Milicsigayga iyo Islaxisaabtanka Sannadkii 2020: Maxaan akhriyay, Qoray, Turjumay, Sookoobay, Gorfeeyay?







Hordhac

In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.

Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2020 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray,  iyo IWM.

Akhriskayga

Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxbaan akhriyaa. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyahay waxa ay tahay inaan saacado badan akhriyo buugga, dadka daqiiqado kooban wax akhriya ma ihi, kuwa marka ay fadhiistaan saacado akhriya ayaan ku jiraa.

Buugaag badan ayaan akhriyay. Qaar ka mid ahi waa kuwan:

1-      Buugga la yidhaa “ Cimilo Awaal: Daraasado ku saabsan Doorsoonka Cimilada.” Waxa qoray, Ahmed I Cawaale, Ahmed Jamac Sugulle, Lemma Belay, Ingrid Hartman. Waxa Af Soomaali u dooriyay Axmed I Cawaale. 3- 8 Jannaayo, 2020 ayaan akhriyay.

2-    Buugga la yidhaa “ Ninkii Baabili ugu Hnatida badnaa’ oo uu qoray Goerge, uun turjumay Dr Jaamaca Sahal ayaan akhriyay. 30 Jannaayo, 2020 ayaan akhriyay.

3-     Buugga la yidhaa “ Rich Dad Poor Dad ~Aabbo Hodan ah, iyo Aabbo Sabool ah” Waxa qoray ganacsade Robert Toru Kiyosaki. Waxa aan akhriyay Febraay o1, 202o. Maalin Sabti ah. faallo ayaan ka qoray.

4-    Buugga la yidhaa “اقرأ : كيف تجعل القراءة جزءاً من حياتك.” Oo uu qoray Saajid Al Cabdali ayaan akhriyay 02.02.2020 Febraayo. Maalin Axad ah Sookoobid ayaan ka qoray.

5-     Buugga la yidhaa ““حلية طالب العلم ~Quruxda Ardeyga.” Oo uu qoray Sh. Bakar Binu Cabdillaahi Abuu Sayd. Af Carabi ayuu sheekhu ku qoray. Buug ahaan ayaan ku akhriyay. Febraayo 03, 2020 maalin Isniin ah ayaan akhriyay.

6-    Buugga la yidhaa “ Aftahan: Fanka Fagaare ka hadalka Habboon’ ayaan akhriyay. Waxa qoray Maxammed Cabdicasiis Bootaan iyo Cabdiqaadir Xoosh. 08-09 Febraayo, 2020 ayaan akhriyay. Buug ahaan ayaan ku akhriyay.

7-     Buugga la yidhaa “ the Business of 21th Century” Waxa qoray Robert Kiyosaki, Fleming… Waxa aan akhriyay 10 Febraayo, 2020. Faallana waan ka qoray.

8-    Buugga la yidhaa “ Show Your Work’ ayaan akhriyay. 14 Febraayo, 2020 ayaan akhriyay. Faallana waan ka qoray.

9-     Buugga la yidhaa “ Sookoobidda buugga “Act Like a Lady, Think Like a Man ~ U dhaqan sida Gabadha, una FEKER sida NINKA.” Faallo ayaan ka qoray.

10- Buugga la yidhaa “ The Science of Getting Rich ~ Falsafadda Hodan noqoshada” Waxa qoray  Wallace Delois Wattles. 16 Febraayo, 2o2o ayaan akhriyay. Faallana waan ka qoray.

11-  Buugga la yidhaa “The 29 Leadership Secrets ~ 29ka Sirood ee Hoggaaminta” Qoraal kooban ayaan ka qoray. Waxa aan akhriyay 17 Febraayo, 2020. Maalin Isniin ah.

12-  Waxa kale oo aan akhriyay buugga “ Waad Guuleysan kartaa” oo uu Turjumay Jaamac Sahal.

