Qalinjabintaydii: Way Timid Maalinteennii 12 Sano Aynu Sugaynay; Laba Xaaladood oo Kala Duwan!!

 

Sawirkani waa aniga iyo Hooyaday Layla Axmed. Waa Dorraad ( 12 Sept. 2021) iyo qalinjebintaydii Jaamacadda Cammuud. Muuqaalku waa farxad farxad kale ku lammaan. Halgan nololeed iyo hammi hirgalay ayuu muujinayaa. Waa xaalad gaar ah, qalinka kuma muujin karo dareenka uu gudbinayo. Sawirka iyo turjumaaddiisu waxa ay igu xanxantaynayaan ama i xasuusinayaan maalin aan sii fogayn oo xaalad kale iyo goob kale aannu aniga iyo Hooyaday wada joognay. Waa dhammaadkii sannadkii 2008dii. Waa aniga iyo Hooyaday. Aroor hore ayaannu aqal Soomaaligayagii ka toosnay, laxooxdii ayay dubtay, dhawr xabbo oo qallalan ayaan cunnay. Sacihii aannu shaaha ku caddaysan jirnay ayaan ka maalnay. Aniga iyo hooyo waxaannu u baxaynaa Magaalo, oo qorshuhu wuxuu ahaa aniga in magaalo aroortaas la i geeyo. Dhawr calal oo hun ah ayaan bac yar ku ritay, hooyana way lammaanayd oo gabadh yar ayay xanbaarsanayd. Waannu diyaargarawnay. Waxa aannu tagnay Istaanka caanaha laga qaado ee tuuladayada Qorijabka ( Oogada, Madarka). Waxa aannu halkaas ku sugaynay Gaadhi Caanoole Wajaale caanaha keena.
Gaadhigii ayaa soo maray Istaankii ama godkii Caanaha. Hal shidh ayuu lahaa gaadhigu, dhinaca guradana caanaha ayaa lagu rasayn jiray. Mar haddii shidhka gaadhiga waynay, si kasta oo ay u adagtahay waxa qasab noqotay inaan aniga iyo Hooyaday ba gurada gaadhiga fuulno. Gaadhi caanooluhu boqollaal meelood ayuu istaagaa oo caanaha ka qaadaa, aad na wuu u warwareegaa.
Aniga waxbadan ayaa igu cusbaa, balse 2 arrimood ayaa ugu waawaynaa. Marka koowaad aa markii ugu horraysay ee aan gaadhi fuulo. Intii hore marka aannu guurayno haddii aan daalo waxa la i saari jiray Gaadhiximaar ama kolba wixii macquula. Balse, gaadhi guuxiisa oo xoolaha iga didiya mooyee hore uma raacin. Markii aan gaadhiga fuulay ba dhulkii ayaa orday oo waxa aan arkay geedaha iyo wixii dhulka socday bay way ordayaan. Khiyaalkaas ayaa ii sawirmay. Markii gaadhi in yar socday ba matag ama hunqaaco ayaa ii qabatay. Kumaannu soo talagalin oo qorshaha kumaannu darsan wuu hunqaaci doonaa. Alxaasil waan matagay, dhabta hooyaday ayaan ku sii daayay matagii. Inyar ayaa caagadii caanaha gaadhay, maadaam gurada caagado caana ahi saarnaayeen. Mar haddii aan hunqaacay, caagadahiina wax gaadheen, waxa kii gaadhiga waday yidhi: " Iga daga." Anna hiqda ayaan hayaa, oo matag ma kala joojinayo. Ugu danbayn waxa xaaladdu keentay in Hooyo ila lugayso oo maanta gaadhiga halka aannu joogno iga reebto, maalintii xigtay oo berri ahaydna aannu Wajaale tagno. Waannu lugaynay aniga iyo Hooyo oo lammaan, illaa meesha Caloola la yidhaahdo oo Ayayday Aabbo Ruqiya Siciid waqtigaas yara degganayd ayaan xilli duhur ah nimid. Halkii ayaannu ku nasannay. Ilmihii ay xanbaarsanayd hooyo waxa ah kaga sii tagtay ayeeyo Ruqiya. Maalintii ku xigtay ayaan diyaargarawnay Wajaale nimid.
