Faallada Buugga “𝐓𝐇𝐄 𝟐𝟐 𝐈𝐌𝐌𝐔𝐓𝐀𝐁𝐋𝐄 𝐋𝐀𝐖𝐒 𝐎𝐅 𝐌𝐀𝐑𝐊𝐄𝐓𝐈𝐍𝐆”


 

Buuggan waxa la yidhaahdaa “𝐓𝐇𝐄 𝟐𝟐 𝐈𝐌𝐌𝐔𝐓𝐀𝐁𝐋𝐄 𝐋𝐀𝐖𝐒 𝐎𝐅 𝐌𝐀𝐑𝐊𝐄𝐓𝐈𝐍𝐆” Af Soomaali ahaan waxa aynu ku macnayn karnaa “ 22 Xeer ee aan Isbeddelin ee Suuqgaynta.” Waxaa wada qoray Al Ries iyo John Francis (Jack Trout). Labaduba waa qorayaal xirfad leh, ganacsadayaal, talataliyayaal, suuqgeeyayaal IWM.

Qoraa Al Ries waa qoraa iyo suuqgeeyo wayn oo u dhashay dalka Maraykanka. Wuxuu ka qalinjebiyay Jaamacadda DePauw University. Markii koowaad wuxuu shirkad xayaysiis ka aasaasay magaalada New York sannadkii 1961kii.

Qoraa Jack Trout, wuxuu ahaa aqoonyahan wayn oo ku takhasusay xayaysiiska, wuxuuna aasaaskeeda qayb ka ahaa shirkad xayaysiis ah.  Wuxuu aasaasay shirkad suuqgayn ah oo ah ‘Trout and Partners.’ Shirkado badan ayaa macaamiishiisa ka mid ahaa sida shirkadaha AT&TAppleCiticorpGeneral ElectricHewlett-PackardIBMPfizerProcter & GambleSouthwest Airlines iyo Xerox.

 Sannadkii 1967kii waxa shirkaddii xayaysiiska ee uu hore u aasaasay Al Ries ku soo biiray saaxiibkii qoraa Jack Trout, oo ay saaxiibbo dhaw oo qalin wadaaga ahaayeen. Waxa ay shirkaddaas ka wada shaqaynayeen muddo 26 sano. Sannadkii 1972kii ayay Al Ries iyo Jack Trout Wakaalad xayaysiis oo la odhan jiray ‘Advertising Age ’ ku daabaceen saddex maqaal. Saddexdaas maqaal intaas ka dib waxa ay ku dhiirrigeliyeen inay buug qoraan, ka dibna waxa ay qoreen oo labada qoraaba wada qoreen buug badan.

Buuggan oo keli ah madi kuma aha oo may wada qorin labadan qoraa. Balse, waxa jira buugaag ay wada qoreen. Buugta ay wada qoreen waxa ka mid ah:

1-    Marketing Warfare: Waxa ay wada qoreen sannadkii 1986kii.

2-    Bottom-up Marketing:  Waxa ay wada qoreen sannadkii 1990kii

3-     Find A Horse to Ride: The Key to Marketing YourselfWaxa ay wada qoreen sannadkii 1991kii.

4-    The 22 Immutable Laws of Marketing: Waxa ay wada qoreen sannadkii 1994kii.

Muxuu buuggan ka hadlayaa?

 

Buuggu wuxuu ka warramayaa 22 xeer oo ku saabsan suuqgaynta. Cashirrada uu buuggu inna barayo ayaynu si kooban uga warrami doonaa. Halkan hoose ayaynu ku soo koobi. Waa kuwan xeerarka oo taxani:

1-      Xeerka Hoggaaminta: Marka aad rabtid in aad wax suuqgaysid adiga/shirkaddaadu noqda cidda ugu horraysa ee bulshada shaygaas u bandhigta.

2-    Xeerka Nooca Alaabta/Adeega ( Category):  Haddii aanad adigu noqon karin qofka u horreeya ee alaab keena, isku day oo samee adigu alaab/adeeg cusub oo aad ugu horrayn keentid.

