Gorfeynta Iyo Naqdinta Buugga Sicirbararka Fatwada Ee Uu Qorey Cabdicasiis Guudcadde






Akaademi ahaan, way bannaantahay in wax la iska hufo oo la iska haadiyo oo aan sidii caanaley caano keentay qofkastaa wuxuu sheego aan la iska liqin, lana qudhqudhin; illaa caqliga la soo mariyo.
 Buuggan Sicirbararka Fatwada waxa aan akhriyayey siddeed saacadood oo xidhiidh ah; shaandho barooya oo saafi ahna  waan soo qaatey. Aad baan u dhuuxey oo aan u dhexgaley. Waxa aanan go’aansadey in aan wax ka idhaa oo wixii iiga baxey ummadda hordhigo. Buugga waxba ka odhan maayo qaabqoraalkiisa, habqoraalkiisa, higgaaddiisa iyo sida loo qorey; balse, waxaan muhiimadda koowaad saari doonaa in aan naqdiyo oo aan xoogga iyo xilkaba iska saaro in aan dhilo aragtida iyo waxa uu gudbinayio buuggu, aniga oo aan sameynayn shakhsiweerar (Personal Attack). Buugga wixii awood uu ku leeyahay waan ku taageerayaa; wuxuu iin ku leeyahayna waan dhilayaa oo waan saxayaa. Naqdintana waxa aan rabaa uun kaliya in aan wax ku saxo.Wixii  buuggaa ku qoran sidaan doono ayaan u dhaliili oo aan u canbaareyn, mararka qaarna heer aad ka yakhyakhsoodo ayaan gaadhsiin; balse, ha ila yaabin waa sunnada gorfeynta e. Wixii kama’ iga noqda diyaar waxa aan u ahay in aan saxo. Qofkii wax ku darsanaya waan soo dhawaynayaa; aragtidaa in uu siduu doono u dhilo xaqbuu u leeyahay, anna aan u leeyahay. Shifo ku afsaar oo shar kuuma leh.

Waxa aan in badan ku doodi doonaa in buuggu xeelad iyo xaalado falsafadeed oo la soo bilkeediyey uu yahay, la rabo lana doonayo in dad  badan lagu ugaadhsado, (oo u badan dhallinyarada, haweenka, iyo cidkasta oo aan aqoon durugsan diinta u laheyn). Sidoo kale dooddeydu waxa ay tahay in buuggu qofkii aan diinta aqoon badan u laheyn uu ku yahay dhagar la soo maleegay iyo dhiigbax loo badheedhay. Qofkii diintu u bilaabantahay ee dhexdhexaad ahna uu ku yahay khalkhal iyo khilaaf dhexdood (oo labo gebi dhexdood hororku ku loogayo). Sidaa si la mid ah, qofkii diinta garanayaa  uu fahmayo in uu yahay xeelad la soo agaasimey oo la doonayo in loola badheedhay arrimo xasaanad haystay; gabbashana looga dhigtey ciwaanno qurux badan oo habeenno laga fekerayey iyo hadallo toostoosan oo indhasarcaad leh.

Waxa kale oo aan ku doodi doonaa in buuggu soo xiganayo maqaallo iyo waxyaabo kale oo ay qoreen niman Shiica ahi, qaarkoodna ay Kiristaan yihiin, halkaana buuggu qulqulka innagu soo fatahay uu innoo xeeladaynayo. Wax kasta cidda aaminsan ayaa ayaa wax laga wayddiiyaa; cid aan aaminsanayn haddaad wayddiiso dhaliil wax aan aheyn kala kulmi maysid: Waa gundhigga dooddeyda aan ku deeddifaynayo in nin diin kale haysta la ii soo xigto; oo waxaasuu arrintaa ka qabaa sidii addoon la ii soo hordhigo. Buugga aragtiyaha ku qoran qaarkood uu qoraagu soo xigtey meel aan u raaco asalkooda iyo biyadhacooda waan waayey oo raadin badan iyo rafaad badan dabadeed qaarkood waxa ay ila noqdeen kuwa aan meelo loo raacaa jirin. Waan bilaabay:
Buuggu waa buug qallafsan oo aad mooddo in uu qabo xanuun aan ula baxey: “ Wadaadnaceyb.” Bilowga hore ciwaan uu ula baxey  ‘Furfurasho’ wuxuu ku bilaabayaa dhaliil caalwaa iyo mid hunqaaco u badan oo lagu yalaalugoonayo; bal ila eeg intan: “ …. Barnaamijyada gaarka ah ee isu magaca dhawdhaw, waxaa inta badan wadaadka lagu wayddiiyaa wayddiinno; dabadeedna wuuka jawaabayaa; balse degallada fatwooyinka keydiya, iyo dabcan buuggaagta diiwaannada ah ee fatwooyinka ku summadsan, waxa aad tuhmasaa in wadaadkan fatwoonayaa aanay cidiba soo wayddiin e uu isagu su’aasha iyo jawaabtaba is[k]u qorey.” Eeg Bogga 18.  
Caqli baad leedahay e miyaa la inna caayayaa mise waxbaa la innoo sheegayaa?! Hadduu wadaadku fatwoodo iyada oo aan la wayddiin maxaa ku jaban/maxaa diidaya? Meelahani waxa ay ka mid tahay meelaha uu buuggu u xeeladeysanayo arrimo gaar ah; markuu wadaad fatwoodey oo jawaabahaa loo baahi qabey canbaar dhakada ka saaro muxuu ku deyn cid kale?!  Belmetel: Haddii macallinka Fiisikiska kuu dhigaa kaaga jawaabo su’aalo kuugu iman kara imtixaan ama aqoon guudba ma waxaad odhan; muxuu macallinku uga jawaabayaa? Yaa u dirsadey? Waa maa ‘Xaasha’. Waanna caqlidarro in aad tidhaa, walibana ku canbaareyso muxuu uga sii jawaabayaa su’aalahaa uu berri ii diri doono!
Arrinta aan qoraaga ku haystaa waxaa weeyi: Halkeed ka keentay canbaareynta qof isxilqaamey oo wax looga fadhiyey ama loo baahi qabey hordhac ahaan uga jawaabey?! Arrintaasi qoraa waa khalad, hadalkana qofkii maskax wax fahanta leh  ee aan xuruufaha uun akhriyeyn waxaa uga muuqanaya yaraysi aad yaraysanaso isxilqaamidda Wadaaddada. Qofkii xuruufaha uun akhriyana ee aan fahmin, wuxuu odhan doonaa hadalkaasi waa sax oo way kuu sacabbo tumi. Waayaha aan dhawrno!
Sidaad u waddo waxa aad dalaq odhanaysaa ciwaan uu ula baxey ‘ Buugga Gudihiisa’ Wuxuuna kaga warramayaa waxyaabaha buugga ku jira; balse dhiidhi aan dhinac uu uga dhaqaaqaa jirin ayuu dalam odhanayaa, sidii nin gagabsan. Ila eeg “… Si aan loo gacantogaaleyn shaqada xalaaleynta iyo xaaraantmeynta , oo buuggu qabo in uu Eebbe oo keli ahi gaar u leeyahay…”   Ka eeg Bogga 22.
 U fiirso hadalkan qoraaga“ …Oo buuggu qabo…..” Oo dadka diiddan in aan Allah keliyi lahayn xaaraanta iyo xalaasha halkeed ku aragtey?  Ma buuggaa kalidii qaba in ay jiraan wadaaddo wax xalaaleeya, waxna xaaraantimeeya oo jeebka kala soo baxa? Buuggaa qaba, qoraaga ayaan ka suganaa wadaad wax xalaal ah yidhi ‘waa xaaraan’; wax xaaraanana yidhi ‘waa xalaal!’ Hadduu buuggu qabo miyuuna ka warheyn in cid kale la qabto? Meeshani waa halka doodda qoraaga ee ah ‘.. Loo gacantogaaleyn..’ ay ka jabaso. Dhaabadaha culusna waa kuwa dhadhaarna ayna ka iska tiirin kareyn isku soo jeedinaya! Halkaana haldheh!

