Sookoobidda buugga ‘ Luuqadda Doodda ~ The Language of Argument.’
Hordhac
Buuggan innoo daaran waxa ladhkiisa la yidhaa ‘ The Language
of Argument’ oo Af Soomaali haddii aynnu soo dhawaynno ku noqonaya ‘ Afka
Doodda ama Luuqadda Doodda.’ Waxa aynnu garawsannahay in mawduuckastaa uu
leeyahay af gaar ah oo lagu hadlo, oo uu baadisooc ahaan u leeyahay. Tusaale
ahaan, siyaasaddu af gaar ah ayay leedahay. Dhaqaaluhu af gaar ayuu leeyahay.
Sharcigu af gaar ah ayuu leeyahay. Beeruhu af gaar ayay leeyihiin. Markaa waa
gar in doodduna af gaar ah lahaato.
Waxa qoray, oo ku mitiday laba qoraa oo kala qalin duwanaa. Midi
wuxuu ahaa Daniel
McDonald,
oo noolaa intii u dhexaysay (Julaay 30, 1960kii – Febraayo 15, 2007dii) oo
Filinmetele iyo qoraa ahaa. Da’ yaraan ayuu ku geeriyooday oo isaga oo 46 sano
jira ayuu wedku u yimid. Wuu dhintay. Laba carruura ayuu adduunka korkiisa ku
macasalaameeyay. Qoraaga kale ee la qoray waa Larry W. Burton oo
ah qoraa buugaag kaladuwan oo mawdduuca
xidhiidh la leh qoray.
Si
guud buuggu wuxuu ka koobanyahay 385 bog.
Daabacaaddo kaladuwan ayaa laga
sameeyay. Nuskhada aan anigu hayaa waa soosaaristii 9aad, waxaanna la daabacay
tan 9aad sannadkii 1999kii. Afar qaybood ayuu iskugu jiraa. Waxa aad mooddaa
inuu waxoogaa isku yara dhexdaadsanyahay xagga habaynta, oo mawduucyo mudnaanta
lahaa xagga danbe la geeyay. Yeelkadiiye, si kooban ayaynnu afartaa qaybood u
dul istaagi. Aanan ku xasuusiyee, labadaa qoraa inta badan waxa ay xooggasaari dooddu
marka ay tahay mid qoran, oo qoraal lagu gudbinayo. Se tee hadalkuna ka
madhnaanmayso.
Nuxurka Buugga
Qaybta
1aad waxaa ladh ahaan ku suntan ‘ Qaababka Doodda’- Macne ahaan, sida ay dooddu
u dhigmayso ee loo sheegayo, ama loo qorayo. Qaybta 1aad qodobka u horreeyaa
waa ‘ Ka Dhaadhicinta Qoraalka’ oo ay ka wadaan in waxa aad qoraysid ama
sheegaysid cidda ay khusayso aad uga dhaadhicisid si farsamaysan, oo
xirfadaysan. Labadan qodob ayay ku soo koobeen:
B)
Hano
Dhegaystayaashaada, ama Akhristayaashaada: Qodobkani waxa uu suurtagel ku noqon
karaa in marka koowaad aad garatid cidda aad la hadlaysid. In cidda aad la
hadlaysid aad garataa waxa ay kaa caawinaysaa in aad erayada kalaxulatid oo
qaabaysid.
T)
Qeex Arrinta aad ka
hadlaysid/Qoraysid: Waxa aad sheegaysid marka hore si wanaagsan usoo huf, oo
dadkana u sheeg. Waxaa jira mawduucyo laga doodi karo, iyo kuwa aan boos ku
lahayn doodda. Qoraa Daniel iyo Qoraa Larry Burton, waxa ay qabaan doodda aan
anna qabo adna laga yaabo inaad qabtid ee ah ‘ Inay jiraan waxyaabo aan dood
gelin.’ Sidoo kale, waxa ay qabaan in arrimaha qaar ay rabaan in aad loo dul
istaago oo in ka badan caddayntooda la qeexo. Tusaale ahaan, waxa ay u soo
qaateen haddii laba qof ku murmaan Madaxweyne Kuxigeen Al Gore wuu
caqlibadanyahay iyo maya. Iskumay khilaafin timihiisa, ilkihiisa, iyo
dharkiisa, se qeexidda caqlibadnaantiisa dood baa kaa taagan.
Qaybta
1aad qodobka 2aad ee ku xigaa waxa weeyi ‘ Male’ Habka uu qofku u dhigayo/sawir
guud uga bixinayo ee uu sookoobid guud ugu samaynayo caddayn aan
dhammaystirnayn ( Wax uuna caddayn hubaal ah u haynin, se uu malaynayo). Waxa
aad ka hadlaysid waxa aad ku garanaysaa ‘ Male’ e ma hubtid oo caddayn dhammaystiran
uma haysid. Labada qoraa waxa ay tusaale ahaan soo qaateen, waxa aad aragto
Ubax cad. Se maad wada arag Ubaxyada oo dhan. Haddii lagu yidhaa Ubaxu
midabkiisa noo sheeg?’ Dabadeedna aad ku jawaabtid ‘ Waa caddaan’ caddayn
xaddidan baad ku salaysay, waana male.
