Waa Maxay Caqiido Iyo Iimaan?



Eraygu asal ahaan waa Af Carabi; wuxuuna ka yimid ficilka maaddi (tage) oo ah “Caqada”─macnaheegu waa marka xadhiga la gunto. Luuqo ahaan waxay noqonaysaa guntin. Sharci ahaan waxa weeyi “ Rumeynta Allah, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa, Rasuulladiisa, Maalinta Aakhiro, iyo rumeynta qaddarka khayrkiisa iyo sharkiisa.” Marka sidan loo qeexo waxay isku qeexid yihiin Iimaanka. Sida lagu sheegay Kitaabka Caqiidada ee ay diyaariyeen Culimo badan.
Halkan caqiido, Af Soomaali waxaa u dhawaanaya oo innoo buuxinaya Aaminaad. Oo waa wuxuu qofku aamino ee uu rumeeyo; wixii ku dhacana kaga falceliyo. Qofku wuxuu rumeysanyahay uun buu ku dhaqmaa hawadiisana ha ahaatee.
Dabeecadaha Bini-aadanka ayay ka mid tahay in qofku wax rumeeyaa, wuxuu doonaba ha rumeeyee. Waayo, ma jiro adduunka qof bilaa rumeyn ahi, qofkastaa wax buu rumeysanyahay. Mid hawadiisa rumeysan oo Ilaah ka dhigtay. Mid lo’ rumeysan oo Ilaah ka dhigtay. Mid dab rumeeyay oo Ilaah ka dhigtay. Mid wax aan nooleyn rumeeyay oo Ilaah ka dhigtay…….
Waxaa ugu fiican oo badbaadaya ka Allah kelidii rumeeya. Dhammaan kuwaasi waa khuraafaad iyo wax aan jirin.

