10ka Waddan ee Caalamka ugu Shaqada Badan, Noloshooodu ugu Wanaagsantahay!



Waddamadan aynu tixi doonnaa waa kuwa ugu nolosha wanaagsan, shaqa badanna taallo waddamada caalamka. Waxa qiimeeyay oo muuqaal ahaab baahisay Channel Caalamiya oo la yidhaa AROUND THE WORLD, 2019.  

Haddaba 10ka Waddan aynu taxno:  
                                                        
1-      Swizerland: Iswiisarlaan waa dal  yar oo ku yaalla Yurub. Waxaa ku yaalla buuro, dooxooyin IWM. Wuxuu ka midyhaya waddamada caalamka ugu hantida badan. Shaqooyin badan ayaa dalka ka bannaan, dadkeeduna xirfadlayaal weeyi. Dalku waxsoosaae wanaagsan ayuu leeyahay. Dad badan oo dhaqanno kaladuwan leh ayaa ku nool dalka. Wuxuunna ka midyahay waddama caalamka ugu dalxiiska badan.
2-      Jabbaan: Jabbaan waxa ay ka midtahay waddamada dhinaca farsamada ugu horreeya ee dadkeedu wax samaynta iyo waxsoosaarka badanyihiin. Waa dal buuralay ah. Dadkeedu magaalooyinka ayay ku badanyihiin.  Waa dad anshaxoodu sareeyo. Dalka kama dhacaan danbiyo waaweyn, Booliskoodu wax QORI ama rasaas ah ma qaataan.
3-      Kanada: Waa dal hodan ah oo ku yaalla Waqooyiga Ameerika. Waana dalka 2aad ee adduunka ugu wayn marka Ruushka laga yimaad. Kanada waxa loo tixgeliyaa mid ka mid ah waddamada caalamka kuwa ugu nolosha wanaagsanleh. Danbiyada Gaangistarrada IWM ahi way ku yaryihiin oo waa waddan nabad badan. Waxa ay ka midtahay waddamada caalamka ugu quruxda badan. Waxbarasho wanaagsan ayay leedahay, sidoo kale, gargaar caafimaad  oo tayo leh ayay haysaa.
4-      Jarmalka: jarmalku waa dal ka mid ah kuwa ugu caansan Midawga Yurub.  Waa waddan dhaqaale badan. Door muhiima ayuu Beesha caalamka ka ciyaaraa. Dadkiisu waa kuwo xirfado leh, Musuqmaasugu wuu ku yarhaya. Heerka hal’abuurkoodu wuu sarreeyaa. Waxaanna ku yaalla suuqyada ganacsiga kuwa ugu waaweyn. Wuxuu ka midyahay waddamada loo tahriibo ee ajaanib badan joogaan.
5-      Ingiriiska: Waa waddan horumaray, dhaqaale badan ayuu leeyahay. Sidoo kale waa dal taariikh iyo dhaqan facweyn oo soojireen ah leh. Hal’abuurka waa dal hodan ku ah. Magaalada caasimadda u ah ee London waa mid ka mid ah meelaha dhaqaalaha adduunka u waaweyn ee xuddunta u ah. aad baa ,oogu dalxiis yimaad. Bangiyo waaweyn ayaa ku yaalla oo horumarka dhaqaalaha ka qayb qaata. Waana meelaha hoggaamiyaha caalamka marka la eegayo caafimaadka iyo cilmibaadhista. Waxaanna ku yaalla Jaamacadaha caalamka kuwa ugu sareeya uguna tayada wanaagsan, waxa ka mid ah jaamacadda Oxford,  Cambridge, iyo Impreial College London. Buuro qurxoon, iyo dhul dalxiiska ku wacan ayaa ku yaalla.
6-      Sweden: Boqotooyada Iswiidhan Waa mid ka mid ah waddamada ugu waaweyn isbahaysiga ama midawga Yurub. U adeegga bulshada, ilaalinta xuquuqda Bini’aadan IWM ah way ku sarraysaa Iswiidhan. Adeeg Caafimaad oo tayo leh, iyo waxbarasho wanaagsan oo bilaash ay ayay leedahay. Dhaqaale wanaagsan ayay leedahay. Qaxooti badan ayaa ku nool, oo aad bay qaxootiga u soo dhawaysaa, dadkeeda 10% waa qaxooti aan dalka u dhalan.
7-       Australia: Waa dal iyo qaarad ay ku wareegsanyihiin labada badweyn ee badwaynta Hindiya, iyo Badwaynta Pacific ga. Waa mid ka mid ah waddama ugu yar wasakhawga hawada waddamada Caalamka. Waxa loo tixgeliyaa waddama ugu dhaqaalaha wanaagsan uguna nolosha fiican. Dhul qurxoon oo buuralllay iyo bannaanba leh ayay leedahay. Waxbarasho wanaagsan oo tayo leh ayaa laga helaa. Dugsiyada waa lagu qasbaa dadka da’doodu u dhexayso 5 Sano illaa 16 sano.Fursado shaqo oo badan ayay leedahay. Waxa ku yaalla goobo badan oo lagu dalxiiso, meelaha xayawaanka duurjoogta ah lagu xannaaneeyo, meelo loo daawasho tago iyo goobo kale oo lagu maddadaasho.
8-      Boqortooyada Noorweey: Waxa ay ku taallaa Galbeed Iskaandaniifiya. Waa waddan xeeb ku yaalla oo biya badan. Waa waddan dhaqaale wanaagsan leh. Nolol wanaagsna yuu leeyahay, waanna waddama ugu nolosha wanaagsan, ee lagu raaxaysto ku noolashahooga. Caafimaadku waa bilaash. Dalkuna waa ammaan, oo qashqashaada, iyo amnixumo kama jirto. Wabarasho wanaagsan dalku wuu leeyahay.
9-      Maraykanka: Maraykanku wuxuu ku yaalla Waqooyiga Ameerika. Waa waddanka Caalamka ugu dhaqaalaha iyo cududda millateri ama ciidan ugu awoodda badan. Dad kala duwan oo dhaqanno kaladuwan leh ayaa ku nool. Dhinaca Tiknoolajiyadda waa waddanka ugu horreeya. Qaxooti badan oo tirabeel ah ayaa ku nool. Waxbarasho wanaagsan ayuu leeyahay. Waxaa ku yaalla Jaamacadaha caalamka ugu wanaagsan, sida Jaamacadda Harvard IWM.
10-   New Zealand: Waa dal leh cimilo wanaagsan, waxaanna ku nool dad dhaqanno kaladuwan leh. Caafimaad wanaagsan ayuu dalku bixiyaa. Waxbarashadeedu waa heersare. Sido kale, waxa ay leedahay magaalooyin qurxoon, oo ashqaraar leh. New Zealand waa waddan nolol wanaagsan oo lagu noolaan karo.

10kaas Dal ayaa caalamka ugu nolol wanaagsan, sida ay diisay Mareegta iyo channelka caanka ah ee AROUND THE WORLD, sannadkiii 2019. https://www.youtube.com/watch?v=VoCZgykBynw


W/T: Cabdirasaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?