Daniel
iyo larry, waxa ay iswayddiinayaan dhawr qodob oo khuseeya ‘ caddayntaa aan ku
filnayn’ Waxa ka mid ah:
B) Muunadda ( Sample) ka miyaa la garanayaa?
T) Muunaddu ma tahay mid innagu filan?: Halkan waxa ay qabaan in marar badan qofku waxa uu ku
doodayo ay ka kala dhimanyihiin, oo qalad ka dhici karo. Sidoo kale, waxa ay
qabaan in Muunadda kaladhimani ay keeni karto daabaqadaynm ( Shey ama dad wax
aynna ahayn lagu shaabbadeeyo oo lagu nabo).
J) Muunaddu miyay meteli kartaa kuwo kale?: Tusaale ahaan, waxa ay soo qaadanayaan: “ Hablaha
Diraweliinta ahi way ka fiicanyihiin ragga Dirawaliinta ah; waayo way ka shil
yaryihiin.’
Qeybta
2aad waxa ay ladh uga dhigeen ‘ Falanqaynta Doodda.’ Mawduucan waxa aad mooddaa
inay ka gaabiyeen, oo aynna aad uga hadlin. Waayo wax ku saabsan xeerarka
falanqaynta, iyo sida loo sameeyo toona may qorin; marka laga reebo
tusaalayaal, iyo sheekooyin ay dadkale qoreen oo so ergisteen. Markaa haddii
aan ka Sandheere ahaan wixii aan ka fahmay tusaalayaasha fekerkayga ka dhiibto,
waxa aan ku soo koobi intan:
1-
Ogow waxa aad falanqaynaysid: Waxyaabo kaladuwan
ayaa la falanqeeyaa oo laga hadlaa. Sida looga hadlayaa waxa ay ku xidhantahay
kolba waxa uu yahay. Tusaale ahaan, haddii aan lacag ka hadlayo, waxyaabaha ugu
waawayn ee aan falanqaynlahaa waxaa ka mid ah; qiimadhaca lacagta, waxyaabaha
koriya, Sicirbararka, sida loo maamulo, sida loo xisaabiyo IWM.
2-
Dhinacyo badan ka eeg: Marka aad wax
falanqaynaysid dhinacyo kaladuwan ka joogso. Tusaale ahaan isku day inaad
waxkasta oo xidhiidh la leh wax ka sheegto, ama ugu yaraan tilmaanto.
3-
Si la fahmi karo u dhig falanqaynta: Isku day in waxa
aad ka hadlaysid/ qoraysid la fahmi karo. Ogow, oo dadkan ku dhegaysaya tixgeli
bal inay kula socdaan, ama wuxuun kaa fahmayaan.
4-
Sookoob: U samee meel uu ka
bilaabmo iyo meel uu ku dhammaado.
Qeybta
3aad waxa ay ladh uga dhigeen ‘ Suugaan ku Doodid’ Macne ahaan, waxa ay ka
wadaan in doodda gabay, Buraanbur, hees IWM ah lagu dhiibto. Halkanna sidoo
kale, qoraayadu meelaha ay ka gaabiyeen ayay ka midtahay, oo may sheegin hannaanka iyo habka la raacayo marka Suugaanta
lagu Doodayo, ee doodda gabay, iyo wax la mid ah lagu dhiibayo. Gabayo qallalan
oo bilaa sharraxaad ah, oo u badan kuwa Shakespeare ayay ku qoreen. Waxa si
muhiim ah in aynnu isla fahanno in Gabayga, buraaburka, heeshawleeddada,
riwaayadaha, IWM ay door muhiim ah ka qaataan doodda arrin ku saabsan ee lagu
kala aragti duwanyahay. Innaga ka soomaali ahaan, arrintaasi way innagu
badantahay, oo waayadii hore waxa ugu badan ee doodda lagu dhiiban jiray
Suugaan bay ahayd. Haddii laba qof wax ku kaladuwanaadaan ‘ Hadal’ inuu ku
sheegaa way adkayd, se noocyada kaladuwan ee Suugaabta ayuu ku cabbiri jiray.
Qaybta
4aad waxa ladh uga dhigeen ‘ Siddeeda Xeer ee Qoraalka Toolmoon.’ Sidii aan
hore u sheegay inta badan labada qoraa waxa ay xooggasaari doonaan ‘ Doodda
Qoran.’ Aynnu soo koobno Xeerarka:
1-
Dooro
Ladh: Doorashada
mawduucu inay waxyaabaha ugu adeg ee doodda qoraalka tahay ayay qabaan. Qofku
marka uu badhaadhihiisa ka dhiibayo arrin waxa ay u baahantahay inuu doorto
ladh uu ku caanamaalo oo geeddisocodka dooddiisa wax ka tara. Sida badanna waxa
la yidhaa mawduucu waa kalabadh qoraalka uu qofku qorayo, waayo qoraalka ayuu
ladhku muraayad u yahay, oo waa meesha laga duulayo.
