Posts

Hagardaamada Tafaftirayaasha, iyo Qoraayada: Muunad Ahaan Sandheere

Image
Wiil aan saaxiibnahay oo Burco deggan ayaa buug qoray. Buuggu mid aad loogu baahnaa oo khaanad bannaanbuuxinaya ayuu ahaa. Qoraaguna curdin ayuu ahaa oo markaa ayuun buu saaxadda ku soo biiray. Qoraagii cusbaa buuggii wuu dhammeeyay. Markay hawshii xaggiiisa ka dhammaatay ayuu u baahday qof la eegga oo ka tafaftira. Niman uu meelahaa Muuqbaahiyahay, iyo Faybuugga ku arkay oo nasiibku saaciday ayuu la xidhiidhay. Cinwaannadoodii iyo Telefoonnadoodiiba wuxuu raadiyaba, ugu danbayn wuu helay. Ninkii u horreeyay Ingiriiska ayuu deggannaa. Hawshiisii ayuu u bandhigay. Waqti ma hayo ayuu ku habarwacday. Kii labaad Hargeysa ayuu joogay. Wuuba u soo jawaabi waayay, Faybuugga ayuu farriin ugu diray, intuu ‘ arkay’ uun buu markii uu garanwaayay u jawaabi waayay. Kaanna halkaa ku dhaaf. Haddana mid magaale kale jooga, kiinna ma haleelayo ayuu yidhi. Haddana mid kale….. Illaa toddoba nin oo qoraalka uu isagu bidayay inay kaga soo horreeyeen markii uu marayay ee midna buuggii ka qabanwaayay, ...

Ilaalinta Xuquuqda Dhuldifaacdo Nonhle Mbuthuma!

Image
NonhleMbuthuma, waxaa soo waajahday khatar iyada oo isku dayaysa in ay ka joojiso shirkad Macdaneed oo rabta in ay Macdanta ka gurato dhulkeeda. Haddaba sabab, maxaa ay dawladdu u ilaalinla'dahay Nonhle?! Nonhle, awawyadeed ayaa lahaa dhulkan oo ay kadhaxashay. [Hadal dhaxalgala ayay tidhi Nonhle oo ah]: “ Haddii aad qaadato dhulkayga waxa aad qaadatay sawracaygii.” Nonhle, iyo bulshowaynta ku dhaqan Bariga magaalada Capetown ee KoonfurAfrika, waxa ay u babbacdhigayaan khatar ay xataa u waayi karaan sheykasta [ Nafta], waayo, Shirkad Macdaneed ayaa rabta inay ka qaadato/la wareegto dhulkeedii. “ Dhulkan Awawgay Hooyo ayaa lahaa, oo ka dhaxlay Waalidiintiisii. Maxaan carruurtayda uga tagayaa? Macdanqodiddu maaha doorasho/ikhtiyaar.”   Nonhle, ayaa hadalkaa [ku geeraartay!] Nonhle, iyo xubno kale oo ka mid ah bulshadeedu ayaa gadhwadeen ka ah olole iskacaabbineed. Waxa ay aasaaseen ‘Amadiba Crisis Committee ’–si ay u mideeyaan dadka ku kala nool shan Tuulo, iyo in...

Dar Iyo Waadaan

Image
Soomaalidii hore waxa ay u badnayd dad miyiga deggan oo xoolo ku dhaqda, beero yaryarna fasha. Caadooyin wacan oo lala ashqaraaro ayay lahaayeen. Hadda way sii guuraysaa caadooyinkaasi badankoogii, walow qaarkood meelo badan ka jiraan. Miyiga hadda waxbadan oo dhaqankii hore ku saabsan ayaa caado u ah oo ay adeegsadaan. Xilliyo ayaa jira sannadka. Xilligu aad ayuu u saameeyaa xoolodhaqatada Miyiga ku nool. Guga roob ayaa u da’a oo waxbadan oo ay ubaahnaayeen  ka haqabtira. Balse, xilliga Jiilaalka ayay hawshu ku badantahay oo baylah badani timaaddaa. Baylahda timaaddana waxaa ugu wayn; Waraabka iyo Dhaanka. Waraabka xoolaha ayaa la arooriyaa oo meel biyo leh ayaa loo daydayaa, maadaama ay dhammaateen Harihii la cabbi jiray. Haraha ayay tuulo walba ku nooshahay xilliga roobka; Hartuna inta badan lama sibidheeyo oo marka roobku muddo joogo way ka raagtaa. Waxaa Jiilaalkii loo arooraa Barkadaha, oo iyagu biyaha waxoogaa kaydiya iyo ceelasha Riigga lagu dhuftay oo iyagu aan hore ...

