Gorfeynta Buugga “ Hammigaygu waa inaan nin DILO!”
Hordhac
Buuggan lagu magacaabo “ Hammigaygu
waa inaan nin DILO! ” Waxa qortay Sucaad
Suldaan Shaamisi. Sucaad, Shahaadada Digreega koowaad waxa ay ku diyaarisay Injineernimada
Diyaaradaha. Shahaadada labaad ee Mastartana
maammulka diyaaradaha ayay Jaamacadda Conventry ee Boqortooyada
ingiriisiga ka diyaarisay. Haddana waxa ay diyaarisaa Shahaadaha Ph.D kulliyadda
maammulka madaarrada iyo diyaaradaha. Waanna gabadhii ugu horraysay ee maammusha
Madaarka Abuu Dabay ee cusub. Sidaa si
la mid ah waa gabadhii ugu horraysay ee Imaaraad ah ee maammul Madaar qabata
sida warbixin ay warbaahinta (Al Aan TV تلفزيون الآن) ka diyaarisay
lagu sheegay. Waxa ay isku dayday inay Majaalkaa ka soo dhalaasho. Way na ka
soo dhalaashay.
Sidoo kale, waa qoraa qortay
sheekooyin. Waxa kale oo ay qortay sheekada la yidhaa "زهرة السوسن." Sucaad, waa xaas, iyo hooyo carruur leh. Sida
ay qortay Mareegta afka dheer leh ee "العين الإخبارية" waxa ay ku magacaabaan “ Sheekadii gabadhii Imaaraatiga
ahayd ee aan innaba caadiga ahayn.” Waa gabadh guulo horleh gaadhay, oo la isla
qiray.
Waxa lagu Daabacay Magaalada
Dubaay ee Imaaraadka Carabta. Buuggu
wuxuu soo baxay sannadkii 2018kii. Isla sannadkaa saddex jeer oo kaladuwan ayaa
la daabacay. Waa 243 bog. Bandhiggii Shaariqa ee waqtigaa buuggu wuxuu noqday
ka ugu iibsiga badan. Aad baa loola yaabay buuggaasi, weliba waxa dadka soo
jiitay oo xiiso gaara u yeellay cinwaanka. Inta aan badhtanka la gaadhid waxa
lala dhaygagay baalka hore. Si farshannimo leh ayay u dhigtay magaca buugga.
Waxa ay kaga warramaysaa
dhegarta ay raggu dumarka u maleegaan, dhibaatada iyo silica uu ragga qaar
ooryahooda mariyaan. Iyo guud ahaan xumaanta ina rag hablo badan ku hayo.
Nuxurka
Buugga
Dhinaca hadiyaynta cidda ay u hadiyaysay buuggeeda waxa ka
mid ah “ Qofkasta oo guursaday oo wehelhelay, misana wehelkii ku xumaaday oo
quusi daashatay.” Sidoo kale waxa ay u hadiyaysay “ laba kasta oo noloshu
isbadday wadajoogooda, xalkana aan haynnin iska takhallusaan mooyaane.”
Waa sheekooyin dhaba, se maskaxda qofka qariib iyo soogelooti
ku noqon kara ayay leedahay Sucaad.
Marka 1aad, hal sheeko ayay ku
bilaabaysaa. Sheekadu waa nin iyo xaaskii. Gabadhu afar carruur ah ayay ninka u
leedahay. Ma jecla. Intii afartaa ay dhalayeen qaxar iyo qaylo ayay ku
wadajoogeen. Awooddo ninnimo oo hadal iyo ficil bal eh ayuu mararka qaar u
adeegsadaa. Hadallada uu ku yidhaa waxaa ka mid ah: “ Diid ama doon, isma
baddelayo. Waa inaad sida aan ahay igu oggolaataa! Waxaa jira tobannaan hablood
oo ku hammiyaya inaan guursado.” Hadalkan, iyo kuwa kale oo dareenkeeda iyo
dubaaqeeda jebiya ayuu wayddiimaha ay wayddiiso kaga jawaabaa. Erayadani
dareenka ayay ka sii dilaan, oo dareen xanuunsaday oo wax dareemaya hadallada
kan oo kale ahi way dhibaan, oo way sii fogeeyaan. Gabadhii way iska aamustay,
oo hadalkii way ka yaraysay maadaama marka uu hadlaba uu haamadda goynayo oo
qalbiga qayb ka mid ahi sii xanuunayso!
