Ninkii Dhimashadiisa Gaaladu ku Farxeen!

 

Ninkan markii uu dhintay reer Yurub aad bay u farxeen. Qabrigiisii ayay dul fadhiisteen iyaga oo ku dul jaasaya, khamrigana ku dul cabbaya. Dadka qarbiga Salaaxudiin Al Ayuubi ku dul jaasayay waxa ka mid ahaa boqor Fuunus, qabrigii Salaaxudiin ayuu teendho ka dul dhistay, wuxuuna dul dhigtay sariir dahab ka samaysan. Isaga iyo xaaskiisiiba iyaga oo jiqilaysan ayay qabrigii dul seexdeen. Boqorkii wuxuu yidhi: “ Maanta waxa aan la wareegay dhulkii Muslimiinta iyo Carabta.”
Mid ka mid ah dadkii Qabriga dul fadhiyay ayaa yidhi: “ Wallaahi haddii ninka qabrigan ku jiraa uu soo baxo hal qofna innaga reebi maayo oo dhammaanteen wuu inna wada layn.” Boqorkii baa xanaaqay, seeftiisa ayuu galka kala baxay isaga oo raba ninka hadalkan leh inuu qoorta ka gooyo, ka dib xaaskiisii oo ag joogtay ayaa gacmaha qabatay, waxayna ku tidhi: “ Run buu ninkaasi sheegay, haddii uu Salaaxudiin noolyahay ma sidaas ayaynu qabrigiisa ugu dul faani lahayn? Wallaahi taasi isaga sharaf bay u sii kordhinaysaa, xataa isaga oo dhintay ma jebin karno oo kama guulaysan karno, taariikhduna waxa ay qortay inuu guulaystay, waxa aan ka samaynay xumaa isaga oo mayd ah..”
Salaaxudiin, wuxuu galay in ka badan 50 dagaal, dhammaantoodna wuu guulaystay. Weligii dhulka lama dhigin, lamana jebin. Isaga ayaa dilay hoggaamiyayaashii waddamadii ay iska hor yimaaddeen, wuxuuna amray in Eedaanka Salaadda kor loo qaado oo la dhawaaqo, wuxuu ku sandulleeyay kuwii magaalooyinka haystay ee kibray inay Eedaanka qasab ku oggolaadaan. Markii uu dhintay da’diisu waxa ay ahayd 60 sano jir, in ka badan 25 sano ayuu Jihaadka Diinta iyo furashooyin ku soo qaatay.
Magaciisii taariikhda ayuu baal dahaba kaga jiraa, wuuna waarayaa Salaaxudiin. Alle ha u naxariisto.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?