Posts

Saciid Binu Caamir Al Jumaxi

Image
Kumannaan dad ah ayaa meel barxada iskugu soo baxay, oo soo dareeray. Goobtu   waa meesha la yidhaa Tanciim, oo Maka ku agtaalla. Madaxdii iyo mijihii Qureysheed ayaa ayaa goob fagaare ah iskugu soo baxay.   Sababa la iskugu yimid waa daawashada dilka iyo googoynta lagu fulinayo Khubayb Benu Cadi oo ka mid ah Asxaabtii Nebi Muxammed. Dadka goobtaas joogay waxa ka mid ahaa Saciid Binu Caamir. Geedkii toogashada ayaa la taagay Khubayb. Khubayb, wuxuuu codsaday in loo oggolaado inuu tukado laba Ragcadood intaad la toogan ka hor. Hadalkiisii deggannaa ayaa laga dhexmaqlayay qaylada carruurta iyo dumarka. Waa loo oggolaaday inuu tukado. Waqtigaa uu tukanayay waxa eegayay Caamir Binu Saciid, oo wuxuu yidhi: “ Wuxuu tukaday laba Ragcadood oo dhammaystiran oo aad u qurxoon.”   Caamir, wuxuu xaadiray, oo indhihiisa ku eegayay tolkii oo qaybqayb u googaynaya Khubayb oo nool. Jidhkiisa ayay qurubqurub u jarjarayeen iyaga oo ku leh: “ Ma jeclaan lahayd inuu Nebi Muxammed ...

Sooyaalka Asxaabta: Anas Binu Maalik Al Ansaari (1)

Image
Anas, isaga oo yar ayay Hooyadii Shahaadataynka u laqintay. Mararka qaar dhegtu wax ay maqashay ayay caashaqdaa, oo aragtidaba way ka horraysaa. Anas, isaga oo aan arag ayuu Nebi Muxammed Jaceyl u qaaday. Anas, Madiina ayuu ku noolaa waqtigaa, Nebi Muxammed na SCW magaalada Maka. Hijradii Nebi Muxammed ayaa dhacday, oo Nebigu Madiina ayuu u soo hijrooday. Waa hoygii Anas. Anas, jaceyl ayuu sii dareemay markuu maqlay in Nebi Muxammed Madiina imanayo. Carruur iyo cirroolaba waa la soo dhaweeyay Nebi Muxammed. Asxaabtii soo dhawaysay kuwii soo hijrooday waa tii magaca ‘ Ansaar’ loo bixiyay. Anas walow uu yaraa haddana wuu soo dhaweeyay. Markii uu Madiina waxyar joogay Nebi Muxammed SCW, ayay Anas Hooyadii Qumaysaa u timid Nebiga iyada oo inankeedii Anas la socdo. Waxa ay ku tidhi: “ Rag iyo dumar laguuma kala hadhin, anigu Inankaygan Anas ayaan kuu wadaa. Kaxayso ha kuu shaqeeyo, oo waxa aad doonto ha kuu qabto.” Nebigu, wuu farxay, Anas ayuu madaxa ugu salaaxay gacantiisii sharaf...

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Image
Hordhac Buuggan waxa lagu magacaabaa “ A woman of Firsts ~ Gabadhii ugu horreysay.” Cinwaanhoosaadkiisu waa ‘ The Midwife who built A hospital and changed the world ~ Ummulisadii Cusbitaalka dhistay ee adduunyada baddeshay!” Waxa qortay Adna Aadan Ismaaciil. Adna, waa aasaasaha Dhaktarta Adan Aadan, iyo Jaamacadda Adna Aadan. Waxa ay soo noqotay Wasiirkii Arrimadaha debadda, iyo sidoo kale wasiirkii Arrimaha bulshada Soomaalilaan. Haddana waaa xubin ka mid an wadahadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Waxa ay isguursadeen, oo ay xaas u ahayd Madaxweynihii hore ee Soomaalilaan Maxammed Xaaji Ibraahin AHUN, sidoo kale Raysalwasaare ka noqday Soomaaliya waqtigii midawga. Waxa uu ka koobanyahay   257 bog. Waanna 17 Cutub oo xidhiidh ah. Waxa uu ka warramayaa taariikhnololeedka Adna Aadan.   Waxa aan isku dayayaa in aan gorfeeyo, oo meelaha qaar naqdiyo. Sidoo kale, nuxurka guud soo koobo. Nuxurka buugga Buugga intaanad gelin dhinaca hore ee XUQUUQDA buugga lagu qoro, w...

