Macallimiinta Bilaa Mushaharka ah: Xalqadda 2aad: Turjumaadda Barnaamijka (Qalby Etmaan - قلبي اطمأن ) ee Qays





Qays markan waxa uu tagayaa dalka Ciraaq. Waxa uu u dan leeyahay inuu caawiyo Macallimiinta bilaa mushaharka ah ee arday sida lacagla'aanta ah wax ku bara. Waxa uu u tegayaa Muxamad, oo ah Macallin bilaa Mushahar wax ku dhiga.
Muxammad waa Aabo qoys ka masuul ah oo maal iyo masruuf laga sugayo, balse wax dakhli ahi ma soo galo. Waxa uu ku noolyahay Xeryaha Qaxootiga.

Qays Muxammad ayuu weraysanayaa, Muxammad waxa uu sheegayaa xaaladdiisa dhabta ah iyo duruufta uu ku noolyahay, waxa uu xusayaa inuu yahay Aabbo carruur leh, oo aan wax dakhli ahi soo gelin. Uuna yahay Macallin lacagla'aan ardayda wax ku bara. Qays baa wayddiinaya " Shaqadan intee in leeg ayaad waddaa, oo ardayda lacagla'aan wax ku baraysay?" Muxammad waxa uu sheegayaa inuu muddo 5 sano ah lacagla'aan wax ku dhigayay. Qays baa sii wayddiinaya " Sideed 5 sano lacagla'aan ugu shaqaynaysay?" Muxammad baa ku odhanaya " Hadda maxay kale ee aan qaban lahaaba? Ma jiro wax kale oo aan qabtaa, tani waa shaqada kaliya ee aan qaban karo." Waxa Muxammad kuu ku sii darayaa in xilligan imtixaannadii lagu jiro, oo uuna maalmahan cashirro dhigin.

Qays baa sii wayddiinaya " Sababta uu shaqadan u qabto?" Muxammad si kalsooni leh u odhanaya " Waayo, xerada Qaxootiga ayaa ii baahan in aan ardayda waxbaro. Dadkuna waa sabool oo waxba ma haystaan." Qays baa odhanaya " Waad saxsantahay." Qays baa sii wayddiinaya " Dadka xeradan Qaxootiga ku nooli ma waxa ay u badanyihiin kuwa aan waxna akhrin, waxna qorin?" Muxammed baa odhanaya " Haa." Qays baa sii wayddiinaya " Kuwa aan waxna akhrin, waxna qorin ma carruurta uun baa?" Muxammad ku jawaabaya " Maya e waxa jira dad waawayn oo aan waxna akhrin, waxna qorin." Qays baa sii wayddiinaya "sideen u xallinnaa?" Muxammed ugu jawaabaya " Xalku waxa weeyaan in dadaallo loo midaysanyahay la sameeyo."

Qays baa ka codsanaya inuu waxyar sii sugo, ka dibna Qays waxa uu gelayaa qolkii ay hortaagnaayeen. Tiishka wax la iskaga masaxo ayuu u dhiibayaa, wuxuuna u sheegayaa inuu ugu keenay si uu dhididka iskaga masaxo. Muxammed baa ku odhanaya " Waan ogahay waxa aad iigu timid." Ilma badan oo ka socotay ayuu iskaga masaxayaa Muxammed.

Muxammed baa ku odhanaya " Waan ku garanayaa." Qays baa ugu jawaabaya " Anigu waxanaan ahay macallin adi kula mid ah. Waxaanan rabnaa inaan carruurta jaahiliinta ah wax barno. Dadkuna way isku tiirsanyihiin. Muxammed baa ku odhanaya " Magacaa?" Qaysbaa u sheegaya magaciisa " Qays." Muxammed baa odhanaya " waan ku garanayaa." Ka dib Qays baa odhanaya jawigu waa kulayle aan koodhka iska saaro. Inta uu iska saaro ayuu qolka galayaa. Wuu soo noqonayaa isaga oo wax sida, wayna is qooraqooraynayaan.

Sheeko ka dib, Qays waxa uu Muxammed u dhiibayaa Envelope xidhan. Envelope ka, lacag iyo farriin wada socda ayaa ku jira. Farriinta qoran waxa ay tahay " Sayid Muxammed, adigu farxad baad u qalantaa. Waxa aannu ku siinaynaa dhammaan wixii aad xaqa u lahayd ee kaa habsaamay, iyo mushaharkaagii. Sababta aannu kuu siinaynaa waa waxbaridda aad waxbartay carruurta xeryaha qaxootiga ku nool. Dadku way isku tiirsanyihiin."

Ka dibna hab ayay isasiinayaan, oo inta ay isdhunkadaan ayay kala tagayaan.

Halkan ka daawo Af Soomaali ahaan: https://www.youtube.com/watch?v=wCrQejiHCwg

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?