Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

 


Qofku marka aanu fursaddaa diyaarsanayn haddii ay timaaddo wuu dayacaa, meel bannaana wuu ku dhacaa. Waayo, fursadaha noloshu si kedis ah oo bilaa ogaysiis ah ayay ku yimaaddaan. Waa sababta markasta loo yidhaahdo: " Diyaargaraw. Diyaargarawgaa waxkasta ka horreeya." Waayo, fursaddu kuma sugayso, haddaanad diyaar ahayn oo degdeg uga faa’deysan, way ku dhaafaysaa. 

Adiga oo aan diyaar ahayn in ay fursadi timaaddo oo sidaa kugu dhaafto adoon ka faa'idaysan waxa ka wacan adoo diyaarsan inaad fursad waydid. Waayo, ta hore waa qoomamo, ta danbana waa shay nasiib ku siin waayay, oo waxa laga yaabaa inay fursaddii weli kuu soo socoto.

Mudane Shamuuri oo soo caan baxay bishii 2aad ee sannadkan 2024, kuna soo caanbaxay markhaatigii uu furay Kiiskii Gubidda Marxuum Luul. Isaga oo markii su'aalaha maxkamaddu wayddiisay markasta ku darayay ' Masha Allah, Insha Allah..." Labadaa kalmadooda iyo hadalkiisa ayaa bulshada aad usoo jiitay, aadna upa dhaceen. Iyada oo la hadal hayo ayaa dhawr maalmood ka dib wuxuu sheegay in shaqadiisii oo ahayd Dirawalnimo in laga soo eryay oo Mulkiilihii kaga dejiyay gaadhiga Markhaatiga uu Kiiskaa ku furay darteed. Markuu Shammuuri sheegay in shaqadii laha eryay dareen gaaraa la siiyay, isla markiiba waxa loo furay Tiktok, waxbaana loo ururiyay.

Shammuuri waxa soo martay fursad dahabiya. Dhawr maalmood gudahood waxa ku bartay Malaayiin Soomaali ah, waxaana Akoonkiisa TikTok ku xidhmay dad ka badan 1 Milyan. Raadintiisa, iyo daawashadiisu Malaayiin korbay u dhaaftay. Wuxuu noqday qofka loogu hadalhaynta badanyahay Soomaalida dhexdeeda. Wuxuu noqday nuxurka sheekooyinka Majlisyada iyo Maqaaxiyaha lagaga warramo. 



Ninkii fursaddaasi soo martay, wax manfac ah iyo wax hore u socod ah kama samayne wuxuu maantaba ku laabtay noloshii uu 4 bilood ka hor ka soo gudbay, iyo shaqadii uu hore waayuhu uga dallacsiiyeen ee dirawalnimada. Almuhiim kama faa'idaysan FURSADDII soo martay ee Malaayiinka qof magaciisa barteen. Sababta ugu wayn waxa weeyaan in aanu marka hore diyaar ahayn, oo aanu u diyaarsanayn fursaddaas. 



Qof aanan hadda xasuusnayn ayaa yidhi: " Dadku cirka way ku gayn karaan, se kuguma hayn karaan..." Waa run. Bulshadu meel sare way ku gayn kartaa, se bulshadu meeshaa iyo qofna kugu hayn maayo. Marka meeshii lagu geeyo adiga, iyo garashadaada, aqoontaada, iyo qofnimadaadaa lagaaga tagayaa. Waa sidii aad ku sii joogto ee jaaniskaa usii haysatid. Waa halka Soomaalidu tidhaahdo " Xabaal iyo ninkeed loo kala tag." Marka qofka caan laga dhigo ee la wada barto waa 'Qofkaas iyo caannimo loo kala tag." Qofkii wax u diyaarsanaayeen wuu sii wadanayaa, ka kalana sida Shamuuri ayuu shaqadiisii hore ku laabanayaa.

Cashirka aan ka baran karnaa waa: In qofku diyaar ahaado markasta. Waayo, xilli kasta fursad way iman kartaa. Fursadi way imanaysaa mar ay timaaddabee adigu diyaar ahoow.


Cabdirisaaq Sandheere 

July, 2024.



Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?