Xasuusta Xasuuqii 1994kii ee Rwanda: Maanta 25 sano ka dib




Ruwandha, waxa ay u diyaargaroobaysaa toddobaad xus ah oo lagu xasuusanayo xasuuqii dhacay 1994kii. Muddo laga joogo 24sano Rwanda waxa ay weli xasuusantahay in ka badan 800,000 ruux oo la dilay 100kii maalmood ee uu socday qalalaasihii Hutu. 

Rwanda, waxa ay u diyaargaroobaysaa toddobaad dheer oo la xusayo 25 sano ka dib markii uu dhacay xasuuqii 1994kii, iyada oo xasuuqaasi lagu tiriyo inuu ahaa kuwii ugu xumaa ee dhacay intii lagu jiray qarnigii Labaatanaad, xasuuqaasi oo lagu dilay in ka badan 800,000 qof.

Caasimadsa Kigali diyaargaraw badan ayaa ka muuqday saacadahii la soo dhaafay, oo waxaa magaalada loo gogolxaadhayaa maalintii koowaad ee lagu xusayay, oo ah Axadda. 

Garoonka Qaranka ee Amphora, dhallinyaro Ruwaandhiis ah ayaa ku ciyaaraya, waxaynna si fiican wacdaro ugu dhigi doonaan hoggaamiyayaasha Caalamka ee Axadda Garoonka iman doona. 

" Waligeen illaawi maynno wixii inna soo dhaafay ( Tagtadii)" Deborah Mwanganjye oo ah gabadh 19 sano jir ah ayaa sidaa Al Jazeera u sheegtay.
" Waa inaan xasuusannaa tagtadeennii, oo aynnaan samayn qalad kaa hore la mid ah," Mwanganjye oo xagaagan Jaamacadda bilowday si ay u barato qaabaynta gudaha ayaa sidaa tidhi.

Sida saaxiibbadaheed oo kale, Xasuuqa oo ahaa kii ugu dhiigdaadinta badnaa ee dhacay Qarniyadii danbe - wuu taabtay shakhsiyaddeeda.
" Kaliya Aabbahay ayaa ka badbaaday xasuuqaas. Qoyskooga intii kale waa lagu laayay. In aan arrintaa liqnaa ama qaadannaa aad bay u adegtahay, se taasi waa nolosha!" Mwanganjye, ayaa sidaa tidhi iyada neefsanaysa misana eegaysay cirka daruuraha leh.

Bulshada markii xasuuqu dhacayay waxa lagu qiyaasay illaa 8 Milyan. In ka badan kala badh 12ka Milyan ee dalku waxa ay dhasheen Xasuuqa ka dib, marka loo eego Tirakoobka Rasmiga ah ee ay dawladdu samaysay.

Jean Michel, oo 19 sano jir oo taagan meel u roobka ka galay ayaa Al Jazeera sheegay inuu ka midyahay dadka aad ka u nasiibka badan ee aynna qoskiisu ku dhiman xasuuqan la xusayo.
" Waalidkey iyo dhammaan walaalahay way noolyihiin. Waan garanayaa inaan aad u nasiib fiicanahay. Balse, sidoo kale waxa aan dareemayaa xanuunka haysta saaxiibbadaydii xubnihii qoyskooga ku waayay xasuuqaas." Ardey Dugsiga sare dhammeeyay ayaa sidaa yidhi. 

Marka xasuuqaa dib loo raaco, Waddanka yar ee Badhtamaha Afrika ku yaal wuu mamnuucay in Hayb la isku tilmaamo ama la isku calaamadiyo- wuxuunna magacyadii qabiilka ka saaray Kaadhadhkii aqoonsiga. Dawladduna dadka waxa ay ku dhiirrigelisay in ay kaliya naftooda u aqoonsanaadaan inay yihiin Ruwaandhiis, se aynna hoos uga sii dagin oo Hutu, Tutsi iyo Twa sheegan, iskuna sii kala gurin.
                                                                                            

Takoorka ka dhanka ah qofka ee ku salaysan habta ama jinsiyadda qofku waxaa loo aqoonsaday Danbi, qofkana waxaa lagu ciqaabayaa laguna abaalmarinayaa Jeelka.
                                                    
" Ma arko wax aan uga baahanahay si aan nafta u aqoonsado aniga oo isticmaalaya calaamad haybaysan. Kaliya, waxa ay nagu hoggaaminaysaa wax xun, iyo takoor. Waxa aan isku arkaa inaan ahay Ruwaandhiis. Isku tilmaamidda haybeed waxa ay ku gayn doontaa jid kaliya, oo ah xasuuq." Maurice Kwizerimana, oo ah guddoomiyaha dhallinyarada ka shaqaysa caawinta Darbijiifka ayaa sidaa Al Jazeera u sheegay.

Kwizerimana, shan sano jir ayuu aha Bishii April 7deedii markii Xasuuqu bilaabmay. Wuu garanayaa sida uu u nasiib badanyahay ee uu u badbaaday.

" Way dilayeen qofkasta oo ay uga shikiyaan inuu yahay qabiilka Tutsi, xataa Carruurta. Albaab albaab ayay u tagayeen. Dabadeed, qofka jaarka ah ayaa Qoysakayaga yimid wuxuunna ii xidhay dhar. Waxa aan isku ekaysiiyay gabadh; waanna sababta aan u badbaaday!" Sidaas ayuu yidhi.

Inaa abtidii mid nasiible may ahayn. Inta la kufsaday ayaa haddana la afduubay oo la dilay! Kwizerimana, ayaa yidhi. Saddexdooduba aad bay ugu hanwaynyihiin sida waddankoogii noqday xasuuqii ka dib.

" Aad baan ugu faraxsanahay ugu hanwaynahay inaan noqdo Ruwaandhiis. Maalmo madaw oo badan ayaan ka imannaya, hore ayaanan u soconnay. Waddankayagu mustaqbal ifaya ayuu leeyahay. Xoogga waddankayagu waa dhallinyaradiisa." Iradukunda ayaa sidaa yidhi. 
Thiery Getete, wa falanqeeye Siyaasadeed oo deggan Kigali, wuu ku raacay intaas. Balse, wuxu ku sii daray in dalku uu qorshe fiican ka leeyahay in qaladaadkii dhacay aynna dib u soo noqon. 
" Aragtida xasuuqu dadka qaarkood ayay hadda maskaxdooda ku sii jirtaa. Ma badna, balse, qaar ka mid ah. Dhammaan Ruwaandhiisku waa inay waxbadan qabtaan, si ay caqabadaha u wajahaan, maskaxdoodana baddelaan." Gatete, ayaa sidaa yidhi.

In ka badan 100,00 oo qof ayaa loo xidhay doorkii ay ku lahaayeen xasuuqa. Balse, dhallinyarada Ruwaandhiisku way cafiyeen, si hore loogu socdo horumarka. 

" Ma illaawaynno shey yadii xumaa ee lagu sameeyay qoysaskayaga. Balse, waan cafinnay danbiilaha. Waa sheyga kaliya ee aan samayn karno haddii aan rabno in waddankeennu hore u socdo." Mwanganjye, ayaa yidhi.


W/Q: Hamza Mohammed [Af Ingiriisi].
SOURCE: AL JAZEERA NEW
06 March, 2019

W/T: Cabdirasaaq Sandheere [ Af Soomaali].
dirazaqsandheere.blogspot.com/#
07 March, 2019








Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?