Wuxuu ku xigsiinaya ciwaan uu ula baxey ‘Arar’ ciwaankaa dhexdiisa waxaa ku jirta in yar oo uu leeyahay ‘Lamataabtaan!’ Wuxuuna soo guurinayaa hadallo culimo ay yidhaahdeen, balse uu isagu siduu jeclaadey u fasirtey, dabcan, intii dannigiisa aheydna wuu hadley.  Intuu naaxnaaxiyey ayuu isagu siduu jeclaadey u qaatey; Ila eeg intan: “ Imaam Shaadibi waxa uu sheegay in fatwada qofka soo saarayaa uu ummadda ugu jiro booskii Nebiga. Cidda booskii Nebiga ku jirtaana, debcan, waxa ay leedahay xasaanad iyo xadhig lamataabtaan...” Eeg Bogga 28. Cidda xasaanadda iyo xadhig lamataabtaan siisey ma sheegin e wuxuu leeyahay ‘way leeyihiin kaliya’ taasina muu caddeyne wuxuu ku sababeeyey ( Cidda Nebiga booskiisa ku jirta..) Taasi waa suuxiso kale oo uu warwareegga iyo jawaab u helidda su’aasha hortaal uu ku moosayo! Iskuna dhaafinayo su’aasha miiska u saaran. Ila eeg Xadiisakan sugan wuxuu Culimada (ha fatwoodaan ama yayna fatwoonine) Nebigu  ku sheegay:
Nebiga waxaa laga weriyey in uu yidhi: “ Culimadu waa dhaxlayaasha Nebiyada ……”  Haye maxaa la iska dhaxlaa? Saw wax badan maaha; halkan xoolo iyo adduunyo toona kamay dhaxline diinta ayey ka dhaxleen, ujeeddadu weeyi. Halkaa miyeynaan ka dhadhansaneyn Culimada Nebiyadii diinta ka dhaxashey in ay innoo sheegayaan wixii ay Nebiyadu innoo sheegi jireen oo kale, iyaga oo aan baddelin?─haddey baddelaan cidina qaadan mayso. Bilmetel: Haddii aabbahaa dhinto, adiguna aad tahay curadka xaafaddiina; ayna kaa yaryihiin 5 carruur ahi. Xoolihii uu aabbahaa ka dhintey waad qaadanasiin oo idinka ayaa ka wakiil ah. Sidaa si le’eg dhaxlidda anbiyadu waxa ay ka dhigantahay wakiilbay ka yihiin, hadalkaa uu Imaam Shaadibi sheegayna waa sax caqliga galaya; qoraaga ayaa dhinac kale la tagey oo wax aan laga dhandhansan karin oo isaga maskaxdiisa ka guuxaya keenay. Kaliya in wixii kitaabka iyo sunnada waafaqa laga qaato weeyi─ wixii khilaafana la iskaga tago.   Siduu qoraagu sheegayana maaha, oo waxay ku qaldanyihiin ee ay fatwoodaan xasaanad iyo xadhiglamataabtaan toona ma ma wataan! Wadaadkii waxnoo sheegga Qur’aanka iyo Sunnada ayaan hordhigannaa/ubandhigannaa, hadduu waafaqo waan qaadanannaa, hadduu khilaafana waan diidanaa, mana aqbalanno 100%. Dooddeydu waataa. Intaa ku biyo cab!
 Iaga oo sidii wada jawaabta ‘ Maxaad lamataabtaan u tidhi’ wuxuu yidhi: “ Rag uu ku jiro Imaam Ibnu Qayyimah waxa ay gaadhsiiyeen in muftigu uu wakiil ka yahay Eebbe! Waayo, waxa lagu doodey waxa uu qofkani intaa ku shuqlanyahay oo uu kala debberayaa weedhihii Eebbe, dadkana waxa uu u sheegayaa sida uu qabo Eebbe.” Halkaa aad u dhuux. Fatwada Wadaaddadu ma iyagaa keenta mise wax Rabbi iyo rasuul yidhaahdeen ayey sheegaan? Qoraagu  sida hadalkiisa ka muuqata wuxuu deeddifaynayaa oo uu leeyahay wadaaddadu aragtidooda ayey hadlaan, taana waa in wax laga yidhaahdaa; haddii ay diidaan waxa ay ka dhigeen lamataabtaan! Meesha uu wax ka eegay ayaa halkaas ah, waanna halbeeg xagal daacsan. Haddii wadaadku fatwoodo wax Alleh iyo Nebigeennu sheegaan waa sax, balse, qoruhu sida ka muuqata hadalkiisaa kore ma qirsana. Oo wakaa si tiiqtiiqsi leh ugu xarragoodey “ … Waxaa lagu doodey waxa uu qofkani intaa ku shuqlanyahay..” Hadalkaasina  wuxuu u egyahay yaraysi iyo qawad qallalan!
Qoraagu markuu halkaa marayo wuxuu isticmaaley siyaasaddii dacawada oo kale; wuxuu soo xeeladaystay oo uu isdhexgaliyey hadalkaa ay culimadu yidhaahdeen ee aynnu dib u saxney iyo iyo ujeeddada laga leeyahay; wuxuuna dhex raaciyey su’aal ah: ‘Maxaad lamataabtaan ugu magacawdey?’ Wuxuu yidhi isaga oo ka jawaabaya su’aashaa: “ … Fatwadu waxa ay lamataabtaannimada ka heshay lamataabtaannimada la siiyey ciddii soo saarasey…”  Oo qofka soo saaraya in la sharfo oo shuruud lagu xidho iyo fatwada lasoo saarayo nooca ay noqoneyso maxaa iska galey?! Mise waa laga kala qiyaas qaadan karaa lamataabtaannimada qofeed iyo lamataabtaannimada Fatwada?! Su’aashaa ah ‘Maxaad lamataabtaan ugu magacawdey?  Qoraagu nagama qancin, wax saxa oo aannu ka qaadannana nooma sheegin. Waa meelaha ay doodda qoraagu ka jabayso ee uuna u meeldayin, horana u sahamin. Halkaanna mid kale ii gunud.
Qoraagu weli wuu ka meeraysanayaa oo kolba meel ayuu ka soo wareegayaa su’aasha dhan ee uu buugga ciwaankiisa ka dhigeyna kolba geed buu ugu soo gabbanayaa. Car! Bal haddaad nin tahay meel uun ku sheeg ay culimadu ku yidhaahdeen: “FATWADU WAA LAMA TAABTAAN, HADALKA  ANIGA OO SHEEKH HEBEL AH, IGA SOO FULA EE AAN FATWOODO, KITAABKNA AAN  KU OOLLIN WAA LAMATAABTAAN!”  Haddaad intaa keento (hadal ahaan ama qoraal ahaan~ Qawlan iyo Ficlan) buugga waad difaaci karasaa; haddii kalana ku-tidhi-ku-teeno meelahaa laga soo daabbulay waannu diidney e fadlan, caqliga noo ixtiraam!
Qoraagu markuu intaa ka tago wuxuu galayaa hadal uu ciwaan uga dhigey ‘Shuruudaha Fatwada: Xadhko Xeeladeysan.’ Halkaa wuxuu ku soo aroorinayaa afarta mad’hab ee Sunnigu beegaal ka dhigto, wuxuuna leeyahay way ka duwanyihiin shiicada. Mab’habyadaas wuxuu midkasta ka soo aroorinayaa wax iskugu mid ah oo qofka fatwoonaya ay u  SHARDIYAAN, walow qaar hoose ku kala duwanyihiin. Waxaana ka mid ah kuwa ay iskaga mid yihiin, In qofka fatwoonayaa: “….Yahay qof aan khilaafin Kitaabka, sunno iyo kulan culimo. Haddii qofku khilaafana ma noqon karo qof fatwoon kara….”  Eeg Bogga 37.
Qoraagu wuxuu ku doodayaa in hadalkaa aan xagga kore ku qorey ee uu leeyahay culimadaa yidhi oo ku ijmaacsan, in ay doonayaan culimadu in ay fatwadooda kaga dhigaan ‘ lamataabtaan.’
Qof aan Qur’aan iyo Sunno garanayni in uu fatwoodo caqliga yeelayaa halkuu ka shaqeeyaa? In qofka fatwoonayaa; cidduu doono ha ahaadee yaqaanno DIINTA labo Cali kuma murmayaan. Culimadaa halkaa uu ku qoreyna waxa ay isku waafaqsanyihiin, mid kastana gaarkiisa looga hayaa;  in waxa ay sheegayaan haddii uu khilaafo Qur’aanka iyo Axaadiista, GIDAARKA lagu dhufto─macno ahaan in aan la qaadan, lana ciseyn, lamataabtaanna laga dhigin. Waa kuwan iyaga oo ka hadlaya e, dhuux hadalkan:
A)  Imaam Shaafici wuxuu yidhi: “Haddii hadalkeygu khilaafo kii Rasuulka, waxa aad ku dhufataan hadalkeyga gidaarka; hadduu sax noqdana [kitaabka iyo sunnaha waafaqo], qaata waa mad’habkeygiiye.”
B)   Imaam Abuu Xaniifa wuxuu yidhi hadal macnihiisu u dhawaa sidan : “ Hadduu hadalkeyga ku caddaato in uu khilaafey Qu’aanka iyo Sunnada, iskaga taga hadalkeyga oo qaata Qur’aanka iyo Sunnada ….. Hadduu sax noqdana qaata waa mad’ahabkeygiiye..”
C)    Imaam Maalik wuxuu yidhi: “ Qofna hadalkiisa lama qaadan karo lagamana tagi karo Nebiga dabadii,  Nebiga mooyiye..”
D)  Imaam Axmed wuxuu yidh: “Qofkii diida Xadiiska rasuulka wuxuu ku suganyahay Halaag/hoog.”
 Markuu intaa ka baxo wuxuu dhexjibaaxayaa ciwaan uu ku tilmaamay ‘Taariikh iyo Tibaaxbixin Kooban” wax uu kolba koox maago oo uu qaar xadka ka saaro qaar kalana soo dhaweysto; wuxuu galayaa ‘Xaaraan iyo Xalaal’ aan cidiba muran ka qabin xaaraannimadooda iyo xalaalnimadooda. Wuxuu wax aan la qaadan karin ku sheegayaa hadal uu Xadiis saxiix ahi sheegay! Wuxuu leeyahay qoraagu: “.… Wax la qaadan karana ma aha in la yidhaahdo: Sheekhaygu markasta isaga ayaa saxan, oo fatwadiisii hore haddii u gafeyna, ajar buu leeyahay, ta anbana, labo ajar ayaaba uu leeyahay . Sida salafiyiintu ku doodaan.” Eeg Bogga 49.
Hadalkaa aynnu kala saafno, sheekhu markasta ma saxna, sidoo kale markastana ma khaldana. Haddii uu mas’alo sidii uu u fahansanaa ee uu ugaranayey u fatwoodo, waxoogaa ka dibna ogaado in uu khaldanaa; wax ba kuma jabna, wayna dhacdaa oo bini-aadan. Qoraaguna wuu sheegay oo arrintaa wuu ku saxsanyahay. Balse hadalka ah: “….Haddii u gafeyna, ajar buu leeyahay, ta anbana, labo ajar ayaaba uu leeyahay. Sida salafiyiintu sheegaa.” Waa gef weyn, una eeg beenin Xadiis. Xadiisbaa jirey Nebigu arrintaa ajarka ee uu qoraagu diiday ku sheegay. Meelahaasi waa meelaha u baahan in ilgaar ah lagu hayo, la iskana shaandheeyo, qoraagana loogu caqliceliyo. Waa Xadiis saxiix ah in ka qaldamaa hal ajar leeyahay; ka sax noqdaana labo ajar leeyaha. Qoraagu salafiyada ayaa ku doodda ayuu inna leeyahay; waa halka uuna Xadiiska uba rumeysnayn Xadiisnimo! Buugga meelahan oo kale waa meelaha dhiigbaxa ku ah dadka moodaya in waxa ku qoran wax saxyihiin; hadduu xiitaa wax ka weyn beenin lahaa way daba dhasnayn lahaayeen buugga, illeyn aqoon uma lehee! Waana meelaha dhiigbaxa iyo dheecaan aan joogsi lahayn ku sababi doonta ciddii aaminta ee hadalladaa qoraaga ee matagga u badan run mooda. Qoraa, waa Xadiis, xadiiskaa maad beenisay mise maad maqalba? Qoraagaa looga fadhiyaa; waana meesha dooddiisu ka jabaso. Meelahan noocan ahi waa xeradhiigta la isku ugaadhsado caynadeeddii oo kale. Halkaana ii gunud.

