Sookoobidda Buugga ‘ The Art of War ~Tabaha Dagaalka’ ee uu qoray Sun Tzu



Hordhac
Buuggan la yidhaa ‘ Tabaha Dagaalka’ waxaa qoray dagaalyahan Sun Tzue oo noolaa intii u dhexaysay  544–496 Nebi Ciise SCW hortii. Waqtiga saxda ah ee uu dhashay, iyo meesha uu ku dhashayba war sugan lagama hayo, dood baa ka taagan oo sooyaalyahannada qaarba xilli iyo goob bay sheegaan. Xirfaddiisu waxa ay ahayd Milliteri, oo wuxuu aad ugu xeeldheeraa culuunta Milliteriga iyo dagaalka. Sidoo kale, waxa uu ahaa qoraa laga qiiqay, iyo Faylasuuf aan lagaga dabadhufan aqoonta la xidhiidha Milleteriga iyo Istaraatijiyadda dagaalka. Magaciisa saxda ah waxoogaa dood baa ka taagan, oo ‘Sun Wu’ ayaa markii uu dhashay lagu magacaabay ayaa la yidhi, oo markii danbe ayaa loo baddelay magaciisa ‘ Sun Tzu’ oo sharaf ahaan ah, lana macna ah ‘ Master Sun.’ Buugaag wuu qoray, se waxaa ugu caansan kan hadda aynnu falanqaynayno ee ‘ The Art of War.’ [1]

Buuggan ‘ The Art of War’ oo aynnu Af Soomaali ahaan ku beddelan karno ‘ Tabaha Dagaalka’ ama ‘ Farsamooyinka Dagaalka’ waxa uu markii koowaad qoray ammin muran badan ka taaganyahay oo ku beegan Qarnigii 5aad. Daabacaadda iyo qoridduba isla qarnigaa ayay ahayeen. Luuqadda uu ku qoray ee uu u xushay waxa ay ahayd luuqadda Jayniiska. Waqtigaa uu qoray sababta u weyn ee uu qoray waxa lagu sheegaa, inuu tababbar iyo aqoonkorodhsi u waday ciidamadiisii, maadaama uu Milliteri wax hoggaamiya ahaa. Markii koowaad qaab noocaasa ayuu u waday. Se u jeedaddii intii way ka ballaadhatay. Waxaynna dad badan ku doodaan inuu buugga u qoray qaab casriwalba, jiilwalba, iyo cidwalba la jaanqaadi karaya oo ilbaxnimada bini’aadanka iyo xaaladaha ay ku suganyihiin la socda, oo aan ka hadhayn haddii uuna ka horreyna.
Taariikhyahanno badan waxa ay baadheen saamaynta uu ninkani lahaa. Saamayn xoogle oo waliba dhinac ka dhisan ayuu lahaa ayay yidhaahdeen. Wuxuu aad u jeclaa, khabiirna ku ahaa aqoonta milliteriga, gaar ahaanna Istaraatijiyadda iyo qorshaynta dagaallada kaladuwan ee dhinacyo badan leh. Si xoogle ayuu u dhexgalay aqoontaa, waxaanad mooddaa inuu hibo gaar ah ba u lahaa, sida ay dad badan ku doodaan.

Buuggu wuxuu ka hadlayaa si guud dagaalka. Dagaal marka la yidhaa wuu farabadanyahay oo wejiyo badan ayuu yeelan karaa, qofka marka aynnu eegno waxbadan ayaa cadaw ku noqon kara oo uu la dagaallami karaa, sidoo kale wax badan ayaan qofka cadaw ugu muuqan se maslaxadi ka dhexaysaa oo dagaal qabaw ama tartanba uu kula jiraa (ogsoonoow oo marka aynnu dagaal leennahay marar badan tartan ayaynnu u jeednaa). Dagaalku waxa kale oo uu noqon karaa mid u dhexeeya laba dal sida uu buugguba markii hore ku soo baxay oo ahaa mid u dhexeeyay Jayna iyo dal kale. Dagaal uu Waddan galaanna wuxuu noqon karaa mid hub la iskaga horyimaad iyo mid warbaahin, Barobagaandha, af, iyo wax kalaba la adeegsanayo. Waxa aad qalbiga iigu haysaa in marka aan dagaal leeyahay uuna noqon doonin uun mid HUB, qubqac, baaruud, qori, iyo wax la mid ah la adeegsanayo. Se uu dhinacyo badan noqon karo.

