WAQTIGA FIRAAQADA: JIDH’DHIS IYO CAQLI KORIN
Ma doonayo in waqtigeenna oo
dhami noqdo shaqo, in nolosheenna oo dhani noqoto dadaal aan nasasho laheyn─iyo
in ay noqoto weji cabuus aan qosol laheyn! Taasi qarniyadii dhexe ayey tusaale
u tahay; oo dadka ka ugu kheyrooni wuxuu ahaa ka dadaala ee an nasan, weji
gabaxa uun ee aan qoslin, markastana in geeri ku dhacdey aad mooddo,
qalbigiisana aynna farxadi gelin, dadkuna ay u arkayeen mid murugeysan oo sidii
nin aas kasoo noqdey oo kale! Ka ugu fiican ee ay culimadu dadka ku dhiirriyeen
casrigan waa: Farxad iyo qosol, iyo in uu qofki waqti maangal ah ciyaaro,
kaasaanna anfacaya bini-aadanka in ka badan inta dadaal isdaba joogga oo aan
nasasho laheyn lagu jiro!
Waxa aan doonayaa in waqtiyada
firaaqaddu aynna ka badan waqtiyada shaqada, iyo aynna firaaqadu indha tirin
nolosha, oo aynna shaqadu sabbeyn geerka! Waxa kale oo aan doonayaa; in
waqtiyada firaaqada caqliga la dhiso, sida waqtiyada shaqada oo kale. Markeynnu
shaqaynanno waxaynnu u shaqeynnaa u jeeddo, sidaa si leeg, waa in aan waqtiyada
firaaqadana ujeeddo ka yeelannaa─oo aan kaga faa’ideynaa faa’ido jidheed sida:
Ciyaaridda ciyaaraha jidhku u baahanyahay oo kale. Amma kaga faa’ideynaa wax
aynnu naftu ku raaxeysato samayntiisa sida: akhrinta buuggaagta ama suugaanta.
Haddey ujeeddadu noqoto in
waqtiga la gawraco, taasi maaha arrin loo baahanyahay; waayo waqtigu waa
nolosha, dilkiisuna (dayaciisuna) wuxuu la mid yahay nolosha oo la diley
(dayacay). Kuwo waqti dheer ku lumiya ciyaarta sharadka, ma sameeyaan [wax ay
dheefsan doonaan] oo caqligu raalli ka yahay. Sidaa si la mid ah; kuwo
fadhiista maqaaxiyaha amma dariiqyada waxa ay u fadhiistaan si ay waqtiga u
dilaan, waxaabad mooddaa in waqtigu yahay cadaw ka mid ah cadawyadooda!
Furaha lagu daweyn karo dhibaatooyinkaa
waa in qofku aaminaa in uu awood u leeyahay baddelidda dhaldhalaalka naftiisa
sida: jaceylka iyo naceybka. Waa in uu ogaaddaa in waxyaabaha qaar qadhaadhaa
(xumaa) uu macaan (jaceyl)ka dhigi karo.
Sidoo kale, waa in uu ogaaddaa waxyaabo
uu naco in uu wax uu jecelyahay ka dhigi karo. Wax kasta wuu awooddaa, haddii
uu doonisteeddii leeyahay. Waqtiyada firaaqada wuxuu kaga bogan karaa wax
anfaca jidhkiisa amma caqligiisa.
Waxa wax laga xumaado ah, in
dadka qaar aaminaan in akhrinta sheekooyinka mala’awaalka ah ee gaagaaban iyo
jaraa’iddada rakhiiska ahi ay ku filan yihiin cunteysiinta caqliga! Way
moogganyihiin moogganaan, intaasaynna kusoo koobayaan cunto siintii caqliga!
Taasi caqligey walfisaa oo ay kharaabisaa amma waxay kicisaa dareenka jinsiyadeed.
Awoodda dooniddu qofka waxbaranaya waxa ay fakaag usiisaa in uu waxbarashada ku
wanaagsanaado, iyo in uu wax akhriyo. Aqoonyahan kastaa wuxuu awood u leeyahay
in uu naftiisa u abuuro hiwaayo, si uu taa u horumariyo oo uu u ballaadhiyo; ha
ahaado suugaan amma aqoon kalaba. Markaa wuxuu yeelanayaa shakhsiyad la
ixtiraamo oo waxaa loo dabba-fadhiisto, ummadduna waxa ay noqonasaa mid ka
hodan farciyada kala duwan aqoonta, garashada iyo fanka.
Waxaa waajiba in dadku
ogaaddaan in ay waajib tahay in ay wax dheefsiiyaan caqligoodda, sida ay
calooshaba u cunteysiiyaan, oo kale─iyo in ay ogaaddaan in aynna nololi u
ahaaneyn haddii ay caqliga cunteysiin (wax dheefsiin) waayaan, jeerkaanna uu
dhimanayo waxqoriddii, afcelintii (Turjumiddi), iyo fidintiiba.
Samee xisaabxidh oo naftaad
waydii: Maxaad sameysay waqtigii aan firaaqada heysatey? Ma waxaad ku hawlaneyd
jidh’dhis, xoolo, mise aqoon? Ma is
yeesheen firaaqadii iyo wixii aad kaga faa’iddey? Haddii jawaabtu: Haa noqoto,
waad guuleysatey, haddey; Maya, noqotana
ku celceli oo isku day illaa aad guuleysanaso. Maalin kasta waqti yar oo
aad u qoondeyso shey gaar ah, wuxuu wax ka baddeli karaa geeddisocodka
noloshaada; wuxuunna kaa dhigi waxa aad malaynaso mid ka fiican!
W/Q: Axmed Amiin (Af-Carabi).
W/T: Cabdirasaaq Sandheere (
Af-Soomaali).
Mahadsanid C.risaaq sxb waaa qormo cajiib xaqiiqatan aniga waxbadan kafaa'iidey
ReplyDelete