Ahmiyadda Caqiidada Qofka Muslimka ah
Caqiidadu muhiimad weyn ayay leedahay. Nebigu SCW muddo 13sano ah ayuu Maka joogey oo uu dadka Tawxiidka ugu yeedhayay iyo in ay Allah cibaadada u badhaxtiraan; si ay caqiidadooda u saxaan.
Nebiguu SCW haddii uu diro nin daaci ah oo uu qoom u diro; wuxuu amri jiray in uu dacwadda ka bilaabo Tawxiidka Allah iyo in aan cibaadada waxba lala wadaajin. Sidii uu ugu dardaarmay Mucaad Bin Jabal, markii uu Yaman u diray. Wuxuuna ku yidhi “ Waxa aad u tagi doontaa qoom Ehlul Kitaab ah, sheyga koowaad ee aad ugu yeedhaysaa ha ahaado ‘in ay Allah kaliyeeyaan’….”
1-     Caqiidad wanaagsani waa aasaaska dhismaha bulsho wanaagsan.
2-   Waxa ay sabab u tahay toosnida shakhsiyadda qofka iyo habfekerkiisa.
3-   Waxa ay sabab u tahay in qofka camalada laga aqbalo.
4-   Waxa ay sabab u tahay in qofku Jannada galo, naartana ka badbaado.
                   Waa Maxay Iimaanku?
Imaanku af Soomaali maahee waa Af Carabi. Haddii laga tagi waayana wuu Soomaaliyoobay. Halkaa Luuqadda carbeed lafteed eraygan “ Iimaan”─wuxuu ka yimid ficil maaddiga la yidhaa “ Aamana~ Wuu rumeeyay”oo ah wuu rumeeyay, shay tagayna sheegaysa. Wuu isbedbeddelaa ficilkaasi oo dhawr nooc oo kala geddisan ayuu ku yimaad; jirrid ahaanse ficilkaa maaddi ka wada abuurmay. Hadda ahaan “ Iimaan” waa magac waxa ay culimada luuqaddu yidhaahdaan, oo waxbuu sheegayaa. Carabi ahaan mararka qaar waxaa lagu macneeyaa ‘ Qirid.’ Af Soomaali haddii aynnu ku soo dhawaynno waa “ Rumeyn.”
Sharci ahaan ama sida Diinta Islaamku u badhitaartay wuxuu noqonayaa “ Carrabka oo lagaga dhawaaqo, qalbiga oo laga rumeeyo iyo xubnaha oo laga sameeyo wixii la rumeeyay.” Hadalkaa waxaa ku jira saddex kala geddisan oo  mid kastaa qeexid dheer iyo caddayn badan u baahantahay. Lagana yaabaa in aad iswayddiiso qeexiddaa ma culida qaar ayaa iska jeclaaday, xaggee laga keenay? Waqtigii Nebigga ma jirtay?!
Inyar qalbiga iisoo jeeddi aynnu isla eegnee:
A)  Ta koowaad waxa aynnu ku sheegnay Iimaanka in uu yahay “Carrabka oo lagaga dhawaaqo.” Sidaa saw maaha? Haa. Haddaba waxaa u daliil ah Allah markii uu Ummadda Nebigga rumeysay si dhaba ugu dhawaaqayay wuxuu lahaa: “ Waxa aad tidhaahdaan ilaahay baan rumeynay iyo wixii uu noo soo dajiyay.” Ka eeg[ Suuradda Al-Baqara, aayadda 136].
B)   Ta labaad waxa aan ku sheegnay Iimaanku in uu yahay “Qalbiga oo laga rumeeyo.” Saw ilama socotid? Kaalay ila dhegayso hadalka Rabbi uu yidhi: “ ..Markii uu Iimaanku qalbigooga galay…” Ka eeg [ Suuradda Al-Xujuraat, Aayadda 14].
C)   Ta saddexaad waxa aan ku sheegnay “ Xubnaha oo laga sameeyo” oo ah in xubnihii wixii ay rumeeyeenna ka runsheegaan oo uu ka muuqdo. Allah Qur’aankiisa wuxuu boqollaal jeer ku sheegay cibaadooyin badan oo uu leeyahay sameeya. Waxa ka mid ah salaadda, Sakada, Xajka, Sadaqada…… wad uun. Allah SWT wuxuu yidhi “ Salaadda oogga oo Sakada bixiya oo la rukuuca kuwa rukuucaya.”  Ka eeg [ Suuradda Al-Baqara, aayadda 43].