Markuu intaa ka baxo waxa uu sheegayaa tusaalayaal qaarkood u badanyihiin kuwo dhulal Carbeed, ka dhacey, maqal uun uu ku hayo e uuna shaahid ku arag, qoraagu. Wadaaddo an cidina waxba ka dhageysan oo qaarkood yihiin Calmaaniyiin iyo caatoqaayaal Galbeed iyo gaalo dabo-dhilif u ah ayuu sida daadka kuugu hurgufayaa. Waxyaabaha qaar aan fatwo lagu tilmaami karina fatwo ayuu ku tilmaamayaa (Waa halka buuggu ka arradanyahay, doodda qoraaguna ka jabaso e). Waxyaabahaa waxaa ka mid ah in uu buugga  daliil ahaan u soo qaadanayo wadaad la yidhaa Cali Jumca,  oo Masaari ahi in uu sheegay in jimcaha sagaalka aroornimo la tukan karo! Kaasi calqiga aqbalayaa halkuu joogaa in wadaad diin yaqaannaa fatwoodo in sagaalka subaxnimo duhur la tukado! Daliilka uu keeni doono wadaadkaasi muxuu noqonayaa? Malaha waaba shirqool in wadaadka laga beenabuuranayo! Waana suurtagel in odeygu fayadhowr caafimaad u baahanyahay ama u socdo! Tolow qoraagu, ragga iska hadla ee aragtiyaha dhagaraysan faafiya ma in ay fatwoodan ayuu u haystaa?! Waa suurtagel oo waakan wadaad uuna arag in uu fayadhawr u baahanyahay iyo in kale innoo soo xiganaya; wadaaddada saxda ah ee diinta wax laga wayddiiyana garab dhigaya! Wadaadkanna markaan waayihiisa nololeed soo baadhey waxaa iisoo baxdey in uu yahay wadaad fallaagoobey, oo kubbadda kolba dhinaca uu doono u laaga! Cid ku xidhana ay yartahay. Halkaa buugga waan canbaareynanaa in uu odey xanuunsanaya na yidhaa ‘wuu fatwoodey!’ Fadlan, dadka fallaagoobey firigfirigtooda fatwo ha nooga dhigin, qoraa. Waana halka doodda buugga ku qoran ka jabaso, mar kale.
Qoraagu wuxuu soo xiganaya dad kala duwan; kaliyana aan muslin aheyn  e diino kale qaarkoodna haystaan─xataa kiristaan! Arrinta lala yaabo waa taasi in waxa aad wax ka qoraso aad ka soo xigato cid diidday oo deeddifaysay; taasi waxa ay caddeynasaa in buuggu dhagar ku yahay Islaamka oo dacaayaddiisa iyo farabixintiisa usoo tafo xaytay; waayo markuu soo xigtey nin Kiristaan ah ama nin aan Muslin aheyn oo aan diinba haysn. MAXAAD KA FILASAA, AKHRISTE?  Maxaadse u malaynasaa in uu qof aan Diinta Islaamka diin xaqa u rumeysnayni ka odhan doono? Saw dhalleeco iyo dhaliil caalwaa uun la soo kambadhuudhsan maayo?! Saw dabadeed qoraaguna inna odhan maayo tixraacbaan u hayaa?! Allow Alleh.

