Safarkeygii Magaalada Jigjiga





Laga soo bilaabo Semtemper 2018, sidii aan magalada ugu soo laabtayba dhinacna uma dhaafin. Waayo, intaas wixii ka danbeeyay Jaamacadaha ayaa ii bilaabmay. Maadaama aan labo Jaamacadood oo kala duwan dhigto, sidoo kale aan macallin ahay, kansho aan meelo badan ku booqdo ma helin.
Sannadkii 2018, sidaas ayuu ku dhammaaday. Waxaa la galay 2019kii. Bishii Jannaayo dhammaadkeedii ayaan imtixaankii labada Jaamacadood midkood dhammeeyay, hawlihii badnaana iga kala yaraadeen. Bishan Febraayo fasaxyo kooban oo imtixaannadii aan galay, iyo daalkii muddada dheer socday kaga yara nasto.

Haddaba fasaxan Jigjiga waa in aad tagtaa ayaan qorsheeyay. Saddex shey ayaa ugu waynnaa waxa aan waqtigan Jigjiga ku doortay: ta koowaad, waxa ay ahayd Magaalada Jigjiga hore uma arag, maqal mooyee indhahaygana ma saarin. Inkasta oo aan ku dhashay Gobolka ay ku taallo ee Faafan, haddana magaalo ahaan hore uma arag. Degmada aan ku dhashay waxoogaa ayay kala durugsanyihiin, oo xoolaha aan eegayaa ilama gaadhaan. Intaan ka ogahayna dhawr jeer waxa aan gaadhay Buurta Subulaha oo iyadana waxoogaa aan dhawayn u jirta, annagana wax aan badnayn noo jirta oo dhererkoodu noo muuqdo.  Ta labaad, toddobaadkaa  aan ku beegay tagidda Jigjiga,  waxaa magaalada ka socday Bandhigga Dhaqannada Magaalooyinka Itoobbiya, oo sannadkan ay Jigjigi mertigelinaysay. Arrintan dhaqanka muhiimad wayn ayaan u arkayay maadaama aanan dhaqanno badan arag. Ta saddexaad, waxa ay ahayd in aan bal magaalada qiimeeyo halka ay koboca akhrisqoriseed, dhaqaale, horusocod, iyo guud ahaan sida ay tahay bal aan indha’indhayn iyo baadhis ku sameeyo. Intaas ayaa ugu waynnayd tagidda Jigjiga.
Jigjiga waa Caasimadda Ismaammulka Soomaalida Kililka Shanaad. Waa xarunta ay ku kulmaan dhammaan gobollada uu Kililku ka koobanyahay. Si guud, waxa ay ku taallaa dhul u eeg dhuldaaqsimeed oo bannaan. Xadka Soomaalilaan iyo Itoobbiya waxbadan uma jirto e wax aan lixdan Kiiloomitir ka badnayn ayay u jirtaa. 

Magaalada Xukunkii Cabdi Ilay ayaa dhisay oo muuqaal ahaan iyo muunad ahaanba way qurxoontahay. Waxyaabaha Xukunkii Cabdi Ilay lagu ammaano (haddii la ammaanaba) waxaa kow ka ah Dhisidda Caasimadda Ismaammulka Soomaalida. Magaalada wuu dhisay oo wax aan meelo badan oo Magaalooyinka Soomaalida aanan badankooga ku arag ayuu ku soo kordhiyay. Arrinta xiisaha lihi waxaa weeyi inuu waddooyim heercaalamiya dhisay. Waddooyinka uu dhisay ee Farasmagaalaha ka dhisani waa ku qaab qurxoon oo habaysan loo dhisay. Waddooyinka Suuqa mara qaarkood waa afar haad—labo isgarab socda oo sii socda—iyo labo sii socda oo isgrab socda.  Waxa iyadana xusid mudan in ay jirto meel u dhexaysa labada Haad ee waddada, halkaasi waxaa laga beeray dhir qoyan, misana qurxoon oo waddada nuurinaysa.

