Arjumidda



Arjumiddu (Rajmigu) waa in qofka tunta ee xaaslaha ah ( Nin iyo naagba) lagu dilo dhagaxaan, ka dib marka la helo ee ay caddeeyaan afar markhaati oo lagu kalsoonyahay, shuruudo badanna lagu xidhey. Afarta markhaatiba waa in ay arkayeen in irbaddu dunta ku jirtay. Way isku duljiifeenna lama aqbalayo, caddeyn dhab ah mooyiye. Haddii saddex ka mid ahi arkaan oo uuna mid afartaa ka mid ahi arkayn qofkaa dhagax laguma dilayo. Xukunkaasina ma fulayo, lamana fulinayo.

Xukunka Arjumiddu waa mid waayahan danbe noqdey gabbaad Diinta lagu maago oo loogu soo gabbado. Xukunkan waxa aan shaqo kalaba hayn oo ka shaqeeya rag badan oo u badan Calmaaniyiin iyo Caqlaaniyiin. Nimankani waxa ay ku doodaan sideebaa qofnool dhagax loogu dilayaa? Miyeyna arxandarro ahayn? Sideebayse caqligayaga u galaysaa? Nimanku muraad intaa ka badan ayay leeyihiin oo ah in Diinta Islaamka hummaag khaldan ay ka bixiyaan.
Arjumidda (Rajmigu) waa xukun ka mid ah xukunnada waaweyn ee Diinta Islaamka. Waxaana jideeyey Allah, wuxuuna yidhi “ Xaaslaha iyo xaasleydu marka ay sinaystaan rajmiya (Arjuma)….” Waa  Aayad la nasakhay akhris oo xukun ahaan u jirta weeyi, kana mid ahayd Suuratu Al-Nuur.

Rasuulkuna Xadiis dhawr ah ayuu ku sheegay walow lagu doodey waa daciif, haddana ficilkaa arjumidda wuu sameeyay oo gacantiisa ayuu ku fuliyey. In la fuliyana wuu amrey.
Nimanka Diiddan oo labadan (Calmaaniya  iyo Caqlaaniya) ugu badanyihiin wax daliil ah ma hayaan aan ahayn caqliga. Nimankanna waa kuwo ay hoggaamiyaan rag aqoon adduun leh, balse, ka arradan mid Diineed.

Xukun Diini ah oo waliba xuduud ah, qofka diida Islaamnimadiisu waa halis. Qofka waxaa la gudboon in uu barto xukunnad Diiniga ah si uuna u deeddifayn. Xukunkanna waxa uu ka midyahay xukunnad ugu waaweyn ee Diinta Islaamka.


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere



Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?