Qorayaasha mawdduucan uu ka soo xigtay qoraaga buuggu waxaa ka mid ah: A) Armstrong Karen: oo ah qoraa qortey buugga loo yaqaan (A HISTORY OF GOD~ TAARIIKHDA ILAAHAY!) “1993”. Waanna naag Christaan ah gaar ahaan  waliba ‘CATHOLIC’. Waana Gabadh Irish ah. Waakan macluumaad ka laga qorey ila akhri: “Karen Armstrong OBE FRSL (born 14 November 1944) is a British author and commentator of Irish Catholic ..” ka eeg lifaaqan: https://en.wikipedia.org/wiki/Steven_Doris. Ka kaalay dhalashadeeda bal ka waran iyadu buugga ay qortey ee ciwaan kaa kore leh; qoraageenna weyna uu soo xiganayo. Ninka gaal Diinta neceb hadalkiisa marjac iiga dhigaya maxaan ka dhageystaa?! Balse, waxa aad ka warranta hadalladaa ay naagtu tidhi qoraaga dad Muslimiin ah oo diintooda ka  jecel ku maagaya, ee waliba daliilbaan idiinka dhigayaa ku doodaya?! Haddey garanaso lafteeda saw ogaan iyo ukas uun Diinta uga beensheegi mayso? Halkuuse yaallaa xeerka sheegaya in qofku wuxuunna aaminsanayn wax laga wayddiiyaa? Waa markaan ku murmo buuggu ma Diin buu sal ku leeyahay mise waa Fiisikis?! Waa mas’alo kale oo qoraagga buugga hortaal sidii uu furfuri lahaana looga fadhiyo. Waana meelaha buuggu huubo ka noqonayo; iinta iyo awood-darradana uu ka leeyahay. Dooddeydu wataa.
Tusaalayaashaa ka dib waxaa uu qoraagu  ku darsanayaa hadal dheer oo nuxurkiisu yahay sidan: “ Fatwada ayaa inna bartey in aynu ka war[r]anno aakhiro. Tusaale, ahaan in aynu isku qaadno cayimidda cidda jannada galasa iyo cidda cidda kale…” Eeg Buugga, bogg 58.  Sidoo kale wuxuu yidhi, qoraaggu: “…Markalana dadka qaarkood waxa ay isku hawlaan sidii ay ukala calaamadin lahaayeen dadka naarta gelay; oo sidii  oo ay u sharraxanyihiin la-taliyayaal Eebbe ee dhanka naarta, ayaa ay naarta iyo jannada iyagu kala soocaan…” Eeg bogga 60.
Hadalkaasi wuxuu u eegyahay indho-iska-tuuris iyo u meeldayid la’aan. Goormey  fatwadu inna bartey in aynu aakhiro ka warranno? Miyuunna Ilaahay Qura’aanka innoogaga warramin 1439 sano ka hor, oo uuna odhan: “ Kuwa Alle rumeeya, camal wanaagsana sameeyaa waa asxaabtii JANNADA, wayna ku waarayaan.” Suuradda Al-Baqara, aayadda 82, Bogga 12.  Sidoo kale Allah muuna odhan: “ Kuwa Alleh rumeeya, camal wanaagsanna sameeya, waxaannu galin doonnaa JANNOOYIN ay hoostooda socdaan webiyo, waynna ku waarayaan, waa ballanqaad Alleh oo dhab ah, ALLAH YAA KA RUN BADAN, HADAL AHAAN.” Suuradda An-Nisa, Aayadda 122, bogga 98.  Qoraagu muuna aayadahan u dhugyeelan mise wali maba arag?! Mooyi, in uu dhagaha ka fureystay Aayadaha kala badhka Qur’aanka ku dhaw ee ka warramaya in Jannadana cid gaare ah, oo sifooyin gaar ah lihi galaso; Naartana cid gaar ah oo sifooyin gaar ah lihi galaso! Waa suurtagel in la yidhaa qofkaasi wanaagbuu samaynayaa oo jannada ayaan u rajeynanaa, wuuna gali sida Allah u ballanqaadey, Insha Allah, wax diidayaa ma jiraan. Inta la ogsoonyahay nimanka la yidhaa “Al-Qur’aaniya, Al-Calmaaniya, iyo Al-Caqlaaniya”─ayaa deeddifeeya oo ku doodda maxaa idin galiyey shaqooyinka Aakhiro iyo jannooyinka ku saabsan! Qoraagu isaga oo tiiqtiiqsi u lehna waakan: “....Dabadeed dad Muslimiin badani waxa y qati badan ku bixiyeen sidii ay uga faalloon lahaayeen cidda jannada gelaysa…….”  Eeg buugga, bogga 58.
Qoraagu isaga oo sii wata dhaleecayntii bilaa jihada aheyd wuxuu dalaq odhanayaa ciwaan uu ku magacaabey “ Askarta Diinta”─wuxuuna si guud iyo si sarbeebanba u diidayaa in la helo dad wanaagga iyo xumaanta dadka ka reeba, wuxuuna ku doodayaa: “…Heerba la gaadhey im ciidanka jaadkaas ah, oo ay wadashaqeeyaan kooxda loo yaqaanno Ha’ayadda wanaagfarista iyo wadeeco-reebista, loo bixiyo ‘ Askarta Diinta!’ Iyada oo dantu tahay in ay yihiin boolis ku fooggan hubinta in ‘SHAREECADA’ oo fatwo qeexdaa ka hirgasho dad weynaha…” Eeg bogga 68. Waxa kale oo uu yidhi: “In askarta Diinta (Iyo Isxilqaamayaasha kale) ka jirtaan dalalkan waxaa inta badan ugu wacan caqliyadda fatwo ee u aragta in Eebbe baahi u qabo in dinida lagu metelo . Waa maanhag ay ku shaqeystaan hay’adaha lagu tilmaamo wanaagfarsita viyo wadeeco-reebidda, ooo badanaa ka deg sidii ay dadk ugu qabi lahaayeen raacidda fatwooyinka (ooo diin laga dhigay). iyada oo ay diintu aheyn qasab e ay tahay qancin..”Eeg bogga 72.

