Sideed uga faa’idaysan kartaa Sannadkan 2022?
Hordhac
Sannad baa dhammaaday. Sannadkaasi waxa uu la dhammaaday
hawlo, iyo qorshayaal. Sidoo kale, waxa bilaabmay sannad cusub, sannadkan
cusubna waxa uu wataa hawshiisa, qorshayaashiisa, iyo waxyaabo kale oo u gaar
ah. Waxa muhiim ah in qofku qorshe yeesho oo sannadkan waxbadan qabsadaa. Sidoo
kale, waa inuu qofku wax korodhsado oo waxyaabo badan faa’idaysto, oo aqoon
badan iyo adduun ba kasbadaa.
Maadaama waqti cusub kuu bilaabmay, waqtigu wuu kugu socdaa.
Maalin ba maalinta ka danbaysa qabriga ayaad u sii dhawaanaysaa, markaa waa
muhiim inaad waqtiga ka faa’idaysatid.
Qoraalkan kooban waxa aan kaga warrami doonaa waxyaabaha aan
u arko inay muhiim yihiin ee qofku sannadkan 2022 kaga faa’idaysan karo. Aniga
oo niyadda ku haya in dadka akhriyayaa kala duwanyihiin, oo kala aqoon, waayo,
duruuf iyo xaaladaba duwanyihiin, haddana waxa aan tilmaami wax qofkasta wuxuun
ka anfaca.
Maxaan
kaga Faa’idaystaa 2022?
Sannad baa bilaabmay, waa waqti cusub, waaya cusub iyo ammin
cusub oo soo kordhay. Sannadkasta oo bilaabmaa waxa uu kuu soo kordhinayaa
fursad cusub iyo waxyaabo cusub oo aad kaga faa’idaysan kartid. Waxyaabaha aad
kaga faa’idaysan kartid waxa ka mid ah:
1-
Qorshe
yeelo
Sannadkan bilowgiisaba ku wajah qorshe. Qorshayaal badan oo
nololeed samee. Qorshayaasha aad yeelanaysaa ha ahaadaan kuwo ku hagaya, kuwo
ku jihaynaya, kuwo hore kuu socodsiinaya. Noloshu kama maaranto, haddii aanad
hore u lahayn qorshayaal, samayso hadda qorshe. Qorshee waxa aad samaynaysid
maalinta, qorshee waxa aad samaynaysid qorshaha bisha, qorshee waxa aad
samaynaysid sannadka, qorshee waxkasta oo noloshaada ah. Qorshe ku soco,
qorshana ku seexo.
2-
Xirfad
cusub baro
Sannadkasta waxa aad isku daydaa inay wax kuu kordhaan,
waxyaabaha kuu kordhaya waxa ka mid ah inaad xirfado cusub baratid. Sannadkan
2022 xirfaduhu waa muhiim, waayo waxa ay ka qaybqaataan horumarka nafta.
3-
Daawo
Muuqaallada Xogaha sida
Waxa jira muuqaallo Yuutuubka ku jira, oo aad si fudud u
heli kartid. Muuqalladaasi waa xogo muhiim kuu ah oo ku saabsan waxkasta oo aad
xiisaysid. Muuqaalladaasi inta badan waa kuwo waqti iyo tamar badan la geliyay
oo muddo la baadhayay. Waxbadan ayay kuu kordhin karaan, waxayna qaadhaan ku
darsanayaan inay kordhiyaan aqoontaada guud.
4-
Akhriska
badi
Inta badan waxyaabaha qofka u kordha waxa uu ku helaa
akhris. Akhrisku waxa uu ka qayb qaataa horumarka shakhsiyadeed ee qofka.
5-
Naftaada
Horumari
Horumarka naftu markasta wuu socdaa, kolba meel ayuu
taaganyahay. Dadkuna way ku kala duwanyihiin. Adigu eeg halka naftaadu joogto,
marka aad qiimaysid halka aad joogtid biloow inaad naftaada inaad horumarisid.
Qorshayaasha sannadkan 2022 ku dar inaad naftaada horumarisid.
6-
Dadaal
Dadku waxa ay isku dhaafeen waa dadaalka, ma jiro qof ku
dhasha horumarka iyo waxkasta oo qofku helaba. Waxkasta oo aad u baahantahay
waxa kaa xiga dadaal. Isku day inaad dadaashid oo waxkasta oo aad niyadda ku
haysid ficil u baddeshid. Sannadkan 2022 dadaal, waxkasta waad gaadhiye.
