Faallada buugga “ Barbaarteenna iyo Baraha Bulshada”
Hordhac
Buuggan la yidhaahdo “ Barbaarteenna iyo Baraha Bulshada” oo cinwaanhoosaadkiisuna yahay ‘ Hagid iyo hagaajin’ waxa qoray Dr. Cabdikariin Bakaar. Waxa Af Soomaali ku turjumay Cabdixakiin Obsiiye oo ah turjumaa dhallinyaro ah, oo waayadan aad wax u turjuma.
Buuga waxa uu kaga warramayaa carruurta iyo qaabka ay baraha bulshada u isticmaalaan. Wuxuu xusayaa halisaha baraha bulshada iyo saamaynta uu carruurta ku yeesho dhinacyada caqliga, jidhka, maskaxda, iyo guud ahaan raadadka taban ee ay carruurta ku yeesho baraha bulshadu.
Nuxurka buuga
Qoraagu wuxuu xusayaa in ubadku yihiin deeq iyo dayn Alle uu siiyo cidda uu doono. Waa gallad aan lagu keeni karin xoog iyo xeelad. Waa hadiyad Eebbe ku maamuuso cidda uu doono, saboolba ha ahaadee, una diido cidda uu doono hodan ba ha noqotee. Waa ubax iyo udgoon. Waa naxariis iyo naruuro. Waa iftiin iyo ilays. Waa hu’ iyo haybad.
Xilligan la joogo dunidu waxa ay maraysaa waqti waxkastaa fududyihiin oo ilbaxnimada iyo iskufuran jiro. Sida qoraagu xusayana waxa aynu ku noolnahay duni isku furan oo qofka ku nool dunida Barigeeda iyo Galbeedkeedu hal qol ku wada jiraan. Waxa aynu ku noolnahay duni yaab leh oo tiknoolajiyadda iyo baraha bulshadu hoggaaminayaan. Waxa aynu ku noolnahay duni aanu jirin halbeeg lagu kala saaro haldoorka iyo hacoogu, inan karmeedka iyo inan gumeedka, nasteexa iyo nacabka, mansabka iyo munaafaqa. Sidaas awgeed, xilkii barbaarineed iyo waajibkii saarnaa waalidku wuu sii labajibbaarmaa, waxaana laga doonayaa in uu ka warhayo ilmahiisa hadh iyo habeenba.
Maadaama xilli baraha bulshadu saamayn leeyahay aynu noolnahay, baraha bulshadu dadka uu sameeyay waxa ka mid ah carruurta. Halis badan buu ku leeyahay carruurta.
Hordhaca wuxuu kaga warramayaa faahfaahin ku saabsan baraha bulshada iyo xogo cajiiba oo la xidhiidha.
Qoraagu wuxuu soo gudbinayaa xogtan: Hay’ad isxilqaantay ayaa bishii 2aad sannadkii 2016kii tirakoob ku samaysay adeegsadayaasha Mareegaha Baraha Bulshada, waxaana soo baxay qodobbadan:
-YouTube: Waxa adeegsada dad ka badan hal Bilyan.
- Faysbuug: Waxa adeegsada hal bilyan iyo badh.
- Twitter: Waxa adeegsada 316 Milyan oo qof.
- Instagram: Waxa adeegsada 400 Milyan oo qof.
- Bogaga shaqeeya ee Baraha Bulshadu waxa lagu qiyaasay 1.7 Bilyan oo adeegsade oo ka mid ah 2.1 Bilyan oo Bar-bulsho.
-89% adeegsadayaasha baraha Bulshadu da’doodu waxa ay u dhexaysaa 18-29 sano jir.
- Maalintii muuqaallada la daawadaa waa 4 Bilyan
Sidoo kale xogta la sameeyay sannadkii 2023kii waxa soo baxday sidan
- YouTube: Waxa adeegsada dad ka badan 2.2 Bilyan oo qof.
- Faysbuug: Waxa adeegsada 2.96 qof.
- Twitter: Waxa adeegsada 1.3 Bilyan oo qof.
- Instagram: Waxa adeegsada 500 Milyan oo qof.
Dhinaca kale, sida qoraagu xusayo waxa njira sababo badan oo ku riixaya carruurta in ay ku dhegaan, lana saaxiibaan mobilka casriga ah, Ipad ka, xisaabaadka shakhsiga ah IWM. Waxaana ka mid ah:
- Ku dayashada waayeelka ku hareeraysan: Marka ilmuhu arko waalidkii iyo walaalkii oo haysta moobil, isna maxaa u diidaya in uu qaato? Si gaara ayay barbaartu u xiisaysaa inay qaabka ugu fudud u waynaadaan.
- Jiritaanka agab u gaara ilmaha: Qodobkani wuxuu ilmaha siinayaa dareenka xornimada, awoodda maamulka noloshiisa, iyo xorriyadda gaadhidda go’aannada shakhsiga ah.