Magaalada horumar iyo koboc aan yarayn ayaa ka socda, kana hanaqaaday. Kumannaan dabaq oo dhaadheer ayaa socda—qaarkoodna la dhammeeyay. Dhinaca dhiska magaaladu xawaare aan la qiyaasi karin ayuu ku socdaa. Sidoo kale, xagga qaabdhiska si qurxoon oo qaab lala ashqaraaro leh ayaa loo dhisaa. Arrinta xiisaha lihi waxaa weeyi goobaha la dhisaa inta badan waa kuwo ganacsi loo dhiso ama arrimo magaaladu u baahnayd oo ay ka qatanayd loo dhiso.

Dhinaca Waxbarashada aad baa loogu bartaa, oo Dugsiyo badan iyo Jaamacado wanaagsan oo tayo leh ayaa ka furan. Jaamacadda Mudnaanta Koowaadle ee aad loo dhigtaa waa Jaamacadda Jigjiga, oo Jaamacad Dawli ah. Jaamacaddaasi meelo kala duduwan ayaa looga soo waxbarasho doontaa, si wax looga barto. Xataa, Soomaali badan oo aan Kililka u dhalan oo Magaalooyinkeennan ka taga ayaa deeqwaxabarasho (Scholarship) ka hela oo taga. Jaamacaddaasi kumannaan dhallinyaro ah ayaa dhigata. Ogsoonoow, oo Jaamacaddaas  dadka dhigtaa maaha Soomaali kaliya, sida Jaamacadaheennu u badanyihiin, Ajaanib farabadan ayaa dhigta. Intii aan magaalada joogay, goobaha lagu kulmo, lagu caweeyo, iyo guud ahaan magaalada oo aan dhawr meelood oo aan indha’indheeyay kumannaan dhallinyaro ah oo sida aan maqlay waxbarasho Jaamacadeed u jooga ayay magaaladu la ciirciiraysay. Aad baan ugu farxay oo hoostaan ka idhi ‘ Waar illayn magaalada aad baa loogu soo waxbarasho doontaa sida Boorama.’
Dhinaca maammulka iyo siyaasadda, waa mid magaaladu deggan oo inuu hore usocdo mooyee aanad dibusocod innama ka dareemayn. Xarumo waaweyn oo dawladeed ayaa ka furan, waliba xarumahaasi waa kuwo aad u qurxoon ay hab dawladnimo ka muuqato. Aad bay u furfurantahay oo Hay’ado badan ayaa xarumo ku leh. Aad baa hadda dadka loo tixgelinayaa oo dawladdu dadka Shicibka ah way ixtiraamtaa. Waqtigii Cabdi Ilay siyaasaddu way kacsanayd oo sida ay hadda u deggantahay may ahayn.
Magaalada hadda xorriyad aad loogu farxo ayaa ka hanaqaadday. Sid aynnu ogeyn dhawr bilood ka hor Ogosto 2018, waxaa dhacay isbeddel wayn, waatii la ridey dadqalkii waynaa ee Cabdi Ilay.  Waqtigaas uu Cabdi Ilay dhacayay aniga laftaydu waxa aan joogay Itoobbiya, waliba meel Miyi ah, dadkii deegaanku aad bay ugu faraxsanaayeen inuu dhaco Cabdi Ilay. Waayo, kabaqaadka ninkaas u shaqayn jiray way kormeerijireen xaafadaha oo haddii qof ku soo biiro, shaqaa laga qabanayay. Gaar ahaanna dhallinyarada aad baa loo baacsan jiray. Aniguba waqtigaas walaac badan ayay Waalidiintaydu iiga qabeen tagitaanka Kililka oo haddii aan tago  sidii ilbaxa ayaan ula dhaqmi jiray dhaqanka meesha ka jira. Ugu danbayn waatii Mustafe Cagjar la doortay. Waakii waxbadan baddelay ee Jeel Ogaadeenna xidhay. Ummad badan Jeelasha laga sii daayay, xorriyaddii hadalka iyo fekerka waatii la fasaxay, ee qof walba inuu wuxuu diido sheegi karo la oggolaaday. Alxaasil, waakii Kililku meel ay xornimo dhabbanaysa oo meel khayrqabta ka timide ku hoobatay. Dadkii iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba way nafistay oo neecow, xornimo, iyo gobonnimo sokeeye ayay dareentay. Hadda Magaaladu sidii bay xornimada ugu naalootaa, oo dadka joogaa waa u xor fekerradooda iyo aragtidooda ma jirto ‘ Car juudh dhehdii.’