7-
Kordhi
aqoontaada
Qofku markasta noloshiisa wax ayuu bartaa oo waxbaa u
kordha. Waxkasta oo qofka qaybaha kala duwan ee nolosha uga kordhaa faa’ido aan
qiyaas lahayn ayay u leeyihiin. Marka aynu leennahay ‘ Aqoon Guud’ waxa aynu ka
wadnaa waxkasta oo qofku taransado oo wacyigiisa, garaadkiisa, jidhkiisa, shaqadiisa,
naftiisa, iyo guud ahaan noloshiisa wax ka taraya oo wax ku biirinaya haba
yaratee. Kama hadlayno dhinac kaliya ama wax la xidhiidha mawduuc gaar ah oo
qofku barto, waxa aan ka hadlayaa si guud waxa uu wax ka korodhsaday. Taas
ayaan uga jeedaa ‘ Aqoonta Guud.’
Aqoonta guud waa xogta iyo ogaalka ugubka ah ee qofku ka
helo deegaanka iyo dadka ku hareeraysan sida uu xusayo qoraa Bryce oo mawduucan
wax ka qoray. In qofku aqoon guud helaa waxa ay bud’dhig, aasaas iyo barbilow
ba u tahay guusha shakhsiyadeed ee qofka.
Aqoontaada guud kordhi, sannadkan 2022 kana isku day inaad
aqoon guud korodhsatid.
8-
Ku biir
Urur Wax akhris ama Mid Bulsho
In qofku urur wax akhris ama mid dan kale lagaga shaqaynayo
ku biiraa waxa ay dhaxalsiisaa inuu xog badan hantiyo. Gaar ahaan waxa mudnaan
leh ururrada ku saabsan akhriska, buugta, aragtiyaha IWM. Waayo, goobtaas inta
badan waxa lagu faaqidayaa aragti, buug, taariikh, ama wax la mid ah. Qofka
waxa ay carinaysaa maskaxdiisa, waxayna ku abuuraysaa inuu dhiirrado oo isaguna
wax cusub la yimaaddo. Ta ugu wayn ee ay keenaysaa waa in qofka aqoontiisa guud
kobocdo oo qaaradaha ka tallawdo.
9-
La Soco
Xogaha Degdegga ah
Waxa jira xogo degdeg ah oo ku saabsan waxyaabaha aad
xiisaysid. Tusaale ahaan, waxa jira war ku saabsan siyaasadda aad xiisaysid. Ka
warhay oo maalinle warkaas ula soco. Sida aad waxyaabahaas ku heli kartid waxa
ka mid ah inaad ku xidhantid mareegaha, Bogagga, ama goobaha kale ee la soo
geliyo. Inaad meelahaas ku xidhnaatid waxa ay keenaysaa in aqoontaada guud korodho.
10-
Iska
diwaangeli Fasallada Fogaan’aragga ah ( Online)
Maadaama dunidii fidday, dadkiina kala fogaaday oo qaarado
kala duwan iyo dalal kala fog la joogo waxa muhiim ah in kolba sidii look ala
faa’idaysan karo look ala faa’idaysto. Waxa jira kumannaan shay oo aad xiiso u
qabtid in aad baratid, balse aanad ka helayn meesha aad joogtid. Waxa aad
helaysaa iyaga oo goob kale oo kaa fog laga bixinayo, waxa muhiim ah inaad ka
warhaysid oo xaadirtid goobahaas qaab fogaan’arag ah. Fasalladasaasi waxa ay
noqon karaan kuwo muddo kooban soconaya ama kuwo soconaya muddo dheer. Labadaba
qaab fogaan’arag ah uga qayb qaado, iskuna day oo ka warhay. Taasi waxa ay
keenaysaa in aqoontaada guud ay kobocdo.
11- Dhaqaalahaaga Kordhi
Dhaqaaluhu waa lafdhabarta casrigan. In qofku helo lacag iyo
hanti ku filan waa muhiim. Waxbadan ayay u taraysaa, waxbadanna way ka
leexinaysaa lacagtu. Sannadkan 2022 isku day inaad dhaqaalahaaga ama lacagtaada
kordhisid.
12- Dhis xidhiidhkaaga shakhsiyadeed ee bulshada
Waqtigan la joogo waxyaabaha muhiimka ah waxa ka mid ah
shabakadda xidhiidhka ee qofku bulshada guud ahaan la yeenayo, gaar ahaanna la
yeenayo inta ay isku xirfadda yihiin. Faa’idooyin badan ayay kuu leeyihiin xidhiidhka
bulshadu, waayo, waxbadan oo ay ka mid tahay ixtiraam, shaqo, horumar IWM ayay
ku xoo kordhinaysaa.
Gebagebo
Sannadkan bilaabmay, fursado cusub ayuu kuugu bilaabmay.
Isku day inaad ka faa’idaysatid. Kaga faa’idayso horumar, naf dhisid, dhaqaale
dhis, IWM. Waaxyaabaha aad kaga faa’idaysan kartid waxa ka mid ah: Garaad dhis,
jidh dhis, maskax korin, dhaqaale dhis, aqoon dhis IWM.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
22 Jannaayo, 2022
Comments
Post a Comment