Gedgeddoonka Mabda’a bilaa Jihada ah: Maxammed Baashe Muunad ahaan.




Mabda’u waa waxa haga ee qofka noloshiisa qurxiya misana macno buuxa u yeela. Qofku mabda’o kala jaad ah ayuu yeelan karaa, waxase muhiim ah in uu ka fiirsado waxa uu guntanayo ee uu qaadanayo. Aniga oo arrimo badan cuskanaya ayaan isku dayi bal aan naqdiyo qofka bilaa jihada ah ee aan meel loogu soo hagaago lahayn. Waxa aan hadda muunad ahaan u soo qaadanayaa Qoraa Maxammed Baashe, aniga oo kaliya hadalladiisa iyo wuxuu isagu qoray ku naqdin doona.
Muddo hadda laga joogo labo sanno ayaa Dhallinyaro badan oo Hargeysa joogtaa aad uga dhiidhiday Wareejintii Dekedda Berbera. Munaasibado dhawr ah ayay qabteen, oo meelo Hargeysa ka mid ah ku qabteen. Dhallinyaradaa waxaa dabada ka riixayay oo horkacayay dad uu Qoraa Maxammed Baashe ugu mudnaa. Qoraaga isaga iyo dhawr odey oo kale waxa ay samayteen boodh wayn oo ay ku taallay ‘ Fadlan, na qanci’─iyaga oo Dawladdii waqtigaa jirtay ee Siilaanyo gadhwadeenka ka ahaa la hadlaya.
Markii ay arrintu halkaa marayso, habeenkii markii xafladdii laga soo dareeray waxaa la xidhay Maxammed Baashe. Dhawr cishuu xidhnaa. Dad badan ayaa u dooday, oo inuu xadhigiisaadi xaqdarro ahaa sheegay. Qoraaga dhawr cisho dabadood waalla soo daayay. Hadda waa Febraayo, 2017kii.  Wixii intaas ka danbaysay Qoraa Maxammed oo ka hadlayay Dekaddii, dhallinyaradii uu soo abaabulay, iyo guud ahaan xaaladda dalka lama arag. Halkuu ka dhacay? Intaas wixii ka danbeeyay wuxuu aad u taageeray Xisbigii Dekedda wareejiyay, iyo musharrax taageersan wareejinta Dekedda. Hadalka oo kooban mabda’iisii kummanaanka dhallinyarada ah uu usoo abaabulay wuu baddelay. Sababtana gadaalbaad ka ogaan.
Qoraa Maxammed wuxuu ka tanaasulay mabda’iisii ahaa in aan la wareejin Dekedda Berbera. Wuxuuna taageeray MD Biixi oo waqtigaa Musharraxa Kulmiye ahaa. Isgacanqaad laba Beelood magaalada Burco ku dhexmaray oo ahaa in la is gaashaanbuuraysto, wuu taageeray. Waa halka ay ka timid Jeegaanta ama Hagbadda la sheegaa. Qoraagu arrintaa wuu taageeray. Wuxuunna kaba mid ahaa Xisbiga la isku waafaqay ee lagu Hagbadoobay. Halkaa Qoraagu halxidhaale aan yarayn oo Hagbad taageer ah ayaynnu ku haynnaa.
Qoraa Maxammed Baashe, waqtigii ololaha Kulmiye lagu jiray iyo horteedyarba wuxuu aad ula dhacsanaa oo taageersanaa guud ahaan Xisbiga Kulmiye, gaar ahaanna MD Biixi.  Sida uu sheegayna Xisbiga ayuuba ka mid ahaa; ‘Waayo waa run u qaawan sida cir aan caad lahayn oo Muuse Biixi ma aan taageerin oo qudha ee waxa aan ka mid ahaa dadkii bulshada malabka u marmariyey, dharka xariirta ahna ugu dul wadhay, una qurxiyey ee doorta ku lahaa xilligii uu xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka loollamayey (2015) ee murrashaxnimada madaxweyne ku shuqlanaa iyo markii dambe ee u diyaargarowga iyo ololaha doorashada lagu jirey 2016 – 2017. Kulmiye xubin kama ahayn wixii ka horreeyey October 2015.’  Maxammed Baashe ,2019.
Maxamed Baashe, waxa aad mooddaa inuu ninjeclaysi u taageeray Muuse Biixi, waqtigii uu ahaa Musharraxa, balse marnaba uuna mabda’ lagu kalsoonaan karo lahayn; aynnu dhagaysanno markale Baashe, waxa uu yidhi; “ Kulmiye ku biiriddiisa waxa igu dudduucay taageeradii aan Muuse Biixi u hayey ee xisbi ahaan siyaasaddiisa marnaba kuma qanacsanayn. Hoggaan isbeddel lagala shaqayn karo ha ka soo baxo ayaa muhiimadda ugu weyni ahayd.” Maxammed Baashe ,2019.

