Taariikhda Reysalwasaaraha Ethiopia: Abiy Axmed Cali


     

Abiy Axmed Cali: Raysalwasaaraha Ethiopia; sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee (EPRDF).
Wuxuu ku dhashey Agaro, Jimma Zone, bishii Ogosto 15, 1976. Wuxuuna ka dhashey qoys kala diin ah, kala af ah─oo kala jinsiyad ah . Aabbihii Axmed Cali waa Oromo Muslim ah; hooyadiina waa Amxaarro Kiristaan ah.
Dugsigii hoose, dhexe iyo kii saraba wuxuu ku qaatey Jimma. Markii uu qaangaadhey 1991, wuxuu ku biirey ciidamadii halganka ee ka soo horjeeday Derge Regime. Markii ay rideen kaligiii taliyii waxa uu Tababar Millatari u tagey West Wollega,  
Degrii-giisii koowaad wuxuu qaatey 2001, wuxuuna ka Jaamacadda Microlink Information Technology College, oo Addis’ababa ku taalla. Wuxuuna bartey kulliyada Injineernimada Koomiiterka (Computer Engineering).  Sannadkii 2005, wuxuu qaatey shahaadada Posta Graduate, wuxuuna ka qaatey South Afrika. Sannadkii 2011, wuxuu shahaadada heerka labaad (MA) ka qaatey Jaamacadda Greenwich, oo London ku taalla; oo ay wada shaqeeyaan Machadka Hoggaaminta Caalamiga ah (International Leadership Institute)  oo Addis’ababa ku yaalla. Wuxuuna bartey culuunta Hoggaaminta (Transformational Leadership.)
Shahaadada sare ee loo yaqaan (PH.D) wuxuu qaatey 2017, wuxuuna ka qaatey Machadka Barashada Nebadda iyo Ammaanka (Institute for Peace and Security Studies ) oo Addis’ababa ku yaalla.
Sannadkii 1993, wuxuu ku biirey Xoogga Difaaca Ethiopia (Ethiopian National Defense Force). Sannadkii 1995, ka dib xasuuqii Rwanda wuxuu ahaa xubin ka mid ah Ciidama Ilaalinta Nebadda ee Qaramada Midoobey ( United Nations Peace Keeping Force [UNAMI] ) oo ku sugnaa Caasimadda Kigali ee dalka Rwanda. Intii u dhexaysay 1998-2000 wuxuu hoggaaminayey koox baadhasey halka ay ku suganyihiin Ciidamada Xoogga Erataria (Eritrean Defence Forces). Sannadkii 2010 Abiy wuxuu gaadhey Darajada loo yaqaan Koloneyl Dhexe (Lieutenant Colonel).
Sannadkii 2007, wuxuu aasaasay Hay’adda loo yaqaan Ethiopian Information Network Security Agency (INSA), illaa laga soo gaadhayey 2010 wuxuu ka ahaa Agaasimaha aasaasay. Sidoo kale wuxuu xubin ka ahaa hay’ado dawli ah oo ka shaqeeya xidhiidhka iyo macluumaadka sida; Ethio Telecom iyo Ethiopian Television.

Sannadkii 2010, ayuu Abiy ka tagey Ha’yaddii uu aasaasay ee (INSA), wuxuuna noqdey Siyaasi! Wuxuu ku biirey oo uu xubin ka mid ah noqdey Xisbiga OPDO (Oromo People's Democratic Organization). OPDO waa xisbiga xukumayey Gobolka Oromada illaa sannadkii 1991─sidoo kale waa mid ka mid ah afarta isku bahaystay xukumidda Ethiopia, ee loo yaqaan EPRDF (Ethiopian People's Revolutionary Democratic Front).
Sannadkii 2010, Abiy wuxuu Agaro u matalayey oo uuna noqdey Baarlamaanka Golaha Shacabka. Intii lagu jirey doorashada Baarlamaanka waxaa jirey iska-hor-imaadyo Diineed oo u dhexeeya Muslimka iyo Kiristaanka ku nool Jimma Zone. Iska-hor-imaadyadaasi waxa ay isku baddeleen qalalaase waxaana ku burburey hanti, noloshuna way ku luntey. Abiy wuxuu ku jirey dadkii dib-u-heshiisiinta u gogolxaadhey ee keenay. Mar labaad ayaa loo doortey Golaha Shacabka Sannadkii 2015.  Abiy wuxuuna sameeyay gole uu ciwaan uga dhigey Golaha Nebadda Diinta (Religious Forum for Peace). Wuxuuna ku soo afxidhey oo uu soo celiyey xasilloonidarradii u dhexay Muslimka iyo Kiristanka ku nool Gobolka.
Sannadkii 2014, Abiy wuxuu aasaasay Machadka Baadhidda Dawladda (Government Research Institute) wuxuuna ku magacaabey Xarunta Warbixinta Tiknoolajiyadda iyo Sayniska ‘STIC’ (Science and Technology Information Center) .  Wuxuuna ka dhigey xarun tiknoolajiyad iyo Hal’abuur leh. Isaga ayaana ka noqdey Agaasimaha Guud. Sidoo kale sanadkii 2015 wuxuu xubin ka noqdey OPDO.
Sannadkii 2016, Abi wuu guurey, wuxuuna noqdey Wasiirka Tiknooljiyadda iyo Sayniska. Jagadaa bilo ka dib wuu iskaga tagey wuxuuna ku soo laabtey Gobolkiisii Oromiya, wuxuuna ka qabtey waajibaad iyo waajibaadyo badan. Dhammaadkii 2016, wuxuu noqdey Madaxweynakuxigeenka Gobolka Oromiya, isaga oona ka mid ah Golaha Shacabka ee Ethiopia.  Waxayna aad u wada shaqeeyeen madaxweynaha Gobolka Oromiya Mr Lemma Megersa.

Abiy, wuxuu noqdey madaxa Xafiiska Qoresheynta iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Oromiya.  Sannadkii 2017, wuxuu gargaar u fidiyey malaayiin Oroma ah oo ka soo barakacay xasilloonidarada ka jirta Gobolka Soomaalida [Kililka Shanaad]. 
Abiy,  luuqado badan (A multi-lingual ) ayuu yaqaan. Wuxuuna ku hadlaa (Amxaric Afan OromoTigreega , iyo Engiliish). Wuxuu taageero iyo kalsooniba ka haystaa gobolkiisa Oromiya iyo sidoo kale Siyaasadda Ethiopia. Abiy iyo Lemma-ba waxaa loo tixgaliyaa in ay yihiin siyaasiyiinta ugu saameynta badan Oromada, iyo sidoo kale dadka kalaba.
  
         Halkan ka akhri uyada oo English         ah:(https://en.wikipedia.org/wiki/Abiy_Ahmed_Ali )
           Cabdirasaaq Sandheere




Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?