Posts

Faallaynta Buugga “ Afric’s First Democracy” ee Prof. Abdi Isma'il Samatar

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ Afric’s First Democracy”, waxa qoray Cabdi Ismaaciil Samatar. Cabdi, waa aqoonyahan Siyaasadda, dhaqaalaha, iyo taariikhda ka faallooda, kuna xeeldheer oo muddo badan baranayay. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 308 bog. Waxa uu kaga warramayaa in Soomaaliya waqtigii ay xornimada qaadatay ee Aadan Cabdulle Cismaan, iyo Cabdirasaaq Xaaji Xuseen maamulayeen aya ahayd Waddankii Afrika ugu horreeyay ee Dimuqraaddiyad ku dhaqma. Dooddaas ayuu qoraagu ku soo bandhigayaa. Si guud ayaynu u tilmaami. Nuxurka Qeybta koowaad, Qoraagu waxa uu kaga warramayaa Afrika nidaamyadii maammul ee ka jiray waqtigii Gumeystuhu ka baxay, iyo wixii ka horreeyay. Afrika, markii gumeystuhu ka baxay dhawr nidaam oo kala duwan ayay qaateen. Waxa ka mid ah: 1-       Nidaamka Dumuqraaddiyadda. 2-     Boqortooyada. 3-      Diktaytarrada. Qoraagu, halkan waxa uu ku dooddayaa in waddamo badan oo Afrikaan ah oo sheegtay ...

Koosaar iyo Gamadiid

Image
                                Koosaar iyo Gamadiid Dugsi ka mid ah Dugsiyada dalka ayay dhigtaan. Waa isku Fasal. Waxbadan ayay wadaagaan oo isla eegaan. Balse, duruufta qaarkood iskuma sheegtaan. Koosaar, wuxuu ka soo jeedaa qoys ladan oo Aabbihii waa Wasiir. Walaalihiina qaar ayaa shaqeeya. Koosaar, Aabbihii wuu u hagarbaxay oo koolkoolin ayuu halkaaba ku soo gaadhay. Dugsigiisii Hoose, iyo Dhexe   kuma fiicnayn waxbarashada e waalla dabasocday uun. Qasab, sasabo, iyo lacag ayay Hooyadii iyo Aabbihii ku gayn jireen Dugsiga. Wuu ciyaar badnaa oo qalqaali ayuu ahaa. Macallimiinta ayuu la dagaallami jiray, balse, lama eryi jirin! Haddii la eryana qoyskiisa ayaa lacag le oo isla maalinta danbaba Aabbihii oo baabuur wata ayaa Dugsiga imanaya isaga oo wiilkiisiina wada! Maalin waaka Ardey ay islaayeen. Dugsiga waxaa u xeer ah in labada qof ee islaaya la eryo. Wiilkii ay Koosaar isdagaaleen waalla erya...

Sookoobidda Buugga “ 100 Sheeko iyo Sheeko”

Image
Hordhac Buugga aynu faallaynayno waxa la yidhaahdaa “ 100 Sheeko iyo Sheeko.” Waxa qoray maxamed Xasan Cali oo ku magacdheer Weji. Buuggu waxa uu   ka hadlayaa   sheekooyin iyo qisooyin waaqica nolosha ka hadlaya. Qoraaga buugga qoray waa qof inta badan lagu barto sheekooyinka, xikaayaadka iyo qisooyinka waaqica ah eek u saabsan qaybaha kala duwan ee nolosha. Waa qof ku caan ah ka qoslinta, xiisagelinta, sharraxaadda iyo metelaadda waaqica nololeed ee kolba lagu jiro. Buugta mawduucan ku saabsan ka Soomaali ahaan way yaryihiin, balse ka sheekaynta iyo warinta sheekooyinka iyo qisooyinku waa mid ay Soomaalidu ku caantahay oo gole kasta iyo madalkasta lagaga sheekaysto. Sheekadu waxa ay u kala baxdaa laba qaybood: Sheeko dheer ( Novel), sheeko dhexdhexaad ah, iyo sheeko gaaban ( Short Story). Saddexdaas qaybood ba buuggu wuu iskugu jiraa, waana sheekooyin waaqica nolosha uun uu ka sameeyay, ma aha kuwo dhab ahaan u jira sida uu xusayo. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 142...

Sookoobidda Buugga “ What The Most Successful People Do Before Break Fast ~ Maxay Dadka Guuleystayaashu Qabtaan Qureecda Ka Hor.”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ What The Most Successful People Do Before Break Fast ~ Maxay Dadka Guuleystayaashu Qabtaan Qureecda Ka Hor.” Waxa qortay Marwo Laura Vanderkam. Laura, waa qoraa wax qorta. Inta badan waxa ay wax ka qortaa maamulka waqtiga iyo mawduucyada la xidhiidha. Buugaag kale ayay qortay. Waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ Off the Clock.” Iyo ka kale ee la yidhaa “I Know How She Does It.” Buuggani waxa uu ka koobanyahay 173 bog. 3 qaybood ayay u qaybinaysaa. Qeybta koowaad, waxa ay kaga warramaysaa “ Dadka guulesytayaashu maxay qabtaan qureecda ka hor?”   Qaybta ku xigtana ‘ Maxay guuleystayaashu qabtaan laba maalmaha toddobaadku dhammaanayo ee fasaxa ( Weekend). Qeybta saddexaad ee u danbaysa waxa ay kaga warramaysaa “ Maxay dadka guuleystayaashu qabtaan markay shaqada joogaan?” Si guud ayaynu nuxurka saddexdaas qaybood u dulmari. Nuxurka Qeybta koowaad, waxa ay kaga warramaysaa “ Dadka guulesytayaashu maxay qabtaan qureecda ka hor?”   Marka ay dh...

