Ibliis oo Guuleystay: [Marka aad Aaminaaddaada u Dagaalanto Waad Guuleysanasaa; balse, Marka aad Hungurigaaga u dagaalanto waad jabasaa!]




Qawm baa geed samaystay ay caabudaan. Waxaa maqley nin Ilaahay rumeysan oo mu’min ah oo la yidhaa Naasik. Ninkii mu’minka ahaa wuxuu qaatey Faash, wuxuuna tagey geedkii, si uu usoo gooyo. Markii uu u dhawaadey geedkii waxaa u soo muuqdey Ibliis oo geedka udiidaya, qaylinayana:

Ibliis: “Ninoow halkaaga joog! Maxaad udoonasaa in aad u goyso geedda?”
Naasika : “Waayo, dadkaa lagu halleeyaa/baadiyeeyaa.”
Ibliis: “Maxaa kaa galey? Iskadaa ha iska hallaabaane!”
Naasika: “Sideen uga tagaa… Waajibkaygu waa in aan soo hanuuniyo.”
Ibliis: “Waajibkaagu waa in aad dadka iskaga tagto iyaga oo xor ah, oo samaynaya waxa ay jecelyihiin!”
Naasik: “Xor maaha.. Waxa ay u dheg raaricinayaan  waswaasidda sheyddaanka.”
Ibliis: “Ma waxaad rabtaa in ay dhegta u raariciyaan hadalkaaga?!”
Naasik: “Waxa aan doonayaa in ay hadalka Allah u dheg raariciyaan.”
Ibliis: “Iskaga tag geedkan oo ha goyn.”
Naasik: “Waa lagamamaarmaan in aan gooyaa.”
Ibliis ayaa kalladhka qabtey ninkii, Naasikna sheyddaanka labadiisa gees ayuu qabtey. In badanbay is legdayeen, illaa uu dagaalkii guushu raacdey Naasik. Sheyddaankii dhulka ayuu dhigey, laabtuuna kaga fadhiistey, wuxuuna ku yidhi: “ Awooddeyda ma aragtey?!” Ibliis isaga oo jabey hadal daciif ah ku yidhi: “ Ma moodeyn in aad awooddan oo kale leedahay, iska kay daa oo waxaad doonto samee!”
Naasika ayaa iskaga tagey sheyddaankii, dadaalkii iyo juhdigii uu dagaalka sameeyayna wuu ku daaley, isaga oo daallan ayuu sawmacaddiisii ku noqdey, habeenkiinna wuu iska raaxeystay.
Maalintii labaad waxa uu soo qaadey Faashkiisii, isaga oo doonaya in uu gooyo geedkii. Waxaaba ka soo daba baxey Ibliisa oo ku qaylinaya: “Maantana ma waxaa u soo diyaargarawday goynteeda?!”
Naasik: “waa lagama maarmaarn goynteedu.”
Ibliis: “Ma u malaynasaa in aad maantana iga guuleysanaso?”
Naasik :“Waan kula dagaalami doonaa illaa ay guuleysanaso kalmadda xaqa ahi.”
Ibliis: “Aaway awooddaadu?”
Naasik ayaa geeska qabtey sheyddaankii, wuuna la legdamey illaa ay dagaalka guushii raacdey Naasik, sheyddaankiina lugaha Naasik hoostiisa ku dhacey, qoortana uu kaga fadhiistey isaga oo leh: “ Hadda ma aragtey awooddeyda?!
Ibliis baa cod gunuus ah ku yidhi: “Haa, awooddaadu waa layaab! Iska kay daa oo waxaad doonto samee. “
Naasik wuu iska sii daayey, wuxuunna iska tagey Sawmacaddiisii, isaga oo daallan ayuu seexday.
Habeenkii sidaasuu ku tagey, waxaana soo baxdey [cadceeddii] subax, Naasik wuxuu qaatey Faashkiisii, wuxuuna tagey geedkii. Ibliis oo qaylinaya ayaa ku soo baxey; oo leh:
Ibliis: “Miyaanad go’aankaagii ka noqon ninoow?!”
Naasik : “Waligeyna kama noqonayo, haka yaabin. Waa lagama maarmaan in aan geedkaa gooyaa.”
Ibliis: “Ma waxaad u malaynasaa in aan kaaga tagayo?”
Ninkii: “Haddii aad ila legdanto, waankaa guuleysanayaa.”
