Hordhaca Buugga “ Hawlgalkii Sarihii Mataanaha 11 Sep” Qaybtii 2aad
Nuxurka
wixii aniga iyo Masuuliyiinta ugu waawayn Warbaahinta Al Jazeera ee Dooxa waqtigaas
nagu dhexmaray, faahfaahintooda buuggan ayaan ku sheegi doonaa. Balse, arrintu
waxa ay igu qaadatay in ka badan afar sannadood inaan garto wixii gadaashayda ka
dhacayay— waqtigaasi waxa uu ahaa intii aan joogay Dooxa, waxyar ka dib intii
aanan ku laaban London ka hor oo ahayd markii uu Saaskiindi faafiyay buuggiisa,
sannadkii 2006dii.
Qoraa
Saaskindi, isaga oo ka soo xiganaya Wakaaladaha Sirdoonka, wuxuu xusay in Jooj
Tayniid oo ahaa Madaxii Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) waqtigaas uu
maalintaas oo ahayd 14kii Juun Sannadkii 2006dii uu soo galay Kulankii Shanaad
isaga oo cadho qarxaya. Mawduuciisii ayuu miiska wadahadalka soo saaray, isaga
oo baddelaya Jadwalkii Shaqada, wuxuu hadalkii ku bilaabay intan: “Sida aad
ogaydeen waxa khilaaf naga dhexeeyay saaxiibkeygii boqorka ahaa (isaga oo
markaa u jeeday boqorkii Qadar ee waqtigaas oo ahaa Sheekh Xamad Binu Khaliifa
Aala Saani)… Balse, maanta waxa uu na siiyay hadiyad qaali ah, oo aannu la
ashqaraarnay.”[1]
Hadalkii
ayuu sii watay Saaskindi isaga oo sheegaya in Tayniid soo bandhigay faahfaahin
ka soo gaadhay boqorka oo si gaar ah ugu saabsanayd la kulankaygii masuuliyiinta
Warbaahinta Al Jazeera. Isaga oo faanaya oo u hadlaya qaabkii dhaqanka ahaa ee
lagu yaqaannay ayuu yidhi erayadan: “In the other words, the fat f*** came
through.”[2]
Sababa
muuqda oo cadcad daraaddood uma baahnin in aynu turjunno hadalkaas danbe, balse
haddii sannadkeedu (runnimadeedu) sax noqoto waxa ay badka keenaysaa ama
caddaynaysaa sida madax kasta oo carbeed, iyo masuulkasta ay ula dhaqmaan
asxaabtooda Waashitoon ku sugan, xataa haddii uu siiyo wax kasta oo uu ugu
dhawaanayo; iyaga oo baahi u qaba masuuliyiintaas Carbeed ayay sidaas u dhaqmayaan,
ee maxaad u malayn marka ay dantooda ka dhamaystaan? Si kasta oo la iskugu dayo in la qariyo, oo
sida uu buugga ku sheegayo Saaskindi, si kasta oo uu boqorku ugu dadaalay in uu
saaxiibkiisa Madaxa Sirdoonka Maraykanka uu dhaarsado si arrinku u noqoto sir,
haddana arrinku waa soo ifbaxayaa uun maalin maalmaha ka mid ah. Saaskindi,
isaga oo dad ka mid ah kuwii ka qaybqaatay kulanka ka soo werinaya waxa uu
sheegay “ markii ay wada xidhiidhayeen shuruudaha laga wada hadlay ee Jooj
Tayniid iyo Amiirkii ka wada hadleen waxa ka mid ahaa waxyaabo u gaar ah oo la
xidhiidha sidii loola shaqayn lahaa Wakaaladaha Sirdoonka iyo habka xogaha
looga helayo. Ma jirin qof ogaa—xataa maamulka Al Jazeera—in Amiirku arrintaa khadka
telefoonka ku dhammeeyay.”[3]
***
Maxaa suurtageli
kara ee uu Amiirku u gudbiyay Tayniid oo illaa xad sidaa uu ugu farxay? Heer uu Roon Saaskindi uu
buuggiisa ku yidhi: “ Haddaba, wariye ka tirsan Warbaahinta Al Jazeera ayaa haya
xogo ka qaalisan kuwa ay dawladda caalamka ugu wayni hayso oo awoodeedii iyo xulafadeediiba
iskugu gaysay.”[4]
Aniga oo
tixgelinaya aragtida aad ka qabtid Al
Jazeera hadda iyo horraan ba; sidoo kale aniga oo tixgelinaya waxa aad u
malaynaysid ama aragtida aad ka haysatid Ururka Al Qaacida iyo waxa uu qabto,
iyo aniga oo fiirinaya sida ay Waashitoon u doonayso inay faa’idaysato —si muuqaalka
aad ka haysatid u dhammaystirmo waajibkaygu waa inaan kuu tilmaamo xaqiiqooyin
muhiim kuu ah oo ay ka midyihiin:
1-
Warkaygii aan maalintaas u sheegay masuuliyiinta Al Jazeera kuma jirin wax ka
baxsan baadhitaankii heerka sare ahaa ee la baahiyay oo ka
koobnaa laba qaybood, sababta oo ah, wax ka badan intaas ma anaan haynin. Xataa
markii maalintaas la iga dalbaday in wixii dhacay oo kooban aan qoro, si wanaagsan ayaan uga
cudurdaartay; waxaanan ku idhi: ‘ Anigu waxba ma qoro, kaliya waxa aan qoraa
uun war uu Wariye dad u akhriyayo, ama mid la daawanayo.’