Hadalku wuxuu u eegyahay dheeldheel iyo dibbirodhacsi lala dul yimid diinta. Arrintan uu deeddifaynayo qoraagu waa arrin Qu’raan ka ku cad, oo Allah yidhi: “ولتكن منكم امة يدعون الي الخير يامرون با المعروف وينهون عن المنكر والئك هم المفلحون ”~“ Ha idinka mid noqdaan ummad kheyrka idiinku yeedha, wanaagga idin farta, xumaantana idinka nahiya, kuwaasi waa kuwa GUULEYSTAY” Suuradda Aal-Cimraan, aayadda 104, bogga 63.  Qoraa waadiga deeddifaynaya e ku dheeldheelayee, Aayaddaa halkeen u dhaafnaa? Meelna. Haddaba shareeecadu wataa inna leh dad gaar ah sameystan oo wanaagga idin fara, xumaantaan idinka nahiya. Mana diidaso oo wanaagga ciddii garanasaaba way sheegi kartaa; xumaanatana ciddii garanasaa way ku dhawaaqi oo gaashaankey ku dhufan. Aayado cadna uu ogaan iyo ukas ubaal marayo; waan diidney hadalkaa matagga u eeg. Halkani Waa meelaha buuggu ka janjeedho dhiicadana uu ka leeyahay, doodda qoraaguna ka jabaso.
Qoraagu waxa kale oo ciwaankaa dhexdeeda ku doodayaa in Soomaalilaan ay ka jirto bisha Ramadaan askar iyo Culimo is raaca oo qabqabta dadka meel wax ku cunaya; iyaga oo u diiddan in ay ‘ Xaaraantahay’. Waliba wuxuu xoogga saarayaa in ay eegtaan uun dadka meelaha qarsoon ee MEHERADAHA iyo  GURYAHA hootsooda wax ku cunaya e (aynna qabqaban dadka meelaha fagaaraha wax ku cunaya). Taasi waxa ay u eegtahay arrin meel waydday. Soomaalilaan, waannu ku noolnahay, intaa aan jooggo waxa aan ka mid ahaa dadku dhuundaloola ee arrimahan indhaha la xada, weli ma arag: “ Wadaado iyo Askar intay israaceen qof MEHERAD ama GURIGIISA wax ku cunaya soo  qabta, lana yidhaa qasab ku SOON iyo wax la mid ah. Way jirtaa dad bannaanka iyo meelo shaaric ah wax ku cunaya oo la yidhi ‘ waar isla yaaba oo dad soman baa meesha joogga bil Ramadaana waa lagu jiraaye, sooma oo Allahiina ka baqa, ama guryihiina ku cuna; haddaad xanuunasanaan ama cudurdaar leedihiin.” Qoraaggu miyuu na caayayaa mise caqliguu naga saarayaa, miyaannaan Soomaalilaan la joogin? Mise wuxuu moodayaa in kelidii uu arrimahaa u laabdalool! Yaabka yaabkii! Waxa ay ka mid tahay meelaha uu buuggu iinta ku leeyahay ayna tahay in qoraagu dib ugu noqdo. Arrimaha noocan ah in uu qof weyni qalin uqaato oo dad ku fadeexadee is yidhaa waa looga fiicanyahay; waan arrin laga yaqyaqsoodo oo aan xiitaa dadka dhimirka qaba aan ka suurtoobin! Fadlan, qoraa ogow meelahan oo kale in aad dad kula-nool u sheegaso!