Ibliis baa in yar fekeray, wuxuuna arkey in musaaracada iyo dagaalkaba uuna ku guuleysaneyn; iyo in uun jirin wax ka xoogweyn nin u dagaalamaya feker iyo aaminaad. Mana jirto wax kale oo uu awooddo Ibliis in uu ninkan dhufays kaga dhigo, mid kaliya mooyiye, kaasina waa XEELAD.
Ibliis baa si naxariis le ula hadley, wuxuuna ku yidhi: “ Ma garanasaa waxa aan kuugu diidanahay in aad goyso geedkan? Waxa aan kuugu diidanahay  waa naxariis iyo tudhid aan kuu qabo weeyi. Haddii aad goyso ku jeclaan maayaan dadka caabudaa.  Maxaad naftaada u daalinaysaa? Ha goynin aniga ayaa ku siinaya labo Diinaar, maalinkasta; si aad ugu kabto nafaqadaada oo aad ugu noolaato nebad iyo xasillooni.
Naasik baa yidhi: “ Labo Diinaar aa?”
Ibliis baa yidhi: “ Haa, maalinkasta waxa aad ka helasaa barkimadaad hoosteeda!”
Naasik  fekeray in badan, dabadeed madaxa ayuu kor u qaadey, wuxuuna Ibliis ku yidhi: “ Ayaa ii damaanad qaadaya in aad samaynaso waxa aad leedahay?”
Ibliis : “Anaa kuu ballanqaadaya, waanad garan doontaa ballaynta runteeda.”
Naasik: “Waanku tijaabin doonaa.”
Ibliis: “I tijaabi.”
Naasik: “Waynu is waafaqsannahay.”
Ibliis gacanta ayuu saaray Naasik  (wuu gacanqaadey, sidii marka heshiiska la galayo oo kale), wayn heshiiyeen. Ninkii wuxuu iskaga noqdey Sawmacaddiisii, maalinkasta oo uu kacana, gacanta ayuun buu fidiyaa, barkimada hoosteeda ayuu labo Diinaar kala soo baxaa, illaa bil dhammaanasay. Subax ayuu gacanta barkimada hoosgaliyey, dabadeed waxba wuuka waayey, wuxuuna soo saarey iyada oo madhan. Ibliis baa ka gooyey dahabkii. Naasik wuu xanaaqay, wuu kacey wuxuuna qaatey Faashkiisii. Wuxuuna tagey geedkii si uu u gooyo. Ibliis baa wadada u istaagey, wuxuuna ku qaylyey: “ Meeshaada joog! Xaggeed tagasaa?”
Naasik: “Geedka ayaan doonayaa in aan soo gooyo!”
Ibliis aad buu u qoslay, wuxuuna yidhi: “ Waxa aad u goynasaa [geedka] waayo aniga ayaa lacagtii kaa gooyey!”
Naasik :“ [waxa aan u goyanaa] Si aan baadida u tirtiro, nuurka xaqana u iftiimiyo.”
Ibliis: “Ma adiga!!”
Naasik: “Miyaad igu dheeldheelaysaa Nacdalloow?!”
Naasik  kii sheyddaankii labadii gees ayuu qabtey , wayna islegdayeen waxoogaa, illaa dagaalkii ku dhammaadey in Naasik  Ibliis lugaha hoostiisa mariyey. Ibliis wuu guuleystay wuxuuna kaga fadhiistey laabta isaga ooo faanaya oo leh: “ Ninoow, aaway hadda awooddaadii?”
Ninkii baa cod hoose ku yidhi: “ Iiga waran, sida aad iiga guuleysatay, shayddaanoow?!”

Ibliis baa yidhi: “ Markii aad ALLAH DARTII u cadhootey waad iga GUULEYSATAY; markii aad NAFTAADA u cadhooteyna waan kaa GUULEYSTAY.  Markii aad AAMINAADAADA u dagaalantay waad iga GUULEYSATEY;  markiise aad HUNGURIGAAGA u dagaalantey waan kaa GUULEYSTAY!

     W/Q: Tawfiiq Al-Xakiim [Af Carabi].
      W/T: Cabdirasaaq Sandheere  [Af Soomaali].
Waxa aan ka soo turjumay oo uu ku qoranyahay Buugga “ Carabiyadu Linaashi’iin,”

Ogost 08, 2018

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?