13- Buugga kale, ee la yidhaa “ U fekeridda si WEYN’ ayaan akhris dulkaxaadis ah ku dulmaray.  Waxa Turjumay Cabdillaahi Cabdulle Shiil. Febraayo, 2020 ayaan akhriyay.

14-  Buugga kale, ee la yidha “ 15 Xeer ee Koritaanka” ayaan akhriyay. Waxa turjumay Cabdishakur Faarax Cumer. Febraayo, 2020 ayaan akhriyay.

15- Buugga la yidhaa “امنيتي ان اقتل رجلا~Hammigaygu waa inaan nin DILO” oo ay Qortay Sucaad Suldaan, luuqadda carabiga ayuu ku qornaa, ayaan akhriyay 22-23 Febraayo, 2020kii. Faallo ayaan ka qoray

16- Buugga la yidhaa “ Working with the Enemy ~ La Shaqaynta Cadawga” Waxa qoray Mike Leibling. Faallo ayaan ka qoray. Waxa aan akhriyay 25-26 Febraayo, 2020.

17- Buugga la yidhaa “ Why Nations Fail~ Maxay Qaramadu u Fashilmaan? ” oo laba qoraa wada qoreen ayaan si naqdin ah u akhriyay. Waxa aan ka qoray qoraal kooban. 27kii Febraayo, 2020 ayaan akhriyay.

18- Buugga la yidhaa “ The Power of Positive Thinking ~ Awoodda si Togan u fekeridda” waxa qoray Norman Vincent Peale . Faallo kooban ayaan ka qoray waxa aan akhriyay 28kii Febraayo, 2020kii.

19- Buugga la yidhaa “ The Rules of Work ~ Xeerarka Shaqada” oo uu qoray Richard Templer, ayaan akhriyay Maarij 04, 2020. Faallo ayaan ka qoray.

20-                       Buugga la yidhaa “استمتع بحياتك~Ku Raaxayso Noloshaada” oo carabi ku qoran, uuna qoray Sh. Maxammed Cariifi ayaan akhriyay. Faallo kooban ayaan ka qoray. 7 Maarjij, 2020 ayaan akhriyay.

21- Buugga la yidhaa “ Power and Love” ayaan akhriyay. Ingriiisi ayuu ku qoranyahay. Faallo ayaan ka qoray. 08 Maarij, 2020 ayaan akhriyay.

22-                       Buugga la yidhaa “مسؤولية طالب العلم~Masuuliyadda Ardeyga’ oo uu Cabdicasiis Ibn Baas qoray ayaan akhriyay. Faallo ayaan ka qoray waxa aan akhriyay 13 Maarij, 2020.

23-                        Buugga la yidhaa “ Mein Keft ~ My Struggle’ oo uu Adoft Hitler qoray ayaan akhriyay. Waxa aan akhriyay 14 Maarij, 2020. Faallo ayaan ka qoray.

24-                       Buugga la yidhaa “ 13 thing mental Strong people don’t do.’ Oo ay qortay Amy ayaan akhriyay. Faallo ayaan ka qoray. Waxa aan akhriyay 17 Maarij, 2020.  

25-                        Buug la yidhaa “ Ego is the Enemy’ ayaan akhriyay 19kii Maarij, 2020. Faallo ayaan ka qoray.

26-                       Buugga la yidhaa “ Kindness of Parents” ayaan akhriyay 21 Maarij, 2020. Faallana waan ka qoray.

27-                        Buugga la yidhaa “ How Successful People Think’ ayaan akhriyay 23 Maarij, 2020. Faallana waan ka qoray.

28-                       Waxa aan akhriyay buugga la yidhaa “ Creating A world Without Poverty ~ In Adduunyada Laga Dhigo/Loo Diyaariyo Mid Bilaa Sabool ah” waxa qoray Dr. Muxammed Yuunus. Waxa aan akhriyay 24-25 Maarij, 2020. Faallana waan ka qoray.

29-                       Buugga la yidhaa “How to Win Friends and Influence People” oo uu qoray Dale Carnegie ayaan akhriyay 28-29 Maarij, 2020. Faallan waan ka qoray.

