Posts

Ninkii Dhimashadiisa Gaaladu ku Farxeen!

Image
  Ninkan markii uu dhintay reer Yurub aad bay u farxeen. Qabrigiisii ayay dul fadhiisteen iyaga oo ku dul jaasaya, khamrigana ku dul cabbaya. Dadka qarbiga Salaaxudiin Al Ayuubi ku dul jaasayay waxa ka mid ahaa boqor Fuunus, qabrigii Salaaxudiin ayuu teendho ka dul dhistay, wuxuuna dul dhigtay sariir dahab ka samaysan. Isaga iyo xaaskiisiiba iyaga oo jiqilaysan ayay qabrigii dul seexdeen. Boqorkii wuxuu yidhi: “ Maanta waxa aan la wareegay dhulkii Muslimiinta iyo Carabta.” Mid ka mid ah dadkii Qabriga dul fadhiyay ayaa yidhi: “ Wallaahi haddii ninka qabrigan ku jiraa uu soo baxo hal qofna innaga reebi maayo oo dhammaanteen wuu inna wada layn.” Boqorkii baa xanaaqay, seeftiisa ayuu galka kala baxay isaga oo raba ninka hadalkan leh inuu qoorta ka gooyo, ka dib xaaskiisii oo ag joogtay ayaa gacmaha qabatay, waxayna ku tidhi: “ Run buu ninkaasi sheegay, haddii uu Salaaxudiin noolyahay ma sidaas ayaynu qabrigiisa ugu dul faani lahayn? Wallaahi taasi isaga sharaf bay u sii kordhinaysaa, ...

Gorfeynta Buugga “ Everything You Have Told Me Is True ~ Waxkastaa waa Dhab.”

Image
  Hordhac Buuggan ladhkiisu waa “ Everything You Have Told Me Is True ” oo Af Soomaali ku noqon kara ‘ Waxkastaa oo aad ii sheegtaa waa Dhab .” Cinwaan hoosaadkiisu waxa uu yahay “   The Many Faces of Al Shabaab ~ Wejiyada badan ee Al Shabaab.” Buugga waxa qortay Maari Haarbar, oo ah gabadh ajnebi ah. Maari, waxa ay u shaqaysaa Idaacadda BBC. Waxa ay BBC uga soo warramaysay tan iyo markii dagaalkii sokeeye qarxay sannadkii 1991kii. Waxa ay shahaadooyin Jaamacadeed ka qaadatay Jaamacadda Cambridge, iyo School Oriental and African Studies. Meelo kaladuwan ayay wax ku daabacdaa sida ‘ The Times’ iyo ‘ The Washintong.’ Arrimaha Soomaalida muddo badan ayay ka hadlaysay, oo wax ka qoraysay. Maqaallo badan ayay ka qortay. Buugta ay ka qortay waxa ka mid ah buugga “ Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong” iyo buuggan la yidhaahdo   “ Everything You Have Told Is True” oo ay Al Shabaab ka qortay, ayna soo saartay sannadkii 2019kii. Maari Haarbar, waxa ay ku ha...

Maxay Noloshu I Bartay?

Image
    1-       Noloshu waxa ay I bartay in dadka qaar ka cabsadaan wax cusub oo ay jecelyihiin waxa tegay/tagtadii, ayna nacaan inay wax la yimaaddaan oo ikhtiraacaan. Sidaas darteed ma jiro wax cusub oo ku soo kordhaa. Sidaas darteed qaarkood waxa ay isku dayaan inay soo koobiyeeyaan afkaaro dad kale leeyihiin, ka dibna ay yidhaahdaan ‘ Aragti cusub ayaan haysannaaye miyaanad ujeedin?’ 2-     Noloshu waxa ay I bartay in dadka qaar ka cabsadaan Ducaadda la jecelyahay, iyo mufarikiinta haya aragtiyo cusub oo aragtiyahoodu muhiimka yihiin; sidaas darteed waxa ay dadkaas la galaan dagaallo ay ku jabayaan oo khasaare laxaadlihi ka soo gaadho. Balse, dadku waxa ay ducaaddaas iyo dadka kalmadda xaqa ah faafinaya ka korodhsadaan wacyi iyo jaceyl. 3-      Noloshu waxa ay I bartay in hadalka miisaaman ee isku dheellitiran in la yidhaahdaa ay waajib tahay, waayo hadalku waa ka abuura dhabnimada waaqica. Hadalkuna waa na...

