Posts

Murtida Waqtiga

Image
Buuggu wax lala fadhiisto waa waxa ugu wanaaagsan, wax lala tashadana ugu weyn. Sidoo kale, waxla weheshadana waa waxa ugu dhaw. Dadka maankoogii ayaa ku qoran, Murtidii Falsafadyahannaduna way ku duugantahay. Sidoo kale, aragtidii khubarada, iyo miiddii tijaabooyinka ayaa ku xardhan. Dadka waxaa ugu wanaagsan qofka la noolaada buugaagta isaga oo fahmaya murtida waqtiga. Waxaanna dadka ugu shar badan qof ka madhan buugaagta ee ku qarqoomay waxa la yidhi, iyo wuxuu yidhi ‘ Yidhi baa la yidhi.’   Buugga waxaa ku qoran aqoon iyo murti. Aragti iyo khibrad. Tijaabo iyo werin. Dadka waxaa ugu haldoorsan qofka taga Maktabad si uu Kitaab faa’ido leh uga soo gato, ee khibradda ama tijaabada nolosha badiya.   Dadkana waxaa ugu liita qofka moloshiisa oo dhan ama inteeda badan aan waxba akhrin, ee la noolaadaa cid da’ ahaan, khibrad ahaan, iyo murti ahaan ka yar, ee qeyrkii la sinma. Oo markaa noloshu bilaa dhadhan u noqoto. Buuggu nolosha ayuu dib u cusboonaysiiyaa. Hiraalka qofka...

Dareentaabad!

Image
Hooyaday dhimirka ayay ka xanuunsanayd. Waxa loo yaqaannay ' Mad Setara.' Aabbahay ayaa xadhig ku ilaalin jiray. Waxa ay ku noolayd, oo hoy u ahaa xerada Lo'dayada. Guri may lahayn, oo sariir kumay ladin tan iyo laga soo bilaabo maalintii ay guursatay. Guurkeedii ka dib Aabbahay wuxuu u baahday dhammaan hantideedii. Meel ayay Lo' iyo Riyo ula guurtay. Dhalashadaydii waxa ay ahayd mid lamafilaan ah. Markii aan adduunka imid Ayayday ayaa Hooyaday iga fogaysay, waxaynna si degdeg ah iskugu dayday oo u bilowday inay Aabbahay u diyaariso guurkiisii labaad. Waxa ay ku doodeen inaan u baahanahay Hooyo caafimaadqabta. Balse, waxyar ka dib arooskii, Hooyadaydii labaad waxa ay igaga tagtay geerka Webi agtayada ahaa, aniga oo kaliya labaatan maalmood jira. Qofna ma garanayn sida Hooyo xanuunsanaysaa ay maalintaa ii badbaadin lahayd, ama waxa ku qasbi kara inay guriga aan kaayaga ahayn ay ka qaxdo. Kaliya waxa aan garanayaa in ay ii qaadday meel fog, oo aannu 31 cisho ku w...

Duruuftu waxwalba way kugu Kalliftaa!

Image
                         Dhimashadii Aabbahay ka dib, waxa aan si dhab ah u xaqiiqsaday sida ay noloshu u adagtahay, iyo sida Aabbahay u wejihi jiray si uu maalin walba saddex jeer noo siiyo cunto; uuna na siiyo meel aan seexanno. Aabbahay wuxuu ahaa shaqaale, wuxuuna u shaqayn jiray dad, oo guryahooga ayuu ka shaqayn jiray! Waligii maalinkasta shaqo ma qaban jirin! Balse, wuxuu ahaa qof farxad badan, noomana oggolaan jirin in shay nagu adkaado oo aannu shey uun wax caqabada kala kulanno. Aniga iyo hooyadey farxaddiisaannu la qabnay! Hooyadeynna waxa ay ahayd afada ugu farxadda badan abidkeed. Shey kale maanaan haysan aan ahayn sariirta gurigayaga taalla. Aabbahay, had iyo jeer wuxuu nagu odhan jiray; “ Ka dib marka aan maalinta oo dhan soo shaqeeyo ee aan shaqo adag soo qabto, marka aan guriga ku soo laabto ee aan arko labadiinna ( xaaska iyo wiilka) oo dhoollacaddayna, waxa aan illaawaa wixii xanuun aha4a ee a...

