Xaliima-Sacdiya: Hooyadii Rasuulka SCW Nuujisay: Haweenkii Saxaabiyaadkii Nebi Muxammed SCW Qaybta 2aad
Ka dib waxa aan tagnay guryahayagii ku yaallay deegaannada reer Banii Sacad, ma jirin dhul ka abaaraysnaa oo ka liitay markan. Balse, adhigayaga ayaan aroortii iska foofsan jirnay, galabtiina soo hoyn jirnay oo iskaga hawllanayn. Xoolahayaga ayaan la maali jirnay wixii Alle noo qaddaray ee aannu ka maali karno, ka dibna caanaha ayaan cabbi jirnay, ma jirin qof aan adhigiisa wax ka helin.
Tolkay ciidanka xoolaha u raaca ayay ku odhan jireen “ Hoogee, adhigiina u daaq geeya halka Ina Abii Du’ayb adhigeeda u foofiso. Ka dibna adhigooda ayay naga soo daba kaxayn jireen oo marka aannu adhigayaga wadno wayna gadaal wadi jireen, balse waxa ay soo celin jireen adhigii oo gaajoonaya. Annagu xagga Alle ayaan barako iyo khayr ka heli jirnay illaa abaartiiba nagaga tagtay ilmahan yare ee aannu nuujinayno.
Ilmihii ayaa naaska ka gudhay. Wuxuuna noqday laba sano jir, oo xoog buu yeeshay, wuuna awoodaystay.
Intaas ka dib Hooyadii ayaan ilmihii oo ah Maxamed Binu Cabdillaahi u gaynay. Annaga oo markaas dareensan in intii uu nala joogay inuu barako badan nagu soo kordhiyay. Markii aan la kulmay hooyadii oo u boholyawday waxa aan ku idhi: ‘Hoogee miyaad inanka muddo noo daysaan illaa uu awoodaysanayo oo yara kurayoobayo…’
Ugu danbayna waxa aan ku qanciyay inay noo dayso oo aan kaxaysto, muddana sii haysto, wayna naga yeeshay.Dib ayaannu iskaga noqonnay annaga oo faraxsan oo bishaaraysanayna.
Bilo yar ka dib isaga oo ilmihii yaraana nala joogo waxa nagu dhacay arrin naga cabsiisay, oo na werwergelisay; misana aad noo lushay oo nagaga gariirsiisay.
Maalin maalmaha ka mid ah ayay inankii yaraa ee Maxamed iyo kuyar oo kale adhi yar oo aan lahayn xaafadda babadeeda geeyeen, oo ku eegayeen; waxyar ka dib waxa noo yimid ilmihii Maxamed la socday oo ordaya, isaga oo leh ‘ Waxa la kaxaystay walaalkaygii Qureyshta ahaa, waxaana qaatay laba nin oo dhar cadcad xidhan, way buquujiyeen, ka dibna laaftiisa ayay jeexeen…’
Aniga iyo ninkaygii oo argaggaxsan ayaa xaggii ilmaha u kacnay oo baxnay, waxa aan aragnay ilmihii oo wejigiisii isbaddelay, oo yaabban! Ninkaygii ayaa soo qaadday, anna laabta ayaan geliyay. Waxaanan ku idhi: ‘ Wiilkaygiiyoow maxaa kugu dhacay?’ Waxa uu igu yidhi: ‘ Laba nin baa ii yimid, labada nin waxa ay xidhnaayeen dhar cadcad, wayna buquujiyeen, ka dibna laabtayda ayay jeexeen, waxbayna ka saareen, mana garan cidda ay ahaayeen illaa ay iga tageen.’
Inankii yaraa ayaan ka soo laabannay annaga oo argaggaxsan, oo cabsanayna. Markii aan gurigayagii tagnay ninkaygii ayaa isoo eegay, isaga oo labadiisii indhood ilmaynayaan, ka dibna waxa uu yidhi: ‘ Waxa aan ka cabsanayaa in 'ilmahan yar ee barakaysan ay ku dhacdo arrin aynaan waxba ka qaban karin. Kaxee ilma yar oo ehelkiisii u gee, iyaga ayaa arrintaas awoodi kara, innagagana habboone.’