30-                        Buugga la yidhaa “ How To Stop Worrying And Start Living ~ Sidee Werwerka loo Joojiyaa, Nololna Loo Bilaabaa?” Oo uu qoray Dale Carnegie. Ayaan akhriyay 29 Maarij, 2020. PDF ayaan ku akhriyay. Faallana waan ka qoray.

31- Buuggan la yidhaa “100 Ways to Motivate Yourself : Change Your Life Forever~100 Hab oo aad Naftaada u Dhiirrigelin kartid: Markasta Naftaada Baddel.” Waxa qoray Steve Chandlery. Waxa aan akhriyay 30 Maarij, 2020. Faallana waan ka qoray.

32-                        Buugga la yidhaa “ A women of Firsts” oo ay qortay Edna Aadan, ayaan akhriyay 1-2 Abril, 2020. Faallo ayaan ka qoray.

33-Buugga la yidhaa “ Dariiqa Sarraynta” oo uu qoray Ibraahin Al Fiqi ayaan akhriyay. Faallana waan ka qoray.

34-                        Buugga la yidhaa “ Dariiqa Guusha iyo Awoodaha” oo uu qoray Ibraahin Al Fiqi ayaan akhriyay. Faallana waan ka qoray.

35-Buugga la yidhaa “ The Dreams of My Father” oo uu qoray Barack Obama, ayaan akhriyay 11 Bisha Afraad, 2020. Faallana waan ka qoray.

36-                        Buugga la yidhaa “ Before You Quit Your Job” oo uu qoray Robert Kyosaki ayaan akhriyay 12, 13 April 2020. Faallana waan ka qoray.

37-Buuga la yidhaa “ Dabinkii Jiraalka” oo uu Maxamed qoray ayaan akhriyay 16-18 April 2020.

38-                        Buugga la yidhaa “ Think and Grow Rich” oo uu qoray Napolean Hill ayaan akhriyay 21kii Abril 2020. Faallo ayaan ka qoray.

39-                        Buugga la yidhaa “ Atomic Habits” oo uu qoray James Cream ayaan akhriyay 22 Abril, 2020. Faallana waan ka qoray.

40-                       Buugga la yidhaa “ Obstacles is the Way” oo uu qoray Ryan Holiday ayaan akhriyay. 23 Abril, 2020 ayaan akhriyay. Faallana waan ka qoray.

41- Buugga la yidhaa “ 12 Rules of Life” oo uu qoray Jordan ayaan akhriyay. 23 Abril, 2020 ayaan akhriyay. Faallana waan ka qoray.

42-                       Buugga la yidhaa “ What Most Successful People Do in The Breakfast” oo ay qoray Laura ayaan akhriyay 25 Abril, 2020. Sookoobid ayaan ka qoray.

43-                        Buugga la yidhaa “ 15 Secrets of Successful People in Time Management” oo uu qoray Karen ayaan akhriyay. Waxa aan akhriyay 26 Abril, 2020. Sookoobidna waan ka sameeyay.

44-                       Buugga la yidhaa “I Know How She Does It” oo uu qortay Laura Vanderkam ayaan akhriyay 27kii Abril, 2020. Faallana waan ka qoray.

45-                        Buugga la yidhaa “ The 3 Secrets to Effective Time Investment ~ 3da Sirood oo Waqtiga Looga Dhigo Mid Si Midhadhal Loogu Maalgeliyo” waxa qortay Elizabeth Grace Saunders ayaan akhriyay 27kii Abril, 2020. Faallana waan ka qoray.

46-                       Buugga la yidhaa “Getting Things Done ~ Hawshaada Qabso.” Waxa qoray  David Allen ayaan akhriyay. Waxa aan akhriyay 29kii Abril, 2020. Faallana waan ka qoray.

47-                        Buugga la yidhaa “ 21 Lessons of 21 Century’ oo uu qoray Yuval Harrari. May 04, 2020 ayaan akhriyay. Faallana waan ka qoray.

