Faallada Buugga “ Maan Guursadeen!”
Hordhac
Sannadkii 2016kii ayaan u baahday inaan guurka wax ka
akhriyo, malahayga Dugsiga ayaa la igu qoray mawduucaas. Galab ayaan Internetka
ku qoray GUUR. Islamarkiiba waxa iisoo baxay maqaal uu cinwaankiisu ahaa ‘ Maan
Guursadeen!’ Cinwaanka maqaalka ayaa aad
isoo jiitay, waan sii dhexgalay. Maqaalka araartiisa hore ayaan la ashqaraaray
illaa aan dhammeeyay. Inta maqaalka ku qornayd ee aad iisoo jiidatay waxa ka
mid ahaa intan “Haweenku marka ay ku oggolyihiin gobsanaa, gaarisanaa, garasho
badanaa. Marka kalana murkur, madax[a]deyg, iyo maneeno badanaa…”
Farshaxanka maqaalka ayaan la dhacay. Qoraaga oo ahaa Axmed
Ismaaciil, ayaan isku dayay inaan wax ka ogaado. Nin iga waynaa oo Boorama
aannu waqtigaa wadajoognay ayaan ku idhi: “ Walaal, ninka la yidhaa Axmed
Ismaaciil ma taqaannaa, waxa aan akhriyay maqaal la yidhaa ‘ Maan Guursadeen’
oo uu qoraye?” Ninku wuu gartay, markaas ayuu igu yidhi hadal u macne eeg: “
Axmed Deeq ayaa la yidhaa. Waa nin fekerro reer Galbeed aaminsan. Maqaallo
badan ayuu qoray, waxa ka mid ahaa ‘ Bahal Gadhle’ oo uu culimada ku durayo,
iyo Maan Guursadeen oo buug ah. Waxa aan kugula talinayaa inaanad ninkaa
wixiisa akhrinin.”
Ninkii aad uguma kalsoonaan. Anigu aqoon badan ma lahayn, se
wax way ii bilaabnaayeen. Waxa aan isku dayay inaan raadiyo maqaallo kale oo uu
qoray. Internetka ayaan qoraaga magaciisa ku qoray. Waan helay. Dhawr maqaal oo
uu Axmed qoray ayaan akhriyay. Aqoon aan ku naqdiyo waqtigaas ma lahayn
maqaallada Axmed, se waxa aan sheegi karaa inaan farshaxanka uu u dhigay aad
iisoo jiitay. Walow aan Wadaad soo koraya oo Qur’aan dhiga ahaa, haddana
maqaallada kuma degdegin, oo inaan dadka uga digo ma gaadhin.
Qoraaga Sheekada, waa la ii bahallageliyay. Oo waxa dhegta
igaga soo dhacday inuu yahay Caqlaani qurbaha ku nool, oo aad wax u qora,
dhinaca Diintana aad wax uga sheega. Tiro ma laha inta qof ee Axmed Deeq iiga
digtay ee igu tidhi hadal macne ahaan ah: ‘ Miskiin Xerowa oo aan waxba akhriyi
jirin ayaad tahaye, ninkani waa qoraa illaa 2012kii mareegaha wax ku qori
jiray, waana nin fekerrada reer galbeedka aaminsan. Iska iaali oo wuxuu qoro ha
akhrisan!”
Waxa xusid mudan in waqtigaas aanan Fanka qoraalka ku jirin.
Bilow ka dib ayaan soo galay bahda fanka
qoraalka iyo qalinka.
Waxaa la gaadhay 2017kii. Waxa aan isku dayay bal in aan
raadiyo sheekadii ‘ Maanguursadeen’ oo aan ogaaday inay tahay buug uu qoraagu
daabacay, oo soo baxay. Xidhiidh badan, oo aan dad badan ku waraysto ma layn.
Boorama, oo aan deggannaa ayaan ka raadiyay. Maktabado wanaagsan oo wax keenaa
way ku yaraayeen, dadkuna mooyiye aad uma iibsadaan buugaagta. Waan ka waayay. Hargeysa,
ayaan u dirsaday. Iyadna waxa la ii sheegay inuuna oollin.