Magaalada dad badan oo kaladuwan, dhaqan ahaan, Diin ahaan iyo feker ahaanba ayaa ku nool. Cidkasta waa laga soo helayaa. Malahayga, waa magaalada kaliya ee Soomaaliyeed ee dad noocaas ah, oo sidaa u kala duwani ku noolyihiin. Iyada oo sidaas u kala duwan haddana mudnaan badan ayay siiyaan waxbadan oo meelo Soomaali saafi ahi ku nooshahay ay gabeen. Arrintaa waxa aan tusaale u soo qaadan karaa Jigjiga waxaa jirta meel gaar ah oo lagu barto Afka Soomaaliga iyo culuuntiisa, waliba heer Jaamacadeed ah. Jaamacadda Jigjiga waxa ay leedahay qayb dhan oo lagu barto Af Soomaaliga iyo laamihiisa kala duwan. Waana Kulliyad Madaxbannaan oo u xidhan barashada Af Soomaaliga. Waa arrin lagu farxo. Sida Luuqadaha kale ee Ingiriisiga iyo Carabiga Jaamacaha loogu barto ayaa iyadana lagu bartaa. Arrintaasi waxa ay ahayd in meelo badan laga helo, haddase Jigjiga ayaa tusaale fiican innoo noqon doonta. Waa waxyaabaha aan Jigjiga ugu riyaaqay, ina soo jiitay ee aan aqoonbaadhis badan oo xagga Afka ah ka samee isleeyahay.

Maalmahaa aan joogay waxaa soday Bandhig dhaqan, oo dhammaan Magaalooyinka Itoobbiya oo dhan ah, kaliya maaha Kililka Shanaad ee Soomaalida uune dhammaan Kilillada Itoobbiya. Bandhiggaa waxbadan ayaan ka bartay, guud ahaan dhaqanka gaar ahaanna waxka baxsan dhaqanka Soomaalida. Maadaama ka Soomaalida aan waxbadan ka aqaan oo Miyi ku soo barbaaray, iskuma daaline kuwo igu cusub oo ugub ah ayaan ka korodhsaday. Waxyaabaha dhaqannadaas ku jiray waxaa ka mid ahaa ‘ Geed laga sameeyay caaga, qaab caagcaag oo kale, malaha waa nooc aynnu debadaha ka keennano ee Ubaxa la innooga dhigo misana guryaha fadhiga lagu qurxiyo? Haa, waa kaas. Magaalooyinka qaar ayuu dhaqan u yahay. Midbaa wax aan joog kuugu tilmaamo karo oo wax Subag aan kuugu tilmaami karo uu ka buuxay ii dhiibay, Ilaahay cilmigiisa intaan sidaa u eegay ayaan u fiirsaday wax aan ani ila macaanayni inuu ku jiro ayaan ka uriyay oo waan iska daayay. Sheygaasi qaab qurxoon oo dhaqankeenna dhiisha waxyar ka duwan ayuu u ekaa. Ta kale ee xiisaha lihi waxa ay ahayd, dadkaas kale ee Xabashida, Orommada, Tigreega iyo kuwa kalaba waxa ay wateen boodhadh waaweyn oo ay ku sawiranyihiin Khariidadihii magaalooyinkoodu. Miiskasta oo aan istaago waxa u horreeya ee la iisoo hordhigaya wuxuu ahaa Maabka magaalo kasta. Inta badan waxa ay raacinayeen faahfaahin iyo sharraxaad ay xayaysiin reer magaalnimo la socoto, oo waxa ay mararka qaar lahaayeen ‘ Magaaladani halkaasay ku taal oo waa magaalo wayn, soodhawaynta ku fiican, haddii aad soo booqato si wanaagsan ayaannu kuu soo dhawayn.’ Waa arrin tilmaamaysa sida ay u jecelyihiin deegaankooda, iyo dhulkooda, ugu faraxsanyihiin.

