Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an (قلبي اطمأن )ee Qays, Xalqadda 5aad: Riyada qofkasta oo Bini'aadan ah: Guri

 



Xalqaddan Qays waxa uu tegayaa Dalka Masar, dalkaas ayuu ka fulinayaa mashruucii khayriga ahaa. Ammintan dadka waxa uu ka caawin doonaa dhibaatada la xidhiidha hoyla'aanta. Waxa jira dad badan oo bilaa hoy ah. Qays, waxa uu leeyahay " gurigu waa hammiga qofkasta oo Bini’aadan ah."

Qays waxa uu u tegayaa nin xoogsanaya oo gaadhi dameer jaajuur ku guraya. Ninkii buu salaamayaa. Magaciisa Khaalid baa la yidhaahdaa. Hadalkan ayaa dhexmaraya:
- Halkan ayaad ka shaqaysaa saw maaha?
- Haa, halkan ayaan ka shaqeeyaa oo warshad Jaajuurka soonsaartaan ka shaqeeyaa.
- Illaa goorma?
- Illaa waqti dheer.
- Waxa la ii sheegay inaad halkan shaqo dheeraad u timaaddid.
- Ma waxa aad u baahantahay inaad shaqo adag qabatid.
- In alla intii suurtagala.

Khaalid, waa oday 53 jir ah. Waxa uu ka shaqeeyaa warshad Jaajuurka samaysa. Guri aan wacnayn ayuu degganyahay.

Hadalkii ayay sii wadanayaan Khaalid iyo Qays:
- Hadda maad shaqaynaysaa.
- Maya, ma awoodo, waan daalay.
- Kaalay inyar aynu shaqayno, ka dibna aynu iska tagno.
- Okeey.

Qays waxa uu isku dayayaa inuu la shaqeeyi, oo Gaadhiximaarka kula guro jaajuurka. Qays baa ku odhanaya " Ma gaadiidkan ayaynu ku qaadi doonaa?" Khaalid baa odhanaya " Haa." Qays baa ku odhanaya " Immisa carruura ayaad leedahay?" Khaalid baa odhanaya " 2 qof." Qays baa odhanaya " May waawaynyihiin mise way yaryaryihiin?" Khaalid waxa uu u sheegayaa in mid ka mid ah oo gabadh ahi guursatay, ka kalana aanu weli guursan. Qays baa ka codsanaya inuu shaqada ka yar joojiyo oo 5 daqiiqo uu siiyo si ay u wada sheekaystaan. Khaalid baa odhanaya aniga oo shaqayanay sheekada ii wad. Qays baa ku odhanaya ' Shaqada daacad baad u tahay.'

Khaalid waxa uu u sheeyaa inuu shaqadan Qabanayay tan iyo illaa intii uu noqday 19 sano jir, haddana waa 53 sano jir. 34 sano ayuu ka shaqaynayay warshaddan jaajuurka. Waxa uu xusayaa inuu dhawr jeer shaqadan darteed qaliinno u galay, waxa kale oo uu xusayaa in gabadhiisu madkii ay guursatay kharashka wax ka bixiyay lacagta uu warshaddan ka sameeyay.

Qays waxa uu wayddiinayaa Khaalid " Xaaladdaa dhaqaale hadda ka warran? Ma liidataa mise waa caadi?" Khaalid, waxa uu u sheegayaa in xaaladdiisu liidato. Illaa hadda Khaalid shaqada ayuu wataa, Qaysna wuu agtaaganyahay. Qays baa ka codsaday inuu shaqada yar joojiyo.

Ka dib Qays boorsadiisa ayuu Envelope uga soo saaray, Khaalid buu u dhiibay. Envelope ka waxa ku jirtay farriin ahayd " Sayid Khaalidoow, adigu farxad baad u qalantaa. Guriga ayaannu kuu dhisi doonnaa. Dadku way isku tiirsanyihiin." Khaalid baa Envelope kii dhunkaday. Markaas ayuu Khaalid ku yidhi " waxani waa maxay?" Qays baa yidhi: " Waa lacag, iyo hadiyad aan adiga kuugu talagalnay." Khaalid baa farxay, oo inta uu Qays qabtay madaxa iyo dhabankaba ka dhunkaday. Wuxuuna isaga oo dhaaranaya u sheegay inuu murugo badan ka dulqaaday.

Ugu dibna laabta ayuu gelinayaa. Qays waxa uu u sheegayaa inuu u qalmo intan iyo in ka badan. Wuxuuna Qays ka tegayaa Khaalid oo oohin farxadeed ilmaynaya.

Halkan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=9qcpkukTmfg&t=4s

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?