Bidco Diineed & Bidco Adduunyo!


                   

Eraygu waa Af Carbeed, oo Soomaali ma aha asal ahaan. Wuxuu luuqada Carbeed ku yahay ‘ Ikhtiraac~ bilow wax cusub.’ Sharci ahaan sida Kitaabka ( Al-Anwaaru Raxmaan, oo uu qorey Sh. CabdiraxmaanBin Yuusuf Al-Ifriiqi) ku sheegay  waa “ Diinta oo wax aan ku jirin lagu soo daro, intay dhammaystirantay kaddib.” Qeexiddaa Wadaadka culimo badan ayaa la qaba oo sidan oo kale kutubtooda ugu qeexa. Anna waan la qabaa oo anna waan ku raacay, waxaanse ku sii darsadey, ‘ In waxaasi lagu soo daray yahay wax nascad xaaraantimeeyay ama xalaaleeyay, lana leeyahay sidaa maahee waa sidan.”
Haddeynu inyar ku noqonno Bidcada luuqad ahaanteeda, laba ayaynu u kala falliidhi: Ikhtiraac Adduunyo iyo Ikhtiraac Diineed.

Ikhtiraaca Adduunyo waa arrin bannaan, haddayna dhibaato lahayn ama Diinta ka hor imanayn. In wax cusub la kordhiyo Islaamku arrimaha adduunka wuu dhiirrigeliyay oo wuu innagu boorriyay. Ikhtaraacaasi waa arrin baahi weyn adduun ahaan loo qabo oo loo oommanyahay. Rasuulku SCW Xadiis uu Raafic Bin Khadiij ka warinayo, Imaam Muslimna soo saaray, wuxuu ku yidhi “ Anigu waxaan ahay basher (bini’aadan) haddii aan arrin adduunyadiinna ku saabsan idin amro qaato; haddii aan shay aragtideyda ahna idin amro waxaan ahayn bini’aadan…..” In wax cusub la soo kordhiyo oo la bilaabo wax fudud maaha waxyaabo badan ayay u baahantahay iyo daal farabadan oo dhibi ku lammaantahay.

Ikhtiraac ama Bidco kasta oo Diinta lagu doo daro, lana yidhaa ‘ Diintay ka mid tahay, iyada oo aan sal iyo raad ku lahayn’─waa baadi, siduu Rasuulku SCW sheegay “…..Bidco kastaa waa baadi, baadilkastaana (qofkii sameeyay) waa naarta…” Rasuulku SCW waxa kale oo uu yidhi: “ Qofkii sameeya camal aan arrinkayaga aan ahayn waa lagu celinayaa..”

Waxa aad ogaataa in in Bidcada Diineed qof la yimaadda, aan laga aqbalayn Salaad, Soon, Xaj iyo Saka IWM. Qofkuna Diinta wuu kaga huleelayaa sida tinta qooshka looga saara oo kale. Naftiisa ayaan loo daynayaa, qofkii raaca ama la socda wuxuuna ku kaalmaynayaa duminta Islaamka. [ Shaadibi. Kitaabka Al-Ictisaam.]

Nebigga SCW waxaa Ibn Cabbaas ka warinayaa in uu yidhi: “ Allah wuxuu diidday in qofka Bidcoolaha ah uu wax ka aqbalo illaa uu ka tagayo..” [Ibnu Maaja] hadal sidaas oo kale ahna waxaa kitaabkiisa (Qaniyatu Daalibiin) ku soo saaray Sh. Cabdiqaaddir Al-Jaylaanni Al-baqdaadiyi.

Nebiga SCW waxa kale oo laga hayaa in uu yidhi: “ waxa aan idiinka tagay labo culculus: ka koowaad waa Kitaabka Allah, oo qofkii qabsada ee qaata ay ugu suganyihiin hanuun iyo iftiin; qofkii ku gefaana wuuu baadiyoobay..”
Abu Hureyra RC wuxuu Nebigga SCW ka warinayaa: “ Ummadday dhexdeeda waxaa ahaandoona Dajaallo beenaalayaal ah, idiinla yimaadda xadiisyo been ah oo aydaan idinka iyo aabbayaashiinba maqal, iska ilaaliya yayna idin fitnayne.”

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
May, 2018.


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?