Sannadkii 2012kii shir socday saddex cisho ayaa lagu qabtay magaalada Portorož, ee dalka Slovenia. Shirku wuxuu ahaa kii 31aad ee Shirarka caalamiga ah ee Ururrada Horumarinta Sayniska ( International Conference on Organizational Science Development).  Waxaanna lagaga hadlayay hal’abuurka cusub, tayada iyo mustaqbalka. Waxa ladh ahaan loo soo qaatay oo wax laga yidhi buugga Sun Tzu, iyada oo waliba dhinaca hoggaaminta xoogga la saarayo. Aqoonyahanno badan ayaa ka soo qaybgalay oo falanqeeyay. Waxyaabaha ay sheegeen waxaa ka mid ahaa; inay yidhaahdeen buuggani waa buug waqti hore la qoray, se hadda aad dadka u anfacay.

Wuxuu ka hadlayaa sida dagaalka cadawga looga guuleyso, sida ganacsiga loo guuleysan lahaa, waliba dhinaca hoggaaminta. Sidoo kale, waa u muhiim ayay  qofkasta ku sii dareen. Waxa kale oo ay raaciyeen in taariikh ahaan dadka dhinaca Milleteriga ku guulaystay  ay adeegsadeen oo ku meelmareen tabihii iyo xeerarkii Sun Tzu.  Shir Slovenia  lagu qabtay sannadkii 2012 ayaa lagu sheegay in Jaynaha xaaladdiisa siyaasadeed iyo tiisa Milleteri ba saamayn ku lahaa buuggu, illaa haddadan casriga la joogo uu saamayn ku leeyahay.[2]  Sidaa si leeg waxa kale oo ay ku sii dareen in markii la baadhay la helay maammulayaal sarsare oo guud ahaan adduunyada ku kala nool, gaar ahaanna Eeshiya ay adeegsadeen tabahan oo xarumahooga siyaasadeed iyo ganacsiyeedba ay ku horumariyeen, kana badiyeen dadkii tartanku ka dhexeeyay.[3]

Waxa iyadana aan meesha ka maqnayn oo buuggu wax ka odhanayaa tartanka kala geddisan ee laba qof, laba shirkadooda, Laba dal, iyo ka badan ba ka dhexayn kara. Dagaalkaasi sidii aad uga guuleysan lahayd dhinaca aad is haysaan ayuu kuu tilmaamayaa. Dadka wax ka yidhi, iyo kuwa akhriyay ee waxa ay qoreen aan akhriyay ( hadda waa inta ka Sandheere ahaan aan akhriyay) waxa ay ku doodayaan in buuggu xoogga saarayo, Milliteriga, ganacsiga, iyo wixii la halmaala. Se anigu waxa aan ku doodayaa inuu xataa nolosha guud ka hadlayo, sida aad xataa iskaga ilaalin lahayd qof ku jecel oo aad saaxiib dhaw aad tihiin sir badanna kaa haya, waayo waxa la yidhaa ‘ Qofkii sir kaa hayaa wuxuu haystaa Waran wayn oo uu maalin uun kugu soo gani doono.’ Noloshu ba waa tartan, markaa tartankaa dagaalka u dhigma sidii aad ugu guuleysan lahayd ayuu wax ka tilmaamayaa.
Buugga luuqado badan ayaa loo turjumay marka laga yimaaddo luuqaddii asalka ahayd ee uu qoraagu u doortay, oo ahayd ‘ Jayniis.’ Luuqaddii ugu horreysay ee lagu afceliyay waxa ay ahayd luuqadda Faransiiska oo sannadkii 1772kii loo Turjumay. Luuqadda Jabbaanka waa loo turjumay iyadna. Sidoo kale, Luuqadda Ingiriisiga ah ( oo ah tan aan hadda anigu akhriyay ee Sookoobidda aan ka sameeyay) ayaa lagu qoray sannadkii 1910kii. Waxaanna Af Ingiriisi u turjumay  Mudane Lionel Giles.  Inkasta oo iskudday qayb ahaaneed uu Lionel hortii uu sameeyay Sargaal Ingiriisi ah oo la odhan jiray Everard Ferguson Calthrop, sannadkii 1905kii.[4]