Noloshu waa Halgan Joogto ah

Image
1- Waa muhiim in aad wax akhridaa. Balse, waxaa ka sii muhiimsan in aad dooratowaxa aad akhriyayso. Waa muhiim in aad la noolaato fekrad rasmi ah; balse, waxaa ka sii muhiimsan inaad doorato fekraddii rasmiga ahayd. 2- Waa muhiim in aad mabda ’ la noolaato; balse, waxaa ka sii muhiimsan in aad doorato mabda ’ ii aad la noolaan lahayd. Waa muhiim in aad u loollanto mabda ’ a aad rumeysantahay. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad fekradaha mabda ’ aaga u   beddesho kuwa waaqica la joogo [ la jaanqaadi karaya]. 3- Waa muhiim in aad dooddaa ( ama wax gorfeysaa), oo aad asaaggaa wax isdhaafsataan ( sida sheeko, dood, ama iswaraysi). Balse, waxaa ka muhiimsan in aad si wanaagsan u sugto (barato) fanka wadasheekaysiga iyo doodda, oo aad soo wanaajiso mustawaha hadalkaaga, misana aad barato fanniyada xidhiidhka bulshada. 4- Waa muhiim in aad dadka dhegaysataa. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad siiso kalsooni aad ku dhegaysato. Dhegaysigu waa fan. Ujeeddaduna (Xikmadduna) maaha k...

Hal’abuurnimadu waa Ilbidhiqsi Quruxbadan. Laakiin…….

Image
Hal’abuur ka noqo xagga dookha, aragtida, iyo go’aanka. Balse, hal’abuurku suurtagel maaha ilbidhiqsi kasta. Waxaa jira ilbidhiqsi kaliya oo hal’abuurnimada ku habboon. Maqaal quruxbadan ayaan ku qoraa Masaajidka. Waxaa laga yaabaa inaan helo fekrad ashqaraar leh, aniga oo ku jira Suuliga. Basle, waxa ay ilbidhiqsiyadu ka sii ashqaraar badanyihiin markaan kaliday ku kaliyaysto qilkayga hurdada, xafiiska, marka aan dhammaysto akhrinta Buug wanaagsan, marka aan guto ee waliba dhammaysto Cibaado raad leh, ama marka aan dhagaysanayo mufaker fiican. Waxa aan jeclahay inaan dadka kale ka duwnaado. Balse, ma jecli inaan qof wax isku adkeeya noqdo. Waxa aan akhriyaa aragtiyaha mufakiriinta kalageddisan. Ma jecli fekerka goonnigoosadka ah. Naftaydu waxa ay   ka agdhawdahay mufakerka wax cusub, adeg, halis ah qora. Waxa aan necbahay ka buugta wax ka soo guuriya ee aan wax aragtiya lahayn. Waxa aan la noolanahay hal’abuurayaasha, gaar ahaanna caalamka fekerka. Waxa aan ku la...

Khudbaddii Jimcaha: Dhallinyarada iyo Shaqada

Image
Khudbad taxane ah, oo Jimce kasta qodob muhiim ah la daraaseeyo ayaa noo socota. Waxa ay ku saabsantahay dhallinyarada iyo doorka ay ku leeyihiin hayaanka nolosha, dhinackasta. Wuxuu ka soo warramay; dhallinyarada iyo hadadka, dhallinyarada iyo jaceylka, dhallinyarada iyo guurka. Waxaa soo jeediya Ustaad  Abdisalam Hassan Muse . Waa khudbad waqtigeedii timid, oo loo baahanyahay. Misana aad u faa'ido badan oo raandhiisle. Khudbadda maanta ee Ustaadku soo jeediyay waxa ay ku saabsanayd mawdduuc kuwaa hore xidhiidh la lahaa, wuxuu ahaa dhallinyarada iyo shaqada. Waxbadan ayuu iftiimiyay Ustaadku. Khudbaddu waqti badan ayay socotay, ma wada qori karnee, waxyar oo kooban ayaynu ka soo qaadan. Markii koowaad, waxa uu Ustaadku soo koobay muhiimadda ay shaqadu leedahay, iyo sida uu Islaamku u dhiirrigeliyay shaqaysashada, iyo Aayadaha Qur'aan ka ah ee ka warramaya arrintaa. Qur'aanku aad ayuu uga hadlaa shaqada iyo xoogsashada. Aayad Qur'aan ahi waxa ay ahayd ‘ Waxa aa...

Awoowgey Sh Maxammed C C Tukaale: Wadaad, Macallin, iyo Dhakhtar.

Image
Awawgay Sh. Maxammed C Cabdillaahi Tukaale, wuxuu ka mid ahaa wadaaddadii waxbarashada u dhuyaalay ee meelo badan u tagay, culimmo kala duwanna kala kulmay ee ka soo qaatay. Meelaha uu wax ka bartay waxaa ka mid ahaa; Addis’ababa, Herer, Jigjiga, Jabuuti IWM. Muddo hadda laga joogo sannado badan wuxuu macallin ka noqday magaalada Hargeysa. Ardey buu qabtay oo wax bari jiray. Sida uu dhawaan iiga warramay waxa ka mid ahaa ardeydaa Xildhibaan Cabdillaahi Balaak oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Soomaalilaan. Hadda Awoowo waa bare, Dabiib, Mufti, Imaam, odey, Nabaddoon, iyo Wadaad. Wuxuu   hage iyo hoggaan ba u yahay bulshada ku dhaqan Tuulooyinka Durya, Eegato, Dabarddullalay, Siyaarada, Eegato, Gobyarta Awnuurka, Caloolla, Qaaliga Albaase, Dhumucyare, Biciidlaa, Qorijabka IWM, oo dhammaan hoostaga Degmada Qabribayax ee Gobolka Faafan.   Wuxuu gacanta u qabtay oo uu Qur'aanka baray kumannaan qof. Wuxuu Qur'aanka xifdisiiyay kumannaan kale. Wuxuu waxbaray buls...