Fahanka Jaceylka Waqtigan


 Jaceylku waqtigan waa dhif iyo naadir. Waxaa jira dad iskugu baaqa jaceyl; oo fallaadha jeceylka dhigey calaamad ka mid ah noloshooda. Kuna suntey meelahooga. Waxayna isweyddaarsadaan weedho ROMANTIC AH, kuna tusinaya noloshooda in uu jiro jaceyl.
Jaceylka dhabta ahi waa qalbiga; jaceylka dhalanteedka ahina waa jidhka. Sabobtaas ayuuna ka hore waligii u joogaa; ka danbana jidhka la dhammaadaa. Maxaa ka weyn jaceylkii Suubbanuhu (NNKH) u qabey Khadiija markii uu yidhi: “ Waxa la igu arsaaqay jaceylkeeda.”
Jaceylka dhabta ahi waa oofin; ka dhalanteedka ahina sawirasho. Bilistii Khadiija waxa ay Suubbanaha u timid iyada oo weyn, wuxuuna u qaadey jaceyl iyo qaddarin. Caa’isha ayaa Suubbanaha ku tidhi: “Maxaad ugu kacdaa islaantaa weyn (cajuusada)?” Wuxuu ku odhan jirey: “ Maalmo ayaan soo wada marney Khadiija..”

Jaceylka dhabta ahi waa xasuuso aan la illaawin; jaceylka dhalanteedka ahina waa mid waqtiga la socda. Suubbanuhu ma illaawi jirin Khadiija; meelkasta wuu xasuusnaan jirey, maalmihii Khadiija maalmey ahaayeen, mana suurtagel aha in la illaawo. Maxaa ka weynaa jaceylkuu Suubbanuhu u qabey Khadiija!
Jaceylka dhabta ahi waa ka lagu raaxeysto inta uu jiro, Suubbanuhu wuxuu Kitaabka Rabbi ku dul akhriyi jirey dhabtii Caa’isha ee diirranayd. Cuntadana wuulla wadaagi jirey/cuni jirey. Wuxuuna ku siin jirey gacantiisii sharafta lahayd. Wuxuuna biyaha ku cabbi jirey weelkii ay ku cabtey [Caa’isha]. Sidaa si la mid ah; wuxuu u tagi jirey xaaskiisa isaga oo Sooman, wuxuuna kula maydhan jirey meel kaliya. Jaceylkaasi qurxoonaa, yaa helaaya!! Yaa helaya xidhiidhkaa dhawaa! Mar kaliya ayuu isku darayaa nolol fiican iyo raaxeysi jinsi xalaal ah; Qur’aanka ayuu ku akhriyayaa dhabta (gosha) xaaskiisa.

Jaceylka dhabta ahi waa ka hela naf iyo jidh wada jira; waana ka ay ku kulmaan labo jaad: A) Wixii uu jidhku doonayey, iyo B) Wixii ay naftu jamanaysay.
Noloshu qurux malaha haddii uuna jaceyl jirin; jaceylna ma jirayo nolosha  haddii uuna isdareen (damqasho) nooli jirin. Dareemiddana lama kobcinkaro haddii ayna  jirin nolol leh  jawi ay ka soo burqanaso quruxi. Dhamaan kuwaasi waxa ay u baahanyihiin fanni, fankuna jaceylka dhexdiisa  waa safaaraddau metesha labada wadaagayaasha (labada isjecel).
Walaalkayoow, jaceylka haka horreyn; muruqyada ninnimana ha ugu adeegin shabagga qoysnimada. Waxa aad fannaan (xeeldheere)  ku noqotaa waxdiridda iyo soodhaweynta, hana ka faanin dhunkashada, gacanqaadka, taabashada beegsiga leh, eegmada ashqaraarka leh, iyo weedhaha wax saameeya.
Walaalkayoow, ha noqon mid ku ad’adeg dad-la-dhaqanka, galmadana ardey ha u noqon, sidii hadafka oo kale. U  gudo sidii bini-aadanka, balse ha u gudan sidii mayeedhaanka (xoolaha). Wehelkaaga noloshana isku dhiib adiga oo aan ka hor imanayn. Waxa ay kaa kugu jilbaabinasaa in uu [jaceylku] qalbiga gaadho ( qalbiga wehelka).
Walaalkey ninoow, galmadu maaha shey kasta ee wadaagidda qoysnimada. Jaceylka ayaa ah aasaaska. Jeclow si bilaa xuduud ah, adna waxaa laguu jeclaan si bilaa xuduud ahe. Gurigana haka yeelin, xafiis ay ku jiraan MADAXWEYNE  iyo SHICIB! Taasi waa luuqaddii sharciga. Sharciguna waa wax la dabaqo. Balse, gurigu waa meel la dego. Tana waa luuqaddii qalbiga. Qalbiguna waxbuu soo jiitaa. Taasina waa farqiga u dhexeeya DABAQIDDA IYO SOOJIIDASHADA.

Walaalkey ninoow, gabadhu waxa ay leedahay caqli furfuran, waxayna u baahantahay qalbi caashaqa. Uma baahna maskax fariid ah. Jeclow oo noocyada quruxdeeda ee kala duwan fiirfiiri, mararka qaar codkeeda ku raaxeyso; mararka qaarna jidhkeega. Wax xishood ahi ma dhexyaallo labada wax isku darsadey ee wax wada wadaagaya [Lamaanaha]. Gabadhu waa caalam bilaa xuduud ah, waxaanad u furfurataa caalamkaa si cajiib ah; maaha codsi.
Walaalkey ninoow, gabadhu waa Dugsi (School) jaceyl, ha isku dayin aad macallin ka noqoto Dugsigaa adiga oo aan haysan shahaadadii. Naftaada ka dhig tababarte, haka dhigin tababare (Coach). Isku day in aad dumiso deyrarka idiin dhexeeya adiga iyo wadaagahaaga. Ku nooloow dhabteeda (gosheeda) adiga oo aan labalabaynayn. U noqo sidii Nebi Muxamed u ahaa Khadiija. Ha noqon dhagax bilaa dareemo ah. Ula oy (ilmee) marka ay daciifto, sida aad ujaceyl daraadeed u dhunkato marka aad gogosha jiiftaan.
Kaasi waa fahanka jaceylka waqtigan ee muuqda, ha kala bakheylin naftaada in aad fahanto oo aad jeclaato, noloshu intaabay ku dhisantahay. Allah mahad leh.



W/Q: Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir (Af Carabi)    25-03-2018
W/T: Cabdirasaaq Sandheere    (Af Soomaali )           26-03-2018

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?