Anigu sidaa ugu oomman buugga, ayaan qoraaga oo Axmed Deeq
ah, dusha ka bartay. Wuxuu Baraha Bulshada ku soo qoro ayaan ku xidhnaa. Waxa
aan qoraalladiisa ka fiirshay wixii la iiga sheegaya. Been ayay noqdeen. Qoraaga
ayaannu toos halkaa iskaga barannay. Waxsoosaarkiisa qoraallada uu Baraha
Bulshada ku qoro oo gaagan ayaa iga soo gaadhi jiray, malahayga qoraagu wuu
yareeyay maqaalladii uu ku daabici jiray Wargeysyada.
2019kii ayaan Qoraaga la xidhiidhay, waxa aan
wayddiiyay buuggii ‘ Maan Guursadeen’
meel iigu sheeg waan u baahnaaye. Axmed, waxa uu ii sheegay in buuggii hadda
aan la helayn, oo waqti hore daabacaaddiisi ahayd. Se uu ku talajiro inuu dib u
daabaco. Waxa aan u sheegay in buuggaas daabacaaddiisa noogu dhakhsado. Wuu soo
socdaaye u samir Sandheeroow, ayuu yidhi.
Maalin dhawayd ayay daabacaaddiisii dhammaatay, oo Hargeysa
la keenay. Maanta ayaan soo iibsaday. Hadda waxa gacantayda ku jira buuggii aan
in badan u hammuun qabay.
Waa buugyare ka kooban 74 oo ah waraaqadda loo yaqaan A5.
Waxa markii 2aad la daabacay sannadkan 2020ka. Waxa lagu daabacay dalka Masar.
Waxaa qoray Axmed Deeq oo ah qoraa looga bartay inuu qoro sheekafaneedda
noocyadeeda kaladuwan, haddii ay ta gaaban iyo haddii ay ta dheer ee loo yaqaan
Noofal. Waxa aan usku dayi doonaan si kooban buugga nuxurkiisa u tilmaamo,
dhalliisha aan u hayo sheego, dabadeedna buugga soo gebagabeeyo.
Iftiimin
Kooban
Buuggu qaab sheeko ayuu u qoranyahay. Kaliya kama warramayo
guur iyo jaceyl. Se wuu ka salballaadhanyahay, oo noocyada kaladuwan ee nolosha
ayuu kolba dhinac galayaa oo qaadaadhigayaa. Waxa aad mooddaa inuu kolba meel
ka hillaacayo, oo waadaan wadanuxur iyo miid ah kaaga darayo. Se magaca ayaad
mooddaa inuu lookalyahay oo qoraagu hal dhinac oo ka mid ah dhinacyada uu
buuggu ka warramayo u afduubay.
Sheekooyinka buugga ku jira waxa aynu ka xusi karnaa:
1-
Wuu I Furay.
2-
Guurdoon Adduun Waayay.
3-
Hargeysaay Ma Nabad baa?
***
Sheekada ‘ Wuu I furay’ si guud waa sheeko gabadh iyada oo
xoog iyo quruxba haysa nin miskiin ah jeclaatay. Ninkii ayay xaafaddoodu u
diidday. Xaafaddii ayaa laba daran midkood dooransiisay ‘ Ma ninkaa raac ama
annaga noo go’ oo isaga iska daa’ ayay ku yidhaahdeen. Inantii illayn waa mid
jaceyl u haysa ayay raacday ninkii, xaafaddiinna way ka go’day. Ninkii ayay
ooridiisa noqotay, oo carruur badan u dhashay. Ninkii miskiinka ahaa Alle ayaa
intiisii u barakeeyay oo xoolo badan ayuu yeeshay. Gabadhii ayaa xanuunsatay.
Isagu kama warhayo, oo xaaladdeeda lama socdo. Inuu la socdo iska daaye xaalad
qooq ayuu ku suganyahay oo inta gabadhu ka xanuunsanayso wuxuu isku dayayaa
inuu gabadh kale la guursado! Nacasku waa kan hoosta gabadh kale kala sheekaysta,
xaaskiisiina ay rafanayso ee xanuunsanayso. Ugu danbeyn gabadh ayuu aayar iska
guursaday. Xaaskii markii ay maqashay, ee ay wayddiisayna waxa uu ugu jawaabay
‘ marka aad xanuunsato maxaan qabtaa?’ Xanuunka Alle ayaa keenay, nacas aan
galmo wax aan ahayn ayuu ahaa. Isaga oo xoodhxoodhsan ayay nin ka soo saartay.