Intaasi waa qeyb ka mid ah daliillada Qur’aanka Kariimka ah; aadbay u badanyihiin oo halkan kuma soo koobi karno muunad ahaan ayaynu usoo qaadannay. Sidoo kale Axaadiista tilmaamaysaa ciidda ayay ka badanyihiin. Hal Xadiis oo saddexdaa qodob ee Iimaanku ku yahay ah aynu soo qaadanno. Ila dhugo oo dhaayaha fur:
Nebigga SCW wuxuu yidhi: “ Iimaanku waa dhawr iyo toddobaatan ama dhawr iyo lixdan qaybood. Waxaa ugu fadli badan hadalka ah “ Allah mooyee Alle kale oo xaq lagu caabudaa ma jiro.” Waxaanna ugu hooseeya waddada/dariiqa oo dhagaxa laga qaado. Xishoodkuna waa qeybn Iimaanka ka mid ah.” [ Waxaa wariyay Imaamu Muslim 1/63, Xadiiska Lanbaekiisu waa 35].
Aynnu kala saafno Xadiiskaa oo aynnu mid kasta ka soo saarno saddexdii aynnu Iimaanka ku qeexnay:
1)     Xadiiska waxaa ku jirta hadalka ah in lagu dhawaaqo “ Allah mooyee Alle kale oo xaq lagu caabudaa ma jiro.”Halkee shayga lagaga dhawaaqaa? Carrabka saw maaha? Haa, carrabka.
2)   Waxaa Xadiiska ku jira in qofku waddada ka qaado wixii dhiba ama dhagaxaanna. Ma qalbigaa lagaga qaadayaa mise xubnaha ay gacantu u horrayso? Xubnaha. Taasina ma tahay qeexiddii saddexaad ee Iimaanka ee ahayd: “
3)   Xadiiska waxa kale oo ku jira “ Xishoodkuna waa qayb Iimaanka ka mid ah.” Xishoodku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha xisiga ah ee qofka qalbigiisa ku jira. Qalbiga ayuunna ka soo go’aa.
Xadiiskuna wakaa saddexdiiba innoo sheegay. Waxaa jira xadiis kale oo Nebiggu yidhi: “ Kiinna arka xumaan, gacmihiisa wax ha kaga baddelo (qabto). Haddii uu awooddi waayana carrabka. Haddii uu awooddi waayana qalbiga; taasina waa iimaanka halka ugu hooseysa.” [Imaam muslim baa wariyay 1/79, Lambarka Xadiisku waa 39].
Xadiiskaa labaadna saddexdiiba shaki la’aan way ku dhanyihiin oo waa kuwaa ku xarriiqan ee lagu nuuxnuuxsaday. Meel loo dhaafaanna ma jirto.
Rag farabadan oo markay bateen  goosan noqday ayaa diiddan Iimaankaa saddexda aynnu u qaybinnay, ee daliilladana raacinnay.
-Qaarkood waxa ay ku doodayaan Iimaanku waa kaliya in laga rumeeyo qalbiga! Waxa ay diiddayaan oo aynna oggolayn in Xubnaha wax laga sameeyo iyo in Carrabka lagaga dhawaaqo.
-Kuwa kale cagsiga kuwaa weeyi oo waxa ay leeyihiin Iimaanku waa in carrabka uun lagaga dhawaaqo, oo in aan qalbiga ka qiro in aan xubnaha kaga shaqeeyo midna maaha! Kuwa sidaa ku dooda waxaa ka mid ah Karraamiya, sida Sheekh Fawsaan Sharraxa gabayga Xaa’iya ku sheegay.
-Kuwa kale kuwaaba way ka dareen oo waxa ay leeyihiin Iimaan ku waa in kaliya qofku xubnaha kaga shaqeeyo oo dhammaan qalbiga ka qirin, carrabka kaga dhawaaqine uu iska daayo!
Iimaanku wuu siyaadaa ama wuu naaqusaa. Allah Qur’aanka wuxuu ku yidhi: “ Mu’miniintu haddii lagu dul akhriyo Aayadahaga Iimaankoogu wuu siyaadaa…….” Ka Eeg [Suuradda Suuradda Al-Anfaal Aayadda 2].

