Marka Qofku Qalinjebiyo: Fursadaha iyo Caqabadaha
Hordhac
Bishan iyo tii ka horraysaay waxa geyiga Soomaalida guud
ahaan laga qabanayay xaflado qalinjebineed. Xafladahaasi oo loo qabanayay arday
Jaamacaddii dhammaysay oo shahaadooyin kala heerar duwan qaadatay. Ardeyda
xafladda loo qabtaa waxa ay u badanyihiin arday muddo dheer wax soo baranayay.
Ardayda ugu yar waa kuwo wax soo baranayay muddo ku dhaw 16-19 inta u dhexaysa.
Maalintaas muhiimadda xafladda loo qabtaa waa in ardayga la dhiirrigeliyo oo
tacabka dheer ee uu soo galay loogu hanbalayeeyo.
Maalintaas ardeygu waxa uu galayaa xaalad kala guur. Wuxuu
ka soo baxayaa marxalad nololeed oo uu muddo la qabatay, wuxuuna galayaa
marxalad kale oo cusub oo muddo u baahan inuu la qabsadaa. Marka qofku
waxbaranayo ee Dugsi ama Jaamacad ku jiro wuxuu ku jiraa xaalad isku toosan oo
dhinac loo socdo oo ardaygu dariiq iyo waddo uu raaco ayuu haystaa. Balse,
marka qofku soo qalinjebiyo ma jiro dariiq sax ah oo uu raacaa, wuxuu galaa
marxalad furan iyo nolol ballaadhan oo fursado iyo caqabadaba leh, oo qofka ku
xidhan sida uu u waajaho. Xaaladdaas qofku wuxuu u baahanyahay talo iyo
tusaale. Waxa aan qabaa inay tahay marka ugu habboon ee qofku talo iyo tusaale
u baahanyahay.
Dalka waxa ka jirta shaqala’aan baahsan, oo shaqala’aanta
waxa lagu qiyaasaa 60%. Marka aad dadka
Soomaaliyeed eegtidna dhallinyaradu waa kuwa ugu badan oo waxa lagu qiyaasaa
inay bulshada ka yihiin 70%. Waa muhiim
markaa inay dhallinyaradaasi shaqo helaan, weliba waa inay iyagu dadaalaan oo
curin iyo dadaal la yimaaddaan.
Qoraalkan kooban waxa aan isku dayi doonaa ardeyda
qalinjebisay in aan ku hogatusaaleeyo oo wuxuun ka idhaahdo. Sannadkasta waa la
qalinjebiyaa oo arday cusub ayaa soo baxda oo nolosha furan gasha. Markaa waa muhiim
in la helo tusaalayn iyo jihayn ku saabsan kumannaankaas arday ee sannadkasta
jaamacadaha ka qalijebinaysa.
Dhinacyo badan ayaa laga eegi karaa xaaladda ardeyda
qalinjebinaysa. Anigun waxa aan ka eegi doonaa laba dhinac. Dhinaca koowaad
waxa aan eegi doonaa fursadaha uu haysta ardayga qalinjebiyay, iyo sida uu uga
faa’idaysan lahaa fursadaha jira. Marka labaad waxa aan ka eegi doonaa
caqabadaha haysta ardeyga qalinjebinaya iyo sida uu u xallin lahaa.
Fursadaha uu haysto
Qalinjebiyuhu
Ardeygu marka uu qalinjebiyo waxa uu galayaa marxalad
nololeed oo kala guur ah. Marxaladdaasi waa mid furan oo aan jiho iyo jaad loo
raaco lahayn. Sida ay noloshiisu u ekaanaysaa waxa ay noqonaysaa sida uu u
maareeyo marxaladdaas cusub ee uu galay.
Marka qofku qalinjebiyo waxa ugu wayn ee uu naawilayaa waa
inuu shaqo helo. Sababta uu shaqada u doonayaa waa inuu noloshiisa iyo dadka ku
xidhan ba ku maareeyo. Muddo badan ayaa lagu tabcayay oo isaga wuxuun la
siinayay, balse, aan waxba laga doonayn. Waxkasta oo uu u baahdo waa la siin
jiray, wax uu waqtigaas soo celiyana lagama sugayn. Hadda isaga ayaa la
sugayaa. Qofku waqtigaas waxa uu raadiyaa fursado shaqo, hadda aynu dhawr
dhinac ka eegno fursadaha uu qofka qalinjebiyay uu haysto:
1-
Qofka qalinjebiyay
waxa uu fursad u haystaa inuu shaqo helo: Shahaadadu waa aalad
ama nooc ka mid ah noocyada shaqada lagu helo. Marka qofka la shaqaalaysiinayo
waxyaabaha ugu mudan ee lagu xusho, laguna xidho waxa ka mid ah shahaadada.
