Xog ku Saabsan Magaalada BOORAMA


 Magaalada Boorama waa caasimadda gobolka Awdal. Sidoo kale waa caasimadda labaad ee Soomaalilaan. Waxa ay ku taallaa Galbeedka Soomaalilan, waxa ay xuduud la leedahay Itoobbiya.

Dhul waxoogaaya ayay ku fadhidaa oo aan ka yarayn  14 km². Waxaana Maayar ka ah Maxammed Xasan Maydhane.

Si guud magaaladu waxay u qaybsantaa afar Xaafadood: Xaafadda Sh. Cali Jawhar, Xaafadda Sh. Axmed Gurey, Xaafadda Sh. Cismaan, iyo Xaafadda Sh. Makaahiil.

Magaaladu biyo iyo laydh ku filan ayay heshaa. Adeegga biyaha waxaa siisa Shirkadda SHABA; halka adeegga laydhkana ay siiyaan labada Shirkadood ee Aloog Electiricity iyo Telesom Electric Company.

Boorama, waxa ay ku taallaa dhul buuralley ah, oo afarta Koorne ee magaalada waxaa ku wareegsan buuro. Buuruhu magaalada bilic iyo bidhaan gaar ah ayay u sameeyaan. Waxaanna ku yaalla Buuraha ugu waaweyn Geeska Afrika sida buurta ‘Saw’─oo xagga koonfurgalbeed magaalada kaga taal. Dhulgariir way leedahay oo wuuka dhacaa, inta badanna buurta Saw ayaa gariirta iyo buuraha magaalada ku hareeraysan.

Waa magaalo nabad ah, kuna jirta magaaloyinka ugu ammaanka badan Geeska Afrika. Qas badan iyo rabshado kamadhacaan. Qofku 2da habeennimo ayuu soconkaraa isaga oo aan waxyeello ka cabsanayn.

Magaaladu aad ayay usoo koraysaa oo dhismayaal badan oo fooqaq u badan ayaa ka socda. Inta badanna waxa aad usoo degaya Qurbajoog dalka debaddiisa kasoo guryanoqonaysa. Magaaladu waxa  hadda sooo koraya ganacsiyada yaryar oo soo badanaya. Sidoo kale waxa y leedahay Bustaanno, iyo beero waaweyn.

Dakhligu magaaladu inta ugu badan wuxuu ku tiirsanyahay waxbarashada, beeraha, ganacsiga iyo xoolahanool . Waxaa iyadana jirta in qoysas badan ku xidhanyihiin Qurbajoogta, oo masaariifta iyo nololmaalmeedka looga soo diro dalka debaddiisa.

Magaaladu waa magaalada aqoonta; waxaynna ka mid tahay meelihii ugu horreeyey ee waxbarashada Soomaalida laga bilaabay waqtiyadii hore.  Boorama, waa magaalo ku caan ah aqoonyahanno iyo tacliin heersare ah. Magaalada waxaa hadda ka aasaasan Jaamacadda Camuud ah oo ah Jaamacad guun ah kana mid ah Jaamacadihii ugu horreeyay ee la furey, intayna jaamacad noqon ka horna waaxa ay ahayd Dugsi sare.

Magaalada dadkeedu aad bay wax u bartaan, waxaana ku yaalla jaamacado badan oo ay ka mid yihiin: Jaamacadda Cammuud, Jaamacadda Eelo, Jaamacadda Horn, Jaamacadda Admas, Jaamacadda Adal, iyo Jaamacadda Beder.

Dad aad u farabadan ayaa aqoonta heerarkeeda kaladuwan ee Dugsi iyo Jaamacadba leh usoo doontay. Qaar Dugsiyo sare ayay u yimaadden magaalada; halka qaar kalana uga yimaaddeen Jaamacadaha ku yaal. Ardayda Jaamacadaha badankoodu meelo kalageddisan ayay uga soo jarmaadeen.

Waxa kale oo ku yaalla Dugsiyo badan waxaana ka mid ah: Dugsiga sare ee Sh. Cali Jawhar, Dugsiga sare ee Ubaya Binu  Kacab, Dugsiga sare ee Al-Nuur, Dugsiga sare ee Aadan Isaaq, Dugsiga sare ee Al-Aqsa, Dugsiga sare ee Al-qalam, iyo kuwa kale.
Sidoo kale kuwa Hoose/Dhexe waxaa ka mid ah: Dugsiga Al-Quds, Dugsiga Galbeedi, Dugsiga Sh. Cabdiraxmaan Qaadi, Dugsiga Sh.Cabdiqaadir Sh. Jaamac, iyo kuwo kale oo badan.

Waa halkii ugu horreysay ee laga sameeyo ‘Dugsi Dhegoolayaal’ ay dhigtaan oo xarun u gaar ah loo sameeyo. Illaa hadda dhegoolayaal badan ayaa dhigta, waxaana dhistay gabadh caddaan ah oo Annalena la yidhaa, islamarkaana magaceega ayaa loogu magacdaray oo waxaa loo bixiyay “ Annelana Deaf School.’

 Inta badan waa magaalo roobban oo gugii oo dhan roob ku kama qaado. Jiilaalkii qabaw way leedahay oo dhaxantu bisha Diisamber way soo dhacdaa. Jawigeedu wuu degganyahay oo magaalo qabow iyo kulayl u dhexaysa, kulaylku celcelis ahaan wuxuu gaadhaa  24.1 °c. Dhir qurux badan oo indha’daraandar leh ayay leedahay oo magaaladu waa wada cagaar.

Goobaha caafimaadku way buuxaan, oo Cusbitaallo badan ayaa ku yaalla. Cusbitaallada ugu waaweyn waxaa ka mid ah “ Boorama Ragional Hospital, Al-Xayaat Hospital iyo Allaalle Hospital.”

Gugii markuu roobku da’o waa loo soo dalxiis tagaa oo waxaa looga yimaad gobollo fogfog. Waxaynna leedahay meelo dalxiiska ku caan ah sida:  Seeraha Boorame, Jaamacadda Cammuud, Rays Hotel iyo Saw Hotel. Waqtiyadaa magaaladu wa cidhiidhi oo dalxiisayaal farabadan ayaa buuxdhaafiya.

Hudheellada ugu casrisan Dalka ama Geeskaba ayaa ku yaal. Labo Hudheel oo midba Koorne ku yaal weeyi; Saw Hotel iyo Rays Hotel. Labada midna Koornaaha Koonfurgalbeed ee magaalada ayuu dhacaa, ka kalana Waqooyigalbeed. Labada Hudheel waa kuwa loogu dalxiiska badanyahay oo aadbaa loo yimaad. Ka sokow taana waa lagu nastaa oo dadka magaalada deggan iyo madaxda u dhawdhaw ayaa ku nasta.


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
July 07, 2018


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?