Hordhaca Buugga “ Dhabbadii Dhibaatada: Hawlgalkii Sarihii Mataanaha 11 Sep” Qaybtii 3aad

 




Qisadaasi iyada oo ay ka soo wareegtay saddex iyo toban sannadood, welina dhinacyada kala duwan ee ay ku socoto darteed waxa ay kicin jirtay dood iyo faduulnimo.

Aragtida Carabta ku gaarka ahi waxa ay ahayd inayna illaa maanta in badan oo ka mid ahi ayna daynin inay i wayddiiyaan in dhab ahaan ay Al Qaacida ka danbaysay weerarkii dhacay 11 Sibtanbar ee Sarahii Mataanaha. Warcelintayduna waxa ay ku salaysnayd waaqic ahaan wixii aan baadhid gaar ah ku ogaaday. Isma baddelayso oo sidaas ayay ahaanaysaa. Aniga shaki iiga gama jiro in Ururka Al Qaacida ay ahaayeen kuwii weerarkaa doonay, ku fekeray, ee qorsheeyay, ciidamo u sameeyay, dad u tababbaray, maalgaliyay,  dad u diray, isku xidhay ama agaasimay, dabadeedna ku dhaqaaqay ee fuliyay wixii ay dooneen. Wixii maalintaas dhacay, iyo wixii maalmo yar ka hor weerarkaas dhacayba waxa ay u baahanyihiin baadhid dheeraad ah.  

Dhinaca Maraykanka waxaa u gaarka ahaa waxa uu ahaa in xaajada wixii maalintaas Waashitoon ka dhacay fasirkeedii ay leexiyeen, sida dhacdooyin hore oo maalintaas ka hor dhacay fasirkooda loo leexiyay. Weerarkaas dhammaantii waxa aynu ku soo qaadannay barnaamij gaar ah oo aynu ugu magacdarnay ladhka ah ‘اجراس الخطر .’[1] Illaa haddana waala heli karaa. Haddii aynu fiirrinno caddaymaha badan ee ay ugu muhiimsantahay sirta uu wariyay masuulkii  Ladagaallanka Argagixisada Aqalka Cad waqtigaas u qaabbilsanaa oo ahaa mudane Riraadh Kalaarki, oo sheegay in Maraykanku filayay weerar dhinaca Midig ( Al Qaacida)  kaga iman doono, si uu marmarsiiyo ugu helo weerrarada uu ku qaadayo dhinaca bidix (Ciraaq). Waxa aad akhridaa buuggiisa ashqaraarka leh ee uu u bixiyay ‘ Against All Enemies.’ Illaa maanta Maraykanku muwaadiniintiisa iyo caalamka kalaba uma bandhigin si faahfaahsan, marka laga yimaaddo qoraal ay soo saareen Hay’adihii u qaabilsanaa. Qoraalka ay hay’addaas soo saartay waxa uu u dhacayay qaab suugaan camal ah oo ka fog hababka loo qoro qoraallada amniga. Maraykanku muu ixtiraamin caqliga muwaadiniintiisa, iyo caalamka u hanwayn midna, wayddiimihii la xidhiidhayna kamuu jawaabin.[2]

Dhinaca Ururka Al Qaacida arrinta u gaarka ahi waxa ahayd in maalintaas uu sii qarsoomay  iftiinkii muuqanayay. Intaas ka dib Ururkii ayaa gadooday, iyada oo dhinaca kale la dilay hoggaamiyayaashii ugu waawaynaa, qaar na la qabqabtay. Dadka la qabtay waxa ka mid ahaa Khaalid Sheekh Maxammad, iyo Ramsi Binu Shayba, labadaas nin oo aannu sannadkii 2002dii isku aragnay magaalada Karaaji. Ururka Al Qaacida ayaa soo saaray bayaan cad oo uu aniga iyo Al Jazeera nagu bari yeelayo.[3]

Khaalid iyo Ramsi ba waqtigan waxa ay ku xidhanyihiin jeelka dadqalka ah ee magaciisa la yidhaahdo Guwaantanaamuu—waxa dhab ahayd in labadooda—gaar ahaan Khaalid Sheekh Maxammed aad loo cadaabay ka hor intii ayna Maxkamad Madani ahi ku dhawaaqin in isaga iyo kuwa kalaba ay ku ridday xukun Maxkamadeed sannadkii 2009kii magaalada New York. Waqtigaas waxa Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka  iiga yimid dalab ah in aan markhaati noqdo oo Maxkamadda horteeda ka caddeeyo markhaatiga; aragti ahaan waan aqbalay inkasta oo ay ii fiicantahay in aan eedaysanayaasha la kulmaa. Waxaa naga kala daatay ama naga xumaaday caddaymihii iyo diyaargarawgii aannu la tegi lahayn Maxkamadda Madaniga ah horteeda, oo waxaa wiiqay caddaymihii iyo waxyaabihii ay ku burinayeen dadka la laayay ehelkoodu, kuwii midigta fog ahaa, iyo goobtan aannu joogno oo ah New York ( Macne ahaan dooddii aannu wadannay waa la wiiqay oo dadka wax dacwaynayay caddaymahoodii ayaa ka xoog batay, sababtuna waxa ay ahayd caddaymaha ay wataan iyo goobta ay joogaan oo dalkoodii ah). Intaas ka dib markale oo arrinta ay Maxkamadda Millatarigu qaadday saddex sannadood ka dib anigu waan diiday dalab markhaati fur ah oo maxkamadda horteeda ahaa.