- Ka cararka daalka iyo dan la’aanta, iyo mashquulka waxkasta oo muhiim ah, ama aan ahayn o oleh dhib iyo dheef dhaw ama dheer: Arrimahani muhiim ma aha, balse, waxa ugu mudan waqti dilidda, isdagaalka shakhsiga ah iyo ka xoroobidda dareennada waayaha iyo waqtiga.
Qaybta xigta, qoraagu wuxuu kaga warramayaa dheefta iyo dhibta Baraha bulshada. Waa muhiim marka wax laga warramayo in la sheego wanaagiisa iyo sharkiisaba. Shaykastaa wuxuu leeyahay laba dhinac: Dhib iyo dheef. Shayga dhibaata lihi wuxuu keeni karaa dheef.
Aan si kooban u soo qaato faa’dooyinka Baraha Bulshada ee qoraagu buuga ku xusayo. Faa’idooyonka iyo dheefta Baraha bulshada waxa ka mid ah:
1- Isku xidhka dhaqannada caalamka.
2- Adkaynta xidhiidhka bulshada.
3- Baraha Bulshadu waa dugsi waxbarasho.
4- Baraha bulshadu waxa ay ka qaybqaataan wanaajinta waxyiga guud iyo hagaajinta heerka aqoonta.
5- Waxa laga helaa fursado horumarineed oo nolosha lagu wadi karo.
Dhinaca kale, waxa jira oo qoraagu xusayaa dhibaatooyinka iyo hadimooyina lagala kulmi karo Baraha bulshada. Hadimooyinka baraha bulshada waxa ka mid ah:
1- Dhib guud: Baraha bulshadu wuxuu leeyahay dhib guud oo dhinacyo badan. Si gaara carruurta wuxuu ku leeyahay dhibaato iyo walaac joogto ah.
2- Baraha bulshadu wuxuu dilaa akhlaaqda iyo asluubta: Baraha bulshadu wuxuu dilaa oo waxba kama jiraan ka dhigaa akhlaaqda qofka oo waxa meesha ka baxa xishoodkii iyo khajilkii qofka. Carruurtana si fudud ayuu dhaqankooda u dili karaa.
3- Daawashada muuqallada galmada.
4- Baraha bulshadu wuxuu carruurta nacsiiyaa tegidda dugsiga: Wuxuu dhiirrigeliyaa in carruurtu ayna tegin waxbarashada iyo inay ka caajisaan barashada aqoonta.
5- Qabatinka: In qofku la qabatimo baraha bulshada oo dul fadhiya uun waxa ay leedahay dhibaato, waayo qofka waxa ku seegaya hawlo badan oo muhiim ah.
6- Dhibaato ku timaadda caafimaadka caqliga iyo jidhka: Marka la eego maskaxda dhallinyarada isticmaal badan ee baraha bulshadu wuxuu ku keenaa isbeddel iyo Khalkhal. Siduu qofku wuxuun u eegayo dhaawac qarsoon ayay u gaysanaysaa maskaxda. Dhinaca kale, maadaama qofku fadhiyo uun waxa ay jidhka ku keenaysaa dhibaato caafimaad.
Qaybta ku xigta qoraagu wuxuu kaga warramayaa xalal lagaga hortagi karo xanuunka qabatinka baraha bulshada iyo qaabkii qofku u adeegsan lahaa mareegtan. Waxa aan xusi doonaa qodobo ka mid ah xalalka xakamaynta baraha bulshada, si gaara, qaabka carruurta looga xakameeyo:
- Maaraynta baraha bulshada: Suurtagal maaha in la wada joojiyo internetka, si waxa muhiim ah in la maareeyo oo la yareeyo. Waayo, qofka ama ilmuhu meelkasta wuu ka heli karaa net, wuuna u baahanyahay. Sidaas darteed waa in la yareeyaa.
- Wacyigelin: Waa in ubadka laga wacyigeliyaa oo looga warramaa dhibaatooyinka baraha bulshada.
- Dareen bulsho: Haddii aynu aaminsanahay in baraha bulshadu yahay dhib guud oo laga wada cabanayo, waxa muhiim ah in ka hortagiisuna noqdo mid loo dhanyahay oo cidkastaa ka qaybqaadato.
- Tusaale wanaagsan: Marar badan hannaan karti le huma gudan karno kaalinteenna baraarineed haddii aynaan ka shaqaynta kobcinta iyo hagaajinta nafaheenna, waayo carruurtu waxa ay innaga arkaan bay ku dhaqmaan.
- Xidhiidho qoys oo xooggan: Markasta oo qoysku isku wanaagsanyahay baraarinta carruurtu way hagaagaysaa, si baraarinta ubadku u fiicnaato waxa loo baahanyahay in qoysku xidhiidh wanaagsan lahaado.
Gebagebo
Guud ahaan buugu wuxuu ka warramayaa qaabka tiknoolajiyaddu u saamaysay dhinacyada kala duwan ee barbaarinta ubadka. Carruurtu iyaga oo adeegsanaya Baraha bulshada, haddana waa in waalidku ka warhayaa oo la socdaa waxa ilmuhu wadaan iyo waxyaabaha ay ka adeegsanayaan.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
Oktoobar, 2024.
Comments
Post a Comment