3-     Xeerka Maskaxda: Waxa muhiim ah in aad noqotid qofka u horreeyay qofka u horreeya ee alaab/adeeg maskax ahaan keena halkii aad ka noqon lahayd qofka u horreeya ee suuqa keena. Waayo, shay aad maskaxdaada ka keentay cidi sidii aad adigu rabtay kaagama daba koobiyayn karto, haddii ay kaaga daydaana adigu waxa aad isku dayi uun in aad baddeshid.

4-    Xeerka ka dhaadhicinta: Suuqgayntu ma aha waxa la hayo, balse waa sida waxa la hayo dadka looga dhaadhiciyo.

5-     Xeerka Diirad saaridda: Fekerka ugu awoodda badan ee lagu hanto suuqgaynta waxa ka mid ah xulashada erayada macmiilka wax lagaga dhaadhacsiiyo.

6-    Xeerka Gaar yeelidda ( Exclusivity): Laba shirkadood isku mid kama noqon karaan filashada laga filan karo maskaxda macmiilka.

7-     Xeerka Sallaanka: Istiraatijiyadda aad isticmaalaysaa waxa ay ku xidhantahay sallaanka ama dariiqa aad maraysid.

8-    Xeerka laba geesoodka (Duality): Suuqu wuxuu leeyahay socod laba geesood ah, oo shaqooyinka ka socdaa waa laba geesood.

9-    Xeerka ka soo horjeedka (Opposite ): Haddii aad abbaaraysid meel, Istaraatijiyaddaada waxa go’aaminaya hoggaamiyahaaga.

10- Xeerka kala qaybinta/sarrifidda adeega (Division):  Hal shay oo  aad iibisid/qabatid ayaad noocyo badan ka dhigi kartaa ama qaabab kale u dhigi kartaa.

11-  Xeerka dhinacyo kala duwan wax ka eegidda (Perspective ): Suuqgaynta waqtiga ayaa saamaynaya oo markasta wuu isbeddelayaa markasta, markaa wuxuu u baahanyahay in dhinacyo kala duwan laga eego.

12- Xeerka huritaanka: Waa in aad wax bixisaa si aad adna wax kale u heshid.

13- Xeerka sifaynta: Sifo kasta waxa jira wax ka soo horjeeda, sidoo kale waxa jira sifooyin waxtar leh.

14- Xeerka furfurnaanta: Marka aad aqbashid shay taban, waxa aad helaysaa wax togan.

15- Xeerka keliyaynta: Xaaladkasta hal tallaabo kaliya ayaa kuu keeni karta natiijo wayn.

16- Xeerka saadaalin la’aanta: Illaa aad qortid dadka kula tartamaya qorshayaashooda ma saadaalin kartid mustaqbalkaaga, macne ahaan haddii aanad wax ka ogayn qorshaha cidda kula tarmaysa mustaqbalkaaga ma saadaalin kartid.

17- Xeerka guusha: Guushu inta badan waxa ay kugu hoggaamisaa islawayni, islawaynidu waxa ay sababtaa guuldarro.

18- Xeerka guuldarrada: Guuldarradu waa inay noqotaa mid la filan karo, lana aqbali karo.

19- Xeerka buunbuuninta: Xaaladdu inta badan waa sida ay u muuqdaan ka soo horjeedkeeda.

20-                       Xeerka karaaridda (Acceleration ):  Mashruucyada guulaystay inta badan laguma dhiso waqti yar, balse waqti ayay qaataan.

21- Xeerka khayraadka (Resources ): Haddii fekradda aynu hayno aynaan u helin dhaqaale ku filan koru ma qaadi karno.

Gebagebo

Buuggu waa mid muhiim ah, waxa uu ka hadlayaa mawduuc mug leh oo qofkasta oo ganacsiga xiiseeya anfaca.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

15 Sibtanbar, 2022.

 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?