                                         Arkaanta Iimaanka
Haddii aynnu Iimaanka isla soo fahannay si guud iyo gaara ahaaneed wuxuu yahay; haddana aynnu isla garanno waxyaabaha uu ku dhisanyahay iyo waxyaabaha qofka laga rabo in uu rumeeyo. Arkaanta Iimaanku waa lix tiir oo waaweyn mid kastaana gaar ahaantii qabsamo oo faracyo iyo qayba kala cayncayn ah noqda. Dhammaantood xabbadxabbad ayaynu usoo qaadan; daliilkanna waynnu raacin.

                                        1)     Rumeynta Allah
Rumeynta Allah macnaheegu waa caan. Waxaynnu se ku soo uruin karnaa “ Waa rumeyn badhaxtiran oo la rumeeyo Allah kalidii iyo in uu shay kasta isagu Rabbi u yahay, maamulo oo uu isagu abuuray [Tawxiid Rububiya]. Sidoo kale, in uu yahay ka mutaystay Caabudaada kalidii [Tawxiidu Uluuhiya]. in la rumeeyo in uu leeyahay magacaan wanaagsan  iyo in uu ku sifoobay sifooyin dhammaystiran oo ka dhawrsan naaqusni iyo ceeb [Tawxiidu Asmaa Wa Sifaat].”
Rumeynta Allah, ee aynnu halkaa ku sheegnay, waxaa loo qaybin karaa saddex nooc:
A)  Tawxiidka Rububiya( Oo ah qeybtaa aynnu lahayn in Allah kalidii la rumeeyo oo aan waxba lala wadaajin).
B)   Tawxiidka Uluuhiya ( Oo ah qeybtaa aynnu lahayn in Cibaadada isagu kalidii leeyahay).
C)   Tawxiidka Asmaa Wa Sifaat ( Oo ah qaybtaa aynnu lahayn Rumeynta Allah Magacaantiisa wanaagsan).
A)  TAWXIIDKA RUBUBIYA
Waa rumeynta in Allah kali yahay, oo uu kali ku yahay abuurka, arsaaqidda, mulkiga, maamulka noolaynta, geerid IWM. Waxaanna u daliil ah hadalka uu Allah yidhi: “ Hooy Allah uun buu abuurka iyo arrinkuba u ahaaday…….” Ka eeg [  Suuradda Al-Acraaf, Aayadda 54].
Gaaladii noolayd waqtigii Nebigga SCW way qirayeen in Allah jiro, balse, Islaamka in ay ku soo galayaan lamasheeggin, manay soo galin, iyaga oo qiraya gaaladaa ayay iska ahaayeen. Allah markuu Qur’aanka ka sheekaysanay wuxuu yidhi: “ Haddii aad wayddiiso yaa abuuray samooyinka iyo dhulka, waxay ku odhan ‘Allah’.” Ka Eeg [ Suuradda Luqmaan, Aayadda 25].
Haddaynu sunnada eegno, Nebiggu SCW wuula dagaalamay nimankaa qirayay Allah, balse, cibaadada u diiddanaa. Haddii ay Muslimiin yihiin miyuu Nebiggu SCW la dagaalami lahaa?! May. Xaashaa, haka yaabin.

