XUSEEN INA SIINE: CAALIMKII CAALIMYADA!

Ina Siine, waxa uu ku dhashey magaalada Bukhaara, gugii 370 tirsiga Islaamka. Halkaasuuna ku noolaa bilowgii noloshiisa. Waqtigaa magaalada bukhaarina waxa ay aheyd meesha kulmisa Culmida iyo suugaanyahannada. Sidoo kale waxa ku yaalley dhigaal-oollo ( Maktbado) waaweyn. Jawigu wuxuu fakaag u siiyey Ina Siine, in uu wax barto. Aabbihiina wuxuu ku taxey (xidhey) macallimiin badan. Markii koowaad Qur’aanka ayuu xifdiyey, waxa kaluu dhigtey noocyada kala duwan ee luuqadda iyo suugaanta, isaga oo aan toban sanno jir gaadhin!
Ina siine, wuxuu u leexday dhigashada buugta Giriigga noocyadooda kala duwan. Wuxuunna ka soo dhalaalay Cilmiga Dhakhtarnimada isaga oo yar. Oo Dhakhaatiirtii ugu waaweynayd [we caalamku ] isaga ayey wax ka dhigteen (Barteen).

Ina Siine, wuxuu ku mashquuley Xisaabta, Xiddigiska, Fiisikiska, Falsafadda, Dhakhtarnimada iyo Mandiqa. Wuxuunna ka qorey buuggaag qaayasoor leh cilmiyadaa. Buuggaagtiisana waxaa loo afceliyey (turjumey) luuqadda LAATIINKA, oo raad weyn ku leh kor-u-kaca Yurubta cusub.
Ina Siine, wuxuu qorey buugga caafimaadka ka hadlaya ee la yidhaa ( Al-Qaanuun), isaga oo da’diisu labo iyo labaatan (22) sano jir tahay. Buuggu, wuxuu marjac ( meel loo noqdo) u yahay cilmiga caafimaadka. Waxaanna loo afceliyey (Turjumey) luuqado qalaad. Qarnigii shan iyo tobnaad (15) ee tirsiga miilaadiga, waxaa buugga la daabacay lix iyo toban jeer, oo lagu daabacay luuqadda Laatiinka. Halka Qarnigii lix iyo tobnaad (16) la daabacay labaatan (20) jeer. Buugga waxaa lagu dhigan jirey Jaamacadaha Yurub, illaa dhammaadkii Qarnigii shan iyo tobnaad.

Ina Siine, Waa Dhakhtarkii u horreeyey dhayidda u isticmaala dhaawacyada, waanna ninkii u horreeyey ee soo saara dawaysada jidhka ee hadda lagu magacaabo ( Inkalastooma). Wuxuu baadhitaan kasoo saarey Calool xanuunka, Kansarka, Macaanka, iyo, Dhiig socoshada Hooyada illaa uurjiifka. Sidoo kale wuxuu wax ka qorey dawooyinka, Kiniinnada, Turqidda, iyo Faleebada cuntada lagu siiyo markuu qofku xanuunsado. Sidoo kale wuxuu wax ka qorey Falsafadda, Mandiqa, Suugaanta, Xiddigiska, Fiisikiska, Kimistariga, iyo Bayoolajiga ( Xayawaanka iyo Dhirta).

Ina Siine wuxuu marey waddamo badan oo Islaam ah, wuxuunna ka korodhsadey khibrad iyo aqoon. Wuxuu ka qaybqaatey geeddisocodka siyaasadda, wuxuunna labo jeer gaadhey mansabka wasiirnimo. Noloshiisa siyaasadeed kamay madhnayn dhibaato, waalla xidhey, mararna qaarna waxaa loogu hanjabey dil.

Ina Siine, haddii ay soo foodsaarto dhibaato, wuxuu tegi jirey masaajidka. Wuxuunna Allah ka baryi jirey in uu u fududeeyo waxa ku adeg. Ina Siine, muu aheyn nin wax xun maleeya, balse, nolosha wuxuu ku qaabili jirey raalli ahaansho.
In kasta oo jireen daal iyo dhibaato lasoo deristey, iyo in kasta oo uu guurguuraba, haddana waxaa u suurto gashey in uu qoro buuggaag tiro iyon tayaba leh. Wuxuunna noqdey gaaraabidhaan ka soo hillaacay dadkii qeyrkii.

Falsafadyaqaannada Reer Galbeedku waxa ay yidhaahdaan: “Aqoonyahan” Waxa uunna ka mid ahaa culimadii cilmiga badnaa ee xariifka ku aheyd in badan oo cilmi iyo fanniyo ah. Buugta uu qorey iyo cilmi-baadhista uu sameeyey waxa ay gaadhayaan illaa 278.
Buugtiisa kuwa ugu muhiimsan waxaa ka kid ah, ktaabka la yidhaa ( As-shifaa), oo ah siddeed iyo Toban (18) majallo, wuxuunna koobsanayaa waxyaabo badan oo loojigg iyo Fiisikiska ka mid ah.

W/T: Cabdirasaaq Sandheere. 22-01-2018, G.H 11:00-12:30.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?