Marar badan shahaadala’aan ayaa sababta in qofku shaqo waayo. Qofka shahaadada
haystaa wuu ka fursado badanyahay, ugana qiyaasdhawyahay shaqa helidda qofka
aan shahaado haysan.
2-
Qofka
qalinjebiyay waxbuu bartay: Qofka shahaadada haystaa waxa
uu haystaa aqoon iyo waxbarasho uu wax ku kala wadi karo, kuna maarayn karo.
3-
Fursadaha
shaqo ayaa qofka qalinjebiyay haystaa: Qofka qalinjebiyay waxa
uu ka shaqayn karaa shaqooyin badan sida dawladda, shirkadaha waawayn,
Jaamacadaha IWM.
4-
Qofka
waxbartay waxa uu kansho u haystaa inuu wax baddelo:
Isbeddel nololeed inuu keeno wuu awoodaa, tubtii ugu horraysay ee nolosha wuu
hayaa, wuuna awoodaa.
5-
Qofka
qalinjebiyay wuxuu fursad u haystaa inuu yahay qof wax fahansan oo sida ay wax
u socdaan la socon kara: Ardaygu waxa uu si dhaw ula
socon karaa meelaha fursado shaqo ka soo bannaanaan karaan, meelaha wax laga
naawili karo IWM.
6-
Qofka
qalinjbeiyay aqoon iyo ogaal buu ku hubaysan yahay: Qofka
qalinjebiyay waa qof ogaal leh, ogaalku waa waxa adduunyada ugu qaalisan. Qofka
ogaal haysta maskax ahaan wuu dhisanyahay.
Caqabadaha hortaagan Qalinjebiyaha
Ardeygu marka uu qalinjebiyo waxa uu galayaa marxalad
nololeed oo kala guur ah. Marxaladdaas kala guurka ahi waxa ay leedahay caqabad
aad u badan. Caqabadaha qofka qalinjebiyay horyaalla waxa aynu ka xusi karnaa:
1-
Fursadihii
shaqo oo xaddidan: Dalka guud ahaan shaqaalaysiint way
koobantahay, markasta waxa kala badan fursadaha shaqo iyo dadka shaqaraadiska
ah. Waxa farqi wayn u dhexeeyaa dadka sooqalinjebiya ee shaqada raba iyo
fursadihii shaqo ee suuqa yaallay. Taasi waa caqabad haysata ardayda qalinjebiyay.
2-
Qalinjebiyayaasha
oo suuqa ku badan: Ardayda qalinjebisaa sannadkasta waxa ay
isku soo gaadhaan suuqa. Kalhore kuwii baxay ayay kuwa sannadku soo gaadhaan.
Illaa 3 lod ama ka badan ayaa isku soo gaadha. Waxa suurtagala in 3 lod oo
saddexdii sano ee u danbeeyay baxay inay tiro kooban ka shaqeeyaan. Markasta oo
ardayda soo baxaysaa badato suuqii shaqadu cidhiidhi ayuu noqonayaa.
3-
Qabyaalad: Dalka
marka aynu eegayno shaqaalaysiinta waxa saamayn badan ku leh qabiilka. Qofka
shaqa tagaya waxa u horreeya ee lagu xulaa waa wejiga qabiilka. Ardayda
qalinjebisay waxa ay ku qasbanyihiin inay hab qabiil shaqo ku raadiyaan marka
aqoontoodii iyo waxa ay soo barteen loo tixgelin waayo. Taasi waa caqabad qofka
qalinjebiyay haysta.
4-
Xirfadaha
oo yar: Dalka way ku yaryihiin goobaha lagu barto
xirfadaha kaladuwan sida haddii ay tahay farsamada gacanta iyo xirfadaha
kalaba. Taasi waxa ay keenaysaa in qofkii shaqadii dhib ku noqoto oo u baahdo
xirfad. Xirfaddaasina waxa ay u baahantahay in loo tababbaro. U tababbarka
xirfaddaasina waxa ay ka qaadanaysaa waqti iyo dadaal kale.
5-
Boosaska
shaqo ee suuqa looga baahanyahay iyo Waxa Jaamacadaha lagu barto oo aan
isbuuxinayn: Shaqooyinka la soo xayaysiiyo, iyo qofkii wuxuu
soo bartay marar badan ayay kaladuwanaadaan. Taasina caqabad ayay ku noqonaysaa
qofkii wax soo bartay.
