Maqaamkii Awawgay Sh. Maxmaed Cumar-Daranyo C. Tukaale

 

Marka aan lo’ada arooriyo ee barkadaha geeyo Maqaamkan idiin muuqda ayaan orod iyo farxad ku geli jiray aniga oo aan dheg la qabto lahayn. Waxa fadhiisan jiray, oo wax ku akhrisan jiray, ku shaahi jiray Awawgay Aabbo Callaamata Sh. Maxamed Cumar C. Tukaale AHUN.  Aniga oo aan cabsanayn ayaan Awawgay si kalsooni iyo dhoollacaddayn leh u salaami jiray. Awawgay inta uu Jeebkiisa gacanta geliyo ayuu shilimaad isiin jiray, ka dibna odhan jiray ‘ Tukaankaas nacnac kaga soo iibso Awaw.’  

Walow inta badan isagu inta uu oodda Maqaamka istaago sheedda iga eegi jiray oo ila sugi jiray buskud iyo nacnac. Wuxuu caado u lahaa inuu ubad jeclaa oo carruurta nacnac iyo wax ay ku farxaan siin jiray. Ma qiyaasi karo inta jeer ee uu aniga keliday iga farxiyay; sidoo kale ma qiyaaso karo inta jeer ee aniga iyo carruur badan oo aannu danwadaag xoolo wadajira ahayn annaga oo baahida carruurnimo qabna uu wax na siiyay.



Xusuusta uu aniga iyo awawgay maqaamkaasi nagu lahaa ee i xantaxantay waa mid dabiici ah. Waqtigii aan xoolaha eegi jiray inta aan Awawgay oo Maqaamka fadhiya u tago ayaan shilimaad aan nacnac iyo Buskud siisto u doonan jiray.

 

Arrinta cajiibka ahi waxa weeyaan Awawgay kama cabsoon jirin, waxa laga yaabaa marmar in aan ka cabsoodo in aan adeerraday, iyo qoyska kalaba ka cabsoodo in aan nacnac ii iibiya ku yidhaahdo. Carruurtuna inta badan qofka marka ay wax waxdiistaan aayar siiya ee aan su’aalo wayddiin way JECELYIHIIN, halka qofka wax wayddiiya ama lacagta maxaad ku falaysaan ku yidhaahda ka yar meeraystaan.

 

Maqaamka Magaciisa waxaa loo yaqaan Maqaamka Cali Bayle, wuxuu ku yaallaa Gobyarta Aw Nuurka, waa meel Wajaale waxyar dhinaca Koonfur Bari kaga began, una dhaw halka aan ku dhashay. Dhir badan, geedo damal ah oo wada hadh ah iyo ood badan ayaa ku wareegsan. Badhtankana waxaa ku yaalla geedo hadh qabow leh. Waa buqcadda uu awoowo Quraanka, Digriga iyo Ducada ku akhriyi jiray; Shallaadka, Shaahana ku cabbi jiray; fooxa, uunsiga iyo udgoonkana ku shidan jiray. Dadka wixii Taxliil u baahan ugu dhigi jiray, cidda u timaaddana Quraanka ugu akhriyi jiray, kuna akhriyi jiray.

 

Waxa aan xasuustaa in tan iyo berigii aan dhashay Awoowo halkaas fadhiisan jiray. Wuxuu caado u lahaa inuu casarka ka dib adhiga iigu yimaad, ka dib uu ee keeni jiray nacnac. Ka dib inta uu ii yimaad ayuu odhan jiray ‘ Inta cadceeddu dhacayso anigaa Adhiga la joogiye orod shaah doono.’ Farxadda iga dhacda ma qiyaasi karo.

 

Waxa kale oo caado u lahaa inuu alaab soo iibiyo, oo faramadhnaan ma iman jirin xaafadda galabtii. Aniga ayuu I odhan jiray ‘ Hoo alaabtan oo Ayaydaa Ruqiya u gee.’ Farxad goor aan Ayayday u tegay adigaa sheegaya. 

Si saxa uma xasuusto, taariikhdeedana kuma hayo xilli la dhisay Maqaamka. Waan se baadhi Insha Allah.

Febraayo 2021kii ayuu geeriyooday Awawgay. Alle naxariistii Janno ha siiyo Awoowo. Nin boqol u dhigma oo xasuustiisu nagu jirayso ayuu ahaa. Allow Jannada gee. Aamiin.

 Markasta wanaagiisa, samafalkiisa, wejigiisii nuurayay, qalbi wanaagiisa, iyo dabeecad wanaagiisa igama baxo.

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?