Tallaabooyin kaa caawinaya inaad Ingiriiska ugu hadashid si Kalsooni iyo faseexnimo leh

Image
  1-       Ha ka cabsan inaad qalad geshid Ujeeddada aad luuqadda ugu hadlaysaa waa in farrintaadu ay gaadho cidda ay khusayso, se ma aha in aad ku hadashid Ingiriis saxan oo garaamarkiisa iyo erayadiisuba wada saxanyihiin. Xataa dadka u dhashay ayaa qalad ka gala luuqadda oo qalad sameeya marka ay ku hadlayaan.   2-      Ku celceli, ku celceli, ku celceli… In lagu celceliyo luuqaddu waxa ay sababtaa in si fiican loo barto. Si joogto ah uga warhay fursadaha aad ku tijaabin kartid ku hadalka luuqadda. 3- Dhegayso Markasta oo dhegaysigaagu bato waxa kuu fududaanaya inaad si fiican Ingiriiska ugu hadashid. Si kalsooni leh oo faseexnimo leh ayaad ugu hadli luuqadda marka aad qof la sheekaysanaysid, waxaanad baran sida fekerkaaga loo dhiibto marka aad hadlaysid oo waxa aad keeni odhaahyo cusub iyo halxidhaalayaal cusub.   4-      Guusha u dabbaaldeg Markasta oo aad luuqadda Ingiriisiga baranay...

Faallada Buugga “ Mucjisada Aroorta ~ Miracle Morning”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaahdo “Miracle Morning” waxa qoray Hal Elrod. Hal waa dhiirrigeliye, qoraa iyo aqoonyahan ka hadla inta badan arrimaha la xidhiidha waqtiga iyo faa’idadiisa. Wuxuu in badan wax ka qoray muhiimadda ay leedahay in qofku aroortii xilli hore tooso. Sidoo kale, waxa uu muuqaallo badan iyo Dhakamantariyo aad u badan ka diyaariyay muhiimadda ay leedahay in qofku aroortii xilli hore kacaa. Markii hore mawduucyada la xidhiidha ‘ Miracle Morning’ maqaallo ayay ahaayeen, mar danbe ayuu qoraagu buug ka dhigay. Buuggan “Miracle Morning” waxa uu qoraagu kaga warramayaa sida ay u fududdahay in qofku caado yar oo uu samaystaa ay dhaqdhaqaaq wayn noloshiisa ugu samayn karto, ee qofku u noqon karo qof guulaystay. Buuggan qoraagu waxa uu soo saaray sannadkii 2012kii. Waxa aan isku dayi doonaa inaan si kooban uga warramo mawduuca uu buuggu daaranyahay ee sida wayn u qaadaadhigayo. Muxuu buuggu ka hadlayaa?   Marka aad buugga furtid wuxuu qoraagu akhristaha u shee...

Faallaynta Buugyaraha ‘ Wehel Jaceyl”

Image
Waxa dhawr maalmood Baraha Bulshada, gaar ahaanna Faysbuugga haystay buugyare la yidhaahdo ‘ Hadiyad Jaceyl.’ Dabeecadda bini’aadanka ayay noqotay in wixii ay dadku IN BADAN arkaan ay si Owtomaatik ah iskaga jeclaadaan. Anigu marka aan buug akhriyayo kuma xusho in buugga aad loo xayaysiiyo oo dad badan oo aan akhriyin aayar iska caashaqaan. Aslan ba buugga aan qofka ka dhegaysto haddii uu igula telinayo waa buugga uu qofkaasi akhriyay ee uuna arag uun. Marka qofku buugga akhriyo ayuu ku odhan karaa ‘ Buuggaasi waa mid wacane akh.’ Se qof aan akhrin oo isku sawiray inuu kugula taliyo maaha, sawirkuna kama tarjumayo in buuggaasi akhris mudanyahay. Buug qofkastaa wuu isku sawiri karaa, se qofkastaa ma akhriyi karo. Buugkasta oo dadku isku sawiraanna maaha inuu yahay buug muhiim ah, ama buug wax cirkasoodhac ahi ku qoranyahay. Haddaba saaka ayuu buuggani madal aan joogay iigu yimid. Waqti baan u helay oo waan kala furay. Marka hore ayaan xantiisa hayay inuu caanbaxay yahay. Haddaba maxaan ...

Xeerarka Aasaas u ah sidii aad u Horumarin Lahayd Luuqaddaada English ka

Image
1-       Dhegaysiga: In aad dhegaysigaaga horumarisid waa hab wayn oo awood leh. Dhegaysiga iyo hadalkuna way isasaameeyaan, oo waa run 100% in waxkasta oo aynu dhegaysanno aynu ku hadli karno. Dhegaysigu waa xirfad, oo haddii aad xrifaddaas ku wanaagsantahay hubaal si dabiiciya ayaad Ingiriisiga ugu hadli kartaa. Sidaas darteed noqo dhegayste wanaagsan. Qofka dhegaystaha wanaagsan ahi had iyo jeer waa qof si wanaagsan ugu hadla luuqadda. Maalinkasya dhegayso Ingiriiska, oo ugu yaraan maalintii dhegayso 20 daqiiqo oo aroortii ah iyo 20 daqiiqo oo galabtii ah. 2-      2- Ku Hadalka Luuqadda: Waa in aan maalinkasta Ingiriiska ku hadalnaa si aan u kobcinno xirfadeenna ku hadalka luuqadda. Ku hadalka luuqadda maantaba bilow, oo berri ha la sugin. Macno malaha in Garaamarkaagu saxyahay ama in uuna ahayn ba; kaliya samayso saaxiib kugula hadla, oo inaad ku wada hadashaan bilow. Dad badan waxa ay ka cabsadaan inay luuqadda ku hadlaan, waayo way ...