2-
Waqtigaasi waxa uu ahaa afar
iyo konton maalmood ka dib markii aan ka soo laabtay Karaaji oo aan kula
kulmayay maskaxdii ka danbaysay hawlgalkii Sarahii Mataanaha, muddadaas na waxa
ay ahayd in ku filan ururka Al Qaacida si ay tabaabusho amni ku helaan, oo ahaa
wax aan aniga I khusayn iina oollin. Balse arrinta I khusaysay waxa ay ahayd in
xaaladdu degganaato oo mid xasilloon ahaato inta aan anigu baadhiddayda ama
muuqaalladayda ka dhammaysanayo, muuqaalladaas oo aan ku samaynayay Maraykanka,
Jarmalka, Masar, Lubnaan, iyo Imaaraadka.
3-
Ma filayn niyaddana kuma
qaban in wararka sheegaya in aan la kulmay
xubno ka mid ah ururka Al Qaacida uu sir wayn fashilin doono. Balse, Khaalid
Sheekh Maxammed ayaa wuxuu filayay inuu si degdeg ah sir u sheego isla marka
kulankayagu dhammaado, waana sababta keentay in ay igu qaabilaan guri aamin ah.
Waxa caddayd inayna halkaa ku noolayn. Qofna uma yeedho wariye aanu rabin in uu
sheego oo shaaciyo waxa uu u sheegay, marka laga reebo in uu ka codsado in uu
arrin la sugo waqti, oo muddadaas ka dib aan qiimo ku fadhiyin ilaalinteeda iyo
sheegid la’aanteedu.
***
Anigu ma
hayo wax aan ku xoojiyo ama ku buriyo waxyaabaha ku qoran buugga Saaskiindi.
Isaga ayaa la wayddiini meelaha uu ka keenay, in le’eg ama u dhiganta inta ani
markhaati ahaan Alle hortiisa la ii wayddiin doono Ashahaadada. Balse, waa in
la sii xoojiyaa haddii sheekadu sax ku noqoto in Amiirkii Qadar ee hore uu
haystay wuxuu isku difaaci lahaa sida ay darafkan kalaba isku difaacayaan oo
kale. Intaas ka dib ma garanayo in xidhiidh ka dhexeeyay arrintaas iyo wixii
Landhan ka dhacay toddobaadyo kooban ka dib.
Xagaagii
sannadkaas ayaa na soo maray, waa sannadkii 2002dii, waqtigaas jawigu wuxuu
ahaa kulayl, anna waqtigaas waxa aan ku dadaalayay inaan helo oo ay isoo gaadhaan Canjaladihii
ku saabsanaa la kulankayga xubno ka mid
ah Ururka Al Qaacida oo iigu ballanqaaday aniga inay iisoo diraan canjaladahaas
ka hor intaanaan bixin. Iyada oo waqtigaas lagu jiro, isaga oo Fasaxii xagaaga
ku qaadanaya magaalada London ayaa waxaa ila soo xidhiidhay Madaxa Golaha
Maamulka Al Jazeera oo ahaa Sheekh Xamad
Ibnu Saamir Aala Saani, si uu ii ogaysiiyo casho sharaf uu iigu
samaynayo Badhtamaha Caasimadda Ingiriiska. Kulankayagu muu ahayn mid lala
yaabo e wuxuu ahaa mid iska caadi ah, oo wuxuu xidhiidh la lahaa xirfadda aannu
wadaagno iyo jaceylka naga dhexeeyay. Balse, arrinta taas ka baxsani waxa ay ahayd in markii aan
gaadhay Hudheel Talyaani ah oo ku caan ahaa Biisada, oo ku yaallay waddada
Jaymis (oo u dhaw Waddada Oxford) intii aanan baabuurka ka degin ka hor ayaan
indhaha qac ku siiyay isaga oo albaabka Hudheelka ii taagan oo igu sugaya. Si
wanaagsan ayuu iisoo dhaweeyay, wuxuuna igu soo dhaweeyay meel guluc ah ama
yara baydhsan oo Hudheelka uun ka mid ah, si uu kedis iigaga dhigo miis uu
fadhiyay nin kuusan oo timo badan leh oo xidhnaa Iskujoog Jiinis ah oo midab
ahaan buluug ah. Waxa uu fuuqsanayay maraqa Mayniistaroonka ah ee Talyaaniga ka
caanka ah.