Qoraagu isaga oo sidaas Muuse ula dhacsan ayaa doorashadii la galay. Muuse, dad badan ayaa mucaarad ku ahaa oo aan danta qaranka ka dhadhansan. Baashana wuu taageerssanaa oo siduu isaguba xusayo bulshada intii uu gaadhi karayay Muusuu malab u marmariyay, oo meelkasta wuxuu lahaa ‘ Muuse, ayaa dalka wadi kara e halla doorto oo ha loo codeeyo.’  Ogsoonoow, oo Muuse wuxuu ugu cadcadda dadkii u Wareejinta Dekedda taageeray. Baashasan waa taageere wayn oo Muuse taageersan, sidoo kale, Kaadi wayn oo Xisbiga Kulmiye ka mid ah.Wixii doonaaba ha dhacaane Musharraxii uu Baashe watay ee Muuse ayaa taladii Qaranka loo dhiibay.
Xisbigu qorshesiyaasadeed ayuu lahaa. Qorshahaasi waxbadan waa lagu diidi karayay. Ma jirin cid ragga Kulmiye ka mid ahaa oo qorshahaa Xisbiga wax uun ku saluugtay hadday ku saluugeene may sheegin. Qoraa Baashana kuwaasuu ka mid ahaa.  Xaqna wuu u lahaa wixii uu saluugo inuu gaashaanka ku dhufto waa qalad yidhaa, maadaama uuna ahayn nin debadda ka jooga, basle, uu yahay Kaadi wayn oo Xisbiga ka mid ah. Qoraa Baashe, maadaama uu aad u taageeray Muuse, sidoo kale dhiiggiisa u shubay sidii Muuse madaxweyne u noqon lahaa, waakan dalka weli jooga. Muuse wax xil ah uma magacaabin. Dad badan oo indheergarad ah ayaa Qoraaga ku afgobaadsaday ‘Malaha xilbaa laguu dhiibi waayay, oo markay kuu diideen ayaad mucaaradday.’ Anigu taa ma qabo e inuu aragti xora leeyahay ayaan qabaa Qoraagu, balse ay mabda’la’aan bilaa jiha ah, oo qabyaalad iyo nin jeclaysi ugu horraysaa ay ciishay. Qoraaga bal halkaa ninjeclaysiga isagaaba isku maragfurayee aynnu dhuganno hadalkiisan; ‘  Kulmiye ku biiriddiisa waxa igu dudduucay taageeradii aan Muuse Biixi u hayey ee xisbi ahaan siyaasaddiisa marnaba kuma qanacsanayn.” Maxammed Baashe ,2019.

Halkaa markay marayso, ee labo sano ku dhawaad Xidhiddii Baashe ee Febr 2017, laga joogo, sidoo kale hal sano ku dhawaad laga joogo Doorashadii MD Biixi, ayaa uu Qoraa Maxammed Baashe Dalka debaddiisa u dhoofay. Qoraagu markuu debadda tagay ayuu Mucaarad bilaa indho ah oo aad mooddo tii carruurtu odhan jireen ‘ Haddii aan anigu cuni waayay, waan kaa ciidaynayaa’ oo kale ayuu bilaabay. Qoraaga Ummad badan oo la saaxiib ah ayaa si dulkaxaadis ugu tidhi; ‘ Malaha markaad dalkii ka dhooftay, ee Xabsigii mabda’aagii Dekedeareejinta baddelay, aad ka fogaatay, ayaad haddana wax debadda ka soo tuurtuuraysaa!’ Aniga tuhun badan ayaa I galay, Qoraagu muddo hadda laga joogo labo sano (Febr 2017-Febr 2019), wax hadal ah oo Dekeddii loo xidhay ah lagama arag, marka laga reebo dhawrkii cisho ee u danbeeyay oo uu wax aan sidaa u sii badnayn boggiisa ku qorqoray. Muxuuba ka hadlaa, sawka dhiiggiisii u sadqeeyay Xisbigii Dekedda Wareejiyay, isagana Xabsiga habeenbadh ku hubsaday!