Buuggu waxa uu ka kooban 13 Cutub. Bog ahaan tiro saxa oo aan kuu tilmaamo ma hubo; laba buug  oo aan arkay, labadaba uu qoraagii afka Ingiriirisiga u rogay uu xuquuqdooda leeyahay tirada bogaggoogu way kala duwanyihiin, kalana badanyihiin. Mid waxa weeyi 66 bog. Mid kalana waa 112 bog. Siday ahaataba dhinaca cutubbada iyo nuxurka waa isku mid oo inta ka hore ku qoran uun baa ka danbana ku qoran. Waxba kuma kala duwan aan ahayn bogagga. Inay kuwa kale jiraan oo bogagga ka badanna waa suurtagel. Cutubbadu iyaga ayaa is sharraxaya. Si kooban ayaynnu u dulmari buugga nuxurkiisa, iyo falsafadda qoraaga. Aynnu bilowno.

Nuxurka Buugga
Cutubka koowaad, Sun Tzu wuxuu Ladh uga dhigay ‘ Qorshe Dejin.’ Wuxuunna hadalkaba ku furfurtay intan: “ Tabaha dagaalku muhiimad wayn ayay u leeyihiin Qaranka.” Qodobbo badan ayuu taxayaa. Aynnu qaarkood soo qaadanno:
1-     Waa astaamaha nolosha iyo geerida in la iswayddiiyo xaaladdan hadda lagu suganyahay ma tii badbaadadaa mise waa tii burburka. Deedna wayddiinta ka soo baxda waa in masuuliyad la iska saaro oo aan la dayacin.
2-   Tabaha dagaalka waxa ka mid ah in shantan qodob ee xidhiidhsan la qaado:
B) Xeerka Niyad’dhiska: Xeerkani dadka waxa uu ku sababaa in ay noqdaan kuwa buuxiya waxa looga baahanyahay oo diyaarsan, eegayana xeerka ama guddoomiyaha. Naftooda danayn badan siin maayaane khatar kasta way u babbacdhigi.
T) Deegaanka iyo waxa innagu xeeran: Sida habeenka iyo maalinta. Qabawga iyo kulaylka. Waqtiyada iyo xilliyada.
J) Dhulka: Haddii ay fogaanta mid dhaw iyo mid dheerba. Khataraha, ammaanka, dhulka isku furan iyo meelaha godan. Nasiibka nolosha iyo geerida.
X) Hoggaamiyaha/Abbaanduullaha: Wuxuu u taaganyahay akhlaaqwanaag, xirrib wacan, daacadnimo, dhiirranaan, iyo geesinnimo.
Kh) Habka iyo anshaxa: waa inuu abbaanduullaha ciidanka ugu sarreeyaa fahmaa qaabka hoose ee loo sii kala qaybinayo dhexdooda, kuwa qalinjebiyay ee xiddigaha wata, inuu waddooyinka ciidanku marayaan dayactiro, iyo inuu Saadka iyo hubka ciiddanka maammulo.
Wuxuu qabaa, oo hoosta ka raacinayaa Sun Tzu qofka raaca shantaa qodob ee aan soo taxnay inuu guuleysanayo oo ay guuldarro ka dheertahay, wuxuunna yidhi: “ Qodobbadaa qofkasta oo qaataa wuu guuleysanayaa, mana guuldarraysan doono.”
Wuxuu waliba intaa sii raacinayaa, inuu dhawr su’aalood iswayddiiyo oo ku aaddan qodobbadaa aynnu soo sheegnay. Wayddiimahaa waxaa ka mid ah:
-         Labada Ciidan midkee niyaddoodu dhisantahay oo niyad’dhis fiican haysta, oo dhiirrigashan?
-         Labada Jeneraal ee Ciidanka midkee awood badan?
-         Midkee haya tubtii deegaanka, waxa innagu xeeran iyo dhulka/ midkee jiho ahaan saxan?
-         Dhinacee Ciidanku ka xoogganyahay?
-         Ciidankee xoog badan?
-         Dhinacee Sargaallada iyo raggu ka xoogganyihiin ama ka tababbaranyihiin?