Ilmihii ayaan qaadnay illaa aan Maka gaynay, Gurigii hooyadii ayaan galnay, markii ay aragtayba wejiga ayay ilmaheedii u furtay, waxayna igu tidhi: ‘ Xaliimooy, maxaad Maxamed u keentay adiga oo ilaalintiisa aad ugu dadaali jirtay? Oo weliba aad u jeclaa inuu agtaada joogo?!’ Waxa aan ugu jawaabay: “ Lafahiisii ayaa adkaaday, oo wuu waynaaday. Kuraynimadiisii way buuxsantay.’
Waxaanan uga warramay waxyaabihii aan kala kulmay, iyo qisooyinkii iga cabsiiyay ee aan ku arkay. Waxa ay igu tidhi: ‘ Runta ii sheeg, oo maxaad ilmahan hadda ku aragtay ee aad hadda iskaga soo kaxaysay?’ Anna waan u warramay, oo waxa aan u sheegay wixii aan dhab ahaan ku arkay ee iga cabsiiyay, illaa ay I dejisay oo igu tidhi: ‘ Xaliimooy, ma shaydaan ayaad uga cabsatay?’ Anna ‘ Haa’ ayaan ku idhi. Waxayna igu tidhi: ‘ Maya, Wallaahi shaydaan melena uma soo maro. Inankaygu wax gaara ayuu leeyahay. Qisadiisa ma kaaga warramaa?’ Waxa aan ku idhi: ‘ Haa.’ Waxa ay tidhi: ‘ Markii aan xanbaaray ayaan anigu qisooyinkiisa arkay, oo waxa ka soo bixi jiray iftiin ii wada ifiya qasriyada Busra eek u yaalla dhulka Shaam. Markii aan dhalayna, gacmihiisa ayuu dhulka dhigi jiray, isaga oo madaxiisa kor u taagaya.’
Ka dibna waxa ay igu tidhi: ‘ Iska nabadgal adiga oo hanuunsan, isaga iyo annagaba Alle wanaag ha innaga abaalmariyo.’
Aniga iyo ninkaygii ayaa ka nimid annaga soo murugaysan oo aad uga murugaysan in ilmihii naga tagay. Ilmaha laftiisu nagama dhicin oo isna wuu murugaysnaa, oo aad ayuun uga uurxumaa inaan kala tagayno oo laba goobood ku kala noolaan doonno.
Intaas ka dib Xaliima-Sacdiya, way noolayd muddo dheer illaa ay duq noqotay. Waxayna aragtay ilmihii yaraa ee ay nuujisay oo Sayid u noqday Carabta, Bini’aadanka guud ahaanna u noqday mid hanuuniya, dadka oo dhanna Nebi u noqday. Wefti ahaan ayay ugu tagtay, iyada oo rumaysan farriinta uu sido, sidoo kale iyada oo rumaysan Kitaabka lagu soo dejiyay ee uu la yimid.
Nebiguna haddii uu arko wuu farxi jiray, oo isaga oo farxad iskala garan la’ ayuu ku odhan jiray ‘ Hooyaday, hooyaday, hoo, hooyo.’ Ka dibna waxa uu dul dhigi jiray ama ku tuuri jiray go’iisa uu huwanyahay, dhulkana go’a ayuu u fidin jiray, aad buuna u maamuusi jiray iyada iyo cidkasta oo la socota.
Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaato Nebigii akhlaaqda wanaagsan lahaa ee Muxammed SCW, Allana ha ka raalli ahaado Sayidatu Xaliima-Sacdiya oo ahayd gabadhii nuujisay Nebigeenna sharfan SCW.
La soco qaybta 3aad
Comments
Post a Comment