Xaliima-Sacdiya: Hooyadii Rasuulka SCW Nuujisay :Haweenkii Asxaabtii Nebi Muxammed SCW


Qaybta 1aad

Xaliima-Sacdiya, waa hooyo miisaan culus ku leh qofkasta oo Islaam ah; Muuminkastana sharaf bay agtiisa ku leedahay.

Xaliima-Sacdiya, naaskeeda daahirka ah ayay Nebi Muxammad SCW ku nuujisay, laabteeda sharfanna way ku qabatay; dhabteedana naxariis darteed ayay saartay. Carrabkeeda iyo afkeedana way ku barbaarisay, oo hadalka cad ayay ku bartay Nebi Muxammad SCW. Nebiguna waqtigaas uu yaraa waxa uu ka mid noqday dadka ugu aftahansan ee hadalka cad leh; codkarnimo bandanna wuu ka bartay. Haddaba gabadha sidaas ula dadaashay waa hooyadii dhinaca nuugmada ee Nebi Muxammad SCW.

Haddaba inay nuujiso Xaliimo ilmahan yar ee barakaysan ee dunida naxariista u ahaa waxa uu iyada u soo kordhiyay wanaag badan iyo hanuun badan, akhlaaqdeedii iyo fadligeediina kor buu u qaaday.
Xaliimo intii ay Nebiga nuujinaysay ee barbaarinaysay dhacdooyin badan ayay kala soo kulantay. Mid ka mid ah qisooyinkii ay Nebiga ka aragtay Xaliimo waqtigii uu carruurta ahaa aynu ka dhegaysanno:

Xaliima-Sacdiya waxa ay tidhi: “ Aniga iyo ninkaygii ayaa gurigayagii safar uga baxnay, waxaana nala socday ilmo yar oo aannu dhalnay. Magaalada Maka ayaannu uga raadinaynay cid ilmahaas yar noo nuujisa. Waxaa nala socday gabdho reerkayaga reer Banii Sacad ah oo iyaguna u socday ujeeddadan aannu annagu u soconnay ee ah in aannu carruurtayada u raadsanno gabdho noo nuujiya. Waqtigan waxa lagu jiray xilli abaareed aad u daran; oo dhulka waxba kamay soo bixine abaar buu ahaa, xoolihiina way abaarsadeen oo may dhalin candhadooduna way gudhnayd.
Annagu waxa aannu wadannay laba halaad oo gudhan oo aan caano laga maalayn; mid ka mid ah aniga iyo ilmahaygii yaraa ayaa fuulnay. Saygaygiina waxa uu fuulay hashii kale, balse hasha uu saygaygu fuulay ta aan anigu fuulay way ka waynayd da’ ahaan. Wallaahi, habeenkaas inyar maanaan seexan oo indhaha iskumaannu gayn, waayo waxa gaajo darteed la ooyayay ilmahayaga yar, oo anna wax aan siiyo ma hayn oo naaskaygana caano uu ka cabbo malahayn, oo anba waan gaajoonayay oo naaska caano kumay soo dhacayn. Sidoo kale, halaha aannu wadanno wax caano ah oo aanu uga lisno may lahayn. Safarkii ayaannu ku sii daahnay, gaadiidka aannu wadanno awgii.

Markii aannu Maka gaadhnay, waxa aan raadinnay carruur aan naasaha nuujinno. Anigu arrin kedisa ayaan la kulmay. Arrintaasi waxa ay ahayd, in wiilkan yar ee Maxamed Binu Cabdillaahi gabadhkasta loo soo bandhigay, oo ayna jirin mid aan loo soo bandhigin inay nuujiso. Wayna diideen, sababtuna waxa ay ahayd inuu agoon ama bilaa aabbo ahaa; waxaanan 0dhan jirnay “ Maxay annaga noo taraysaa in aan qaadno ilmo aan aabbo lahayn oo kaliya hooyo lihi? Maxaana laga yaabaa inuu nagu sameeyo awawgii?”

Laba maalmood ka dib gabadhkasta oo annaga naga mid ahi waxa ay heshay ilmo ay nuujiso. Balse, anigu ma helin ilmo aan nuujiyo. Markii aan rabay inaan safar galo oo meeshii aan ka imid ku noqdo ayaan ninkaygii ku idhi: “ Anigu waan karhayaa in aan gurigeennii ku noqonno, oo qoomkeennii u tago aniga oo aan ilmo aan nuujiyo sidan, Wallaahi agoonkaas yar ayaan qaadanayaa.” Xaliimo ninkeedii ayaa ku yidhi: “ Dhib malaha, soo qaado, waxa suurtagala in Alle wanaag iyo khayr badan innaga siiyee.” Ka dib aniga oo Xaliimo ahi ilmaha hooyadii ayaan u tagay oo waanan soo qaatay. Wallaahi baan ku dhaartee ma arag ilmo la mid ah.

Markii aan laabtay ilmihii dhabtayda ayaan saaray, naaskaygana ayaan nuujiyay, naaskaygiina markiiba caano ayuu dareeray intii Alle doonay. Ilmihii ayaa caanihii cabbay illaa uu cokonaaday oo ka dhargay. Dabadeedna walaalkii ayaa cabbay illaa uu isna dhargay. Intaas ka dibna labadii ilmood ba way seexdeen. Aniga iyo ninkaygiina waan kacnay oo hareeraha ayaan ka seexannay, Ninkaygii ayaa kacay isaga oo raba inuu hasha noo liso, hashii ayuu noo lisay, waan cabnay oo waan ka dharagnay caanihii. Caano barako ayay lahaayeen, habeenkuna waxa uu ahaa habeen khayr badan.

Markii aannu waabariisannay, ninkaygii ayaa igu yidhi: “ Xaliimooy ma ogtahay in aad heshay ama ku guulaysatay ilmo barakaysan?” Anna waxa aan ku idhi: “ Sidoo kale, waxa aan ka rejaynayaa khayr badan.” Ka dibna Maka ayaan ka baxnay annaga oo fuulnay halahayagii da’da ahaa. Ilmihiina waan qaatay.

La soco qaybta 2aad
Waxa aan ka soo turjumay Kitaabka " Suwaru Min Xayaati Saxaabiyaat"
Asxaabtaada sii gaadhsii ( share), ama ku mentioned garee.

Rabadaan Wanaagsan.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?