2-
Xogo Dhaba hel: Marka aad dood
dhiibanaysid waxa ay u baahantahay xog inaad haysid. Mawduuc ma lafaguri kartid
haddii aanad xog ka haynin, waayo haddii aanad xog ka haynin waa lagugu rogi
karaa, oo albaabkasta waa lagaa soo xidhi. Xogaha meelaha laga helaa way badanyihiin. Maktabadaha, Telefoonka,
Aaladaha Casriga ah, Internetka iyo kuwa kale ayaa ka mid ah meelaha laga helo.
Ugu danbayn ku dadaal caddaaladda qoraalka oo wax runa oo la hubo xarriiq.
3-
Ladhkaaga Xakamee Baaxad ahaan: Labada qoraa waxa
ay qabaan in doodda goob iyo ammin lagu saleeyo. Waayo haddii aad badisid
halbacaad lagu lisay inay noqotaa laga yaabaa. Aad isku wayddii amminta aad
haysatid, iyo baaxadda mawduuca aad lafaguraysid. Dabadeedna ku salee waqtiga
oo soo yaree.
4-
Xogtaada Habee: In doodda la
habeeyo oo qaab sida qoraallada kale ah loo habeeyo ayay qabaan labada qoraa.
Waxa ay ku leeyihiin ‘ U samee Hordhac, Nuxur, iyo Gebagebo. Saddexdani waa
waxa aasaaska u ah qoraalka iyo hadalkaba. Ku dadaal inaad hadalkaaga sidaa ka
yeeshid.
5-
Qoraalkaaga Xiiso u Yeel: Dad badan
hadalkaaga/qoraalkaaga waxba ka soo qaadi maayaan haddii aanad xiiso u yeelin.
Dheg jalaq u siin maayaan haddii aad adigu marka hore dhegaha ka furaysato
xiiso u yeelidda dooddaada. Waxyaabaha hadalka xiisaha u yeelana waxaa ka mid
ah runta iyo dhabnimada.
6-
Qoraalka Ha Kala Saafnaado: Inta aad wax
qoraysid, gaar ahaanna doodda iska ilaali erayada iyo sida ay u kala
muhiimsanyihiin. Isku day inaad adeegsatid erayba ka uu ka muhiimsanyahay.
Marar badan iska dhaaf inaad adeegsatid erayo iyo tuducyo badan oo aan
dooddaada muhiim u ahayn. U qor hadalka ama u hadal si aan maldahnayn ama
duurxulnayn.
7-
Iska Ilaali Erayada Dareennada Kiciya: labada qoraa
qodobkan waxa ay ku soo aroorinayaan in qofka doodayaa iska ilaaliyo erayo
dareennada kiciya sida kuwa ka hadla jinsiga. Waayo, saamayn aan yarayn ayay
keeni karaan. Saamayntaa waxa ugu yar in mawdduucii qalnaa ee laga doodayay
laga mashquulo, oo lagaga mashquulo hadal soo darriyay oo dusha ka yimidday.
Sidoo kale, in marar badan la iska ilaaliyo erayada qosolka keeni kara. Maaha
marwalba, se marka arrin aqoonaysan laga doodayo waa in la iska ilaaliyaa.
Waayo, ka Sandheere ahaan, waxa aan qabaa in qosolku mawduuca leexin karo oo
dooddii la isku dhilayay damin karo, dhinaca kale intuu u rogo ka dhigi karo
wax aan sidaa u sii ridnayn. Dabadeedna inta la kala caajiso arrintu kaftan
isku baddesho, oo caddaymihii badnaa ee la keeni lahaa kaftanku awoodda kala
wareego.
8-
Iska Ilaali Surmaseegtada Farsameed: Halkan waxa ay kaga
warramayaan marka aad doodda qoraysid inaad aad uga taxaddirtid in qalad
farsamo oo badani kaa dhaco. Waxa ay soo aroorinayaa in qofku aad u ilaaliyo
calaamadaha, Waawaynaynta xuruufta qaar, IWM.
Gebagebo
Afartii
qaybood ee buugga bud’dhigga u ahayd waa kuwaa. IIntaas ayay ku idilyihiin.
Habayaraatee in aynnu wax uun ka fahannay ayaan rajaynayaa.
Qofkii
heli karaa buugga ha akhristo xogo intaa ka badan ayuu ka dhaxli karaa.
W/Q: Cabdirasaaq
Sandheere
Noofanber 22, 2019.
Boorama, Awdal.
Comments
Post a Comment