Sookoobidda buugga “100 Ways to Motivate Yourself : Change Your Life Forever~100 Hab oo aad Naftaada u Dhiirrigelin kartid: Markasta Naftaada Baddel.”

 


Hordhac

Buuggan la yidhaa “100 Ways to Motivate Yourself : Change Your Life Forever~100 Hab oo aad Naftaada u Dhiirrigelin kartid: Markasta Naftaada Baddel.” Waxa qoray Steve Chandler. Waa lataliye, tababbare, fagaare ka hadle, dhiirrigeliye, iyo lataliye. Wuxuu la soo shaqeeyay shirkado badan, iyo jaamacado waaweyn.

Waa qoraa. Buugaag kale ayuu qoray. Wuxuu qoray in ka badan 30 buug, oo looturjumay 25 luuqadadoo. Buugta uu qoray waxa ka mid ah “RIGHT NOW: Mastering the Beauty of the Present Moment.”

Buuggu jaad ahaan, waa nooca loo yaqaan dhiirrigelinta. Markii koowaad waxaa la daabacay sannadkii 1995kii. 100kaa hab ayuu qoraagu kaga warramayaa, oo ku sharraxayaa. Soo wada qaadan maynee, qaar ka mid ah ayaynu ka soo qaadan.

Nuxurka Buugga

Maadaama buuggu qodobbo yahay, qodobbaduna badanyihiin, waxaa waajib noqonaysa inaynu qaar ka mid ah soo qaadanno. Waynu soo qaadan.

Hababka uu qofku naftiisa ku dhiirrigelin karo waxa ka mid ah:

1-      Abaalmarinno aad qaadatay daawo, oo indhaha ka eeg eeg: In qofku uu abaalmarinno ama shahaadooyin hore oo uu qaatay yara eegaa waa u dhiirrigelin. Waxa ay tusaysaa guulaha uu gaadhay, xusuus bay gelinaysaa. Dhiirrigelin wanaagsan ayay u noqonaysaa.

2-    Noloshaada fududee: Macne ahaan u arag inay noloshu fududdahay oo ayna adkeyn.

3-     Soo dhawee waxyaabaha aan la filanayn: Isku day inaad waxa imanaya ee la filayo aad soo dhawaysid maadaama ayna baaqsanayn sinnaba.

4-    Qaladaadkaagu meesha uu ku sal leeyahay hel: Haddii aad arrintaas is xasuusidi dhiirrigelin ayaad ka helaysaa.

5-     Shaqadaad si qeexan u qorshee: Si qayaxan oo wanaagsan qorshee shaqadaad dhiirrigelin ayaad ka heliye.

6-    Inaad door aad leedahay baro: Ogoow oo baro inuu jiro door lagaa rabo inaad buuxisid. Haddii aad doorkaas baratid naftaada waad dhiirrigelin.

7-     Waxba ha qaban, meel gaar ah fadhiiso: Mararka qaar si aad naftaada dhiirrigelin u hesho waxaa wanaagsan in aad meel cidlo ah fadhiisato, oo shaqada iyo waxyaabaha aad qabanaysid aad ka nasatid.

8-    Hab gaar ah oo aad dadka kula xidhiidhid samayso: Haddii aad habab kuu gaar ah oo dadka kula dhaqantid aad samaysatid dhiirrigelin ayaad ka helaysaa.

9-    Meeshaad ka timid baro: Qodobkani waa muhiim. Waxa laga wadaa meeshii asal ahaan aad ka soo jeedday baro, oo soo eeg ama tag. Waxa iyadna la mid ah meeshii waalidkaa ka yimid, oo waxa aad ka helaysaa sheekooyin iyo xasuuso uu waalidkaa ama waalidkiisii soo maray. Adna dhiirrigelin ayay kuu tahay.

10- Dad cusub xidhiidh la samee: Dadkii aad hore u taqaannay kuwo aan ahayn oo kale xidhiidh la yeelo, waayo dhiirrigelin ayaad ka helaysaa.

11-   Waxyaabaha ku firfricoonigeliya sameee: Haddii aad jeceshahay ciyaaridda Gaymka oo aad xiisayso, mararka qaar samee, naftaada waad ku dhiirrigelin kartaa.

12-  Dhibaatooyinkaada ku raaxayso: Qoraagu waxa uu qabaa qofka haddii ay dhibaato ku dhacdo inuu ku raaxaysto oo uu dhiirrigelin u arko.

13-  Naftaada xayaysii: Xayaysiinta naftu waa arrin aad naftaada ku dhiirrigelin kartid.

14-  Feker ka wad: Ka fekeridda waxyaabaha noloshaada khuseeya oo aad sii waddid dhiirrigelin iyo horumar ayay ku sii gaadhsiinaysaa.

15-  Caadooyinkaagii hore sii horumari: Caadooyin hore oo aad lahayd haddii aad sii waddid, oo la sii qabsatid dhiirrigelin ayaad dareemaysaa.

16-  Safar gel: In meesha aad ku nooshahay mararka qaar ka yara baxdo oo meesha ugu dhawba aad booqatid dhiirrigelin ayaad ka dareemaysaa.

17-   Noloshaada qorshee oo Liis u samayso: Marka aad qorshahaaga qoratid ee wax aad qabsataa kuu degsanyihiin qab iyo dhiirrigelin ayaad dareemi, waanna hab aad nafta ku dhiirrigelin kartid.

18- Naftaada baddel marka koowaad: In aad naftaada baddeshid dhiirrigelin ayaad ka helaysaa.

19-   Dadka mufekiriinta ah la soco: Raacidda dadka mufakiriinta ahi waxa ay kaa dhigaysaa mid dhiirrigeshan.

20-                       Waxa aad ku liidatid ( Weaknesses) iska hagaaji: Meelaha aad ku liidatid marka aad iska dhistid naftaadu shidaal ay ku sii socoto ayay helaysaa.

Gebagebo

Buuggu wuu u qalmaa in qofku akhriyo, ama wax ka mid ah ka faa’ideysto. Waxyaabo badan oo nafta dhiirrigelin ah u ah, se adigu aanad u aqoon dhiirrigelin ayuu qoraagu ku barayaa. Kuwa aan isleeyahay waxbaa laga dheefayaa oo waa miid ayaan soo taxay. Intaas yaan ku soo koobayaa. Nabadeey.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

30 Maarij, 2020.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?