B)   TAWXIIDKA ULUUHIYA
Waa rumeynta in Allah kelidii la caabudo, isaguna xaqmutay. Dhammaan jaadadka kala duwan ee cibaadadu way soo galayaan sida: Allaberiga, Alle-ka-cabsiga, jacelka, Salaadda, Xajka, Tawbada, IWM.
Allah markii uu sheegayay ujeeddada (muhiimadda) uu u abuuray Jinka iyo Insiga, wuxuu ku sheegay: “ Jinka iyo Insiga uma abuurin in ay I caabudaan mooyaane wax kale.” Ka Eeg [Suuradda Ad-Daariyaat, Aayadda 56].
Allah markale wuxuu ku yidhi: “ Ummad kasta waxa aan u soo dirnay Rasuul, kaas oo faraya Allah caabuda oo ka fogaadda Daaquutka.” Ka eeg [Suuradda An-Naxli, Aayadda 36].
Dhammaan Nebiyaddii uu Allah soo diray waxay ku yeedhayeen ‘ In Allah ay kaliyeeyaan”. Akhri qisada Nebi Muuse, waxa aad aeki isaga oo la doodaya ninkii Fircoon ee Ilaahnimada sheegtay. Allah iima tihide Allahay waa rabbiga weyn isaga oo ugu jawaabaya ayaad arki. Dhugo qisada Nebi Shuceyb, waxaad arki isaga oo tolkii dabarooraya oo Allah kelidii caabuda tolkayow lehe. Fiirfiiri qisada Nebi Nuux, waxa aad arki isaga oo tolkii 950sano faraqa haystay oo Allah kelidii uun caabud ku leh. Baadhbaadh qisada Nebi Huud, waxa aad arki isaga oo tolkii waqti badan Allah kalidii caabuda ku hayay. U kuurgal oo saacado booqo Suuradda Huud, waxa aad arki kumannaan qiso iyo Aayadood oo ka warramaya in Nebiyadu tolkood ugu baaqayeen in ay Allah kalidii caabudaan.
Nebiggu SCW wuxuu yidhi: “ Waxaa la I amray in aan dadka la dagaalamo illaa ay qirayaan in Allah mooyee Allah kale oo xaq lagu caabudaa jirin, Muxammedna Rasuulkii Allah yahay..” [waxaa wariyay Imaam Bukhaari 1/75. Lambarka Xadiisku waa 25]. Sidoo kale Imaan Muslim 1/53, lanbarka Xadiisku waa 22].
Kalmadahaa qaaliga ahi ee “لا إِلَهَ إِلَّا  اللَّهُ    Allah mooyee Alla kale oo xaq lagu caabudaa ma jiro.” Wuxuu ka koobanyahay:  1) Diidid 2) Iyo sugid.
Inta hore ee “ (لا إِلَهَ )Laa Ilaaha..” waa diidmo, oo waxa ay diidaysaa in cid xaq lagu caabudaa aynna jirin.
Inta kale ee “ (إِلَّا  اللَّهُ   )Illa laah” waa sugmid─oo waxa ay sugaysaa halkaa hore ee “ Laa ilaaha” waxay ka soo reebaysaa in uu jiro Allah kaliya oo xaq lagu caabudo.
Kalmaddaa qaaliga ahi waxa ay u baahantahay shardiyo qofkii ku dhawaaqa laga arko oo ka muuqdo si loo ogaado in uu run ka sheegayo. Shardiyadaaasi waa siddeed shardi oo midkasta daliil cad loo hayo, waxa ay kala yihiin:
1)     Aqoon: in qofku ogaado maxay kalmadahaaasi sugayaan maxayse diidayaan. Alla wuxuu Qur’aanka ku yidhi: “ Ogow in Allah mooyee Alle kale oo xaq lagu caabudaa aannu jirin, Allahna danbidhaaf wayddiiso..” [Suuuradda Muxammed , Aayadda 19].
Nebigguna wuxuu yidhi: “ Qofka dhinta isaga oo og in Allah mooyee Alle kale oo xaq lagu caabudaa annu jirin, Jannada ayuu galayaa.” [ Waxa wariyay imam Muslim 1/55. Lambarka Xadiiska 26].
2)   Yaqiin: Oo ah yaqiin deeddifaynaysa shakiga. Abuu Hureyra RC wuxuu Nebigga SCW ka warinayaa: “ Addoonka ay si dhaba oo aan shaki ku jirin u qira in Allah mooyee Alleh kale jirin, anna rasuulkiisii ahay jannada ayuu galayaa.” [ Waxa wariyay Muslim 1/55-57. Lambarka Xadiiska 27].
3)   Badhaxtirid (Ikhlaas): Waanna Allah oo dartii oo loogu dhawaaqo. Allah wuxuu yidhi: “ Allah caabud adiga oo u badhaxyeelaya Diinta.” [ Suuradda Sumar, Aayadda 3.”
Nebiggu SCW wuxuu yidhi: “ Dadka kuwa ugu wanaagsan ee Shafeecaqaadkayga helaya maalint Qiyaame waa cidda tidhaa ‘ Allah mooyee Allah kale oo xaq lagu caabudaa ma jiro’ waliba si badhaxtiran uga tidhaa qalbiga iyo naftaba.” [Waxa wariyay Bukhaari 1/193, Fatxi. Lambarka xadiiska 99].
4)   Ka Runsheegid: Waa in dhawaaqeeda laga runsheegaa oo aan laga beensheegin.
Nebigga SCW wuxuu yidhi: “Allah mooyee Allah kale oo xaq lagu caabudaa in aanu jirin, Muxammed Rasuulkii Allah soo diray yahay isaga oo waloba qalbigiisa ka runtahay, Allah wuxuu ka xaaraantinimeeyaa Naarta.” [ Waxa wariyay Bukhaari, 1/226, Fatxi. Lambarka Xadiiska 128. Iyo Muslim 1/61. Lambarka Xadiiska 23].
5)    Jaceyl: in la jeclaado waxa ay koobsanayso iyo cidda ku dhaqanta nuxurkeeda.
6)   Hoggaansan: In loo hoggaansamo waxa ay farayso, waxa ay deeddifaynaysana in laga fogaado.
Allah wuxuu yidhi: “ Allah isku dhiiba oo u hoggaansama..” [Suuradda Sumar, Aayadda 54].