Waxa ay xusaysaa inay jireen
waxyaabo badan oo ay isku waafaqsanaayeen gabadha iyo ninkeedu. Se waxaa jiray
isaseeg, iyo iskhilaaf dhaba oo aynna ku baraarugsanayn. Ninku waxa uu
rumeysnaa inay gabadhu tahay walax meel lagu gaadho/wasiilo, se marnaba ma
rumeysnayn inay tahay wehelkiisii nolosha. Sidoo kale, muu aaminsanayn inay
aragtideeda cabbirto oo waxa ay qabto ay sheegto, oo xaqeeda kamay mid ahayn in
sida bini’aadan loola dhaqmo sida uu ninku aaminsanaa. Nolosha way
isdhammaystirayaan. Gabadhu carruurta ayay u barbaarinaysaa, aqalkana way hagaajinaysaa;
ninkuna wuu ilaalinaya iyada iyo carruurta waxa ay rabaanna wuu siinayaa. Gabadhu waxa ay xusaysaa in jawigan ay ku soo
barbaartay, xaaladdan ay iyada iyo afarteeda carruur ahi ku jiraan marka ay u
fiirsatana ay u aragto in ay nolosheedii noqotay qalin cusub oo qallalay inta
aan waxba lagu qorin! Ama cidhbo kabo oo jabay inta aan la xidhan! Ama aqal
laga guuray! Way quusatay, oo albaabadii rejada way iska xidhay. Gabadhaasi way
labalabaynaysaa, niyadeedu way wareertay.
1- Inay
dhaafto oo waxa ay ka wayday ay meelkale
u doonato.
2- Iyo
ka takhallusto ayay isku haysaa!
Marka ay labadaa go’aan mid
gabadhu gaadho, warkeedu wuu cadyahay. Hadda ayuu ninkii soo miyirsanayaa oo
sasabo iyo inuu wuxuu ku kacay ayna wax wanaagsan ahayn garanayaa. Gabadhii
ayuu u tagayaa. Inuu sasabo oo waan ku jeclahay ku yidhaahdo ayuu doonayaa. Iyaduna
way diiddaysaa, dheg jalaq uma siinayso. Markan inay niyadjabtay oo ay ka
quusatay ayay u badantahay. Markaa tallaabooyin ayay qaadaysaa si ay ninkaa uga
takhallusto.
Qoraa Sucaad, halkan waxa ay ka
bilaabaysaa cinwaan ay tidhi “ Tallaabada 1aad ee aan hammigayga ku
xaqiijinayo.’ Waxa ay cinwaanhoosaad ka dhigtay “ Ninka sharafta lahoow, waxa
aan rajaynayaa inaad tallaabada akhridid si aad naftaada u badbaadisid.” Gabadha la guursaday, ee nin ay isjecelyihiin
ay isguursadaan marka danbe inay iskarhaan, oo isku xumaadaan ama isnacaan ayaa
dhacda, sida sheekadaa hore ka muuqata. Sucaad, gabadha inta la jecelyahay ee
ninkeeda isjecelyihiin tallaabo ay jaceylkaa ku ilaashanayso ayay siinaysaa.
Dhawr qodob ayay taxaysaa. Waxa ka mid ah:
1- Ku
kalsoonoow in guurka uu isjaceyl asal u yahay. Jaceylkaasina ma dhammaado, mana
yaraado illaa midkood illaawo oo dhinaciisa ka dheelliyo, misana uu wax
tixgelin siin waayo mooyee.
2- Isku
miisaan jacelka aad ninkaaga jeceshahay iyo ka ehelkaada, oo ogsoonoow
isbeddelada ninkaaga ku yimaadda sababaa keentaye. Waxaanna laga yaabaa in aad
adigu ka masuultahay isbeddelkaas oo xaggaaga ka yimidday.
Sidoo kale, waxa ay ku daraysaa
in aad hadallo qallafsan la iswaydaarsan, in la is ixtiraamo, in gabadhu
ninkeeda soo dhawayn uu ka dareemo IWM.
Intaasi dumarka ayay kula
talinaysay qoraa Sucaad. Hadda dhinaca ragga ayay soo jalleecaysaa. Waxa ay
leedahay “ Ragoow marka koowaad fahankiinna ah in ninku guurka, guriga, iyo
gabadhaba isagu kaliya go’aan gaadho,
gabadhuna dhagayste iyo daawade ka tahay
sidaa maaha. Aan inyar idin saxo. Haweenku masuuliyad libinlaab ka badan
ta ragga ayay qaadaan. Dhinaca ubadka, xaaska, guriga IWM ah ba masuuliyad baa
ka saaran. Waa inaad arrintaa ku baraarugtaan, cudurdaarna loo sameeyo.” Waxa ay ninka kula dardaarmaysaa
inuu gabadha waxaas oo masuuliyad ah ay isku hayaan uu ixtiraamo, oo uu
qalbixaadhnaado, sidoo kale, inuu ku kalsoonaado oo aannu gabdho kale u
hanqaltaagin inta ay iyada isqabaan.
Markale, waxa ay dumarka ka
waaninaysaa inayna ninka qaba ka aargoosan iyaga oo weli wadajooga. Haddii uu
ku xumaado inay iska furto, oo ayna la sii joogin ayay kula talinaysaa.