48-                       Buugga la yidhaa “Africa: The Politics of Suffering and Smiling” waxa qoray qoraa Patrick Chaba. Ayaan akhriyay 09 May, 2020. Faallana waan ka qoray.

49-                       Buugga la yidhaa “From Third World to First ~ Adduunyada Saddexaad illaa Ta Koowaad” oo uu qoray Lee Yew ayaan akhriyay May 14, 2020. Faalana waan ka qoray.

50-                         Buugga la yidhaa “ King of Mountains” ayaan akhriyay May 21, 2020. Faallana waan ka qoray.

51- Buugga la yidhaa “ Leadership Development~ Horumarinta Hoggaaminta.” Waxa aan akhriyay  25 May, 2020. Faallana waan ka qoray.

52-                        Buugga la yidhaa “ Afric’s First Democracy: Aden & Abdirazak.” Oo uu qoray Cabdi Ismaaciil Samatar ayaan akhriyay 3 Juun 2020. Faallana waan ka qoray.

53-Buugga la yidhaa “ Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong” oo ay qortay Mary Harper ayaan akhriyay 6-8 Juun, 2020. Faallana waan ka qoray.

54-                        Buugga la yidhaa “Oral poetry and Somali nationalism” oo uu qoray Siciid Sheekh Samatar ayaan akhriyay 11-13 Juun, 2020. Faallan waan ka qoray.

55-Buugga la yidhaa “ Istrategic Interest of Turkey’s Foreign Policy in Somalia.’ Cumar Yuusuf Cabdulla. Waxa aan akhriyay Juun. Faallan waan ka qoray.

56-                        Buugga la yidhaa “ Mashruucii Ladagaallanka Nuurka” qoray Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac. Waxa aan akhriyay 4 Julaay, 2020. Faallan waan ka qoray.

57-Buugga la yidhaa “ Bloody Nations” ayaan akhriyay 19-21 Ogsto, 2020. Faallana waan ka qoray.

58-                        Buugga la yidhaa “ 7 Habits of Highly Effective People” ayaan akhriyay 22 Ogosto, 2020. Faallana waan ka qoray.

59-                        Buugga la yidhaa “ Western Islam, and the Future of Islam” oo u qoray Daariq Rabadaan, ayaan akhriyay 24 Ogosto, 2020. Faallana waan ka qoray.

60-                        Buugga la yidhaa “ The Leadership Challenges" oo ay wadaqoreen James Kouzes  iyo Barry Z. Posner ayaan akhriyay 25 Ogosto, 2020. Faallana waan ka qoray.

61- Buugga la yidhaa “ Hormuud Habaabay” oo uu qoray Suldaan Garyare ayaan akhriyay  Semtenber, 2020. Buugga la yidhaa “ Easy Steps for Writing” ayaan akhriyay Sentenber 2020.

62-                       Buugga la yidhaa “ Nabsi” oo uu Suldaan Nayruus qoray, Semtenber, 2020. Faallana waan ka qoray.

63-                        Buugga la yidhaa “ Maan Guursadeen” oo uu qoray Axmed Deeq ayaan akhriyay. 6 Oktoobar, 2020. Faallana waan ka qoray.

64-                       Buugga la yidhaa “ Hayaankaygii Rumeynta” oo uu qoray Aadan Sahan ayaan akhriyay Diisanbar, 2020. Faallana waan ka qoray.

 

Intaasi waa buugta ka badan 40 bog ee aan akhriyay, waxaa intaa ii raaca in aan akhriyay buug ku saabsan waxyaabaha aan barto ee manhajka iigu jira, kuwaasi way badnaayeen. Sidoo kale, waxaa buux ah maqaallada, cilmibaadhisaha, sheekooyinka, qoraallada kookooban IWM ah ee aan akhriyay. Kuwaasi tiro go’an oo aan sheegi karo malaha. Waa muush, iyo buux.

