Posts

Sheekhan ayaa Magacayga Kitaabka iiga Eegay

Image
  Waxa aan caado ahaan u soo gaadhay in marka Ilmo dhasho, ilmaha dhashay waalidkii Sheekh u tagaan si uu ugu magacbixiyo. Anigu markii aan dhashay, waxa maqnaa Awawgay Sh. Maxamed Cumar C. Tukaale ( Ina Cumar Daranyo) oo ahaa Sheekhul Balad iyo oday wayn oo la qaddariyo. Inta uu isagu joogo la’aantii Wadaad kale looma baahan jirin. Haddaba markii aan dhashay Awoowo AHUN wuu maqnaa oo halka aan ku dhashay oo ahayd halkii isaga iyo inankiisa ( oo aabbahay) ahiba ay degganaayeen wuu ka maqnaa. Waxa meesha taalla in la ii magacbixiyo oo sida ay dadka DEEGAANKU aaminsanyihiin ilmaha dhashay loo kitaab dayo oo magac loo bixiyo, Sheekh la’aantiina magac looma bixin jirin ilmaha oo waxa la aaminsanaa in Wadaadka magaca bixinayaa kitaabka ka eego Kitaabka. Waa arrin berigii aan dhashay caado ka ahayd Miyiga ballaadhan ee aan ku dhashay eek u barbaaray ee Madarka loo yaqaanno ( Inta u dhexaysa Wajaale iyo Harta Sheekha). Maadaama ilmo dhashay, Sheekhii meesha oo ah Sh. Maxamed maqanyahay ...

Muhiimadda Saaxiibtinnimada Wanaagsan

Image
  Hordhac Qofku cid uu la saaxiibo oo dareennadiisa iyo waxa uu tebayo la wadaago inuu helaa waa lama huraan. Diinta Islaamku qiimo wayn ayay siisay Islaamnimada, Nebi Muxammad markii uu qofka ka warramayay waxa uu yidhi: “ Qofku waxa uu haystaa ama sitaa Diinta Saaxiibkii.” Markii Nebiga la soo diray, qofkii asxaab badan ayuu yeeshay, se way u kala dhawaayeen. Saaxiibkiisii ugu dhawaa waxa uu ahaa Abuubakar Siddiiq. Abuubakar ayuu saaxiib dhaw la ahaa. Odhaah ayaa tidhaahda “ Qof wanaagsan la saaxiib, haddii aad waydana naftaada la saaxiib.” Xilligan la joogo saaxiibtinnimadu waa muhiim, qofka saaxiibka wanaagsan lihi wuu nasiib badanyahay, waayo saaxiibku qofka wuu kabaa, oo talo iyo taageero ayuu siiyaa. Waxa aan si kooban uga warrami doonaa sida ay muhiimka u tahay in qofku helo saaxiib wanaagsan, iyo muhiimadda saaxiibtinnimada wanaagsan. Muxuu Muhiim u yahay Saaxiibka/saaxiibadda wanaagsani? 1-      Talada: Saaxiibka wanaagsan qofka waxa uu si...

Maqaamkii Awawgay Sh. Maxmaed Cumar-Daranyo C. Tukaale

Image
  Marka aan lo’ada arooriyo ee barkadaha geeyo Maqaamkan idiin muuqda ayaan orod iyo farxad ku geli jiray aniga oo aan dheg la qabto lahayn. Waxa fadhiisan jiray, oo wax ku akhrisan jiray, ku shaahi jiray Awawgay Aabbo Callaamata Sh. Maxamed Cumar C. Tukaale AHUN.  Aniga oo aan cabsanayn ayaan Awawgay si kalsooni iyo dhoollacaddayn leh u salaami jiray. Awawgay inta uu Jeebkiisa gacanta geliyo ayuu shilimaad isiin jiray, ka dibna odhan jiray ‘ Tukaankaas nacnac kaga soo iibso Awaw.’   Walow inta badan isagu inta uu oodda Maqaamka istaago sheedda iga eegi jiray oo ila sugi jiray buskud iyo nacnac. Wuxuu caado u lahaa inuu ubad jeclaa oo carruurta nacnac iyo wax ay ku farxaan siin jiray. Ma qiyaasi karo inta jeer ee uu aniga keliday iga farxiyay; sidoo kale ma qiyaaso karo inta jeer ee aniga iyo carruur badan oo aannu danwadaag xoolo wadajira ahayn annaga oo baahida carruurnimo qabna uu wax na siiyay. Xusuusta uu aniga iyo awawgay maqaamkaasi nagu lahaa ee i xantax...

Faallada Buugga “𝐓𝐇𝐄 𝟐𝟐 𝐈𝐌𝐌𝐔𝐓𝐀𝐁𝐋𝐄 𝐋𝐀𝐖𝐒 𝐎𝐅 𝐌𝐀𝐑𝐊𝐄𝐓𝐈𝐍𝐆”