 Intaa ka dib waxa uu galayaa ciwaan uu ula baxey “ Siyaasadeynta Fatwada”. Wuxuu geedh deer oo nin Shiica ahi fuushanyahay dabada uga soo marayaa ciwaanka, kaliyana wuxuu daliishanayaa oo qiil iyo qararac ka dhiganayaa Ruuxullah Al-Khumayni, oo Baadari Shiiciya ah. Ruuxullah Al-Khumayni, oo nin kale oo sheeko ku caayey ku fatwoodey in la dilo!
 Intaa waxaa ku xiga ciwaan loo yaqaan “ Fatwada iyo Haweenka”─wuxuuna ciwaanhoosaad yar uga dhigey ‘ Dhallaan Caga Weyn’ oo uu qoraagu  eraybixintaa laga yalaalugoonayana ku tilmaamay haweenka! Ciwaanyarahaa oo dhan waxa uu ku difaacayaa in safarka haweenku ay kalideed safraan yahay waxa ay waddaado fatwoodeen ee ayna diin raad ku laheyn. Arrintaa waa beenaha aragtiyaha qaldan iyo tabaha xeeladeysan ee qoraagu dadka ku harawsanayo. Waana meelaha aan leeyahay buuggu dhagar ayuu Islaamka ku yahay, maadaama uu Xadiisyo cad baalmarayo oo beeninayo. Xadiis ayuu Nebigu ku sheegay in ayna gabadh safri marin maxram la’aan. Halkeebuu Xadiiskaa ka marayaa qoraagu? Miyuu diidaya mise wuu xeeladaysanayaa tolow? Idinkaa noo garqaadi, qoraaga.
 Buugga Xagga eraybixinta iyo ciwaannada ayuu habaar kaga dhacey. Bal u fiirso intan “ Shaqadii rabbi miyaa la gacatogaaleeyey?!” Waa shaamareertada iyo amakaagga buugga ku jira; su’aalahaa qallafsan ee uu qoraagu beegaalsanayana Diiniyan ma fiicna oo waxyaabaha qaar waxaa jirta Allah lagala xishoodo; waxaabad mooddaa in xirribaha la soo xiirtey markii la qorayey erayada qaarkood, buuggan ku jira. Intuuna ciwaankaa ka bixin wuxuu waxka taabanayaa Shirkiga ‘la wadaajinta Allah cid kale.’ Wuxuuna ku doodayaa in Awliyada xurmada loo hayaa ay tahay arrin aan shirki aheyn. Arrintaa dhinac uu qoraagu taageerayo oo aan u qaado waan fahmi waayey: Ma wuxuu leeyahay Awliyadu markey dhintaan ha lagu dawaafo oo qabriga inta lagu siyaarto xoolo ha lagu dulqalo? Mise markey dhintaan ama noolyihiinba arrimaha qaar waxaa jira ay ogsoonyihiin oo waxa laga wayddiin karo oo aakhiro la xidhiidha? Taasi waa arrin u baahan in qoraagu caddeeyo oo saafo halka uu u janjeedho. Wuxuuna ku eedaynayaa in nimanka taabacsan Sheekh Maxamed Bin Cabdiwahaab, ay arrinta u yaqaanaan shirki. Waana meelaha aan ku dooddayo ee aan leeyahay buuggu wuxuu qabaa xanuun la yidhaa “wadaadnaceyb.”