Xasuusta Xasuuqii 1994kii ee Rwanda: Maanta 25 sano ka dib

Image
Ruwandha, waxa ay u diyaargaroobaysaa toddobaad xus ah oo lagu xasuusanayo xasuuqii dhacay 1994kii. Muddo laga joogo 24sano Rwanda waxa ay weli xasuusantahay in ka badan 800,000 ruux oo la dilay 100kii maalmood ee uu socday qalalaasihii Hutu.  Rwanda, waxa ay u diyaargaroobaysaa toddobaad dheer oo la xusayo 25 sano ka dib markii uu dhacay xasuuqii 1994kii, iyada oo xasuuqaasi lagu tiriyo inuu ahaa kuwii ugu xumaa ee dhacay intii lagu jiray qarnigii Labaatanaad, xasuuqaasi oo lagu dilay in ka badan 800,000 qof. Caasimadsa Kigali diyaargaraw badan ayaa ka muuqday saacadahii la soo dhaafay, oo waxaa magaalada loo gogolxaadhayaa maalintii koowaad ee lagu xusayay, oo ah Axadda.  Garoonka Qaranka ee Amphora, dhallinyaro Ruwaandhiis ah ayaa ku ciyaaraya, waxaynna si fiican wacdaro ugu dhigi doonaan hoggaamiyayaasha Caalamka ee Axadda Garoonka iman doona.  " Waligeen illaawi maynno wixii inna soo dhaafay ( Tagtadii)" Deborah Mwanganjye oo ah gabadh 19 sano...

Ashqaraar!

Image
Hooyaday marwalba waxbay iga qarisaa. Anna had iyo jeer waxa aan isku dayaa inaan ogaado ama helo waxa ay iga qarinayso. Tuulada, meelwalba oo aan doonno in aan tagno ama shaqo u aadno dadku way I tilmaamaan oo way igu sheekaystaan iyaga oo sheegaya in aan ahay wiil nasiibxun. Marka aan intaa hooyaday u sheego si aad ah ayay u oydaa, waxaynna I wayddiisaa waxa aan bartay! Waxa aan ku idhaahdaa ‘ Waxba.’ Dabadeed hab ayay i siisaa (laabta ayay I galisaa) waxaynna ii sheegtaa inaanan qofna rumaysan. Markasta oo ay ii sheegto shey’yadan, aad baan u cabsadaa; waxaanan u dammaanadqaadaa inaanan qofna rumaysan. Maalin baan arkay Aabbahay oo Hooyaday la dagaallamaya, kuna dagaallamaya lacag ay ani igu kharashgaraysay. Wuxuu ku eedeeyay inay tahay gabadh xun. Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay inay qaadatay inay qaadatay ilme ay hooyadii iska tuurtay ama iskaga tagtay. Maalintaa waxa aan ogaaday markii aan jiray saddex bilood in hooyadaydii saxdii i tuurtay; oo hooyadan aan la qabsaday a...

Dhiil

Image
                                                      Dhiil, waa sheyga caanaha lagu lulo. Waxa laga qoraa Ubbo. Ubbadu geedbay ka baxdaa. Inyar oo naqan ayay marka koowaad tahay, oo waa sidii shey dhashay oo kale. Way kortaa, oo dabadeed waynaataa oo noqotaa bahashaa way ee caanaha lagu lulo. Ubbadda marka la soo gooye ee inta hoose laga guro ayaa sidii weel oo kale laga dhigaa. Marka banneeyo ee la diyaariyo waalla qoraa oo afka ayaa laga hagaajiyaa. Marka afka la habeeyo, waxaa afka loo sameeyaa fur yar oo xagga hore maydhax lagaga xidhay oo le’eg. Markan intaa la sameeyo, waxaa loo sameeyaa shey ulo geed laga sameeyay, oo la isku taxay. Waxaanna la yidhaa ‘ Saab.’ Saabku waa waxa ay ubbadii yarayd ku jirto. Ubbadii iy...

Haddii aad Fekrad Hayso, Bilow (2)

Image
Waxa aad u baahantahay Co-founder. Qoraalkaygii ugu danbeeyay ee aan kaga hadlayay maxaad u baahantahay marka aad fekrad hayso, waxa aan ku idhi; " Waa inaad daacad noqotaa adiga oo qiimaynaya awoodahaaga iyo waxa aad ku liidato." Sannadkii 1993kii markii aan bilaabay Econot, waxa aan lix sano lahaa ganacsi. Waxa aan raadinayay ama u ordayay in aan noqdo Injinneer Shirkad Dhisme oo guuleysta. Dabadeed waxa aan helay fekraddan qurxoon, ka dib markii aan wax ka bartay Tijnoolajiyadda cusub ee lagu magacaabo GSM... Maalinkasta saacado waxbaan akhriyi jiray, mararka qaar illaa 3am. Baadhis baan ku samaynjiray Warshadaha cusub. Internet ma jirin oo Google waxba ma wayddiin jirin. Sidoo kale, safarro ganacsi ayaan geli jiray si aan wax uga soo barto. Waan ku qanacsanaa inay tani noqondoonto mustaqbal. Intaa waxaa ii xigay inaan ka shaqeeyo qorshe ganacsi. Waxaan arkay inaan u baahanahay Toban Milyan oo Doollar. Hadda qof jooga booskaygi oo kale waxa ay la tahay Balaayiin D...