Xaaji Sharmaake Cali Saalax ( 1776-1861)



Sharmaake, xilliga uu dhashay si saxa looma hubo se  qiyaastii waxa uu dhashay intii u dhexaysay 1770kii illaa 1780kii.  Taariikhyahannada ajaanibka ah ee wax ka qoray dhulka Soomaalidu sida Richard Burton, iyo R. Joint Daguenet midba xillli buu ku sheegaa dhalashada Sharmaake. Miyi oo uu ku dhashay, iyo xilliga uu dhashay oo diwaangelinta iyo qoridda dhalashadu yarayd ayaa u sabab ah in si saxa loo sugi waayo dhalashada Xaajiga.

Meel miyi ah ayuu ku dhashay, waxa la sheegaa inuu aagga magaala xeebeedda Shalcaw ku dhashay. Shalcaw waxa ay u dhexaysaa magaalada Berbera iyo Xiis. Waxa la sheegaa inuu halkaa ku noolaa yaraantiisii illaa intii uuu gaadhayay 18 sano jir.
Sifo ahaan, aftahan, deeqsi, gobonnimo, karti iyo sifooyin qaaya leh inuu lahaa Xaajigu waa la xusaa. Qoyska uu ka dhashay Sharmaake taariikh ahaan waxa ay u lahaayeen naakhuudaynta badda, iyo isaga gooshitaanka magaalo xeebeeddada ku kala yaalla badda cas, khaliijka, iyo Hindiya.

 Magaalada Cadan oo meel istiraatiyad ahaan wanaagsanayn oo dad badan iskugu iman jireen ayuu ku koray. Adeerkii Yuusuf Boore Cawad ayaa degganaa oo uu la joogay Xaaji Sharmaake. Halkaas ayuu muddo badan joogay.

Magaalada Cadan waqtigaa aad ayay u yarayd, dad tiro ahaan aad badnayn ayaa ku noolaa. Dadka ku noolaa waxa ay iskugu jireen Carab, Yuhuud, Soomaali, Baanniyaallo, IWM. Nolosha magaaladu aad ayay u adkayd xilliga oo u qallafsanayda. Carabta badankoogu waxa ay daban jireen Kalluunka.

Xilligii uu jiray 20 sano jir waxa soo martay Xaaji Sharmaake dhacdo saamayn wayn ku yeelatay. Adeerkii Yusuf ayaa tolkiisii joogay Cadan iskugu yeedhay oo casuumad u sameeyay. Hilib iyo qado macaan ayuu u soo dhigay xilligii qadada. Sharmake, dadkii soo fadhiistay casuumadda ayuu ka mid ahaa. Markii Sharmaake gacanta galiyay sixnigii cuntada ayuu adeerkii gacanta qabtay markaasuu ku yidhi ‘ Waar Eebbaa ninkaa dhigaye waxaad shaqaysataa la cunaa.’ Dadkeedii casuumadda joogay ayaa Sharmaake hal mar wada eegay! Isla markiiba wuu baxay. Dhinaca badda ayuu u baxay. Indhaha ayuu ku kala bixiyay hirarka badda iyo oogadeeda ashqaraarka leh. Waxa uu goostay inuu shaqaysto. Ugu danbayn wuxuu helay nin uu la shaqaysto oo naakhuude ah oo doon leh. Doontii ayuu kala shaqeeyay. Macaash badan ayuu keenay. Ninkii waxa uu u ballanqaaday haddii ay macaashaan inuu doonta siin doono. Way macaasheen doontii buuna siiyay.

Sida ay  xusayaan Axmed Cawaale,  Buuggiisa (Maqaddintii Xeebaha Berri –Soomaal), iyo Kabtan Bagnold ( oo ahaa wakiilkii Ingiriiska u fadhiyay magaalada Mukha ee dalka Yaman) dhacdo shaacbaxa magaca Sharmaake ka qayb qaadatay waxa ay ahayd gurmadkiisii iyo badbaadintiisii uu u fidiyay markab la odhan jiray Mary Ann, iyo badmareennadii la socday oo ay koox Soomaaliyeed ku boobtay Berbera, dadkii la socdayna qaar laayeen.  Gurmadkaas uu fidiyay waxa ka soo gaadhay nabar daran oo gacanta kaga dhacay. Waxaanna uu dhacdadaas iyo wixii uu ka yeellay Ingiriiska kaga mutaystay shahaado sharaf iyo abaalmarin.
Reer Berbera ingiriisku tallaabo adeg ayuu ka qaaday. Wuxuunna ku cadaadiyay inay magdhaw adag ka bixiyaan boobkii iyo gubiddii ay kula kaceen Markabkii Mary Ann iyo dalkii qaar ka mid ah Sarkaallada.

Xaaji Sharmaake, waxa uu soo xukumay Saylac. Saylac taariikh iyo sooyaal facweyn oo muddo badan jiray ayay lahayd. In badan ayay jirtay. Muddadii hore Saylac waxa ka talin jiray dad ka soo jeeda Jasiiradda Carabta, gaar ahaan  Yamanta. Sannadkii 1559kii Saylac waxa ay magac ahaan ka tirsanayd dawladdii Cusmaaniyiinta. Se waxaa la sheegaa Madaxweynihii Masar ee Maxamed Cali Baashaa inuu Yaman iyo aagga Saaxil oo Saylacna ku jirto hoos geeyay Maammulkiisii.  Hase yeeshee ka dib markii Masar ay xeebahaa dib guratay gugii 1841kii ayaa Xaaji Sharmaake uu oggolaansho qoraal ah ka helay imbaraadooriyaddii Turkiga. Wuxuunna heshiiska la galay Maammulihii Yemen.

Qoraaga buugga ‘ First Footsteps in East Africa’ Mudane Richard Burton, ayaa aad uga warramay Xaaji Sharmaake. Richard, Saylac inuu 27 maalmood joogay ayaa la sheegaaa. Waxa uu u socday Herer. Waxa uu ku sifeeyay Xaajiga nin qofnimo wanaagsan.
Ingiriiskii dalka gumeysanaya Sharmaake, dabadhilif uma ahayn. Sidoo kale kama haybadaysan jirin.
Nin hanti leh oo hodan ayuu ahaa. Charles Johnston, mar la wayddiiyay Xaajiga, waxa uu ku sheegay inuu ahaa nin maalqabeen ah.
Maammulkii, iyo taliskii Xaaji Sharmaake waxa uu soo gebageboobay sannadkii 1861kii.
Tixraac
1-      Buugga Maqaddinkii Xeebaha Berri-Soomaal.’ W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale.
2-    Buugga ‘ First Footsteps in east Africa.’ By Richard Burton.


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere.
29 Febraayo, 2020.


Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"