3-   Marka aynnu u muuqanno in aynnu weerari karno waa in aynnu iska dhignaa kuwa aan weerari karin. Marka aynnu awooddeenna isticmaalaynno waa in aynnu iska dhignaa kuwo bilaa awood ah. Marka aynnu u soo dhawaanno cadawga waa in aynnu ka dhaadhicinnaa in aynnu ka fognahay. Marka aynnu ka fognahayna waa in aynnu dareensiinnaa ama rumeysiinnaaba in aynnu u dhawnahay.
4-   Haddi cadawgu iska daciifo nasasho ha siin. Haddii uu midoobana kala daadi.

Cutubka labaad ayaa bilaabmaya. Cutubkan wuxuu qoraagu ladh uga dhigay ‘ Dhoollatus Dagaal.’ Inta aanad gelin dagaalka dhoollatus, isxayaysiin, iyo ciilid samee. Si qodobbaysan ayuu qoraagu u qorayaa. Nuxurkoodu wuxuu ku soo ururayaa in aad dhoollatus samayso inta aanad dagaalka gelin ka hor. Mar haddii aad dagaalka gasho iska illow dhoollatuska oo wax ka wayn isku mashquuli. Waxa ka waynna waxa weeyi sidii aad u jabin lahayd cidda aad is haysaan. Iskuna day in aad kolba u fiirsato meesha ay ka jilicsanyihiin. Se marka koowaad dhoollatuska xoogga saar. Sun Tzu, wuxuu yidhi: “ Marka aad dagaalka gesho isku day inaad guusha hanato, ha isku dayin xayaysiin markaa.”

Cutubka saddexaad ayaan hadda soo gaadhnay. Waxa uu qoraagu ladh uga dhigay ‘ U Weeraridda Si Istaraatijiyaysan.’ Wuxuu kaga warramayaa in qaab nidaamsan loo weeraro cadawga. Waliba iyada oo kolba la eegayo halka ku habboon. Mar haddii aynnu soo aragnay, in marka koowaad qorshe la dejiyo, qorshahaa marka la hirgeliyo in dhoollatus la sameeyo. Marka dhoollatuskaa la sameeyo, waxa xigaa waxa weeyi in la weeraro oo waliba la dejiyo halkii ku habboonayd ee laga weerari lahaa.

Sun Tzu wuxuu yidhi: “ Tabaha dagaalka ee ficil lagu muujin karo sheyga kali ahi waa in cadawga dalkiisa laga qabsado, se in aad burburiso oo qalalaase galisaa maaha wax wacan. Sidaa daraaddeed, halkii aad ka burburin lahayd waxaa ka fiican in aad ciidanka dhammaan qabsato.”
Markale isaga oo tabaha sheegaya waxa uu Sun Tzu yidhi: “ Kuwa dirirtu idinka dhexayso in aad la dagaalanto oo aad weerarto markasta, maaha wax aad u fiican. Waxa aad ka u fiicani waa in aad jebiso iskacaabbinta cadawga adiga oo aan la dagaallamin.”
Sun Tzu wuxuu leeyahay waxaa jira shan shey oo lagama maarmaan u ah guusha. Shantaasi qodob waxa ay kala yihiin:
1-     Waxa guuleysan kara qofka garanaya GOORMAA LA DAGAALLAMAA, iyo GOORMA ayaan LA DAGAALLAMIN.
2-   Waxa guuleysanaya qofka garanaya sidee loola tacaalaa haddii aad GUULEYSATO, iyo haddii LAGAA GUULEYSTO.
3-   Waxa guuleysanayaa ka ciidamadiisu ku qanacsanyihiin darajadooda, ee niyaddu u dhisantahay.
4-   Waxa guuleysanaya qof soo diyaargaroobay ee cadawga oo aan diyaargaroobin ku bilaaba ee isku daya inuu qabsado.
5-    Waxa guuleysanaya qof cudud milliteri haysta ee faragelin ka badbaada.
Sun Tzu, markale waxa uu yidhi: “ Haddii aad garanayso cadawga, naftaadana garo uma baahnid in aad ka baqato natiijada boqollaalka dagaal. Haddii se aad cadawga garanayso oo aanad naftaada garanayn guulkasta oo aad hesho waad ku silci si fududna waad ku jabi. Haddii aanad midna garanayn dagaalkasta waad isdhiibi.”