Iyaga oo
weli isku dhoollacaddaynaya, aniga arrintu dhawr ilbidhiqsi ayay iga qaadatay in
aan fahmo ka hor intii aanan rumeysan in aan horfadhiyo boqorkii Qadar oo ah
Sheekh Xamad Ibnu Khaliifa Aala Saani.
Markani
waxa ay ahayd markii koowaad ee aan arko Boqorka oo xidhan dhar aan ahayn
dharkii dhaqanka ahaa ee Qadariga—sida ay u ahayd markii koowaad ee aan
foolkafool u arko. Faransiiska ayuu ka doorbidayay Ingiriiska, oo uu rabay inuu
fasaxa xagaaga ku soo qaato, balse soodhawayn diirran ka dib waannu
wadafadhiisannay oo wuxuu ii sheegay inuu fasaxiisii u daayay si uu aniga iigu
tirtirsiiyo baadhidda warbaahineed ee aan wado. Waqti badan nagama lumin
islamarkiiba mawduucii ayaan bilownay.
Wuxuu
igu yidhi: “Aaway Canjaladihii hebeloow?” waxa aan isku dayay inaan u sharraxo
waxyaabihii dhacay ee madmadawgu ku jiray, waxaanan u sheegay in ergo arrinta
soo gashay, haddana ay isku dayayaan inta ayna canjaladuhu gaadhin ka hor in ay
nagala gorgortomaan in ay lacag ku helaan.
· “Maxaad
ka waddaa?”
= “Wuxuu leeyahay waxa ay
rabaan Malaayiin Doollar.”
· “Adigu
fekrad ahaantaada maxaad ka qabtaa arrintaa?”
= “Dabcan, anigu waxba kama
qabo.”
Boqorkii
ayaa ilbidhiqsiyadaas aniga si cadho leh iisoo fiiriyay.
· Ma waxa
fiican in aynu lacagta siinno, canjaladaheennana ka soo qaadanno?”
Waxa aan
dareemay inuuna ku qanacsanayn arrintaas. Balse, waxa aan isku dayay in aan anna
aragtida aan ka qabo iyo mawqifkayga u sheego. Arrintu sideedaba mabda’ kuma
koobna. Balse, waxa jira falanqayn xaqiiq ah oo waaqici ah oo igu qasbaysa in
aan aamino in canjaladihii isoo gaadhi doonaan shaki la’aan, iyo inay
ciqaabtooda mari doonaan kuwaa aan la kulmay hadda iyo hadhow mid kay
doontaba. Shiilid iyo iyada oo si dhaba
loo dhaqangeliyo ayay wax ku noqotaa. Arrinta taas ka muhiimsan waxa ay tahay
waxa aan suuraystay suurtagelnimada ugu xun ee dhici karta, waanan ku soconayaa
dhammaystirka baadhista si kasta oo suurtagala.
Ninkii
wuxuu u muuqday mid aan ku qanacsanayn waxaas oo dhan oo xujooyin ah. Waxkasta
waxa ugu muhiimsanayd inuu canjaladaha helo. Markii hadalkii naga badh go’ay
aniga iyo Boqorka, waxa aan bilaabay in aan kula kaftamo Madaxa Golaha Maamulka
aniga oo ku leh: “ Markasta oo aan is idhaahdo arrinka ka shaqee adiga ayaa
igu yidhaahda miisaaniyad uma hayno, miisaaniyad uma hayno.” Waqtigaas ma ogayn
waxa uu ku sheegi doono Saaskindi buuggiisa afar sano ka dib, welina ma ogi in wixii
uu buuggiisa ku sheegay uu xidhiidh la
lahaa wixii lagaga sheekaysanayay ama dhex wareegayay Hudheelkaas Talyaaniga
ah. Balse, mawqifkaygu ama mabda’aygu
waqtigaas waxa uu ahaa mawqifka aan markasta qabo oo ah ka aan haddadan
qabo.
La soco qaybta 3aad
Comments
Post a Comment