayn ayay u haysay, oo dagaalka oo dhan ba dareennadeeda ayay ku guubaabin jirtay.
Waxa cajiib ahayd inay saaxadda la joogeen inankii walaalkeed dhalay ee Muxammad SCW- Rasuulkii Alle; Walaalkeed Xamse Binu Cabdilmuddalib- Libaaxii Ilaahay; iyo inankeedii Subayr Binu Cawaam, oo ka mid ahaa dadka Nebiga ugu dhawdhaw.
Markii ay aragtay in Muslimiintii ay ku dhawyihiin inay kala firdhadaan oo inyar Nebiga ku soo hadhayso, gaaladiina ay u dhawyihiin inay Nebiga gaadhaan way u gurmatay. Safkii ayay gashay, gaaladii ayay weerartay oo warmihii ayay qaadatay, oo gaal ayay wejigiisa kala dhacaysay waran.
Markii Nebigu SCW arkay Safiya oo xaggiisa u soo socota wuu u cabsaday, wuxuuna uga cabsooday inay aragto walaalkeed Xamse oo la dilay oo gaaladu jidhkiisii qurubqurub u googoysay, markaa inankeedii Subayr ayuu farta ugu fiiqay, oo wuxuu ku yidhi “ Gabadha [hooyadaa] la hadal oo ka jooji [inay Xamse u gasho] Subayroow… Gabadha [hooyadaa] la hadal oo jooji [inay Xamse u gasho] Subayroow …” Subayr baa hooyadii joojiyay oo wuxuu ku yidhi: “ Hooyo ka fogoow, hooyo ka fogoow…” Markaas ayay tidhi: “ Hooyo waaye, noo bannee.” Markaas ayuu inankeedii Subayr ku yidhi: “ Rasuulka Alle ayaa ku amray inaad dib u noqotid.” Markaas ayay Safiya tidhi: “ Sabab? Waxaa isoo gaadhay in walaalkay la googooyay, arrintaasina xagga Alle ayay ka timid.” Markaas ayuu Rasuulku yidhi: “ Subayroow, iska sii daa, oo u bannee.” Markaas ayaa la sii daayay.
Markii dagaalkii dhammaaday Safiya walaalkeed Xamse ayay dul istaagtay; waxayna aragtay walaalkeed oo calooshiisa la dillaaciyay, beerkiisiina lagala baxay, sankiisiina la googooyay, dhegihiisiina la jarjaray, iyo wegisii oo laga garaacay oo isbeddelay oo midabdoorsoomay. Markaas ayay Alle u danbidhaaf wayddiisay, waxayna tidhi hadal ah “ Arrintaasi xagga Alle ayay ka sugnaatay, Qaddarka Alle iyo jaagoyntiisana raalli baan ku ahay. Wallaahi waan samrayaa, Allena ajar ayaan xaggiisa ka rejaynayaa inuu arrintaas iga siiyo Insha Allah.”
Arrintaasi waa maqifkii Safiya maalintii dagaalkii Uxud.
La soco qaybta xigta. Asxaabta gaadhsii ( share) ama ku mentioned garee.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?