Magaaladu dhinaca akhriska iyo qoraalka  si guud waxa aad moodda inuu hadda soo kobcayo, oo Soomaalida kale ay waxoogaa kaga yara danbaysay intii hore. Taliska ayaa saamayn wayn ku lahaa oo way yaraayeen bandhigyada Suugaanta, Buugaagta, iyo guud ahaan meelaha wax lagu gorfeeyaa.  Taliskii Cabdi Ilay ayaa buufis aan yarayn ka qabay, oo wuu Handaraafay akhriska, qoraalka, iyo guud ahaan waxyaabaha dadka fekerkooda baraarujiya. Sida dad badan ka warqabaan, akhriska, qoraalka , iyo wax iswayddaarsigu waa waxyaabaha khuraafaadka, keligiiteliyaha, aaddoonnimada, silcinta, iyo dadku tiirsanaantaba lagaga gudbo ee halkii aad ka sugi lahayd ama ay kugu danaysan lahaayeen aad iskufilnaansho dhaqaale, fekereed iyo dhinacwalba ka gaadho. Dadka haddii la rabo inayna baraaruginna ogaalka ayaa lagala dagaallamaa.
Hadda magaaladu dhinacaa way ka awdnayd, oo dhaqdhaqaaq lagu farxo kama lahayn. Ururrada isxilqaama, bandhigyada, iyo suugaantuba gabaabsibay ku ahaayeen (haddii ay jireenba). Kuwa jiray kollay laga waayi maayo, cid u raxlaysa oo danahiisa uu ku fushadee waxa ay ahaayeen kuwa aan madaxbannaanayn oo denihiisa, iyo kuwa xulafadiisa u adeega Taliska. Haddii ay madaxbannaanaan waayaana macno badan, iyo qiimo aynnu ku tirsanno ma yeelanayaan, waayo waa magacuyaal aan shaqadii loogu talagalay qabane dane kale ugu soo gabbanaya. Markaa halkaa waxaynnu iskaga waafaqsannahay inayna jirin (haddii ay jireenna wixii ujeeddadu ahayd aynna qabane wax kale looga faa’ideystay) wax ogaalka dadka kobciya oo akhriska iyo qoraalku ugu horreeyaan.

Hadda, magaaladu dhinacaa way ka soo kobcaysaa oo waxa aad mooddaa intaa ay madaxbannaanida u heshay inay meelo badan oo waligood xor u ahaa ay kaga dheeraysay. Arrinta xiisaha lihi waxaa weeyi in dawladdu dhallinyarada qaarkood taageerto, gaar ahaan kuwa Ururrada Akhrisa iyo Qoraalka ka shaqeeya leh. Dawladdu waxa ay ku taageertay xafiisyo ay ku shiraan iyo madallo ay wax ku soo bandhigi karaan. Ururradaa inta aan arkay waxa ay leeyihiin xafiisyo bilaash ah oo ay ku shiraan,agabkooguna u yaallo. Waa arrin lagu farxo. Hadda sida aan ka warqabo, ururada ka jira ama ka sii jiray magaalooyinka kale ee Soomaalidu malaha meelo bilaash ah oo ay ku shiraan sida ‘ Xafiis ay dawladdu siisay.’ Taas ka soo horjeedkeeda waxa ay kiraystaan oo ay xubnaha Ururku jeebkooga ka bixiyaan Xafiiska ay ku shirayaan ee agabku u yaaallo. Waa arrimaha ay Jigjigi Magaalooyinka kale kaga horreyso ee ay durtaba iyadoon sannad xornimo saxa ku naaloon gaadhay.
Arrinta aad ii farxadgelisay ee socdaalka waxbadan ka deeqday waxa ay ahayd dhallinyaro badan oo hibooyin kaladuwan leh, oo waayahan danbe ku dhiirranaysa.

Cabdirasaaq Sandheere
Febr 23, 2019.




Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"