Sidee loo gaadhaa waxa aad jeceshahay?
Qofkasta wax ayuu rabaa. Waxa jira waxyaabo badan oo uu si
gaara u jecelyahay. Qof wuxuu jecelyahay inuu ganacsiga meel wayn ka gaadho,
qof kale waxa uu rabaa inuu horumar badan ka sameeyo waxbarashada, qof kale wuxuu
doonayaa inuu lacag sameeyo. Haddaba arrinta muhiimka ahi waxa ay tahay maxaa
qofka ka caawinaya inuu gaadho wuxuu jecelyahay? Sidoo kale, side qofku u
gaadhayaa wuxuu rabo ama xiisaynayo?
Si aad u gaadhid waxa aad rabtid, raac tilmaamahan:
1-
Qorshe yeelo
Waxa aad samaysataa qorshe ku saabsan waxa aad rabtid in aad
gaadhid, tusaale ahaan waxa aad doonaysaa in aad gaadhid arrin ah sidii aad
ganacsi u abuuri lahayd. Marka hore iswayddii wax lacaga maxaad haysaa? Halkeed
ka samaynaysaa ganacsiga? Maxaad rabtaa in aad ka ganacsatid? Maxaad iibin
doontaa? Qiimayaasha? IWM. Qorshe
noocaas ah samayso.
2-
Hammi yeelo
Hammigu waxkasta oo la gaadhayo waa waxyaabaha ugu waawayn. Hammigu
wuxuu ka midyahay waxyaabaha dadka kala hormariyay. Qofka inta uu hammigiisu leegyahay
ayay guushiisuna leekaanaysaa.
3-
Dadaal
Dadaalku waa waxa ay guulaytayaasha iyo guuldarraystayaashu
isku dhaafaan. Waxkasta oo qofku samaynayo ama uu gaadhayaaba wuxuu u
baahanyahay dadaal. Carabtu waxa ay tidhaahdaa ‘ Dadaalku wuxuu furnaa albaabo
xidhnaa.’
4-
Samir
Qofku marka uu hawl qabanayo caqabado badan buu la kulmayaa.
Caqabadkastaa waxa ay rabtaa Samir, haddii kale qofku ma gaadhayo wuxuu
doonayay. Tusaale ahaan, haddii aad rabtid in aad shay samaysid, ka dibna ay
caqadi kaa hortimaaddo, ka dibna aad u adkaysan waydid, ma gaadhaysid
hadafkaagii.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
15 Sibtanbar, 2022.
Comments
Post a Comment