Intaa ka dib waxa uu galey ciwaan uu ku magacaabay ‘Fatwada wadaado siyaasiyiin ah.’ Arrintaa wuxuu dadka ukala saarayaa Calmaaniyiin taageersan in diinta dawladda laga saaro, iyo kuwo kale oo leh ‘ Yaan diinta iyo dawladda la kala saarin.’ Qoraagu labada midna ma taageersana oo wuxuu leeyahay midna ilama saxsan e waxaa ila saxsan waxa la yidhaa ‘Dhexdhexaadnimo’. Wuxuuna yidhi: “ Diinta iyo dawladda in la kala saaro ma aha, in la isku khaldana ma aha. Waase in la kala garto….” Eeg bogga 126. Halkaa qoraagu magac gaaruu samaystay oo ‘ dhexdhexaadnimo’ ah.  Halkaa uu yidhi ‘ In la isku khaldo ma aha’ dhinac loo qaado malaha. Sidee Diinta iyo dawladda la iskugu khaldi karaa, yaase qaba in la isku qaldo? Wa arrimaha uu qoraagu ka meeraystay ee uuna ka jawaabin. Calmaaniyiinta garanney oo waa ‘ Niman diinta iyo dawladda ha la kala saaro’ yidhaahda e, kuwa kale  ee hala isku khaldo yidhaahdaa waa ayo?! Nebigu waqtigiisii isku meel bay ahaayeen diinta iyo dawladdu oo masaajidka ayaa lagu wada gorfeyn jirey. Khaldiddaasi qoraagu ma yaan sidaa la sameyn ayuu leeyahay?! Waa arrimaha buugga kala dhantaalaya jawaabahaa shoortikatka ah ee uu qoraagu iska yidhi isaga oon qeexin!

Waxaa ku xiga ciwaan uu ugu magacdaray ‘ Maandoorinta Dadaweynaha.’ Wuxuuna hadalladiisa ku xoojinayaa nin Kiristaan ah oo Karl Marx la yidhaado. Wuxuuna qoraagu ku doodayaa in fatwadu noqotey ama noqon doonto afyuun lagu miyirbeelo ama lagu daroogo oo  lagu duro dadweynaha. Arrintan maaha in uu isku daro dhammaan wadaaddada, basle, waa in uu kala reebaa, illeyn isku mid maahee. Kuwo waxaa jira  dano gaar ah diinta u adeegsada iyo kuwo runta ka sheega. Iskuqaaddida arrimo badan waa waxaa buugga jarka ka tuuraya kana dhigaya buug dhinac u janjeedha oo kaliya xagga TABAN uun wax ka eegaya; kana baydhaya meelaha togan! Waana arrinta buugga ka dhigasa iska hadle!