C)   TAWXIIDKA ASMAA WA SIFAAT
Waa rumeynta la rumaynayo in Allah SWTC leeyahay magacaan wanaagsan, kuna sifaysanyahay waxkasta oo dhammaystir ah, kana nasahanyahay waxkasta oo gaabis (Naaqusnaan) ah. Sidoo kale in la rumeeyo waxkasta ooAllah u sugay naftiisa, ama uu Rasuulku ku sifeeyay; in si dhaba loogu sugo iyada oo aan la tusaalaynayn, la diiddayn, la baddelayn lana sideeyaynay (kayfiyaynay); sida uu Allah yidhi: “ Wax lagu tusaaleeyo Allah ma jiro, waana Alle wax og oo wax arka.” [Suuradda Shura, Aayadda 11].
In Allah Magacaan leeyahay waxaa u daliil ah Aayadda Allah yidhi: “ Allah wuxuu leeyahay magacaan wanwanaagsane ku barya; iskaga taga kuwa leexinaya magacaantiisa, wuu ka abaalmarindoonaa waxa ay shaqeysteene.” [Suuradda Al-Acraaf, Aayadda 180].
Sidaa magacaanta la innoogu sheegay ayaan innaga oo aan farafaryn rumeynaynaa. Ma sideeyaynayno oo “ waa sidee” odhan mayno. Waayo, sida ay yihiin Allah mooyee noole kale ma ogin sifaadka Ilaahay.
 Iimaam Maalik, markii la wayddiiyay su’aashii ku saabsanayd Istawaha Aayadda Qur’aanka ah lagu sheegay : “ Allah Naxariistaa Carshigiisa ayuu ku istawooday..”  wuxuu ku jawaabay “ Istawaha waalla garanayaa, kayfiyaduna lamagaranayo oo jaahil baa laga yahay, in la rumeeyaana waa waajib,  su’aashuna [in su’aasha waa sidee la iska wayddiiyaana] waa bidco..” [ Eeg Tadkiratul Al-Xufaad Ad-Dahabi 1/209, iyo Majmuucul Fataawaha Ibn Taymiya 3/167 ama 5/365].
Imaam Axmed, wuxuu yidhi: “ Allah ku sifeeya wuxuu ku sifeeyay naftiisa, una diidda wuxuu naftiisa u diiday.” [ Munaaqib Ibn Axmed oo uu qoray Ibn Jawsi, bogga 221].
Imaam Abuu Xaniifa, wuxuu yidhi: “Allah laguma sifeeyo sifooyinka makhluuqa, cadhada iyo raalli ahaanshuhu waa sifooyinkiisa bilaa kayfiyad. Waana hadalka Ahlu Sunna Waljamaaca.. waxaannanu ku sifaynaynaa waxa uu Allah ku sifeeyay naftiisa..” [Fiqu Al-Absad, bogga 56].
Sifooyinka Ilaahay waxa ka mid ah:
1)     Nolosha. Allah wuxuu yidhi: “ Allah mooyee Allah xaq lagu caabudaa ma jiro, Allah nool ee qayuumka ah..” [Suuradda Al-Baqara, Aayadda 255].
2)   Cilmiga: Allah wuxuu leeyahay magaca ‘ Caliim’─sidoo kale waa sifo uu isku sugay Rabbi. Allah wuxuu yidhi: “ Allah shey kasta wuu  cilmi buu u leeyahay (wuu ogyahay)…” [Suradda At- Tawba, Aayadda 1115].
3)   Awoodda: Allah wuxuu leeyahay sifada awooddida la yidhaa.  Qur’anka wuxuu ku yidhi: “ Allah shay kasta wuu awooddaa.” [Suuradda Al-Xashar, Aayadda 6].
4)   Maqalka Iyo Aragga: Waa labo sidoo kale labo sifo oo midba gaar ahaanteed Allah ugu qummanto. Awoodda maqalka iyo araggaba Allah wuu isku sugay. Allah wuxuu yidhi: “ Wax lagu tusaaleeyo Allah ma jiro, waana Alle wax o goo wax arka.” [Suuradda Shura, Aayadda 11].
5)    Hadalka: Awoodda hadalkuna waa sifo kale oo Allah leeyahay.  Waxaynu  u rumaynaynaa sida la innoogu sheegay; oo Allah goorta uu doono ayuu hadlaa, cidda uu doonana wuu la hadla sida uu dooana wuu u hadlaa. Allah wuxuu yidhi: “….Allah wuxuu la hadlay Muuse Hadal.” [Suuradda An-Nisa, Aayadda 164].
6)   Doonidda: sifada doonida Rabbi wuu leeyahay, wuxuu doonana wuu sameeyaa. Allah wuxuu yidhi: “ [Allah] wuxuu sameeyaa wuxuu doono.” [Suuradda Al-Buruuj, Aayadda 16].
7)    Labadagacmood: Sifada in uu gacmo leeyahay waa in la sugaa iyada oo aan la kayfiyadaynayn. Allah wuxuu yidhi: “ Maxaa kuu diidday in aad u sujuuddo wixii aan ku abuuray labadayda gacmoo…” [Suuradda Saad, Aayadda  75].

