Muhiimadda Saaxiibtinnimada Wanaagsan

 



Hordhac

Qofku cid uu la saaxiibo oo dareennadiisa iyo waxa uu tebayo la wadaago inuu helaa waa lama huraan. Diinta Islaamku qiimo wayn ayay siisay Islaamnimada, Nebi Muxammad markii uu qofka ka warramayay waxa uu yidhi: “ Qofku waxa uu haystaa ama sitaa Diinta Saaxiibkii.” Markii Nebiga la soo diray, qofkii asxaab badan ayuu yeeshay, se way u kala dhawaayeen. Saaxiibkiisii ugu dhawaa waxa uu ahaa Abuubakar Siddiiq. Abuubakar ayuu saaxiib dhaw la ahaa.

Odhaah ayaa tidhaahda “ Qof wanaagsan la saaxiib, haddii aad waydana naftaada la saaxiib.” Xilligan la joogo saaxiibtinnimadu waa muhiim, qofka saaxiibka wanaagsan lihi wuu nasiib badanyahay, waayo saaxiibku qofka wuu kabaa, oo talo iyo taageero ayuu siiyaa.

Waxa aan si kooban uga warrami doonaa sida ay muhiimka u tahay in qofku helo saaxiib wanaagsan, iyo muhiimadda saaxiibtinnimada wanaagsan.

Muxuu Muhiim u yahay Saaxiibka/saaxiibadda wanaagsani?

1-     Talada: Saaxiibka wanaagsan qofka waxa uu siiyaa talo, qofku wuxuu u baahanyahay cid uu la tashado oo wax wayddiiyo, qofkuna haddii uu talo wanaagsan helo wuu guulaystaa, meel wanaagsanna wuu gaadhaa.

2-   Tusaalaha: Saaxiibka wanaagsan qofka kale waxa uu u noqdaa tusaale, wuxuu tusaale ugu noqdaa waxa wanaagsan ama waxa xun. Haddii saaxiibkaa/saaxiibaddaa wanaagsanyahay/santahay waxa aad adna noqonaysaa qof wanaagsan oo la hiigsado.

3-   Taageeraha: Saaxiibka waxa aad ka heshaa taageero, taageeradu way badnaan kartaa, waxa ay noqon kartaa mid maaliyadeed, ama mid dareen ahaan ba. Tusaale ahaan, haddii jeebku kaa jiifo oo saaxiibkaa jeebku u wacanyahay, saaxiibka waxbuu ku tarayaa oo jiibka wuu kaa tiirinayaa.

4-   Qaybsashada dareennada farxadda iyo murugada: Saaxiibka wanaagsan wuxuu kula wadaagayaa farxadda aad heshid, iyo haddii murugo kugu timaaddo murugada wuu kula qaybsanayaa. Ma aha qof cidlo kaaga tagaya. Waxa la yidhaahdaa qofka markasta oo murugada lala qaybsado murugadu way ka yaraataa; sidoo kale, markasta oo qofka farxadda lala qaybsado farxaddu way sii korodhaa.

5-    Culayska ayuu kula qaybsanayaa: Haddii culays kugu yimaaddo saaxiibkaa wuu kula fududaynayaa, wuxuuna isku dayaa sidii uu hawshaas kaala qayb qaadan lahaa.

6-   Maqnaanshahaaga wuu ku difaacaa: Haddii saaxiibkaa hortiisa lagugu caayo ama wax lagaaga sheego waa ka saaxiibkaagu ku difaaca ee wanaagaaga sheega, dadkana kaa dhiciya.

7-    Qofka horumarkiisa ayay qayb ka tahay: Saaxiibka wanaagsan wuxuu kugu dhiirrigelinayaa in aad horumar gaadhid, markaa horumar ayuu kuu horseedi karaa.

8-   Dhiirrigelin: Saaxiibka wanaagsan markasta wixii kuu dana ayuu kugu boorriyaa, kugu taageeraa, kuguna dhiirrigelinayaa in aad hore u socotid, in aanad niyadjabin, IWM.

9-   Waa muraayad: Saaxiibka wanaagsan wuxuu si hoose kuugu sheegaa waxyaabaha aad ku liidato si aad iskaga saxdid. Marka aynu muraayad leennahay waxa aynu ka wadnaa in qofkaasi arko waxa aad ku liidatid, ka dibna wuu ku sheegayaa, waxa aad ku wacantahay wuu kuu sheegayaa, wuuna ku dhiirrigelinayaa.

10-                       Alle ka cabsiga/Khayr: Saaxiibka wanaagsan wuxuu kugu dhiirrigelinayaa in aad Alle ka cabsatid, in aad Diinta ku fiicnaatid, in aad salaadaha ilaalisid IWM.

Gebagebo

Saaxiibtinnimadu waa wax qaaliya oo qofka u muhiim ah. Waxa ay keentaa in qofku helo qof kale oo kaba oo waxyaabo badan oo uu tebayo ka helo.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

10 Oktoobar, 2022.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?