Sookoobidda buugga “ Masuuliyadda Indheergaradka.. ”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ Masuuliyadda Indheergaradka.. ”   waxa qoray Cali Shariicatii. Cali waxa uu ahaa aqoonyahan culuunta Diinta la xidhiidha ku in badan daraasaynayay. Dalka Iiraan ayuu u dhashay. Indheergaradka qarnigii 2aad ugu saamaynta badan ayuu ka mid ahaa dalka Iiraan. Buuggan waxa uu ka koobanyahay 199 bog. Waxa uu kaga warramayaa masuuliyadda, ama xilka saaran qofka indheergaradka ah. Nuxurka Indheergaradku waxa uu yahay ruux tixgelintiisu ka sarrayso dadka caadiga ah. Indheergaradku kaalin muhiima ayay bulshada ugu jiraan. Kaalintaasi maaha mid la dhayalsan karo, waa kaalintii ay kaga jireen imaamyadii, iyo hormuudkii bulshooyinkii hore ayuu qoraagu leeyahay. Qoraagu waxa uu xusayaa inuuna ‘ Indheergaradku’ ahayn ka yidhaa ‘ anuu indheergarad baan ahay, waayo Yurub baan u safray, meel heblaayana waxbaan ka soo dhigtay oo fekraddaasaan ka soo qaatay. Waxaasaan soo bartay. Imtixaan ayaan ku guuleystay. Shahaado ayaan halkaa ka soo qaatay.’ Waxa uu ...

10ka Waddan ee Caalamka ugu Shaqada Badan, Noloshooodu ugu Wanaagsantahay!

Image
Waddamadan aynu tixi doonnaa waa kuwa ugu nolosha wanaagsan, shaqa badanna taallo waddamada caalamka. Waxa qiimeeyay oo muuqaal ahaab baahisay Channel Caalamiya oo la yidhaa AROUND THE WORLD, 2019.   Haddaba 10ka Waddan aynu taxno:                                                             1-       Swizerland: Iswiisarlaan waa dal   yar oo ku yaalla Yurub. Waxaa ku yaalla buuro, dooxooyin IWM. Wuxuu ka midyhaya waddamada caalamka ugu hantida badan. Shaqooyin badan ayaa dalka ka bannaan, dadkeeduna xirfadlayaal weeyi. Dalku waxsoosaae wanaagsan ayuu leeyahay. Dad badan oo dhaqanno kaladuwan leh ayaa ku nool dalka. Wuxuunna ka midyahay waddama caalamka ug...

Sucaad Suldaan Shaamisi: Qoraayadda Buugga ““ أمنيتي أن أقتل رجلا ~Hammigaygu waa inaan nin DILO.”

Image
Sucaad Suldaan Ash- Shaamisi, waa qoraa, iyo injineerad maaammulka diyaaradaha ku takhasustay.   Sucaad, Shahaadada Digreega koowaad waxa ay ku diyaarisay Injinineernimada Diyaaraha. Shahaadada labaad ee Mastartana   maammulka diyaaradaha ayay Jaamacadda Conventry ee Boqortooyada ingiriisiga ka diyaarisay. Haddana waxa ay diyaarisaa Shahaadaha Ph.D kulliyadda maammulka madaarrada iyo diyaaradaha. Waanna gabadhii ugu horraysay ee maammusha Madaarka Abuu Dabay ee cusub. Sidaa si la mid ah waa gabadhii ugu horraysa ee Imaaraad ah ee maammul Madaar qabata sida warbixin ay warbaahinta ( Al Aan TV تلفزيون الآن ) ka diyaarisay lagu sheegay. Waxa ay isku dayday inay Majaalkaa ka soo dhalaasho. Wayna ka soo dhalaashay. Sidoo kale, waa qoraa qortay sheekooyin. Waxa ay qortay buug cajiib ah loo la yidhaa “   أمنيتي أن أقتل رجلا ~Hammigaygu waa inaan nin DILO.” Waa buuggii ugu iibsiga badnaa waqtigaa ay qortay, Bandhiggii Shaariqa ee sannadkaana buuggu wuxuu ahaa ka ugu iibs...

5ta Jeel ee adduunka ugu silica xun!

Image
Jeelalku waa goobaha lagu xidho ee lagu hayo eedaysanayaasha danbiyada kala duwan gaystay. Waddanwal ba way ku yaallaan Jeelashu. Sida sharciyada caalamku dhigayaan waxa laga rabaa in maxaabiista si wanaagsan loola dhaqmo, oo dadnimadiisa la ilaaliyo xuquuqda uu qof ahaan leeyahayna helo. Se waxa jira Jeelal badan oo maxbuusku aannu xaq iyo xuquuq toona lahayn, oo sida dugaaga loola dhaqmo. 5ta xabsi ee ugu xun adduunka ayaynnu soo qaadan: 1-       Attica Xabisa la yidhaa: Wuxuu ku yaallaa dalka Maraykanka, gaar ahaann New York, waxaa la dhisay 1971dii. Xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha ayaa ka dhaca. Marar badan ayay maxaabiistu gadoodeen. Bishii Semtenber sannadkii 1971kii 1000 Maxbuus oo ka mid ah kuwii ku xidhnaa Xabsiga ayaa gadooday, mudaharaad ayay sameeyeen xabsigana gacanta ayay ku dhigeen. Waanwaan iyo dhexdhexaadin socotay afar cisho ayaa nimankii maamulka hayay isku raaceen in 28 maxbuus la sii daayo, se maxaabiistii may yeelin. C...