Isaga oo aad yaabto sida uu yahay, ayay dadka soo dhexgelisay oo nin ka soo
saartay. Isaga oo dharka kolba ka uu soo gaadho xidha, oo aan aqoon sida dharku
isku qaataan waxa ay bartay dhar isleh ee la isku xidho, iyo ka aan isku soo
bixin, sida qoraagu xusayo. Xaaskii way
iska samirtay, waxa ayna ku catawday: “ Wixii aan ehel iyo asxaaba uga go’ay,
wixii uu jidhkaygu u qayirmay, jamaalkeyguna u qallalay, wixii aan habeenno u
seexan waayay, maalmana u silcayay, wixii aan nafhurka u saameeyay ee [ Allah]
igu ogaa, waxa abaal la iiga dhigay minyaro iyo mannasheegasho.”
***
Labada maqaal ee aynu soo qaadanaynaa waa ka qoraagu ladh
uga kala dhigay ‘Guurdoon Adduun Waayay’
iyo kale ee ah ‘ Maxaad u Guursan Wayday?’ Qoraagu waxa uu kaga warramayaa nin wayn oo
aan guursan, se waqtigii guurka gaadhay ama dhaafay. Wuxuu xusayaa in qofkastaa
guurka u baahanyahay, se qofka ay duruufta iyo xaaladaha nololeed ee uu ku
jiraa ay u diidayaan inuu guursado. Ninkaasi duruufta waxla’aaneed ayaa guurka
u diiday, wax uu isagu diiday maaha. Haddana dadkii ayaa maxaad u guursan
wayday iyo nacnac dhammaan waayay!
Guurku waxa uu ka midyahay baahiyaha ay bini’aadanku qabaan
iyo sunnaha nolosha, oo la’aantii tarani ma jireen. Ha dibdhaco, ama ha soo
hormaree dadku waa badankoodu waa kuwii guursada uun. Qof walbaana waxa uu
guursadaa maainta calafkiisu yimaaddo, sida uu u dhinto maalinta ajashiisu
dhammaato. Haddaba, waxa jira dad ay kaga dhigtay maxaad u guursan wayday?
Maxaad qabanaysaa? Wayddiintani waxa ay la midtahay maxaad u dhiman wayday?
Maxaad u nooshahay, sida qoraagu ku doodayo.
Teeda kale, qofku isaga oo aan xaalkaagaba ogayn in aad
qureecatay iyo in kale in aad shaqo hagaagsan hayso, iyo in kale; in aad guur
ka bixi karto iyo in kale; qof diyaar ah in aad haysom iyo in kale ayuu iska
kaa odhanayaa maxaad qabanaysaa hebel iyo heblaayaba way guursadeene? Qofku
isaga ayaa kaa jecel guurka ee weli fursaddii baan badanka soo marin, ama
qofkiisii baan soo marin. Waa arrin nacasnimo ah in qof aan ku ogayni
guur kugula taliyo.
***
Sheekooyinka kale ee qoraagu kaga warramayo buugga waxa ka
mid ah saddex maqaal oo uu Hargeysa kaga warramayo, kula talinayo, ku
faallaynayo, waxna ugu sheegayo. Maqaalladaasi Hargeysa waayaheedii hore iyo
waayaheedan danbe labadaba way taabanayaan. Tusaale ahaan, qoraagu soo
qaadanayaa waqti hore in Hargeysa uu ka soo bixi jiray hal Jaraa’id oo kaliya.
Jaraa’idkaasi inuu tayo badnaa, tifaftir fiican heli jiray, wax wanaagsan
daabici jiray, aad loo jeclaa bulshaduna ku xidhnayd, qoraaguna macaamiisha
waawayn ee safka u soo gala ahaa. Dadka wax ku qori jiray waxa ka mid ahaa
Boobe Y. Ducaale, Maxamed Siciid Gees, Xasan C. Hoorri, C. Roodhi IWM.
Muddo ka dib Hargeysa way ilbaxday. Aqoontii baa badatay.