Dhakhtar Saykoolaji oo Gabadh Jingalay, Aqoontii uu muddada badan soo baranayay isyidhi ku dawee? Maxaa dhacay….?

Image
  Saaxiibkey Aqoonta Saykoolajiga ( Psychology)  ayuu aad ugu yaqaannaa. Dhawaanna Degreega labaad ayuu ka qaatay. Wuxuu aaminsanyahay in waxa Gabdhaha ka dhexhadlaa uuna Jin ahayn. Balse, dadkaas ay Diiqad nololeed iyo walbahaar adduun la soo darsay oo xaalad nafsiya ku jiraan. Dadkaas ay xanuunsanayaan oo Dhakhaatiir aqoonta Saykoolajiga soo baratay lala kaashado. Haddaba saaxiibkey, gabadh noocaasa oo xanuunsan ayaan ugu yeedhay. Qolkii ay ku jirtay ayuu galay, maadaama aanay soconkarayn. Anigu qol kale ayaan fadhiistay, waxa aan ka dhursugayaa sida Dhakhtarkaas aqoonta Saykoolajiga soo bartay gabadhaas aqoontiisa ugu samatabixiyo, waxa hayana uu ogaado. Markii koowaad, waaka gabadhii eegay ee ku yidhi ' Walaal, xaaladdaada ka warran, sided u xanuunssanaysaa?' Halkuu Jawaab ka sugayay waata intay sare ugu boodday candhuuf indhaha kaga tuftay ee xabbad feedh ahna ilkaha kaga dhufatay, ee waliba tidhi ‘ Aabbahaa iyo xaaladdaada bee naga tag...’ Weli wuu yaabbanyahay oo fa...

Faallaynta Buugga “ Bloody Nations~ Qarannimo Dhiigaysan”

Image
  Hordhaca Buuggan lagu magacaabo “Bloody Nations ~ Qarannimo Dhiigaysan” oo Cinwaanhoosaadkiisu yahay ‘ Moral Dilemmas for Nations, States and International Relations” waxa qortay Cherry Bradshaw.   Cherry, waa qoraa iyo hal’abuur inta badan arrimaha siyaasadda wax ka qorta. Buuggan waxa ay soo saartay sannadkii 2008dii. Cherry, waxa ay hore u qortay buugaag kale. Waxa uu ka warramayaa lababoglaynta dalka, aayakatashiga, iyo sida dalalku u noqdaan kuwo aayahooda la tashada. Buugga nuxurkiisu wuxuu ku dulwareegayaa in qaramadu u baahanyihiin aayakatashi. Aayakatashigaasi waa inay helaan madaxbannaani dhuleed, daleed, iyo inay xuquuqdooda asaasiga ah helaan. Nuxurka Buugga Qoraayaddu waxa ay leeyahay waddamada hurdaa way baraarugaan oo aayahooda ayay ka tashadaan marka ay ka cabsadaan dhaqanka, halka ay degganyihiin, iyo sida ay u badbaadayaan. Waxa ayna isku dayaan inay ilaashadaan dhaqankooda, meesha ay degganyihiin, iyo sawracooda. Arrinta Aayakatashigu fekrad ...

Farriintii aan u Diray Qof aan I Siin Jaceylkii aan u Qalmayay

Image
Mardanbe adiga kuma jeclaan doono. Maya, si tartiib tartiib ah ayaan kuu caashaqi doonaa—waxyar baan kugu jeclaan doonaa. Habka aad u qososhid ayaan mararka qaar dhunkadaa, waxaanad iisoo eegtaa sidii adiga oo aan rumeysnayn waxa dhacay. Habka aad iisoo garabjiifsataa wuu I jiitaa, wuxuuna I dareensiiyaa inaad garabkayga tahay oo aad ii dhawdahay. Ama habka aad iisoo jalleecdid marka aynu wada qoslayno, waa qosolka ugu soojiidashada fiican. Waxa aad mooddaa inaan si toos ah u eegayo maskaxdaada, oo aan arkayo sida mutadawacnimada ah ee aad tahay. La qosolka aad ila qoslaysaa waxa aan rejaynayaa in uuna qalbigaaga dhaawacin. Balse, wax aanad garanayn waxa weeyi in aanan waligay qalbigaaga dhaawacayn, waayo waa waxa ugu qurxoon ee aad haysatid. Waan xasuustaa maalintii aad I wayddiisay waxyaabaha aan jecelahay inaan helo, ka hor intii aanan dhegaysan kuwaaga. Waxa aad sheegtay inay waxaasi ahaayeen waxyaabo aad kaliya kula taacalaysay waxyaabaha ku niyadjibiya. Waxa ay ahaayeen wax...