6-
Khibradla’aan: Qofku
marka uu soo qalinjebiyo ma haysto khibrad shaqo, waayo hadda uun buu soo
qalinjebiyay ooh ore uma soo shaqayn. Markasta oo uu shaqo codsadana inta badan
waxa lagu xidhaa khibrad, haddii aanu qofkaasi khibraddaas lahayna shaqadii ma
galayo. Taasi arday markaas uun soo qalinjbeiyay way ku adkaanaysaa. Waana
caqabad ardayga cusub ee hadda so qalinjebiyay la soo gudboonaata.
Talo soo jeedin
Mar haddii aynu ka soo
warrannay fursadaha uu ardayga qalinjebiyay haysto, iyo caqabadaha ardayga
qalinjebiyay hortaagan, waxa aan isku dayayaa wixii aan kula talin lahaa ee ah
inuu fursadahaas jira ka dhex faa’ideysto, caqabadahaasna la tacaalo oo xalliyo.
Aragti ahaan, qofka
qalinjebiyay ama waxbartay ee aan weli shaqo helin waxa aan kula talinayaa
dhawrkan qodob:
1-
Xidhiidhka
aad bulshada la leedahay kordhi: Xidhiidhka qofku la leeyahay
guud ahaan bulshada, gaar ahaanna cidda ay isku bahda yihiin ee isku wax wada
barteen waa muhiim inuu kordhiyaa. Qofku waa inuu shabakadda xidhiidhkiisa
badiyaa oo cidda ay isku wax soo barteen ama isku shaqo noqon karaan xidhiidh
badan la yeeshaa. Waxa kale oo iyadna muhiim ah oo aan soo jeedinayaa in qofku
xidhiidh dhaw la yeesho dadka fursadaha haya sida madaxda shirkada, madaxda
hay’adaha, madaxda dawladda, iyo cidkasta oo uu is odhan karo waxbay kuu
fududayn kartaa. Taasi waxa ay keenaysaa in qofkii marka ay shaqo soo baxdo si
fudud loo ogaysiiyo ama loo soo dhammeeyo. Waqtigan hadda la joogo waxyaabaha
ugu fudud ee shaqo lagu helo waxa ka mid ah qofku xidhiidhka uu bulshada
qaybahaeeda kaladuwan la leeyahay. Waa qodob muhiim ah oo aan carrabka ku
adkaynayo.
2-
Baro
xirfadaha ku caawinaya: Baro xirfadaha ku caawinaya in aad shaqo
heshid. Xirfadahaas waxa aan ku xusi karaa: Xirfadda qoraalka,Xirfadda
barashada Kombuyuutarka, xirfadda shabakadda xidhiidhka bulshada, barashada
luuqadaha, barashada hadalka wanaagsan IWM. Waax xirfado qofka caawin kara.
3-
Baro
Luuqadaha: In qofku luuqadaha si fiican u bartaa waxa ay
keeni kartaa inuu si fudud shaqo u helo. Marka aynu luuqadaha leennahay waxa
aynu u jeednaa luuqadda dalka uu qofku joogo lagaga hadlo, iyo luuqadda
dalkaasi u ah luuqadda koowaad, iyo luuqadda wax lagu qoro ama wax la isku
dhaafsado IWM. Barashada luuqadda waxa aynu ka wadnaa in qofku barto qoraalka
toolmoon ee luuqadda, ku hadalkeeda iyo waxkasta oo luuqadda kaga xidhma.
4-
Baro
dadka sida loola dhaqmo: In qofku barto sida dadka
loola dhaqmaa waa muhiim. Baro sida wanaagsan ee dadka loola dhaqmo. In qofku
dadka si wanaagsan ula dhaqmo iyo inuu wanaajiyaaba waxa ay keni kartaa inuu si
fudud shaqo u helo.
5-
Shaqo
kasta oo aad heshid qabo: Marka ardaygu soo qalinjebiyo
waxa aan qabaa inay muhiim u tahay inuu qabto waxkasta oo uu awoodo
qabashadeeda iyo shaqo kasta oo uu helo. Waa inuuna qofku u eegin shaqadan ma
bartay mise ma baran, muhiimaddu waa in qofkani awoodo inuu shaqadan qaban
karo. Bes. Haddii aad shaqada qaban kartid biloow oo ka shaqee.