Qoraalladayda

Sannadkan marka akhriska laga yimaaddo qoraalka isbeddel badan ayaan ka sameeyay. Wax buug ah oo aan curiyay way jiraan, se weli way socdaan. Waxaa se badan maqaallada aqooneed ee aan qoray, gaar ahaan kuwa gaagaaban. Maqaallada dhaadheeri ma badna. Waxa aan ka xusi karaa:

1-      Dhakhtarrada Dalka: habdhaqanka Xirfadlayaasha caafimaadka.” Waa maqaal dheer.

2-    Habdhaqanka Shirkada waaweyn.’  Waa maqaal dheer.

 

Qoraallada kale ee aan sida toddobaadlaha ah, ama maalinlaha ah u qoro ma aha kuwo aan halkan ku soo koobi karo. Labadaas ayaan tusaale ahaan u soo qaatay.

Turjumaadda

Qoraalka waxa ii soo raaca turjumaadda maqaallada, buugaagta, iyo qoraallada aqooneed. Sannadkan dhawr buug ayaan turjumay, waxaa soo baxay laba buug:

1-      Xaaskii Shaydaanka: Waa sheeko aan turjumay sannadkan dhammaaday ee 2020. Waa buug yare, waxa ay asal ahaan ku qornayd Carabi. Waxa aan dhammeeyay oo sii daayay Ogosto, 2020.

2-    Milicsigii Sooyaalkii Asxaabta: Waa turjumaadda Kitaabka qiimaha leh ee la yidhaa “صور من حياة الصحابة .” Gebigiisa ma wada afnaqin, se waan naqaysatay oo inta duxda ah ee nuxurka buugga ah ayaan soo koobay oo turjumay. Waxa aan daabacay oo sii daayay dhammaadkii sannadka Diisanbar, 2020ka.

Waxa jira laba buug oo qiima leh oo iyaguna turjumaaddoodu sannadkan 2020 ga la dhammaaday, waana diyaar. Se aanan shaacin, daabacaaddii uun ay u hadhay. Alle ha innagu simo.

Turjumaadda buugtaas waxaa ii raaca turjumaadda maqaallada, sheekooyinka, iyo waxyaabaha kale ee afafka qalaad ku qoran, loona baahi qabo. Tiro kuma soo koobi karo maqaallada afafka qalaad ku qornaa ee aan afka Soomaaliga u soo raray.

Gorfeynta Buugaagta

Buugaagta aan akhriyo in aan gorfeeyo oo waxa ay ka hadlayaan wax iska wayddiiyo muhiim baan u arkay. Sannadkii 2018kii ayaan arrintaa bilaabay. Sannadkii ku xigay ee 2019 inaan sii horumariyo ayaan qorshaystay. Markii hore maqaal ahaan ayaan ku so gudbin jiray, se waxa aan is idhi ‘ malaha waxa ka sii fiican inaad muuqaalna ku dartid soo dartid.’  Ugu danbayn waxa aan ku qancay inaan bilaabo sidii aan dadka ula wadaagi lahaa buugta aan akhriyo oo maqaal iyo muuqaal ba ah. Dhammaadkii sannadki 2019kii ayaan bilaabay. Se waxa aan buugta ugu badan soo gudbiyay sannadkan dhammaaday ee 2020 ga. Tacab badan oo hanti, waqti, iyo dadaal ba leh ayaa iga gala SOOGUDBINTA faallooyinka buugaagta. Wax dan ah oo shakhsi ah oo aan ku qabaa ma jirto.

Markii aan arkay inay bulshadu u baahantahay Barnaamij ay ka helaan buugaag kaladuwan oo loo soo koobo ayaan dadaal badan galay. Sababta aan buugaagta u gorfeeyo waxa ugu muhiimsan:

1-      In qofku xulasho samayn karo, oo buugaagta kala xulan karo.

2-    In qofkii waayay buug muhiima oo meel uu joogo aan oollini xogta buugga wax ka ogaado.

