Sookoobidda buugga “ Masuuliyadda Indheergaradka.. ”



Hordhac
Buuggan la yidhaa “ Masuuliyadda Indheergaradka.. ”  waxa qoray Cali Shariicatii. Cali waxa uu ahaa aqoonyahan culuunta Diinta la xidhiidha ku in badan daraasaynayay. Dalka Iiraan ayuu u dhashay. Indheergaradka qarnigii 2aad ugu saamaynta badan ayuu ka mid ahaa dalka Iiraan.
Buuggan waxa uu ka koobanyahay 199 bog. Waxa uu kaga warramayaa masuuliyadda, ama xilka saaran qofka indheergaradka ah.
Nuxurka
Indheergaradku waxa uu yahay ruux tixgelintiisu ka sarrayso dadka caadiga ah.
Indheergaradku kaalin muhiima ayay bulshada ugu jiraan. Kaalintaasi maaha mid la dhayalsan karo, waa kaalintii ay kaga jireen imaamyadii, iyo hormuudkii bulshooyinkii hore ayuu qoraagu leeyahay.
Qoraagu waxa uu xusayaa inuuna ‘ Indheergaradku’ ahayn ka yidhaa ‘ anuu indheergarad baan ahay, waayo Yurub baan u safray, meel heblaayana waxbaan ka soo dhigtay oo fekraddaasaan ka soo qaatay. Waxaasaan soo bartay. Imtixaan ayaan ku guuleystay. Shahaado ayaan halkaa ka soo qaatay.’ Waxa uu ka cabbirayaa caqliyadda aynnu ka aaminsannahay aqoonyahanka, tagitaanka Yurub, Shahaadada, IWM. Yurub baan tagay laguma noqdo indheergarad. Shahaado kaliya ayaan haystaa iyadna laguma noqdo indheergarad. Indheergardnimodu qofka ayay ku xidhantahay.
Waxa kale, oo qraagu ku doodayaa inay qalad tahay in qofka jaamacad gaara dhigta la yidhaa waa indheergarad. Maaha.
Qoraagu waxa uu xoog ugu nuuxnuuxsanayaa masuuliyadda saaran indheergaradka. Bal aynnu qodobbayno:
1-      Indheergaradku waa inuu wacyiga ummadda dhisaaa: Inuu wacyiga bulshadiisa dhiso waa muhiim. Bulshadu noocyo kaladuwan ayay leedahay. Waa inuu noockasta door ku lahaado oo wacyigeeda dhiso.
2-    Inuu bulshada hago, oo waddada wanaagsan ku jiheeyo: Indheergaradku waa inuu bulshadiisa dhinaca wanaagsan u horseedo.
3-     Inuu runta sheego.
4-    Inuu beenta deeddifeeyo: Waa inuu bulshada waxa beenta, khuraafaadka IWM ah ka toosiyo.
5-     Inuu wax naqdiyo.
6-    Inuuna u guulwadayn maammulka jira.
7-     Inuu wax kala shaandheeyo, sida fekerrada.
8-    Inuu bulshada soo gelootiga iyo waxyaabaha jiritaankooga wax u dhimaya kaga filnaado oo uu isagu xil adag iska saaro.
Masuuliyaddaas iyo kuwo kale oo badan ayuu aqoonyahanku leeyahay. Haddii uu kuwaa ka leexdo waxa uu noqonayaa qof kolba ciddii doontaa meel u jeediso, oo jeebka kolba qofka roon ku hadlo. Makarafoon la adeegsado oo aqoonta uu yaqaan looga faa’ideysto ayuu noqonayaa. Waxaanna uu ku kacayaa khiyaano aqoonyahan.

Gebagebo

Wixii iiga baxaya ayaan si kooban u sheegay. Cinwaanka buugga oo ahaa ‘ Masuuliyadda Indheergaradka’ ayaan si gaara u soo qaatay. Mawduucyo kale oo qoraagu buugga kaga hadlay way jireen.
Intaas ayaan ku soo koobayaa.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Fberaayo 29, 2020.



Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?