Cutubka ku sii xiga oo noqonaya ka afraad, waxa uu qoraagu ladh uga dhigay “ Tabaha Dabeecadeed.” Oo uu ka wado dabeecadaha qofka u qarsoon ee uu leeyahay, ha ahaadaan kuwo maskaxeed ama kuwo kale. Cutubkan wuxuu ku sharraxayaa tabaha uu qofku dabeecaha u gaarka ah u maammuli lahaa ee hanan lahaa, ama uu u carin lahaa ee uu dhaqaajin lahaa.
Sun Tzue, waxa uu yidhi: “ Dagaalyahannada wanaagsani waxa ay nafahooga dhigaan ka gadaal iyaga oo og suurtagelnimada inay jabi karaan, dabadeedna waxa ay sugaan fursad ay cadawga ku jebin karaan.”
Sun Tzu, waxa uu yidhi: “ Innaga oo tixgelinayna hababka Millateri waa inaan marka koowaad wax halbeegnaa ( sida dhulka lagu dagaallamo, cabbirka iyo baaxadda IWM). Marka labaad waa inaan tirade ogaannaa. Marka saddexaad, waa inaan wax xisaabinnaa, oo innagu wax isku gaygaynaa, ama kala jarnaa. Marka afraad, waa inaan fursadaha ka raadsannaa, kana faa’ideysannaa. Marka Shanaadna, guushiiba.”
Weli qoraagu xeeladihii ayuu sii wadaa, oo kolba mid innoo dhigayaa. Tabta xigta oo noqonaysa cutub ahaan ta shanaad, ayuu qoraagu bilaabayaa. Tabtan waxa uu qoraagu ladh uga dhigay ‘ Awoodda.’ Wuxuu kaga warramayaa awoodda lagaaga baahanyahay marka aad dagaal afeed, gacmeed ama mid kalaba galaysid. Kollay wax buu ka taataabanayaa qoraagu.

Qoraagu waxa uu yidhi; “ In aad awood badan oo Ciidan ah maammushaa waxa ay la xeertahay uun adiga oo dhawr nin maammulay; waxa ay kaliya iswayddiin mudan ( ama wayddiini ka joogtaa) sida tiradooda (lanbarradooda) loo qaybinayo.”
Hadallada kale ee uu awoodda ku cabbiray ee ladhkaa ku dhex qoran waxaa ka mid ah: “Ma jiraan wax ka badan 5 Midab oo aasaasi ah ( Buluugga, Akhtarka, casaanka, caddaanka, iyo madawga), intaa isku dardarkooga uun baa soo saara kuwo kale oo aan hore loo arag.”

Sidoo kale, waxaa Sun Tzu yidhi: “ Ma jiraan wax ka badan 5 dhadhan ( dhanaanka, Acrid, milix, macaanka, qadhaadhka), kuwaa isku dardarkooga ayuun baa keena dhadhanno kale oo aanad hore u arag.
Waxa kale oo uu yidhi: “ Weeraridda ma jiro wax ka badan laba hab: Mid toosan iyo mid aan toos ahayn. Iskudarka labadani waxa ay shaaca ka qaadayaan dhaqdhaqaaq taxane ah oo aam joogsi lahayn.”
Halkaa waxa aad ka fahmaysaa inuu awoodda si sarbeebaysan u sheegay.
Weli badhtanka ayaynnu wadnaa. Hadda waxa aynnu bilaabaynaa cutubka uu ladhkiisu yahay ‘ Meelaha aad ku Liidato, iyo Meelaha aad ku Xooggantahay.’  Ladh ahaan intaas oo Ingiriisi ah weeyi. Waanna Cutubka 6aad. Waxa uu kaga warramayaa inuu qofku, ururku, Ciidanku, qaranku ogaado meelaha uu ku liito, ee looga soo dhici karo. Sidoo kale, uu ogaado meelaha uu awoodda ku leeyahay ee uu wax iskaga waabin karo, ama uu isku hallayn karo, isla jeerkaasna aan looga soo dhici karin.
Sun Tzu, waxa uu yidhi: “ Waxa laga yaabaa inaad ku wanaagsanaato, oo aad iska caabbiso haddii aad garato meelaha uu ka liito cadawgu. Waxa laga yaabaa inaad ka daasho oo aad ka badbaaddo Baarashuudka haddii dhaqdhaqaaqaaga ama digtoonidaadu ka badato ka cadawga.”
Waxa kale oo uu yidhi: “ Tabaha Milliterigu waa sida Biyaha oo kale. Biyuha sida dabiiciga ah xagga sare ayay ka yimaaddaan xagga hoosana way u shubmaan/aadaan.”

