Sookoobidda Barnaamijka ( قلبي اطمأن ) ee Qays: Xalqadda 1aad



Xalqaddan koowaad waxa uu tagayaa dalka Urdun. Wuxuu markiiba Qays la kulmay nin xooggiisa maalaya. Ninkani maalin biraha ayuu tumaa, maalinna waxbuu gadaa, maalinna baabuurta ayuu maydhaa. Waa xoogsade kolba dhinacii duruuftu sababtu u rida. Magaciisa waxa la yidhaahdaa Bilaal, mushahar yar ayuu qaataa, saddex qof oo uu dhalay ayaa Jaamacadda ugu jira! Dayn ayaa lagu leeyahay.

Ninkaasi meel laabeejo ah ayuu markan joogaa, Qays baa u tagaya ka dibna ku odhanaya " Maxaad qabataa?' Ninkii baa odhanaya " Baabuurta ayaan maydhaa, waxaanan qabtaa shaqooyinka dhaqidda baabuurta IWM. Had iyo jeer waar werwersanahay oo walaac baa I haya. Noloshana Alle kaliya ayaa na caawiya. Dadka oo dhanna caqabado ayay wajahayaan oo dhibaato ayaa haysata." Qay wuxuu ka dalbayaa inuu gaadhiga u maydho, welibana waxa uu u tilmaamayaa sida uu ugu maydhayo. Ninkii ayaa gaadhigii dhammaynaya.

Qays ayaa ka codsanaya inay wada sheekaystaan oo waxoogaa wada hadlaan, wuu ka aqbalayaa oo way isxaalwaraysanayaa, wuxuuna u sheegayaa xaaladdiisa dhabta ah.

Intaas ka dib Qays ayaa ninkii u sheegaya inuu walaalkiisan Qays oo Imaaraadka ka yimid caawin doono. Kiish ay farriin iyo lacagi ku jiraan ayuu boorsadiisa uga soo bixinayaa. Kiishkaas ayuu guddoonsiinayaa. Ninkii ayaa kiishkii dhunkanaya, ka dibna wuu sujuudayaa.

Ka dibna waxa uu kiishka ka soo saarayaa farriin odhanaysa " Bilaaloow, adigu farxad ayaad u qalantaa. Carruurtaaduna Fiigii Jaamacadda waa laga dammaanad qaaday, oo annaga ayaa maalgelinnay, wayna heleen. Dadku way isku tiirsanyihiin, oo iyaga ayaa wax isku ah." Waxa kale, oo uu ugu darayaa oo siinayaa lacag uu daynta iskaga bixiyo.

Bilaal ayaa u ducaynaya Qays, wuuna ilmaynayaa, wuxuuna u sheegayaa inuu hawl culus ka furtay, toddobaadkii ugu danbeeyayna werwer badan hayay. Ka dibna HAB ayuu siinayaa, oo laabta ayuu gelinayaa.

Intaas ka dib isaga oo faraxsan ayuu ka tagayaa.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?