Duruuftu waxwalba way kugu Kalliftaa!


             
          
Dhimashadii Aabbahay ka dib, waxa aan si dhab ah u xaqiiqsaday sida ay noloshu u adagtahay, iyo sida Aabbahay u wejihi jiray si uu maalin walba saddex jeer noo siiyo cunto; uuna na siiyo meel aan seexanno.

Aabbahay wuxuu ahaa shaqaale, wuxuuna u shaqayn jiray dad, oo guryahooga ayuu ka shaqayn jiray! Waligii maalinkasta shaqo ma qaban jirin! Balse, wuxuu ahaa qof farxad badan, noomana oggolaan jirin in shay nagu adkaado oo aannu shey uun wax caqabada kala kulanno. Aniga iyo hooyadey farxaddiisaannu la qabnay! Hooyadeynna waxa ay ahayd afada ugu farxadda badan abidkeed. Shey kale maanaan haysan aan ahayn sariirta gurigayaga taalla.
Aabbahay, had iyo jeer wuxuu nagu odhan jiray; “ Ka dib marka aan maalinta oo dhan soo shaqeeyo ee aan shaqo adag soo qabto, marka aan guriga ku soo laabto ee aan arko labadiinna ( xaaska iyo wiilka) oo dhoollacaddayna, waxa aan illaawaa wixii xanuun aha4a ee aan qabay iyo daalkii!”

Sheyna nolosheyda maan qaban, illaa haddii aan qabtay Aabbaan caawin jiray.Wiilka kaliya ee qoyska jooga ayaan ahaa; sidaa daraaddeed Hooyadayd iyo aabbahay iimay oggolaaan jirin in aan waxka ogaado werwerka nolosha iyo halganka ay samaynayaan! Si kasta oo ay xaaladdu tahay Aabbahay wuxuu ii dammaanad qaaday inaan waxbarashada sii wato.
Balse, ka dib markii Aabbahay uu dhintay, noloshayadii way burburtay waynna madoobaatay! Xataa haddii aan maaraynno cuntada saddexda waqti, Hooyaday shaqada ugu adag ayay guriga ka qaban jirtay. Wax shaqo ahi kama jirin Tuuladayada. Anna ma aqoon oo wax fekrada kama haysan sida looga shaqeeyo dhulka dadka. Sidaa daraaddeed, qofna shaqo ima siin. Waan rajaynayay inaan wuxuun qabto, balse waxaa jiray fursado yaryar si aan uga faa’ideysto, da’dan.
Balse, uma adkeysan karo inaan arko Hooyadey oo bilaa cunto ah. Bishii hore waxa aan tagay Dhaka si aan shaqaale Maalineed u noqdo oo maalintii shaqeeyo. Bilowgii aad bau u adkayd! Balse, ismadhiibin. Markasta oo aan doono in aan isdhiibo wejigaygii Aabbahay hortayda iiga soo muuqda.
Hadda shaqaale maalintii shaqeeya ayaan ahay. Waxa aan qaadaa Lowdhadh culus oo dhuxul, ciid, iyo dhagaxaan ah. Waxa aan aniga iyo Hooyaday maalin walba macaashnaa 300!
Waxa aan bartay in gaajada iyo masuuliyaddu ay igaga waynyihiin lowdhadhkan dhuxusha, Ciidda iyo dhagaxaanta ah.

_ Younus
Waxa lagu daabacay Bogga FB: GMB Akash
W/T: Cabdirasaaq Sandheere



Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?