Image
  Buuggan waxa la yidhaahdaa “ 𝐓𝐇𝐄   𝟐𝟐   𝐈𝐌𝐌𝐔𝐓𝐀𝐁𝐋𝐄   𝐋𝐀𝐖𝐒   𝐎𝐅   𝐌𝐀𝐑𝐊𝐄𝐓𝐈𝐍𝐆 ” Af Soomaali ahaan waxa aynu ku macnayn karnaa “ 22 Xeer ee aan Isbeddelin ee Suuqgaynta.” Waxaa wada qoray  Al Ries iyo John Francis  (Jack Trout). Labaduba waa qorayaal xirfad leh, ganacsadayaal, talataliyayaal, suuqgeeyayaal IWM. Qoraa Al Ries waa qoraa iyo suuqgeeyo wayn oo u dhashay dalka Maraykanka. Wuxuu ka qalinjebiyay Jaamacadda D ePauw University . Markii koowaad wuxuu shirkad xayaysiis ka aasaasay magaalada New York sannadkii 1961kii. Qoraa  Jack  Trout, wuxuu ahaa aqoonyahan wayn oo ku takhasusay xayaysiiska, wuxuuna aasaaskeeda qayb ka ahaa shirkad xayaysiis ah.  Wuxuu aasaasay shirkad suuqgayn ah oo ah ‘Trout and Partners.’ Shirkado badan ayaa macaamiishiisa ka mid ahaa sida shirkadaha  AT&T ,  Apple ,  Citicorp ,  General Electric ,  Hewlett-Packard ,  IBM ,  Pfizer...

Maarayntan Caajiska

Image
Hordhac Caajisku waa waqti lumiyaha ugu wayn. Qofka waqtigiisa ayuu ka lumiyaa. Qofkii oo maanta oo dhan inuu hawl qabto wuu ka wahsanayaa. Qofku ma rabo inuu wax qabto. Marar badan qofku isaga oo awooda hawlqabashada ayuu haddana aanu qabanayn, sabab? Sababta ugu wayn waxa weeyaan caajis. Caajiska ayaa ka turjumaya xaalad hawl la'aaneed ee qofka haysata ama daal xaa murqaha qofka hawl uu qabtay awgeed, waxaa suura gal ah caajisku inuu ahaado mid jidheed ama mid maskaxeed, caajiska iyo daalka qofka ayaa lagu sifeeyaa inuu yahay walax qabashadood oo loo kici waayo iyadoo ay jirto awoodii lagu qaban lahaa, saamaytiisa ayaana u badan markii cadaadiska xaga shaqada ahi uu bato. Caajisku wuxuu keenayaa inuu qofku waxba qaban waayo oo waxkasta ka caajiso. Maxaa sababa caajiska? Caajiska waxyaabo badan ayaa keena, waxyaabaha keena waxa aan ka xusi karnaa: 1-      Hurdo la’aan ama hurdo yaraan. 2-    Gaajo. 3-    Mashquul la’aan. 4- ...

Si Kooban Siirada/Taariikhda Nebi Muxammed SCW

Image
Nebi Muxammed SCW wuxuu dhashay Bisha Rabiicul Awal, sannadkii 570kii. Wuxuu ku dhashay Maka. Aabbihii Cabdillaahi wuxuu dhintay isaga oo uurka hooyadii ku jira. Agoonnimo ayuu la kulmay yaraantiisii. Waxa naaska nuujiyay Xaliima-Sacdiya iyo Ummu Ayman. Miyi ayaa la geeyay, adhijire ayuu muddo ahaa. Hooyadii waxa ay dhimatay isaga oo 6 sano jir ah. Waxa kafaalaqaaday Awawgii Cabdimuddalib. Awawgiina waxa uu dhintay Nebiga 8 jir ah. Adeerkii Abuu Daalib ayaa Kafaalaqaaday, isaga ayuuna intii danbe ee noloshiisa la noolaa. Waxyar ka dib ganacsi ayuu bilaabay. Reer ayuu adhi u eegi jiray. Haddana gabadh ganacsi lahayd ayuu awrta u kaxayn jiray, oo u kala maamuli jiray. Muddo ayuu shaqadaas hayay. Gabadha uu shaqayn jiray waxa ay ahayd Khadiija. Ammaanadiisa ayay jeclaatay, ugu danbayna waxa ay u soo bandhigtay inay isguursadaan. Wayna isguursadeen Nebi Muxammed iyo Khadiija. Nebigu wuxuu ahaa 25 sano jir; Khadiijana 40 jir guur hore soo martay.Noloshii qoysnimo ayuu galay. Wuxuu ahaa qof ...

Sidee loo gaadhaa waxa aad jeceshahay?

Image
Qofkasta wax ayuu rabaa. Waxa jira waxyaabo badan oo uu si gaara u jecelyahay. Qof wuxuu jecelyahay inuu ganacsiga meel wayn ka gaadho, qof kale waxa uu rabaa inuu horumar badan ka sameeyo waxbarashada, qof kale wuxuu doonayaa inuu lacag sameeyo. Haddaba arrinta muhiimka ahi waxa ay tahay maxaa qofka ka caawinaya inuu gaadho wuxuu jecelyahay? Sidoo kale, side qofku u gaadhayaa wuxuu rabo ama xiisaynayo? Si aad u gaadhid waxa aad rabtid, raac tilmaamahan: 1-       Qorshe yeelo Waxa aad samaysataa qorshe ku saabsan waxa aad rabtid in aad gaadhid, tusaale ahaan waxa aad doonaysaa in aad gaadhid arrin ah sidii aad ganacsi u abuuri lahayd. Marka hore iswayddii wax lacaga maxaad haysaa? Halkeed ka samaynaysaa ganacsiga? Maxaad rabtaa in aad ka ganacsatid? Maxaad iibin doontaa? Qiimayaasha?   IWM. Qorshe noocaas ah samayso. 2-       Hammi yeelo Hammigu waxkasta oo la gaadhayo waa waxyaabaha ugu waawayn. Hammigu wuxuu ka midyaha...