Waxa ay yeelatay Wargeysyo badan oo kaba badan illaa 12 Wargeys. Marka aad
eegto waxa ay qoraan maaha wax tayo leh, maaha wax tifaftir badan sida qoraagu
ku doodayo. Maaha, wax aad wax ka faa’idi karto, 12kaas Waregys isku wax ayaya
wada qoraan. Waxooguna war ma dhaafo.
Dhalliisha
Buugga
1-
Magacbixinta buugga: Sheekada
koowaad kaliya ayaa wadata cinwaanka buugga ee ah ‘ Maan Guursadeen.’ Magaca
buugga qoraagu halkaa maqaal ee ku jira ayuu u luqunjibbaadhay. Waxa
wanaagsanayd inuu magaca buugga mid guud, oo xaqsoor ka muuqdo ka dhigo, oo
aanu u kala eexanin maqaalla farabadan ee buugga ku wadajira. Inuu magac
macnaha maqaallada wadakoobayo ayay ahayd. Se way seegtay. Aniga oo og in
magacbixinta gabayada, buugaagta IWM ah marar badan hal Bayd oo gabayga ku
jirta ama hal sheeko oo buugga ku jirto gabaygaas ama buuggaas loo afduubo oo
magacbixinta laga dhigo. Se taa inuu saaxiibkey Axmed raaco may ahayn, maadaama
buuggu uu yahay mid mawduuc guud oo dhinackasta taabanaya kaga warramayo. Magac
buugga wadameteli kara inuu u dooro ayay ahayd.
2-
Sheekooyinka buugga ku qoran
qaarkood shakhsiyadda qoraaga, halka uu taaganyahay iyo noloshiisa kama
warramayaan oo maaha xasuusqor qofeed. Waa sheekooyin macquul ah. Marka uu
qoraagu leeyahay ‘ Maan Guursadeen’ isaga ayaa la moodayaa oo waxaa suurtagala
in la yidhaa ‘ Qoraa sawdigii na yidhi maan guursadeen, haddana sawdiga
guursaday?’ Waa wayddiin gar ah, oo akhristuhu haddii uu sidaa qallalan magaca
u maqlo wuxuu moodi qoraaga. Se maaha qoraaga, waa sheekooyin uu soo warinayo.
Aragtidayda qoraaga waxaa seegtay inuu AFEEF ku daro buugga, oo xagga hore ku
qoro ‘ Ima Meteleen, waa hummaagyo jiri kara, se magacyada iyo xogtuna waa
mala’awaal macquul ah.’ Buugguna wax afeef ah malaha. Buugta sheekafaneedda ahi
way innagu cusubyihiin, aragtidayda waxa aan qabaa in xagga hore afeef lagu
caddaynayo in xogtani ayna shakhsiyadda qoraaga metelin in la sheego, iyo in
shakhsiyaadka metelayaa ay yihiin kuwo aan dhab ahaan u jirin, cidda akhrida ee
cid ay garanayso mooddana inayna sidaa ahayn.
3-
Erayo badan ayaa qaab
qaldan u qoran. Erayaa uma tiirin karno suramseegto qoraal. Waayo, qoraagu
dhawr jeer ayuu soo celcelinayaa. Haddii uu hal mar qalday, mar labaad ma
qaldeen. Erayaa waxa aan ka xusi karaa erayga ‘ Tifa-tir bogga 69. Qar-qar,
bogga 25. Daba-galis, bogga 7’ Erayadaa
oo sidaa qoran dhawr jeer ayuu soo celcelinayaa. Sida qalinlayda danbe isla
qaadatay haddii laba eray isku biiraan hal eray ahaan ayaa loo xisaabiyaa,
iyaga oo isku dhegganna waa la qoraa, sida “ Tifaftir, qarqar, iy dabagalis.”
Erayo badan oo qaldan ayaa jira, kuwanna inuu qoraagu daabacaadda danbe dib ugu
noqdaan u soo jeedinayaa.
Gebagebo
Buuggu waa buug qaddiyado nololeed ka warramaya. Inkasta oo
uu u qoranyahay qaab sheeko ah haddana u jeeddo ayuu gudbinayaa. Ciddii heshaa
inay akhrido ayaan kula talinayaa. Intaas ayaan ku soo afmeerayaa qoraalkan aan
ku faallaynayay buugga ‘ Maan Guursadeen.’
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Boorama, Awdal.
Oktoobbar 05, 2020.
Comments
Post a Comment