Dhinaca Warbaahinta Al Jazeera arrinta u gaar ahi waxa ay ahayd, aniga aragtidayda  in ay iska beddeshay qaabsocodkeedii shaqo,  waxyar ka dib qisada Al Qaacida, iyaga oo raba inay hakiyaan dagaalkii uu Maraykanku ku qaaday Ciraaq. Arrintu waxa ay ka bilaabantay faji xilka lagaga xayuubiyay Maamulkii Guud ee Warbaahinta Al Jazeera Mudane Maxammed Jaasim Cali, kaasi oo dadka intooda badan ay u qireen inuu shaqo ahaan iyo maamul ahaan ba wanaagsanaa. Warbaahintu waxa ay booskiisii ku baddeshay oo shaqaalaysiisay qof kale oo aan xirfad iyo hannaan maamul toona lahayn—marka laga yimaaddo inuu lahaa Sooyaal Islaameed iyo inuu ka agdhawaa ama xidhiidh dhaw la lahaa Paul Bremer oo ahaa Safiirkii Maraykanka u joogay Ciraaq dagaalkii ka dib—xogtaas aniga oo ka soo xiganaya nin Maraykan ah oo aan ku kalsoonahay, magaciisana aan u qariyay aniga oo sumcaddiisa dhawraya.

***

Hawsha baadhidda ahi waxa ay suurtagal u tahay oo ka shaqayn kara wariye calool’adag, waxaana suurtagala inay iskaga dhexdaataan maxaa arrimo siyaasadeed ah, maxaa arrimo amni ah, iyo maxaa arrimo aydhiyoolajiyadeed ah. Waana mid ka mid ah caqabadaha ugu adag ee Wariye soo wajihi kara, ha u badheedho ama yaanu u badheedhin ba e. Sheekooyinka ku saabsan waddadii aan u maray Al Qaacida iyo waxyaabaha aan caddayn ee ku hareeraysan qaybta koowaad ee buuggan ayaan kaga warrami. Sidoo kale, waxa  aan kaga  warrami doonaa sheeko kale oo taas u dhaw, taasi oo ah qorshayaasha saxaafadda bisil, iyo qorshayaasha arrimaha siyaasadeed, qorshayaasha arrimaha amni iyo qorshayaasha  aydhiyoolajiyadeed.

Inkasta oo aan ahay wariyaha kaliya ee fursaddu u saamaxday inuu la kulmo maskaxdii ka danbaysay weerarkii 11kii Sibtanbar—ee ay waliba maskaxdaas ka danbaysay markii koowaad iyo markalaba goosteen inay aniga iiga warramaan oo xogta ii sheegaan intii aan la qaban ka hor laba xubnood oo ka mid ahaa kuwii ugu cadcaddaa Ururka Al Qaacida oo kala ahaa: Khaalid Sh. Maxammed iyo Ramsi Binu Shayba. Balse, marka xirfaddayda loo eego taasi waxa ay noqonaysaa mid hoosaysa, si kasta oo aan u fogaado weli ma gaadhin illaa heer aan qisadaas jaadgooniga ah ku faano. Imana qasto waxa ay ii malaynayaan dad badan oo kaladuwan in dhinac mawduucu ka khuseeyo. Aniga way ii fududayd in aan aayar ka cudurdaarto casuumaadda Al Qaacida, iyaguna si fudud ayay u heli karayeen wariye kale.

Waxa jirta qiso kale oo aan naftayda sir uga dhigay in aan mararka qaar inyar ugu faano. Waa sheeko Hooyaday (Allah ha u naxariisto e) aan u ballanqaaday in aanan mar danbe sheegin oo ku soo celin. Guud ahaanteed wax ba kama sheegayo hadda.

Inta aynu ku jirno socdaalkaas aan la ogayn, waynu hakan oo meel ayaynu taraansit ku sii ahaan—oo waxa aan isku dayi doonaa in aan kuu sifeeyo sidii aad dareemaysay markii magafayaal kaa tallaabinayeen xuduud dawladeed—iyaga oo ku jira safar qarsoon, oo baaq aad u dahsoon ku yimid.

 

 



[1] Buugga qaybtiisa danbe ayaynu Barnaamijka oo Turjumaad ah ku soo qaadan doonnaa.

[2] 9/11 Commission Report: Final Report of National Commission on Terrorist Attack upon United States  W.W Norton, & Company, Inc.

[3]  Bayaanka ay soo saareen dhinaca danbe ee buugga ayaynu ku sheegi.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?