Safiya Bintu Cabdimuddalib: Nebiga Eddadii: Taariikhda Haweenkii Saxaabiyaatkii Nebi Muxammed SCW Xalqaddii 3


Arrintaasi waa maqifkii Safiya maalintii dagaalkii Uxud.
Mawqifka Safiya ee dagaalkii Khandaqna miyaa? Waxa ay leedahay qiso cajiiba oo caqli badnaan iyo maanfurnaani ka buuxdo. Iga guddoon hannaanka ay u soo gudbiyaan kutubta taariikhdu.
Dhaqankii Nebi Muxammad SCW waxa ka mid ahaa marka uu dagaal galayo dumarka iyo carruurta ayuu dhufaysyada kaga sii tagi jiray, waayo waxa uu ka baqan jiray in magaalada loo daba maro iyada oo ay maqanyihiin raggii.
Maalintii Khandaq haweenkiisii, eddadii, iyo kooxo kale oo haweenka Muslimiinta ka mid ah waxa uu geeyay dhufayska Xasaan Binu Saabit aabbihii ka dhaxlay, wuxuuna ka mid ahaa dhufaysyada magaalada Madiina ugu adag.
Markii Muslimiintii isku wareejiyeen hareerihii godka ee Quraysh iyo xulafadoodii ka hortimid, waxa ay ku mashquuleen dumarkii iyo carruurta.
Safiya, ayaa aragtay wax dhaqdhaqaaqaya oo meel ka muuqda, dhegaha ayay u taagtay, oo indhahana way ku fiirisay- waaba Yahuudi dhufayska yimid, oo basaasayay Muslimiinta, oo rabay inuu warar ka maqlo. Waxa ay ogaatay in ninkani basaasnimada can ku yahay oo xataa tolkii ku yaqaannaan, oo uu halkan u yimid si uu u ogaado inay dhufayska rag difaacaa joogaan, iyo in loo geli karo oo carruur iyo dumar keli ahi joogaan.
Safiya nafteeda ayay la hadashay, waxayna nafteeda ku tidhi: ‘ Yuhuudda reer Banii Qurayda, waxa ay buriyeen ballankii iyaga iyo Nebiga ka dhexeeyay, waxayna soo raaceen oo ka soo dhex muuqdeen Quraysh iyo xulafadeeda. Dhufaysan aan joognana ma jiro hal nin oo Muslina oo naga difaacaa, Rasuulkii Alle iyo ciddii la socotay jiidda hore ee cadawga ayay joogaan.’
Intaas ka dib, Safiya waxa ay doonatay khimaarkeedii, madaxa ayayna ku dabooshay, dhar kalana way soo qaadatay oo dhexdeeda ayay ku adkaysay, Loox/tiir wayn oo dhumuc leh inta ay soo qaadatay ayay degta soo saaratay, ka dibna dhinacii dhufayska ayay tagtay. Inta ay socotay ayay tiirkii waynaa ee ay sidatay ninkii ku dhufatay, ka dibna dhulka ayuu ku dhacay, oo dhulka ayay ugu tuurtay. Ka dibna darbadii hore ayay laba kale ugu dartay illaa uu dhintay oo qudhbaxay. Inta ay dhankiisii u soo kacday ayay madaxa kaga jartay mindi ay haysatay, ka dibna madaxiisa ayay ka tuurtay dhufayskii.
Madaxii ninka ayaa ku dhex dhacay Yuhuuddii soo dirtay xagga hoose ku sugaysay. Yuhuuddii markii ay arkeen madaxii saaxiibkood oo hor yaallay ayay si hoose iskugu yidhaahdeen: " Waxa aannu ogaannay Muxammed in aanu dumarka iyo carruurta kaga tegin ilaalo la'aan", dabadeedna raadkooda ayay dib u raaceen.
Alle ha ka raalli ahaado Safiya Bintu Cabdilmuddalib, waxa ay tusaale nool u tahay gabadha Muslimka ah.
Masiibo ayaa ku habsatay, balse way ku samirtay oo way u adkaysatay. Dhibaatooyin badan baa soo wajahay, balse waxa ay noqotay gabadh caqli badan oo fariid ah. Kutubta Taariikhda waxa bogaggooda cajiibka ah ku yaalla hadal ah “ Safiya Bintu Cabdilmuddalib, waxa ay ahayd gabadhii u horraysay ee gaal u dishay Islaamnimo darteed.”

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?