Halka laxdu u dhimatey waa intan e ila fiiri qoraagu ciwaankan “ Sicirbararka fatwadu Diin-ka-bax ma sababaa?”. Qoraagu halkan wuxuu ku doodayaa in fatwadu keenayso diin-ka-bax walow uuna xaqiiqooyin cuskaneyn, haddana indhuhu iska tuurayaa oo kolba dhinaca ayuu hadalka meel uga dayayaa. Intaan la yaabey,  dabanna la yaabi doonaan waa intan: “ Halkii laga bari lahaa ardeyda nuxurka Qur’aanka ayaa waqti badan lagaga lumiyaa sidii loo qeybsiin lahaa xarfo aanu ujeedkooda garaneyn. Waliba loogu sheegay in midkii kasta ay mushqaayad Rabbaani ah ku helayaa..”  Arrintan ma isyeelyeelbaa mise waa garasho la’aan iyo aqoon qoraaga ka dhiman, miyuuna maqal Xadiiska uu Nebi Muxamed yidhi: “ Qofka akhriya xaraf ka mid ah kitaabka ilaahay wuxuu leeyahay Mushqaayad ah toban wanaag (Xasano). Ku odhan maayo (الم ) Waa xaraf, balse (أ) waa xaraf, (ل) waa Xarad, (م) waa xaraf……” Qoraagu sawkan inna leh “ loogu sheegay.” Ma wadaadbaa noo sheegay mise  Nebi Maxamed?  Oo ma Nebi Muxamed cid aan aheyn ayaa laga hayaa? Nebi Maxamed in Xadiistiisa la qaato maynna sharci aheyn? Qoraaga hadalkiisa waxaa ka muuqata indho la’aan uu kula dul dhacayo wadaaddada, iyo waxoogaa isyeelyeel ah. Qoraaga xaggiisa malaha xadiista qaara ayaan uxisaabsanayn waa ka sidan u hadlayee, meelo badanna indho la’aan iyo fiirsi la’aan hadley ee xadiisyo saxiix ah isku qaadey oo dhaleeceeyee! In uu arrimahan noocan ah dib u saxo ama ugu yaraan uu buugga ka saaro waa waxyaabaha aan qoraaga kula talinayo, haddii kale waa buug kala dhantaalan oo Xadiisyada qaar beeninaya, in aan idhaahdo dhagar ayuu Islaamka ku yahayna garbaan u leeyahay, akhriste miyaan gardarroonayaa?!
Intuuna ciwaankaa kore ka bixin wuxuu sheegayaa su’aalo la wayddiiyo wadaadda oo ay ka jawaabaan, wuxuuna yidhi “ …. Wadaaddada dalka gudijiisa joogaa waxa ay waqtiga u badan ku lumiyaan … mawduucyo aan u qalmin in sidaa la xoogga loo sii saaro..” Eeg bogga 144.

Su’aalahaa uu sheegayo qoraagu waxaa ka mid ah mid uu yidhi: “ Maxaa xalaal ah ma xaaraan ah?” Tani waa indho iska tuurdee, qoraa! Haddii aan waddaadka la wayddiineyn maxaa xalaal ah ee diintu bannaysay maxaase xaaraan ah ee diintu diiday.” Maxaa la wayddiin lahaa? Waa arrin sax ah una qalanta in waqti lagu bixiyo, qoraa halkaasi waa meelaha aad buugga ku matagtey, arrintan waa arrin weyn oo waa in ogaadaan maxay diintu xalaal u taqaan iyo maxay xaaraan utaqaan, waanna arrin 100% u qalanta in waqti badan la siiyo. Meelaha noocan ayaad adiguna ku doodasaa maxaa waqti badan loo siiyaa? Arrintan anigu mid ka muhiimsan oo waqti la siiyo ma arko; waayo diinta dhaniba waxay ku soo ururtaa: Maxaa bannaan (الحلال) iyo maxaan bannaaneyn (الحرام)?  Arrintaasi waa meelaha buuggu ku liito; akhristayaal badannina ayna u dhugyeelan doonini weey! Fadlan shaandho qaado. Akhriste, illaa hadda miyaan gardarroonayaa?!

Gebageba buuggu waxa qoraagu ku soo koobaya ciwaan ka ah “ kala Duwaanshuhu Ma Ceebaa?” Halkan qoraagu wuxuu ku doodayaa sida hadalkiisa laga dhandhansan karo in qofka Muslim ah ee gaalka u arka mid ‘Baadiyoobey’ ay tahay arrin nacasnimo ah. Isaga oo ku tiiqtiiqsanaya dhooshana ka qoslaya wuxuu leeyahay “ Haddii laga duwanaadana, waxa uu u dhaqdhaqaaqaa sidii uu ‘ u badbaadin lahaa’, dadka ka duwanaadey; waayo waxa uu u arkaa dad baadiyoobey..” Eeg bogga 161.  Allah miyuuna odhan: “ …. Mise waxaad u maleyn in badankoodu wax maqli ama wax kasi, ma aha wax aab xoolo aheyn mooyaane, iyagaaba kasii liita xoolaha [lunsan] ” Suuradda Al-Furqaan, Aayadda 45. Allah ayaa gaalada ku tilmaamay baadi, dadka muslimiinta ah maxaa udiidaya in ay ogsoonaadaan in ay gaaladu baadi ku suganyihiin? Halkan oo kale waa meelaha buugga la iskaga dheeldheelay ee Kasmanafeed iyo aragti kale qoraagu u xeeladeystay. Waanna arrimaha uu buuggu ku liito.

Guntii iyo Gebagebadii, gorfeyntii iyo Naqdintii koobneyd ee aan ku lafagurayey buugga “Sicirbararka Fatwada”, intaas ayaan ku soo koobayaa. Ujeeddadeyda guud iyo gaar ahaaneedba waxa ay aheyd uun wax sax. Dadkana wixii aad ku aragtay buugga u sheeg. Naqdintayduna ma wada aha buuggu wuuu wada xunyahay, balse waxa aan leeyahay wax ka mid ah ayaa sumeysan. Qofkasta oo buugga heli kara waxa aan kula talinayaa in uu akhriyo buugga, wixii fiican ee Qur’anka iyo Sunnada waafaqa uu ka qaato, wixii Qur’aanka Iyo Sunnada khilaafana uu iska daayo. Buuggu wuxuu u baahanyahay naqdin iyo weelayn intaa ka badan; iyo wixii khaldan in la tilmaamo. Buuggu kaliya wuxuu innaga mudanyahay in la ixtiraamo wixii saxan, lana dhaliilo wixii khaldan.
           Allahii Na Fahansiiyaa Mahad Leh.


March, 2018

         Cabdirasaaq Sandheere       





 


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?