Cutubkii toddobaad ayaynnu soo gaadhnay. Waxa uu ladh qoraagu uga dhigay “ Dhaqdhaqaaq ama Digtoonaan.” Cutubkani waxa uu qoraagu kaga warramayaa in aad dhaqdhaqaaqdo oo aad socod samayso. Si aad u digtoonaato, oo haddii aad meel uun fadhido waxa laga yaabaa adiga oo sidaa u fadhiya in si fudud laguu gaado, ama lagu dagaba. Marka si aan laguu dagin, ama aan dareenla’aan lagugu gaadin waa inaad iska foojignaataa oo aad xoogga saartaa sidii aad dareenkaaga u soo jeedin lahayd marka aad goob dagaal, ama meel la mid ah joogto.
Sun Tzu, waxa uu yidhi: “ Isbahaysi/dagaal ma geli karno illaa aan baranno nooca (Designs) Jaarkeenna.” Dabcan, qoraagu waxa uu ka wadaa dagaalka geli kari maynno haddii aynaan garanayn oo aan la socon ama ka warqabin dadka aynnu la dagaalaynno sida ay yihiin, iyo xaaladaha ay ku suganyihiin.

Weli tabihii ayaynnu dhex jibaaxaynnaa. Hadda waxa aynnu soo gaadhnay Cutubkii 8aad. Cutubkan waxa uu qoraagu ladh uga dhigay “ Kaladuwanaanshaha Tabaha.” Waxa uu kaga warramayaa sida dagaalyahannadun tabaha ugu kala duwanyihiin, iyo sida ay ugu kala baran ogyihiin tabahaas. Tabahaa aynnu soo taxaynnay aad baa loogu kala fiicanyahay, ka sokow barashada, waxaa jirta in qof uu mid iyo laba ku fiicnaado, mid kalana hal, ku kalana intaba. Waa lagu kaladuwanyahay.
Sun Tzu, waxa uu buugga ku leeyahay: “ Dagaalka Jeneraalku wuxuu ka amarqaataa oo amar ka helaa Abbaanduullaha ama guddoomiyaha; dabadeed waxa uu iskugu ururiyaa oo meel iskugu geeyaa ciidankiisa.” Macno ahaan, waxa uu ka wadaa, Jeneraalladu way kala duwanyihiin, oo qaar baa laga yaabaa inay si ka duwan sidaa sameeyaan, ama khilaafaanba.
Hadda Cutubkii 10aad ayaynnu maraynaa. Mid baan ka dulbooday. Sababta aan uga booday waxaa weeyi aad innooma khuseeyo, oo waxa aad  moodda inuu yahay ka kaliya ee buugga ku jira ee aan ka biyadiiday. Cutubkan 10aad waxa uu qoaagu ladh uga dhigay “ Dhulka.” Dhulka, noocyadiisa, qaabka uu leeyahay, iyo wax la mid ah ayuu kaga warramayaa. Maadaama uu dhulku yahay meesha dagaalkuba ka dhaco. Waanna arrin muhiim ah in uu ka hadlaa.
Sun Tzu, dhulka ayuu qaybinayaa, waxa uunna yidhi: “ Waa inay dhulka u qaybinnaa 6 qaybood;
1-     Dhul la heli karo.
2-   Mid la isku hallayn karo.
3-    Dhul la naqshadeeyay.
4-   Dhul cidhiidhi ah.
5-    Dhul sare, iyo
6-   Meelo ka fog cadawga.”

Cutubkii 11aad ayuu qoraagu bilaabayaa. Waxa uu ladh uga dhigay “ Sagaalka Xaaaladood.” Waxa uu kaga warramayaa xaaladaha loo baahanyah inuu qofku dhawro oo ilaaliyo.
Sun Tzu, waxa uu yidhi: “ Dhulka ay koox kastaa rabto inay xorayso waa meel furan.” Macno ahaan, labada kooxood ee wax ku dagaallamayaa waxa ay ku dagaallamayaan in ay jabinta kuwa kale uun ay ku xidhantahay ee aynna jirin wax kale oo ka hortaagani.

