Farriintii aan u Diray Qof aan I Siin Jaceylkii aan u Qalmayay




Mardanbe adiga kuma jeclaan doono. Maya, si tartiib tartiib ah ayaan kuu caashaqi doonaa—waxyar baan kugu jeclaan doonaa. Habka aad u qososhid ayaan mararka qaar dhunkadaa, waxaanad iisoo eegtaa sidii adiga oo aan rumeysnayn waxa dhacay. Habka aad iisoo garabjiifsataa wuu I jiitaa, wuxuuna I dareensiiyaa inaad garabkayga tahay oo aad ii dhawdahay. Ama habka aad iisoo jalleecdid marka aynu wada qoslayno, waa qosolka ugu soojiidashada fiican. Waxa aad mooddaa inaan si toos ah u eegayo maskaxdaada, oo aan arkayo sida mutadawacnimada ah ee aad tahay. La qosolka aad ila qoslaysaa waxa aan rejaynayaa in uuna qalbigaaga dhaawacin. Balse, wax aanad garanayn waxa weeyi in aanan waligay qalbigaaga dhaawacayn, waayo waa waxa ugu qurxoon ee aad haysatid.

Waan xasuustaa maalintii aad I wayddiisay waxyaabaha aan jecelahay inaan helo, ka hor intii aanan dhegaysan kuwaaga. Waxa aad sheegtay inay waxaasi ahaayeen waxyaabo aad kaliya kula taacalaysay waxyaabaha ku niyadjibiya. Waxa ay ahaayeen wax aan loo baahnayn, umayna dhawayn wixii aan filanayay. Balse, waxa ay ahaayeen kuwaagii—waxa ay ahaayeen qayb kaa mid ah—waxaa laga sameeyay cidda aad adigu tahay. Furfur si aad uga soo kabatid jiljileeca badan ee lagaa sheegayay. Had iyo jeer waxaan arki jiray midnimada gaar ahaaneed oo aad  u kulul oo si qumman kaaga dhex socota, laakiin liiskaaga ayaa intaas markii danbe sii iftiimiyay.

 Waxa aan sida xun u doonayay inaad aragto ayaa ah anigu waxaan ahay gabadha meeshaas kuula joogi doonta marka aad u baahato xusuusinta sida aad cajiibka u tahay, waayo haddii kale nolosha ayaa ku qancin doonta. Gabadha ku jeceli markasta way ku agjoogi oo waqti ayay kugu bixin doontaa, waayo si fudud waa jaanis ay kaaga agdhawaan karto, oo agtaada ku iman karto. Anigu waxa aan ahay gabadhii ku samaysay hilib digaaga, iyo maraqa markii aanad caadiga ahayn ee iskubuuqu kugu furnaa. Anigu waxa aan ahay gabadhii ku dhiirrigelisay markii wax kaa kala daadsanaayeen, ee ku siisay jaanis aad ku heshid shay dhab ah. Sidoo kale, anigu waxa aan ahay gabadhii ku agjoogtay ee barbarkaaga istaagtay, halkii ay kaa horrayn lahayd ee ku horsocon lahayd.

Ma hayo jawaab waafi ah oo aan bixiyo. Muhiim ma aha inaan dammaanad qaado qoraal fudud oo degdeg ah oo dhahaya adigu ma jeclid in aynu debadda ku soo laydhsanno! Aniga muhiim iima aha in aan dabagalo oo raaraadiyo, dabadeedna la yaabo halka waxyaabahaasi ka socdaan ama ka dhacayaan. Waayo, jawaabtu way caddahay oo waxa ay ku wareegaysaa ‘ Meelna.’ Waa xanuun marka aan dhex joogo gidaarro madhan oo aamusnaan lagu dayray, oo ah halkii aad igaga tagtay dhawr toddobaad ka hor, weli sidii baan u yuururaa anigu! Hadda jawaab ayaan kaa naawilayaa, waxa suurtagala inaan naftayda taas mar uun ku qanciyo—xataa haddii ay in badan taasi maskaxdaada ka maqantahay, oo aanad adigu niyada ku haynba—anigu waxa aan sawiranayaa inuu ii yimaaddo qof Fargal ii sida oo fargalkaas ii xidha. Cod si fiican loo maqlayo ayaa maskaxdaada ku soo noqnoqon doona, oo wuxuu ku xasuusin doonaa inaan anigu agtaada joogo oo aan kuu sugayo…

Waan u qalmaa inaan farxo… Balse adigaa sababay sababay sidan. Waxa aan sugayaa wax aad mooddo inuuna dhacayn noloshaba.Waxa dad badan oo da’aaddeenna oo kale ahi ay illaawaan, adna lagaa rabo in aad xasuusatid waa kan: Jaceylku maaha shey fudud, waxa aad dooranaysaa qofkii aad nolosha la qaybsan lahayd. Maalinkasta wuu ku saamaynayaa oo ku kicinayaa, wuxuuna kugu sababayaa in aad dooratid ciddii aad noloshaada oo dhan la qaadan lahayd ee aad agteeda ku qaadan lahayd. Jaceylku maaha wax dadban ( passive), balse waa wax ficil iyo shaqo u baahan—waa doorasho maalinle ah. Waa wax joogto ah.

Balse, jaceylka agteenna muhiimka ka ahi waa ka aynu badankeennu dayacnay: oo ah jaceylka qofku naftiisa jeclaado. Waan joojiyay jaceylkii aan adiga daraaddii kuu raadin jiray. Waan waayay ciddii aan ku indhaqabawsan lahaa, iyo ciddii aan jeclaa ee iga farxin jirtay. Halkii intii aan meel iska fadhiisto aniga oo adiga qoraal iyo farriin kaa sugaya, waxa aan go’aansaday inayna taasi mardanbe soo noqon doonin. Naftayda ayaan doortay inaan maalinkasta isku mashquuliyo, si aan u baraarugo oo isku dareensiiyo inaan awood leeyahay. Anigu waan u qalmaa in la ii jeclaado si la mid ah sidii aan adba kuu jeclaaday oo kale. Waxa aan rejaynayaa in maalin maalmaha ka mid ah jaceyl la mid ah kaas aan adiga kuu qaaday inuu qof ii qaado oo I jeclaado.

Waan ogahay in aanad waraaqaddan ama farriintan weligaa akhriyayn. Waxa aan rejaynayaa in qof kale—oo meelkale ku sugani uu awoodi doono inuu waxbadan ka barto farriintaydan, oo ay naftooda markale jeclaan doonaan. Waxa aan rejaynayaa inay farriintu ka dheerayn doonto sida aan filayo. Balse, sidoo kale waxa aan kuu rejaynayaa in aad xasuusan doonto mar aan ku illaaway, oo aan helay dad aad u badan oo I jecel. Fadlan, markale naftaada jecloow.

Akhrista sharafta lahoow; waad qurxoontahay, waxa aad tahay qof ashqaraar leh, una qalma in la jeclaado. Fadlan, taas  ha illaawin. Waxa aan kuu rejaynayaa in aad naftaada marka hore jeclaatid. Waayo, ma jiro wax kaaga farxin kara sida aad adigu naftaada uga farxisid. Faraxsanoow. Xor ahoow. Adigu isjecloow.


Turjumaad.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?