3-     In qofkii wax baadhayaa si fudud meel uu ugu hagaago helo.

 Waxa aan bulshada sannadkan 2020 ga  muuqaal ahaan kula wadaagay in ka badan 31 buug. Maqaal iyo muuqaal ba waa lagu heli karaa.

Tifaftirka

Dhawr buug, maqaal iyo waxsoosaar kale ayaan sannadkan tifaftiray. Hawl yar maaha tifaftirku, waa masuuliyad waqti badan, iyo dadaal badan u baahan.

Safarrada

 Sannadkan xanuuno ayaa jiray, oo safarradii aan qorshaystay kala kiciyay. Meelo cusub ma badnayn. Waxa aan booqday degmada Baki, Ruqi, Taysa, Ijaara, IWM. Sidoo kale,  Wajaale, Gebilay, Hargeysa IWM.

Waxbarashada

Aqoonta waan sii wadaa weli. Waxa se ii farxad ah inaan sannadkan qaatay Shahaadada Degree ga koowaad. Inaan sannadkan Gawn jaamacadeed xidho waa ii farxad. 12 sano ka hor xoolaha ayaan eegi jiray oo waxbadan iima baxsanayn.

Sidoo kale, dhinaca kale Degree labaad ayaan wadaa. Laba Degree ayaan laba jaamacadood oo kaladuwan ka waday. Mid wataa dhammaatay, tii kale ayaa ii hadhsan oo aan gugan wadaa. Dadaalka waan sii kordhin dhinaca aqoonta.

Abaalmarin

Sannadkan dhawr abaalmarinood ayaan qaatay, waana markii koowaad ee aan abaalmarin noocaas ah aan qaato. Sannadkii 2020 ga waxaa la I siiyay abaalmarin ah in aan ka mid noqday dadka ugu wanaagsan dhinaca qoraalka Soomaalilaan, urur qiimeeyay oo sannadle u sameeya ayaa iyaga oo aan I aqoon ii gartay. Sidoo kale, waxa aan noqday qofkii ugu wanaagsanaa dhinaca qoraalka guud ahaan Gobolka Awdal, iyo gaar ahaan Boorama. Abaalmarinta waxaa la I siiyay Febraayo 2020, Rays Hotel.

Caqabadaha

Caqabuhu way badnaayeen. Waxa ugu adagi waxa ay ahaayeen waayahay nololeed oo kolba mawjad qofka ku soo beegaya. Dhinaca waqtiga sidii aan rabay ugama faa’ideysan. Waqti badan ayaa meelo aan habboonayn igu dhaafay.

Bandhiggii Buugaagta Boorama

23 Diisambar, 2020 waxaa la qabtay bandhiggii Buugaagta Boorama, waxa aan ka mid ahaa dadka ka qaybgalay, gaar ahaanna qoraayadii lagu casuumay. Kalhore 2019kii ayaan ka qaybgalay bandhiggaas. Gugan 2020 gana waa ii farxad in aan ka mid ahaa qoraayadii ka qaybgalay bandhigga, ee hibadooda qoraalleed ku soo bandhigay. 

Gebagebo

Sannadku wuu wanaagsanaa. Sidoo kale, wuu qadhaadhaa, oo xasuuso adeg ayaa ku jiray. Ka soo socda inuu sidan ka wanaagsanaado ayaan rajaynayaa.

Dhammaan buugta aan akhriyay ee wax ka qoray, iyaga oo maqaal ah INTA AAN FAAFIYAY waxaa laga akhrisan karaa: (http://abdirazaqsandheere.blogspot.com/ ). Inta aanan faafinna isla halkaas ayaan soo gelin doonaa Insha Allah. Sidoo kale, iyaga oo muuqaal ah waxaa laga daawan karaan Janalka #Xogkorodhsi (https://www.youtube.com/channel/UC-DTp2g1U0eiItbuLsNGFCA ).



Cabdirasaaq Sandheere

03 Jannaayo, 2021

 

 

 

 

 


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?