Sheekooyin goosgoos ah, oo aad
mooddo inay aad iskugu dhawyihiin iskuna bayd iyo cayngo’ayaan ayay soo
aroorinaysaa. Qaabab kala geddisan ayay u soo tebinaysaa. Mar iyada ayaa ka
warramaysa; marna qofkii ay ku dhacday ayay ka hadashiinaysaa.
Qodob kale, ayay aad uga
dayrinaysaa. Waa khiyaadana. Khiyaanadu ninka ama gabadha ka ay doonto haka
timaaddo e qoyska way burburisaa, carruurtana way dayacdaa. Inay labaduba
gaarkooda iskaga ilaaliyaan ayay qoraayaddu xusaysaa.
Waxa kale, oo ay aad uga
warramaysaa in labada qof mid ba ka kale uu wanaag ka sheego marka uu cidkale
uga warramayo, sida haddii gabadha ninkeeda ay qoysku wayddiiyo sida uu yahay,
waa inay wanaag uga sheegtaa. Xataa haddii ay iyada iyo ninkeeda xurgufi
dhextaallo waa inay wanaag uun ka sheegtaa, sida ay qoraayaddu ku doodayso.
Waxa kale waxa ay xusaysaa in
wixii iyaga dhexmara ee u sirta ah aynna
cidna la wadaagin. Midba ka kale, waxa
uu u sheego, waa inayna cidkale habaraatee waxba uga sheegin.
Waxa kale, oo ay ragga gaar
ahaan talo ugu soo jeedinaysaa inuu xaaskiisa mararka qaar meelaha qurxoon ee
cagaaran isku raacaan, oo wada dalxiisaan. In mararka qaar ay wadafadhiistaan,
oo cunto macaan ka soo cunaan meelaha ay jecelyihiin. Iyo sidoo kale, in ninku
mararka qaar xaaskiisa hadiyad uu isagu u dooray si kedis ah ugu keeno. Waxaas
oo dhani jaceylka ayay waariyaan. Waanna mid ka mid ah tallaabooyin dhegaraha dumarka
lagaga badbaado.
In la isdabeecad bartaa waa
muhiim. Gaar ahaan ragga Marwo Sucaad, waxa ay kula talinaysaa inay dabeecadda
xaasaskooda ogaadaa, waayo waxa ay ku sababaynaysaa qofka aanad dabeecaddiisa
garanayn waxaa dhici karta inaad xaqiisa ku xadgudubtid, se haddii aad
garanaysid waad ilaalin.
Sheeko kale, oo qadhaadh ayay
buugga ku xusaysaa. Nin iyo gabadh baa isqabay. Way isjeclaayeen. Ninkii ayaa
ka abaaldaray, oo naag kale ayuu jeclaaday. Naagtii uu jeclaaday hal shardi ayay ku xidhay, waxa ay ku tidhi ‘
Xaasle ayaad tahay, horta gabadhaa hore fur. Markaad furto ayaan
isguursanaynaa.’ Maba diidine isla markiiba ‘ Waan furayaa’ ayuu yidhi. Ninkii
maadaama uuna labada wada qabi karin, oo aynna gabadhan uu jecelyahay
oggolaanayn gabadha hore waan kula qabayaa, waxa uu go’aansaday inuu xaaskiisa
furo. Wuu furay. Iyada oo jecel ayuu warqadda u jaray. ‘ Ka daa ha I furine’ ayay
tidhi oo dheg jalaq uma siin. Gabadh uu jeclaa ayay guursatay. Ninkii wuu is
illawysiin jiray marka looga warramo xaaskiisii hore xaaladda ay ku sugantahay,
ee murugada iyo ciilalyawga ah. Markii
gabadhii danbe ee uu guursaday ay toddobaadbixii iyo maalmihii soodhawaynta ka
baxeen mukur iyo madax’adayg ayay bilowday. Way ba isku xumaadeen. Xilligan
sida ninku sheegay waxa uu yidhi “ Waxa aan dareemay naxariista iyo wanaagga
gabadhaydii hore ee aan furay. Dhabnimada dullaysiga iyo yaraysiga ayaan dareemay.
Waxaanan yaqiinsaday inaan ahay danbiile!” Wuxuu werwerku ku sii kordhay markii
uu maqlay inay xaaskii hore guursaday wiil Dooba oo jecel oo aad u xannaaneeya!
Maalin baan si kedis ah Xaflad ugu kulannay ayuu yidhi, waxa ay ahayd mid
faraxsan, ifaysa oo dhoollacaddaynaysa. ‘Waxaasi waa wax aan sameeyay oo la iga
jarayo weeyi’ ayuu ninku soo xidhayaa.
Gebagebo
Buuggu waa sheekooyin la isku
ururiyay, iyo murtida lagala soo baxayo. Dhawrkii sheeko ee ugu muhiimsanaa,
iyo wixii laga faa’idayay ayaynnu soo taxnay. Intaa iyo wax ka badan qofkii u
baahan buugga ayuu ka helayaa.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Febraayo, 2020.
Masha allah wll waad mahadsantahay
ReplyDelete