6-
Shaqada
ha ka faanin: Qofku marka uu soo qalinjebiyo ee uu muddo
badan wax soo baranayay waxa suurtagal inuu ka faano shaqooyinka qaarkood oo uu
ismoodsiiso inayna u qalmayn. Taasi uma fiicna qof hadda soo qalinjebiyay oo
hadda shaqa raba. Inta badan waxa dhacda in qofku shaqo uu diido oo yidhaahdo
iguma habboon, dabadeedna uu muddo bilaa shaqo ahaado oo meelahaas iska fadhiyo
ama dad kale ee shaqeeya shaxaada, ma fiicna taasi. Waa laga fiicanyahay. Adiga
oo shaqeeya oo shaqo hoosaysa haysta ayaa ka fiican adiga oo si fiican u lebbisan
oo bilaa shaqo ah, dadkana shaxaada. Shaqadu waa sharafe ha ka faanin, nooca ay
doontaba ha ahaatee.
7-
Isku
day inaad adiguba shaqo abuuratid: Haddii aad dadaalkasta
samaysid, samaysidna waxkasta oo isku dayn ah oo aad shaqo waydid, dhinac kale
u wareeg oo isku day shaqo kooban oo aan lacag badan u baahnayn in aad
abuurtid. Lacagta aad shaqadaas ku abuuraysid isku day inaad si uun u
maaraysid; haddii ay tahay inaad shirkad ka amaahatid iyo haddii ay tahay inaad
cid kale ka sii amaahatid. Cidda aad shaqada ka amaahanaysid isku day inaad ku
qancisid inaad u soo celin doontid. Isku daygaasi waa muhiim, waana mid aan
isku dayi kartid.
8-
Saaxiibkaa
ama cidda kuu dhaw shaqo wada abuurta: haddii aad shaqo waydi,
sidoo kale aad awoodi waydid inaad kalidaa shaqo kooban abuuratid, isku day
inaad saaxiibkaa ama cidkale oo kuu dhaw shaqo wada samaysataan. Waa shaqo aad
ka maarmi kartid shaqala’aanta.
Gebagebo
Ardaygu marka uu qalinjebiyo waxa uu gelayaa nolol kale,
noloshaasi oo tiisii hore ka duwan, qofku waxa uu u baahanyahay talo iyo
tusaale. Waxa muhiim ah qofka qalinjebiyay inuu helo talooyin badan iyo
waxyaabo ka caawinaya sidii uu mustaqbalkaas culus u waajihi lahaa.
Waxa aynu ka soo warrannay fursadaha ay haystaan ardayda
waxbaratay. Fursado badan ayay haystaan, waxa aynu ka soo xusnay inay haystaan
fursado shaqo iyo fursado badan oo kale. Waxa muhiim ah uun inay ka
faa’idaystaan. Sidoo kale, waxa aan soo sheegay inay jiraan caqabado badan oo
ku wajahan ardayda qalinjebisay. Caqabadaas waxa ka mid ah qabyaaladda,
khibradyaraanta IWM. Waxa muhiim in ay bartaan sida looga takhalluso ama loo
xalliyo caqabahaas.
Ugu danbayn waxa aynu sheegnay talooyin guud oo ku saabsan
sida caqabadaas looga gudbi lahaa, iyo sidii fursadaha looga faa’idaysan lahaa.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Oktoobar, 2021
Wow! sifiican baad uga hadashay walaal. Anigu bil ka hore baan qalinjebiyey, caqabadahaas aad sheegtay oo dhanna waan kula qabaa in ay jiraan. Meeshii ugu horraysay ee aan tegayna waxa lay wayddiiyey "oo hebel baad isku reer tihiine maad u tagtid". hhhhh Walaahi xattaa bilaash in aan kula shaqeeyo qaar baa iga diiday, sababtu wax kale maaha e waa in aanay i garanayn. Haddii aan oday ama qof kale oo magac leh sii wadan lahaa waxa aan qabaa in aan si dhib yar ku heli lahaa shaqo.
ReplyDeleteUmmaddeenii baa iska sidaas ehe bal inteenna waxbaratay un yeynaan ku biirin.
Waan kuu mahadcelinayaa in aad talooyinkaas nala wadaagtay, mahadsanid.
Si wacan baad usoo qortay. Ku mahadsanid Cabdirisaaq.
ReplyDeleteQAYBAHA kale innaad kusll dartid fikraddaha dadka kale ay ka haystaan dhibbaatooyinkaas iyo sidday u arkaan xal u helideedda, iyadnna soo raaci.
Hadalka soo dhawaynta ee aad ku furtay Blog-gan isna qoraalka si yar oo kale u dhig
Aad iyo aad masuul caqabadahaas oo dhan waa kuwo Jira oo aynu lawada socon loona baahan yahay inaynu dulqaad,dhabar adayg iyo habdhaqan wanaagsan kaga gudubno
ReplyDeleteMahadsanid wll waxbadan waan kaa faaiidnaa Alle haku dhawro abdirisaaq sandheer