                      Rukniga 2aad
                   Rumeynta Malaa’igta

Waa maxay malaa’igtu? Waanna ayo?

Malaa’igtu eray ahaan waa Af Carabi ( Malaa’ik) . Halkanse wuu Af Soomaaliyoobey oo Soomaalidu sidii ay ugu dhawaaqi karaysay ayay u dhalanrogtay oo waata ‘Malaa’ig’ tidhi.
Waa abuur ka mid ah abuurka Allah ee makhluuqa. Waanna la innaga qariyay oo waa ‘ Caalamka Qeybka’─waa addoommo karaamaysan. Waxba ma cunaan waxna ma cabbaan. Waxa ay leeyihiin awoodda in ay iska dhigi karaan sawirro kala duwan. Waxaa laga abuuray iftiin. Waxa ay u hoggaansanyihiin amarka Rabbi.

Waxaa u daliil ah rumeyntooda hadalka Allah yidhi: “ Rasuulku wuxuu rumeeyay wixii xagga Rabbi lagaga soo dajiyay; mu’miniintuna way rumeeyeen. Dhammaantood waxa ay rumeeyeen Allah, Malaa’igtiisa, iyo rusushiisa…..”[Suuradda Al-Baqara, Aayadda 285].

Nebiguu SCW wuxuu yidhi: “ malaa’igta waxaa laga uumay iftiin, Jinkana waxaa laga abuuray naar, Aadanna waxaa laga abuuray wixii la idiin sifeeyay [ oo  Ciid ah]…” [ Waxa wariyay Imaam Muslim 4/2294, Lambarka Axaadiiska 2996].

Waxaa innagaga waajib ah Malaa’igta in:
A)  In la rumeeyo in ay jiraan.
B)   In la rumeeyo in ay yihiin addoomo Ilaahay iyo abuur ah sida Jinka iyo Insiga.
C)   In la rumeeyo shaqadooda iyo sifooyinkooga.
D)  In la jeclaado lana qaddariyo.
Sifooyinkooga waxaa ka mid ah:
A)  Garbo ayay leeyihiin. Allah wuxuu yidhi: “ Waxaa mahadleh Allah samada abuuray  Malaa’igtana wuxuu ka yeelay….. kuwo leh garbo, labalaba, saddexsaddex, afar’afar…….” [Suuradda Al-Faadir, Aayadda 1].
B)   Awoodda in ay meteli karaan suuradda bini-aadanka ayay leeyihiin: Allah wuxuu yidhi: “ Wuxuu u ekaysiiyay bashar….” [ Suuradda Al- Maryan, Aayadda 17].
C)   Way soo dagaan: Waxay ku sifaysanyihiin soo degitaan.  Allah wuxuu yidhi: “ Waxaa soo dagta malaa’igta……..” [ Suuradda Al-Qadar, Aayadda  4].
Qaar ka mid ah magacaantooda:
A)  Jibriil B) Miikaa’iil. C) Israafiil. D) Munkar iyo Nakiir.

Maxay qabtaan?
Shaqooyin badan ayay qabtaan. Waxaa ka mid ah:
1)     Malaga Buuraha.
2)   Malaga Waxyiga.
3)   Malag loo wakiishay uurjiifta caloosha hooyada ku jirta.
4)   Malaga suurta Qiyaamme ku dhufanaya.
5)    Labada Mala gee qabriga.
6)   Kuwo loo wakiilay ilaalinta addoonka.
7)    Kuwa loo wakiilay Naarta iyo Jannada.
8)   Kuwa Roobka loo wakiilay.
9)   Kuwa loo wakiilay naf-ka-qaaddida addoommaha.

 W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
   21 May, 2018.
  05-09-1439

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?