Sidoo kale, waxa uu Sun Tzu yidhi: “ Sida aan u samaynayso labadaba  waxa aad ku xooggantahay iyo waxa aadku liidato, waa su’aal ku lugle qaabka ugu wanaagsan ee loo isticmaalo dhulka.” Macno ahaan qoraagu waxa uu cabbirayaa sida qofka oo ogaada xaaladdiisu ay waxbadan ka caawinaysaa.
Cutubka 12aad ayaynnu hadda soconnaa. Cutubkan waxa uu qoraagu ladh uga dhigay “ Ku Weerar Dab” waxa uu kaga warramayaa marka cadawga aad la dagaallamayso awoodaha aad adeeganayso haka mid noqdo dabku, oo adeegso.
Sun Tzu, waxa uu yidhi: “ Waxaa jira 5 hab oo aad dabka ku weerari karto: marka koowaad gub Xeryooyinka Ciidanka. Marka labaad Kaydkooga, iyo meelaha ay wax ku kaydsadaan gub. Marka saddexaad, gub alaabtooda (sida boorsooyinka). Marka afraad, waxa aad gubtaa qalabka dagaalka, iyo Magasiinnada. Marka shanaad, waa inaad dabka ku dhex tuurtaa Ciidanka dhexdiisa.”

Hadda waxa aynnu soconnaa Cutubkii u danbeeyay buugga. Waa Cutubka 13aad. Cutubkan aad buu kuwa hore uga duwanyahay. Qoraagu waxa uu ladh uga dhigay “ Isticmaal Basaasnimada.” Halkan waxa uu kaga warramayaa in qofku haddii uu dagaal ku jiro uu isticmaalo basaasnimada. Basaasnimadu waa jaajuusnimada, oo ah in aad cadawga cid kuu soo ogaata tabahooga iyo waxa ay damacsanyihiin aad u dirsato. Ciddaasi aad u dirayso cadawgu ma garanayaan oo iyaga ayuu iskaga dhex jiraa, waxaynna moodayaan inuu ka midyahay, deedna xeeladkasta oo la dhigo wuulla socdaa. Xeeladahan waxa laga yaabaa inay adi kuu dhigayaan. Adna qofkaas ayaa kuu jooga. Dabadeed qofkii oo tabahooga og ayaa adi si hoose kuugu warramaya, markaa xaalad digtooni ah ayaad galaysaa adna. Waayo, waxa ay maagganyihiin waad ogtahay oo waad la socotaa. Basaasnimada waqtiyada dagaallada aad baa loo adeegsadaa.
Sun Tzu, waxa uu yidhi: “ Waxaa jira shan nooc oo basaasnimada ka mid ah oo adeegsado:
1-     Basaasnimo gudeed/maxalli ah ( Local Spies)
2-   Basaasnimo ay isticmaalaan Sargaallada cadawgu oo uu isagu u bixiyay ( inward Spies).
3-   Basaasnimo aad inta aad iyaga isku xoqdo aad danahaaga kaga adeegato.
4-   Basaasnimo cadawgu ka soo waaqsan waayo, oo aad qaab been’abuur ah u samayso.
5-    Kuwo warkaba ku afjuga xeryooyinka cadawga.


Gebagebo
Buuggu intaas ayuu ka koobanyahay. Si guudmar ah ayaynnu u falanqaynnay. Intii ugu muhiimsanayd inaad carrabaabay ayaan jeclahay, waxbadan waan ka tagay. Se intii nuxurka ahayd waatan.
Hala akhriyo, oo qofkii u baahan wuu heli karaa. Waxbadan baan ka faa’idi. Ugu yaraan naftaada ayaad dhisi. Dagaalka laga hadlayo uun ha moodin markasta mid laba dal u dhexeeya. Dagaalku wuu badanyahay, oo noloshuba waa dagaal sida aan ka Sandheer ahaan qabo, mooyi cid ila qabtee. Markaa dagaalka nolosha si aad uga adkaado waa inaad akhridaa.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Ogosto 15, 2019


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?