Ta labaad, waxa ay ahayd waa markii iigu horraysay ee aan magaalo arko! Hore uma arag magaalo, tuulooyin ayaan arki jiray. Magaaladii ugu horraysay waxa ay ahayd Wajaale. Sidoo kale, waxa igu cusbaa Suuliga.
Maalmo ka dib waxa aan tagay magaalada Boorama. Halkaas ayaan nolol cusub ka bilaabay, Hooyadayna Miyigii ayay waqtigaas ku laabatay oo carruurtii iyo xaafaddii ayay tagtay. Xaalado cusub ayaan galay. Isbeddel nololeed oo gun iyo baar ah ayaa dhacay.
Xasuustaa dheer ayaan galay oo maalintan wayn baa i xasuusisay maalintaa adkayde aan soo yara laabto.
Waqtigaas ayaan Waxbarasho bilaabay. Waan u dhabar adaygay. Culays kasta oo ay lahayd waan u adkatay, Allana wuu igu asturay. Tiro malaha inta jeer ee duruufuhu jooji yidhaahdeen, balse, aan u adkaystay.
Waqtigaasi waxa uu ahaa dhammaadkii sannadkii 2008dii. Markaas ayaan ka imid Miyigii aan ku dhashay. Waxa aan iska baddelay xaaladdii aan ku jiray. Waxa aan wareejiyay xoolihii aan raaci jiray, waxaanan bilaabay waxbarasho: From xooloraac to Aqoonraac. Maanta waxa laga joogaa 12 sano, iyo 10 bilood. Dhinac marka laga eego waa waqti kooban, waxa qabsoomayna waa wax wayn: Quraan xifdin, Waxbarashada Dugsiga oo dhammaystiran, 1 Diploma, 2 Degree, turjumaadda 3 buug, qoridda 1 buug, qoridda 100+ maqaal iyo waxyaabo badan oo kale.
Dorraad ayaan Jaamacadda Cammuud ka qalinjebiyay. Waxa xafladda igala soo qaybgalay waalidkay, habaday, qaraabo kale iyo asxaab farabadan. Waxa aanan qiyaasi karin farxadda aan ku sugnaa. Farxaddayda mid boqol jeer waxa ka ka badnayd farxadda ay Hooyaday Layla dareemaysay. Waad qiyaasi kartaa farxadda hooyo carruurteeda halka qof wax ka bartay, kiina qalinjebinayo.
Sida aan hore u sheegay, maadaama aan ahay qofka kaliya ee qoysas badan, iyo walaalihiiba wax ka baran waxa aan rejaynayaa in Alle ila garab galo masuuliyaddaa. Maalinta farxadeed waxa ku lammaan mid murugo oo ah in qoyska ayna cidina waxba baran! Runtii waa xaalad aan in badan ka fekero, oo wax iska wayddiiyo. Alle ha igu asturo.
Guntii iyo gebagebadii, waxa aan u mahadcelinayaa Allaha qaddaray inaan fursaddaa helo. Marka labaada waxa aan u mahadcelinayaa cidkasta oo wuxuun ku lahayd fursaddaa haba yaraatee.
Heerkaa nololeed ee waxbarasho halkaas ayuu ku dhammaaday, wuuna midhadhalay. Waxa loo diyaargaroobayaa halganka nololeed ee kan xiga. Dadaal kaa ka badan ayaan la iman Insha Allah.

Guul iyo halgan baa innoo ballana.

Cabdirasaaq Sandheere
Booram, Awdal.
14 Sibtanbar, 2021.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?