Halkaa marka ay marayso, qoraagu ninkii uu sanka innoo marmariyay ee daraaddii uu xilligii Ololaha qawlalladu u caddaadeen, ayuu maanta leeyahay dalkiibuu meel xun ku wadaa. Innaga oo tixgelinayna inuu qofku aragtidiisa baddeli karo, oo uu xor u yahay, haddana, waa goorma? Hadda Muuse, Sannad iyo dhawr bilood ayuu joogaa, waxbadan way u dhimanyihiin. Qoraagu waa nin waxgarada oo xataa SNM ka mid ahaa, waaya’arag ah oo waxbadan sii qiyaasi kara, haddana nin uu dhawr bilood ka hor uu geed dheer iyo gaabanba u fuulay sidii uu xilka u saari lahaa, maaha inuu haddana bil ka dib la yimaaddo ‘ Dalkuu meel xun ka wadaa oo aan ka badbaadinayaa.’ ‘ Dee sawdigii adiga oo miyirkaaga iyo maankaagaba qaba, waxbadanna qiyaasi kara muddo yar ka hor malab noo marmarinaya!’ Waa halxidhaalayaasha qoraaga horyaalla ee uu muddo dhawayd oo la wayddiiyayna uuna si wacan u abbaarine ‘ Dalkaa meelm xun lagu wadaa’ ku soo koobay. Meelahan oo kale cudurdaarku ceeb buu noqdaa, oo qofku inuu isku xishoodo ayaa caqliga saliimka ahi sheegayaa.

Hadda qoraagii dhawr bilood ka hor Xisbigaa, iyo Musharraxaa taageersanaa oo dacaayad ahaan ‘ Jeegaan’ama Hagbad loogu xanto, misana ka xanaaqa oo u arka erayo cunsiyaysan qofkii lagu yidhaa, ayaa qoraagu hadda dadka weli Muuse ka dhursugaya misana mabda’ay shalay Ummadda la horyimaaddeen ee ay ka dhaadhiciyeen wali ku adkaysanaya ayuu magacyo aad u xun ugu yeedhaa sida ‘ Heego.’  Maalin dhawayd ayuuba lahaa ‘ Qoraalkeygii HEEGADAA masaxday!’ Hadallo nin wayn oo wax iskufalayaa ku hadlo maaha. Waayo, isaguba dhawr bilood ka hor ayuu erayo noocaasa xumaan u arkayay. Bilaa mabda’animada qoraaga ayay markhaati kacaysaa.

In qofku wuxuu shalay rumeysnaa, baddelo ama ka laabto isaga oo arrimo cadcad iyo wax maangal ah cuskanayaa maaha, wax xun. Waaba se ilbaxnimo iyo bisayl. Balse, isaga oo bilaa mabda’a ahaa marka hore inuu iska dhigo qof mabda’ lahaa waa arrin ugub ah. Qoraagu haddii uu shalay mabda’a qabay wuu baddeli karaa, balse inuu wax maangala keeno ayay ahay, balse ‘ Nin baan jeclaa oo aan kursi saarayay, maantana waan iska nacay uun’  Ilaahay inna dilayee maaha wax nin wayni ku hadlo. Mar hadday duufaantii Reernimo qaadday isaga oo yidhaa bay ahayd ‘ Qabyaalad baa i qaadday, maantana waa anigii 2017kii mabda’ayga la igu xidhay.’

Qoraa Maxammed wuxuu tusaale cad u yahay, qofka Soomaaliga ah taageeraddiisa iyo mabda’iisu inayna ahayn wax joogto ah oo meel loogu soo hagaago. Balse, ay yihiin wax ay baddelaan qabyaaladda iyo kolba halkii u qoyani.



Cabdirasaaq Sandheere
Febraay, 21, 2019

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?